Odinga oo caddeeyey haddii uu mar 5-aad isku sharxayo madaxweyne iyo haddii kale

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga rug cadaaga ah ee Kenya Raila Odinga ayaa Jimcihii ku dhowaaqay inuu markii shanaad u tartami doono xilka madaxweynaha ee doorashada dhaceysa sanadka dambe, kadib bilooyin uu aamusnaa oo laga sugayey mowqif. 

Ku dhowaaqista Odinga oo 76 jir, sanado bandanna ahaa wejiga mucaaradka Kenya, ayaa timid ayada oo ay jirtay xan ku saabsan inuu madaxweyne Uhuru Kenyatta la galay heshiis uu ku xaqiijinayo inuu xilka ugu sarreeya dalka helo. 

“Waxaan halkan ku aqbalayaa inaan noqdo musharax madaxweyne ee doorashada dhaceysa 9-ka August 2022,” ayuu ku dhowaaqay Odinga, isaga oo intaas ku daray inay ka go’an tahay inuu dhiso “Kenya dimoqraadi ah oo horumarsan.” 

Odinka oo mar soo noqday ra’iisul wasaare, islamarkaana lagu naaneyso “Baba” ayaa weli ah shaqsi can ka ah siyaasadda Kenya, inkasta oo uu afar mar ku guul-darreystay doorashooyin madaxweyne, 1997, 2007, 2013 iyo 2017.

Hase yeeshee sumcadda Odinga ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray heshiis qarsoodi ah oo la rumeysan yahay inuu la galay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Labada hoggaamiye ayaa isku dayey in la ballaariyo awoodaha fulinta ayada oo isbeddel lagu sameynayo dastuurka, lana soo kordhinayo xilka ra’iisul wasaaraha si uu Uhuru u noqdo, halka Odinga uu qaadan lahaa xilka madaxweynaha.

Hase yeeshee qorshahaas oo loogu magac daray BBI ayaa waxaa ku gacan seertay maxkamadda sare ee Kenya. 

Odinga ayaa loolan adag la geli doona madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto oo 54 jir ah. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii