Wararkii ugu dambeeyey ee odayaasha ka tegay Xamar ee ku sugan Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay u tageen dadaallo ku aadan sidii loo dhexdhexaadin lahaa Somaliland iyo SSC.

Odayaashan oo kasoo jeeda beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle ayaa waxaa hoggaaminaya Ugaas Maxamud Cali Ugaas oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya.

Ugu horreyn odayaasha ayaa booqday jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan goobahaya ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Ujeedka ayaa ahaa in ay indhahooda kusoo arkaan masaafada ay isku jiraan labada dhinac, una qiimeeyaan xaaladda ka jirta halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ergadan nabadeed ee ka baxday Muqdisho ay gudaha usii geli doonaan Laascaanood, si ay u kormeeraan magaaladaas oo bubur uu soo gaaray.

Sidoo kale waxay wadahadallo la yeelan doonaan Isimda dhaqanka SSC, ayada oo diirada lagu saarayo sidii loo sameyn lahaa xabad joojin, kadibna loo bilaabi lahaa wadahadal.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay labada dhinac ay ku dagaalameen duleedka Laascaanood, kaas oo sababay khasaare horleh.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, ayada oo weli ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan aagagii lagu dagaalamay ee duleedyada magaalada Laascaanood.

Si kastaba, waxaa horay dadaallo kuwaan lamid ah oo dhex-dhexaadin ah sameeyay dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya, balse ma jirto wax natiijo ah oo laga gaaray.