Ogow sirta ku daboolan Map-ka Afrikada cusub ee Itoobiya ay soo saartay

Qoraalkan & Naqshadan hoose ee Maabka “Map” Afrikada cusub “New Africa”, ee lagu Daabacay Bogga Wasaarada Arimaha Dibada ee Dalka Itoobiya wuxuu cadaynaya Qaabka loo Qorsheeyey Mustaqbalka dhow ee Maabka Afrikada Cusub.

Waxaa Xaqiiqo ah in Qorshahani yahay mid in ka badan 60 Sano daraasaad lagu samaynayey, balse la sii dardar-geliyey 30kii Sano ee ugu dambaysay. Hadaad Akhriste u haysatid waxaan dhici karin, waxaad u Baahan tahay inaad fiiriso Qodobadan Hoose.

Maxaa Cadayn u ah:

. Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter ayaa yidhi “Ma dhacayso in 100-Milyan Bad la’aan ahaato halka 10-Milyani haystaan Badda Labaad ee Africa ugu dheer 3330 Km2”

. Waxaa Xoojiyey Hadalka Madaxweynaha Wakiilkii Africa u qaabilsanayd Maraykanka Mrs Jandayi Frazer oo iyaduna mar labaad hadalkaas ku celisay.

. Ku dhawaaqistii Xuseen Caydiid oo ahaa Wasiirkii Arimaha Gudaha Soomaaliya in Itoobiya & Soomaaliya la isu furayo oo ay yeelanayaan Passport isku mid ah.

. Ku dhawaaqidii Abiya Ahmed ee In Somaliya & Itoobiya isku dal Keliya yihiin.

. Qabsashadii Itoobiya ee Soomaaliya 2007, oo ay Caasimadii & Madaxtooyadiiba Qabsadeen.

. Xafiisyada Maamul & Siyaasadeed ee Itoobiya uga furan Maamul walba oo Soomaaliyi Samaysatay.

. Heshiisyada is-dhexgal ee ay la gashay Itoobiya Maamulada Soomaalida iyo Xukuumada Federalka ahba.

. Rugaha Waxbarasho & Caafimaad ee Itoobiya ka Furatay Gobol walba oo Soomaali ah.

. Samaysashada Maraakiib Ciidan & Ganacsi iyagoon Bad lahayn.

. Samaysashada Ciidan Badeed Xoogan.

. Ogolaanshaha inay Maamulaan Amniga Baddaha Soomaalida.

. La wareegida Hogaaminta Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.

. Ku-soo Qulqulka Shacabka Itoobiya ee Gobolada Soomaalida oo aad u sii badanaya.

. La Wareegida Ganacsiyadii yaryaraa ee dhamaanba Gobolada Soomaalida.

. La wareegida dhamaanba Waardiyayaasha Guryaha iyo Xafiisyada Gobolada Soomaalida.

. Isticmaalka Gaadiidka Itoobiya si Xor ah oo Cashuur la’aan ah dhamaan Jidadka Gobolada Soomaalida.

. Isticmaalka Dekedaha Soomaalida si Cashuur la’aan ah iyo Baadhis la’aan waxa uga soo dega.

. Kenya oo Sheegatay Maamulka iyo Lahaanshaha Kismaayo.

. Kenya oo Sheegatay Qaybo ka mid ah Badda Soomaalida.

. Ku dhawaaqida Madaxweynaha Ugaanda in Dal Soomaaliya la yidhaahdaa Jirin.

Ku dhawaaqida Madaxweynaha Eritrea ee In Dalkii Soomaaliya Burburay oo aysan jirin Wax Soomaali la yidhaahdo.

Intani waa Qaybo aad u yar oo ka mid ah xogta dhabta ah ee Map–kani Xambaarsan yahay.

“Doqonta Usha agteeda ku dhufo, Haduu Dareemi waayona Korkiisa ku dhufo”.

Waa in arintan Soomaalidu meel adag ka istaagtaa, oo Itoobiya ugala garnaqsataa si adag.

Mahadsanidin
W/Q: Qaasim Saleeban