Geneva (Caasimada Online) – La-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha Golaha Maxkamadda Danbiyada ee ICC Mahad Ahmed Hajji ayaa xafiiskiisa kulan kula aatay mas’uulka ugu sareeya hay’adda xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo OHCHR mudane Turk Volker.
Labada mas’uul ayaa kawada hadlay horumarinta iyo wax ka abashada isla xisaabtanka danbiyada sababa dagaalka iyo sidii loola xisaabtami lahaa kuwa ka dambeeya oo cadaaladda loo hor keeni lahaa.
Mudane Turk Volker ayaa Ambassador Mahad Xaaji la wadaagay sida ay muhiim ugu tahay Qaramada Midoobay iney baarto tacadiyadda ka dhacay Soomaaliya oo qaarkood dhawaan ay dhaceyn iyo sidii loo soo qaban lahaa shaqsiyaadka ka dambeeya.
Ambassador Mahad ayaa u sheegay madaxda hay’adda xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay ka dhacaan tacadiyo kala duwan oo la isla xisaabtamin wuxuuna tusaale u soo qaatay kiiskii Ikraan Tahliil oo wali rag iyo ruux aan lagu heynin.
Ambassador Mahad ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in cadaalada iyo isla xisaabtanka ay tahey mid Muhiimad gaarka ah u leh ka hor tagga dambiyo dagaal oo dhaca.