Hooyada madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush oo geeriyootay

Xaaska madaxweynihii hore ee Mareykanka George Bush ayaa geeriyootay iyada oo da’deedu tahay 92 sano.

Barbara Bush oo sidoo kale ahayd hooyada George W Bush ayaa ahayd haweeneyda keliya ee nasiibka u yeelatay in ay aragto ninkeeda iyo wiilkeeda oo madaxweyne ka ah Mareykanka.

Haweeneydan ayaa in muddo ah xanuun sanayd, waxaana dhammaadkii usbuucii tegay ay sheegtay in mar dambe aysan dawo u baahnayn.

Barbara Bush ayaa muddadii uu seygeeda ahaa madaxweynaha Mareykanka waxa ay aasaastay hay’ad qoysaska dan yarta ah ee ku nool Mareykanka ka caawisa waxbarashada.

Waxa ay sidoo kale si weyn uga soo horjeesaday faquuqa, iyadoo marar badan arrinta dumarka carruurta iska soo rid aka qaadatay mowqif ka duwan kan taageerayaasha seygeeda ee ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga.