Danjire America oo bixiyey xog cusub oo ku saabsan xirirka Somalia & Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Sida uu qoray wargeyska Christian Science Monitor, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya aaney waxbo soo kordhineynin joogitaankoodana uu faa’ido u lahayn Soomaalida.

Siddaas waxaa yiri danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), wuxuu kaloo shegeay in xiriirka ka dhaxeeyay dowladaha Kenya iyo Somalia uusan xilligan ahayn mid wanaagsan sidaas darteedna uusan arag sabab ciidanka Kenya ay usii joogaan gudaha Somalia iyagoo wata magac nabad ilaalineed.

” Ma jirto wax xiriir ah oo ka dhexeeya labada waddan…Uma arki in ciidanka Kenya in ay u soo joogaan dalka iyagoo wata magac nabad ilaalineed,” sidaas waxaa yiri danjire Maxamed Cali Ameeiko.

Ma cadda wax yaabaha ku kalifay in uu sheego danjire Ameeriko oo shaley uun dib ugu laabtay Nairobi kaddib markii labo toddobaad ka hor ay u yeertay dowladda Soomaaliya, iyadoo markaas jawaab ka dhigeysa xariggii diplomaasi ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Nairobi.

Danjiraha wuxuu shaley saxaafadda u sheegay in dowladda Kenya ay raalli galin ka bixisay xarigii qunsulkii safaaradda.

Si kastaba, hadalka safiirka wuxuu muujinayaa in xiriirka Kenya iyo dowladda Soomaaliya uu xilligan yahay mid aad u xun.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com