Qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada oo looga yeeray dalka Imaaraadka iyo qorshaha oo la ogaaday

Abu Dubai (Caasimadda Online) –  Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay casuumaa u soo dirtay qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Arrintan ayaa qeyb ka ah tallaabooyn is xig-xigay oo Imaaraadku qaatay kadib markii uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya markii ciidamada ammaanka ay garoonka Muqdisho ku qabteen lacag u socotay safaaradda Imaaraadka Carabta 8-dii April 2018.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo maamulkiisu heshiisyo amni iyo kuwo dhaqaale kula jiro Imaaraadka ayaa la sheegay inuu dhowaan tegi doono Abu Dhabi, waxaana sidoo kale casuumaad la mida lagu wadaa inay Imaaraadka ku tagaan madaxweynayaasha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Imaaradka ayaa ku dhaqaaqay tallaabooyin ay ka mid yihiin; inuu joojiyey tababarki iyo taageeradii ciidamada Soomaaliya iyo inuu joojiyey shaqadii Isbitaalka Sheekh Zaid ee magaalada Muqdisho, waxaana laga cabsi qabaa tallaabooyin cusub inuu qaado.

Waxaa dhowaan gaaray Imaaraadka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaana hore uu sugnaa ra’iisal wasaarihi hore Cumar C/rashiid oo ka mida la-taliyeyaasha xukuumadda Abu Dhabi.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu wadahadal u furmay labada dowladood isla markaasna la filayo inay dowladda Soomaaliya raaligelin ka bixiso lacagtii lagu qabtay garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com