Odayaashii soo xulay BFS oo ka shiray sida laga yeelayo madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ku shirsan odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka, waxaana ay ka dooddayaan sidda laga yeelayo baaqa ka soo baxay qaar mid ah mudanayaasha baarlamaanka, kaasoo ku saleysnaa in uu iscasilo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Odayaashan oo ku shiraya xarunta Villa Sudan ee ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa la sheegayaa in ay isku khilaafsan yihiin sidda laga yeelayo baaqay xildhibaannada, qaar badan oo odayaasha ayaa soo jeediyay in ay saxan yihiin xildhibaannada oo loo baahan yahay in madaxweynaha is casilo maadama uu ku fashilmay wax yaabaha laga rabay in uu qabto labadii sanno ee la soo dhaafay.

Sidda qorshaha uu ahaa, odayaashan maanta ayaa la rabay in ay la hadlaan saxaafadda, iyagoona soo saari bayaan cad oo ku aadan go’aanka xildhibaannada balse khilaaf iyaga soo dhex galay ayaa saxaafadda loo sheegay in dib loo dhisay shirka jaraa’id saxaafaddana waa lakala diray.

Maxaa sabab u ah in odayaasha ay is khilaafaan?

Labo arrin ayaa sabab u ahayd in odayaasha ay isku khilaafaan, waa midda koowaad, waxaa jiray odayaal badan oo taageersanaa baaqa ka soo baxay xildhibaannada ku kacsan madaxweynaha kuwaasoo ku maqnaa Hargeysa balse maanta yimid markii looo shegeay in la taageeray madaxweynaha.

Arrinta labaad ee jirta waxa weeye iydoo odayaasha qaar badan ay la kulmayaan cadaadis ka imaanaya dhinaca madaxweynaah iyo xittaa xildhibaannada ay soo doortayn.

La arki doonee waxa ka soo baxa odayaasha ku shirsan Muqdisho ee ka dooddaya baaqa ka soo baxay xildhibaannada baarlamaanka ee ku aadan in uu madaxweynaaha Is-casilo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com