Aqri: Magacyada maxaabiista Puntland looga qabsaday dagaalka TUKARAQ ee ay Somaliland cafiska u fidisey

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta si rasmiya u shaacisay inay sii deysay maxaabiis ay dagaalkii Tukaraq kaga soo qabsadeen Puntland.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo warbaahinta kula hadlayey Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu cafis u fidiyay 14-Maxbuus oo lagu qabtay Dagaalkii Tukaraq.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland ay mudnaan weyn siineyso amniga iyo nabad ayna ka go’antahay ahmiyada weyn ee nabad-gelyadu leedahay.

Waxa sidoo kale Afhayeenku Madaxtooyadu sheegay inay Somaliland u aragto shaqaaqooyinka Puntland ay ka wado deeganada Tukaraq inuu hurinayo maamulka Xamar ee Madaxweyne Farmaajo.

Afhayeenka ayaa waxa kale oo uu Maamulka Farmaajo ku eedeyay xaaladaha amni-daro ee ka holcaya Galmudug, Hirshabeele iyo Muqdisho, isagoona sheegay in Madaxweynuhu uu ka dabada ka riixayo colaad iyo cadaawada maamuladaas.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Afhayeenku in Somaliland rabto inay nabad-gelyo kula noolato xadka kaliya ee Soomaliya la leedahay ee Puntland, isagoona sheegay in xukuumada Biixi ay diyaar u tahy wixii khilaaf ka dhaca xadka in lagu xaliyo nabad iyo is-afgarad buuxa.

Halkan hoos ka akhriso magacyada Maxaabiista ay Somaliland si deysay:

1: Cabdi Naasir Cismaan Cali

2: Cabdi Nuur Maxamed Cabdulle.

3: Maxamed Saciid Yuusuf

4: Cali Faarax Aadan

5: Maxamed Cabdi ceynab

6: Cabdi Xaafid Cabdullaahi Xalane

7: Xuseen Siciid Warsame

8: Cabdi Naasir Maxamed Nuur

9: Maxamed Abshir Aadan

10: Ibraahim Xasan Salaad

11: Axmed Maxamed Axmed

12: Siciid Ducaale Cali

13: Mahad Nuur Cali

14: Faarax Maxamed Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com