26.4 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Odowaa oo shaaciyey farqi u dhaxeeya doorashadii laga diiday Farmaajo iyo tan Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa, oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa u jawaabay mucaaradka, isagoo is barbar dhigay shaqada hadda socota ee doorashada iyo tii hore ee uu Farmaajo ka fashilmay.

Mucaaradka ayaa maalmihii lasoo dhaafay adeegsanayey muuqaal laga duubay Odowaa xilligii uu xilka hayey Farmaajo, kaasoo uu ku sheegay “Dalkaan doorasho qof iyo cod ah kama dhici karto,” isagoo sabab uga dhigay marxaladdii xilligaas jirtay.

Isagoo u jawaabaya mucaaradka, ayuu Odowaa sheegay in xilligaas aysan jirin wax shaqo ah oo socotay, balse hadda ay socoto shaqo xoog leh, taasoo uu qodobeeyey. Wuxuuna yiri: “Mucaaradkii aniga warkeyga ayey ka maarmi waayeen oo war u dhigma ma aysan soo dhihin.”

Odowaa ayaa si cad u sheegay in dalka hadda u diyaarsan yahay in doorasho qof iyo cod ah laga qabto, isagoo soo bandhigay tallaabooyinka ay dowladda qaaday ee u fududeynaya qabsoomidda doorashada:

1- Waxaa la sameeyey diiwaangelintii dadweynaha.
2- Guddigii doorashada waa la dhisay.
3- Ururradii doorashada ka qeyb geli lahaa waa la diiwaangeliyey.
4- Waxaa la asteeyey goobihii lagu qaban lahaa doorashada.

“Intaas waxay ugu muhiimsanaayeen qodobadii aan ka rabnay dowladdii hore inay ka shaqeyso,” ayuu yiri Odowaa.

Wuxuu sheegay in iyadoo shaqo intaas le’eg ay socoto, ay haddana dowladda mucaaradka la jirto wadahadal ku saabsan sidii doorashada loogu wada qanci lahaa, isla markaana qodobada ay dhibsadeen mucaaradka looga qanci lahaa.

“Waxaan madaxweynaha ku dhiirrigelineynaa in wadahadalkaas uu sii wado. Madaxda mucaaradkana waxaan ugu baaqeynaa in Soomaaliya oo doorasho qof iyo cod ah laga qabto ay guul u tahay qof kasta oo naga mid ah,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa, Xoghayaha Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo:

- Advertisement -

Read more

Local News