Odayaasha Ogaadeen oo hanjabaad kasoo saaray jir dilki xildhibaan Faadumo

Wajeer (Caasimada Online) – Banaanbaxyo waaweyn ayaa ka dhacay magaalada Wajeer, kuwaasi oo looga soo horjeedo gacanqaad uu xildhibaan Rashiid ku sameeyay xildhibaanada laga soo doorto deegaankaasi.

Qaar kamid ah dadka kasoo jeeda beesha Xildhibaan Faadumo Geedi ayaa sheegay in amni daro ay keeneyso dhibaatadii xildhibaan Rashiid uu u geystay Xildhibaanadda, haddii dowladda Kenya aysan waxba ka qaban.

Waxay sidoo kale sheegeen in dowladda Kenya ay ka doonayaan inay si deg deg ah maxkamad usoo taagaan xildhibaanka jirdilka u geystay xidhibaan Faadumo oo isku deegaan laga soo doorto.

“Waxaan halkaan ka cadeyneynaa in arimahaa nagu soo laalaabtay haddii aan nahay beesha OGAADEEN aan u dulqaadaneyn, haddii ninkaa dhibka u geystay gabadha aan saldhiga lagu sii heyn inta la iskaaga imaanayo, arimahaasi amni xumi ayay keeneynaa, mana dooneyno”

“Guddoomiyaha gobolka iyo laamaha amaanka waxaan ka codsaneynaa in ninkaasi si deg deg ah maxkamad loosoo saaro, haddii aan la sameyna arimahaasi amni xumo ayay keeneysaa”ayuu yiri mid kamid ah dadka u hadlay beeshaasi.

Xiisadda ka dhalatay jirdilka Faadumo Geeddi ayaa ka taagan magaalada Wajeer, iyadoo dadka ay dhigayeen banaanbaxyo ay taayaro ku gubayeen.

Xiisadda ayaa sii xoogeysan karto, maadaama laba beelood ee ay kasoo kala jeedaan xildhibaanada ay wada dagaan magaalada Wajeer.

Hoos ka dhageyso codka odayaasha la hadlay warbaahinta.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com