Odowaa oo soo bandhigay 5 dhacdo oo muujinaya in Farmaajo uu shacabka u cuburinayo ciidanka Itoobiya

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Musharraxa madaxweynaha Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ka hadlay ciidamo Itoobiyaan ah oo dhowaan la geeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Odowaa oo war qoraal ah soo saaray ayaa si gaar ah ugu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo sheegay in ciidamada dowladdiisu geysay magaaladaasi aysan cabsi galin doonin, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedada ciidamada Itoobiya loo geeyey Dhuusamareeb ay tahay in lagu boobo dooorashada dhowaan ka dhaceysa gudaha degmadaasi.

Halkan hoose ka aqriso:

Madaxweyne Farmaajo iyo ciidamada Ethopia

Madaxweynaha markii uu doorashada raadinaayay wax ugu wayn ee uu ku soo ganbaday waxa ay aheyd inuu wax ka qabanayo faragalinta Ethopia ay Soomaliya ku hayso.

Madaxweynuhu maba daahin ee markuu xilka qabsadayba waxa uu si aan xishood laheyn u billaabay in uu dadka Soomaliyeed ku cabburiyo ciidamada dowladda Ethopia.

Dhacdooyinka soo socda ayaa marqaati u ah xogtaan hoos ku xusan:

  1. Waxa uu 2017, asaga oon xilka sanad hayn, dalka Ethopia u gacan galiyay Mujaahid Qalbi-dhagax, isla markaana ONLF ku tilmaamay ururu argagixiso. Soomali badan oo aan ka mid ahaa iyo barlamaanka Soomaaliya haddi aysan ka dhiidhi lahayn, waxay maanta nagu wada ahaan lahayd ceeb qaran, balse waxay hadda ku kooban tahay asaga iyo kooxdii la ogeyd.
  2. Waxa uu 2018 ku afduubay doorashadii Koonfur Galbeed, laguna xasuuqay dad badan oo reer Baydhaba ah oo dalbanaayay xuquuqdooda dastuuriga ah. Sidaa si la mid ah ayaa ciidamada Ethopian ka ahi ugu soo afduubeen Mukhtaar Roobow oo illaa hadda aan sharciga la hor keenin.
  3. Waxa uu isku dayay in uu ku weeraro Kismaayo ciidan Ethiopian ah si ay ugu soo afdubaan Madaxweyne Axmed Madoobe, laakin Madoobe oo ka khibrad badan kooxda Farmaajo ayaa xiray airport ka Kismaayo, kuna jaray baabur jidka ay diyaaraddu ku dagato, sidaas ayayna ciidamadii uu madaxweynuhu soo kireystay ku fashilmeen.
  4. Waxaa hadda ka socda deegaannada Gedo afduub iyo caga jugleyn ay u gaysnayaan ciidamada Ethiopia cid kasta oo Madaxweynaha ka ra’ayi duwan oo joogta deegaannadaas ama tageersan Madaxweyne Madoobe.
  5. Waxaa ugu danbeeya kuwa uu hadda ku sii daabulayo Dhuusamarreeb si uu ugu boobaan doorashooyinka Galmudug una soo afduubaan musharraxiinta kasoo horjeeda aragtidooda, illeen ma aaminsana in si xor iyo xalaal ah nooga adkaan karo.

Haddaba waxaan xasuusinayaa Madaxweynaha filimkaas hore ayaan usoo galnay waxa uuna ku dhamaaday ciidamadii Ethopia oo dhammaa 50 kun oo dhaawac iyo dhimasho sita oo ka qulqulay dalkeenna.

Mudane Madaxweyne waxaa Youtube-yada ka buuuxa warkaagii shalay, dhaqankaaga maantana cid walba waa arkayasaa, waxaan kuugula talin lahaa inaad is daba qabato, nama cabsi galinayaan ciidamada aad Dhuusamreeb ku sii daabulayso, dadka reer Galmudug na ma aha kuwa baqdin galinta wax looga helo.