QM oo warbixin cusub kasoo saartay xaaladda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda caruurta UNICEF ee Qaramada Midoobay ayaa warbixin cusub ka soo saartay xaaladda adag ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada ee ka dhashay abaaraha markale ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.

UNICEF ayaa shaaca ka qaaday in illaa 2.6 Milyan ay haatan u baahan yihiin gurad deg-deg ah, kuwaas oo wajahaya biyo yari ka dhalatay abaarta ka jirta gudaha Soomaaliya.

Sanduuqa caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dhibaatooyinkan ay ka dhalan karaan cudurro iyo nafaqo darro baahsan.

“Biyo yarida waxa ay ka dhalatay abaarta, haddii aan gurmad degdeg ah la helo dadka ayaa isaga barakacaya deegaannadooda, waxaa halkaas ka dhalan kara Shuban, Nafaqo darro & cudurro kale oo saameeya inta badan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka UNICEF.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in gobollada ugu daran ee ay xaaladaha ka jiraan ay ka mid yihiin Gedo, Bay, Bakool, Jubbada Hoose, Galgaduud, Mudug, Hiiraan iyo qaybo ka mid ah Bari, Nugaal, Sanaag iyo Togdheer oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay hay’addu intaasi ku dartay, haddii aan la qaadin tallaabo deg-deg ah inay kasii dari doonto xaaladda haatan taagan.

“Haddii aan si degdeg ah kor loogu qaadin adeegyada fayadhowrka iyo nadaafadda, in ka badan 3 milyan oo qof ayaa baahi weyn u baahan doona dhammaadka Maarso 2022 mana heli doonaan ugu yaraan biyaha looga baahan yahay maalin kasta 45L qoyskiiba,” ayey raacisay.

Soomaaliya oo haatan ku jirto marxalad doorasho ayaa dhinaca kale wajaheyso xaalado ka dhashay abaaraha ka jira qeybo ka mida dalka iyo fatahaado ku dhuftay deegaanada qaar.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii