Maxay khadka Teleefanka uga wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & C/fitaax Al-Sisi?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Masar C/fitaax Al-Sisi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Al-Sisi kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saleysnaa xiriirka labada dal, waxa uuna qasdiga xiriirka ahaa sida uu Farmaajo ugu hambalyeyn lahaa Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi.

Farmaajo ayaa Al-Sisi ku amaanay sida ay dowladiisa Masar u garabtaagan tahay Somalia, waxa uuna carab dhabay in Somalia ay ka faa’iideysan doonto taageerada kaga imaaneysa Masar.

Farmaajo wuxuu caddeeyay in soo laabashadiisu ay gacan weyn ka gaysanayso sii xoojinta xiriirkii adkaa ee ka dhaxeeyay labada dale e Somalia iyo Masar.

Farmaajo waxa uu Al-Sisi u xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Somalia ay sii adkeynayso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, wuxuuna sheegay inuu ka rajeynayo hormar intaas ka buuran.

Al-Sisi ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay xiriirka walaaltinimo ay u muujisay Somalia, waxa uuna dhankiisa ka sheegay in Masar ay laba jibaari doonto xiriirka Somalia.

Al-Sisi ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ku amaanay guulaha la taaban karo oo ay Dowladda Federaalku ku tallaabsatay bilihii lasoo dhaafay.

Labada Madaxweyne ayaa si gaara uga wada hadlay arrimo gaara oo aysan soo xigan saxaafada waxaana kamid ahaa sida Somalia looga caawin lahaa dhanka ciidamada, waxaana dalabkaasi soo dhaweeyay Al-Sisi.

Dhinaca kale, Dowlada Masar ayaa kamid ah dowladaha garabka siiya Somalia, waxa uuna xiriirka labada dowladood gaarayaa heerkii ugu sareeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com