Odowaa: “Farmaajo wuxuu isku haysta inuu kursiga leeyahay oo loo shaqeeyo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Odowaa, xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran, oo ahna mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa markale ka hadlay arrimaha doorashooyinka oo xiisad hor leh ka dhaliyay dalka.

Xoghayaha ayaa sheegay inuu madaxweyne Farmaajo isa-siiyey kursiga, xili la fahamsan yahay inuu dhawaan daaqada ka saaray ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale waxa uu xusay in madaxweyne Farmaajo uu si cad u baal-maray nidaamka dimquraadiga ah, maadama uu u haysto in isaga keligii loo shaqeeyo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Odowaa ayaa waxa kale oo uu sheegay in gebi ahaanba uu lumay isla xisaabtankii dowladdu, isagoona carabaabay in xukuumaddii Kheyre ay daaqada uga baxday arrintaasi oo horseeday  khilaaf hor leh.

“Xasan Cali Kheyre wuxuu u qaatay in Farmaajo kursiga sadaqo ku siiyey, Farmaajana wuxuu u qaatay kursiga in uu isagu leeyahay oo loo shaqeeyo, niyow dimuqraadiyaddu sidaas maahan” ayuu yiri Xoghaye Odowaa.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Xisaabinta ayaa ka maqan, waxay sameeyeen baarlamaankii, waa la gaday oo nus wasiira laga dhigay, nusna mushahar baa loo qoray, guddoonkii waa lala diriray, wixii waa la kala haatiyey, waxaa xumaadey isla xisaabtankii, markii dambe iyagaaba is-cunay”.

Odowaa ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii sida weyn u taageeray xil ka qaadistii Kheyre oo ay horseed u aheyd khilaafkii doorashooyinka ee soo kala dhex-galay Farmaajo, inkasta oo uu sheegay inuu kasoo horjeedo aragtida Villa Somalia ee ay isku qabteen Kheyre ee muddo kororsiga.