Wasiirka Difaaca oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa maanta ku dhawaaqay in u musharrax u yahay xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya.

Shirka Jaraa’id ee uu kaga dhawaaqayay Musharraxnimadiisa ayuu ka sheegay in uu sii wadayo howsha Guddoonka golaha shacabka haddii uu ku guuleysto.

Waxaa uu amaanay Guddoomihii hore ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo uu sheegay in uu meel wanaagsan gaarsiiyay Golaha shacabka isaguna uu halkaas ka sii wadayo.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Baarlamaanka Federaalka ayuu ka dalbaday in ay codkooda siiyaan si uu ugu guuleysto xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu sheegay inuu leeyahay khibradeeda, kana soo bixi karo waajibaadka saaran, maadaama hada ay jirto Dowlad leh Hay’adaheeda Dastuuriga ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa asna shalay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Maxamed Mursal waxaa lagu tuhmayaa in uu yahay Musharrax ay Xukuumadda wadato islamarkaana dooneyso in uu isagu beddelo guddoomiyihii xilkan iska casilay ee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com