SAWIRRO: Kenya oo qorshe cusub soo dejisay kadib markii ay ku fashilantay isku daygii qunsuliyadda KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo sanadihii ugu danbeeyay si weyn faraha ugula jirtay arrimaha Gudaha Somalia ayaa waxaay keentay qorshe cusub kadib markii u fashilmay qorshihii ay Qunsuliyad aan lagu wargalin dowlafda somalia uga furan lahayd Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Qorshaha Cusub ee Kenya hada la timid ayaa waxaa uu yahay in Kenya ay Isticmaasho Magaca Urur Goboleedka IGAD oo asagu sanadihii ugu danbeyay noqday urur ay ku qarabtaan Kenya iyo Ethiopia.

af1Maalmo ka hor waxaa Magaalada Kismaayo soo gaaray Wafdi la sheegay in ay IGAD yihiin balse ahaa 4 Diplomacy oo Kenyan ah oo 3 ka mid ah ay ahayeen xubnihii horay Magaalada Kismaayo u soo booqday ayago ku socda Magaca Qunsuliyada Kenya ee Kismaayo halka mid u ahaa Maxamed Cabdi Afeey oo asaguna Kenyan ah balse urur Goboleedka IGAD u qabilsan arrimaha Somalia, waxaana jiray xubin shanaad oo ka socday waddanka Ethiopia.

Sida ilo xog ogaal ah ay ino xaqiijiyeen Kenya ayaa Xafiis ka furatay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo waxaana Xafiskaasi u noqonaya mid labo waji loogu shaqeeyo.

af21- Xafiiskan ayaa waxaa uu ku furan yahay Magaca Urur Goboleedka IGAD waxana waqtiyada ay wufuuda IGAD timaado Kismaayo lagu soo dhaweyn doona xafiskaan.

2- Marka laga soo tago waqtiga koobaan ee wufuuda IGAD ay ku sugan yihiin Kismaayo waxaa inta kala Xafiiskaan ku shaqaysan doona wakiilo ay Kenya u soo magacaabatay Kismaayo kuwaas oo iskugu jira Diplomasiyiin iyo xubno ka socda Sirdoonka Waddanka Kenya.

Ujeedada ugu badan ee Xafiiskaani ay Kenya ka leedahay ayaa waxaa lagu sheegay in Xafiiskani uu diyaariyo in shan sano ka dib Gobollada Jubboyinka loo diyaariyo in siyaasad ahaan ay ka go’aan Soomaaliya.

af3Waxaa is-weydiin mudan sababta IGAD xafiis uga furaneyso Kismaayo, haddii uusan ahayn qorshe Kenya. Maxaa xafiiska IGAD diiday in laga furo Muqdisho, illeen ayadaa caasimadii Soomaaliya ah’e.

Dowlada Somalia ayaa ka jiifta qorsheyaasha ay Kenya ku damac santahay in qayb ka mid ah waddanka Somalia lagu dhigo kuwo siyaasad ahaan qeyb ka ah Kenya.

Isha: Kismaayo24