Dhageyso: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka digay Bandhig faneed lagu qabanayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta digniin ka soo saaray Bandhig Faneedyo lagu wado in dhawaan lagu qabto magaalada Muqdisho waxayna fariin u direen Shacabka Muqdisho.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay Bandhig faneed 20-ka Bishaan ka dhacaya Muqdisho kaas oo ay qaban doonto Fanaanadda Kiin Jaamac oo shalay ka soo degtay Garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa masuuliyiin ka tirsan Dowladda ku dhaliilay in muqdisho ku soo dhaweeyeen kiin Jaamac Muqdisho si ay u qabato Bandhig faneed waxa uuna ku tilmaamay dambi iyo khalad weyn oo shacabka loo hor kacayo.

Waxaa uu sheegay in ay dowladda Soomaaliya ay ugu baaqayaan in wax laga qabto joojinta Bandhigaasi, waxaana uu ugu baaqay dhalinyarada in aysan ka qeyb galin.

“Hay’adda Culimadda waxay caddeynaysaa in kuwa waxaas abaabulaya ay yihiin kuwa halis ku ah diinta iyo dalka, fidinaya, fisqi iyo fuxshi, Umadda iyo naftoodaba u horseedaya halaag aduun iyo Cadaab aakhiro.” Ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen Culimadda Somaliyed.

ikastaba Fanaaniin ka yimid dalka dibadiisa ayaa haatan muqdisho ka wada abaabul ku saabsan sidii ay u qaban lahaayeen bandhig Faneed lagu galaayo qarash,waxana fanaaniintaas ka mid ah King Jaamac Yare oo shalay soo gaartay Magaalada Muqdisho dhawaana Bandhig Faneed ku qabatay Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Culumada

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com