Sarkaal ka tirsan maamulka Jubbaland oo Kismaayo lagu dilay iyo baaritaano socdo

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dil xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska ee Jubbaland.

Sarkaalka ayaa lagu dilay bartamaha magaalada, gaar ahaan xili uu ku sugnaa goob gaadiidka lagu baaro oo ku taala bartamaha magaalada, waxaana la ogeyn cidda dilkaasi ka dambeysay.

Dilka kadib waxaa la sheegay kooxo bastoolado ku hubeysan oo falkaasi ka dambeeyay ay ka baxsadeen halka uu dilka ka dhacay, waxaana aad loola yaabay qaabka dadka dilka geystay ay u baxsadeen.

Ciidamada amaanka ayaa saaka baaritaano ka wada xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo, waxaana baaritaanka si gaar ah looga sameynayaa goobta uu falka dilka ah ka dhacay.

Habeen hore ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada iyaga oo dilay nabadoon si weyn u dhaliili jiray maamulka madaxweynaha Jubbaland.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta ka dambeysa amni darada kusoo kordhay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, xilli dhawaan la filayo inay doorasho ka dhacday magaaladaasi.

Ciidamada ayaa ilaa iyo hadda wada baaritaano kala duwan, mana jirto cid looso qabtay inay falalkaasi ka dambeeyeen.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com