FAROOLE oo wixii aamusanaadaba ka hadlay arrimo xasaasi & hal arrin oo…

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynihii horre ee maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxammuud Faraale, ayaa beesha caalamka u sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jirro in dalka oo dhan laga hirgaliyo nidaalka fedaraalka sidda uu yiri.

Faroole oo lagu casuumay in uu Jaamacadda Rome (3) ku ee dalka Talyaaniga,ayaa ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, isagoona sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jirro kaliya nidaamka fedaraalka.

Axmed Faarax Idaajaa oo ka mid ah aqoonyahannada lagu casuumay munaasabadaas, ayaa VOA-da u sheegay in goobta ka sheegay in Soomaaliya aaney xal ugu jirin nidaama fedaraalka oo ah mid dibedda looga keenay.

“”Anniga waxaan goobta ka sheegay in Soomaaliya aaney xal ugu jirin nidaamka fedaraalka, oo ah mid dibadda looga keenay, laakin waxaan iri waan aaminsanahay in maamul hoosyada in loo madax baneeyo cid kasta,laakin madaxweynihii horre ee Puntland Faroole, oo isaga ka mid ah dadka aaminsan mab da’a fedaralka ayaa goobta ka sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jirro fedaraal oo xittaa Somaliland siddaas ayaa dib loogu celin karaa” ayuu yiri Idaajaa oo ah qoraa Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay oo kale Idaajaa, in beesha caalamka ee goobta joogtay aad u dhexeyn khudbadaha goobta laga soo jeediyay ee ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya.

Faroole ayaa ka mid ahaa dadkii u ololeeyay in Soomaaliya laga hirgaliyo nidaamka fedaraalka oo hadda la dhihi karo Soomaalida wuxuu u horseeday dhib kale iyo colaad hor leh.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Roma

Caasimada@live.com