Columbus (Caasimada Online) – Sanad ka hor, waxaa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ka dhacay dibad baxyo looga soo horjeeday madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay dhigeen beelo ay isku diidanaayeen siyaasad.
Waxaa beelahaas ka mid ah kuwa la abtirsada hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe iyo kuwa kasoo jeeda deegaanada Puntland, oo doonayey in dowladdu ay aqoonsato maamulkii Jubaland.
Maanta xaaladda sidaas waa ay ka duwan tahay, waxaana labadaas dhinac ay kala aadeen laba jiho oo kala duwan.
Waxaa shalay magaalada Minneapolis ka baxay laba koox oo kasoo kala jeeda isla labadaas beel, ayaga oo tagay magaalada Columbus ee gobolka Ohio, halkaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh lagu wado inuu maanta kula hadlo Soomaalida.
Xubanha la abtirsada Axmed Madoobe, waxa ay Ohio u tageen inay soo dhoweeyaan oo ay dibad bax ku taageeraan madaxweynaha, halka kuwa kasoo jeeda Puntland ay dibad bax mucaarad ah dhigi doonaan.
Kuwa hore ayaa ku faraxsan in dowladda iyo Jubba ay xal gaareen, islamarkaana la aqoonsaday maamulkii, taasi oo soo afjartay arrintii muddada cakirneyd, halka kuwa dambena ay weli mucaaradsan yihiin dowladda, maadaama markii horeba aysan jirin sabab cad oo ay ku diideen.
Waxa ay tani ku tuseysaa siyaasadda Soomaalida ee ku dhisan in qof walba marka uu waayo sida uu jecel yahay uu mucaarad noqday.
Dhinaca kale dad ayagana kasoo horjeeda heshiiskii dowladda iyo Jubba, ayaa laga yaabaa inay ku biiraan dibad baxa, inkasta oo inta badan Soomaalida Mareykanka ay isku diyaarinayaan inay kalgaceyl kusoo dhoweeyaan madaxweynaha Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Columbus
[email protected]

