Ololaha doorashada Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka oo si xooli ah uga socda Muqdisho (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho si xooli ah uga socda dadaalada loogu jiro diyaarinta shaqsiyaadka ku loolami lahaa Kursiga uu iska casilay Guddoomiyihii baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Shaqsiyaadka u taagan Kursiga uu iska casilay Jawaari ayaa ololahooda ka dhexwada Hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho iyo goobaha amaanka ah oo ay degan yihiin Xildhibaanada qaar.

Musharaxiinta oo ay tiradooda sii kordheyso ayaa waxa uu mid waliba wataa qorshooyin ugaara oo ay ku kasbanayaan Xildhibaanada la filaayo inay codeyn doonaan.

Musharaxiinta ugu miisaanka culus ayaa ilaa iyo hadda gaaraya Seddex Musharax oo la orankaro taageero ayey ku dhex leeyihiin baarlamaanka, halka Xildhibaanda kale ay yihiin kuwo doonaaya inay ka dhex muuqdan Taariikhda.

Musharaxiinta ololaha wada qaarkood ayaa taageero ka helaaya Madaxda ugu sareysa dalka waxaana la saadaalinayaa in guusha ay raaci doonto cida ay wadato Madaxda.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada Kursiga uu iska casilay Jawaari ayaa waxaa ka harsan maalmo kooban, waxaana lagu wadaa in maalmahaasi ka hor lasoo dhameystiri shuruudaha doorashada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com