Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha magaalada Kismaayo oo la shaaciyay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa daboolka ka qaaday in maalmaha nagu soo fool leh la guda galaayo dib u dhiska magaalada Kismaayo.

Wasaaradaha qorsheynta iyo howlaha guud ee dowladda dhexe ayaa soo bandhigay qorshey ay doonayaa in dib u dhis loogu sameeyo Kismaayo, kaa oo uu maalgelin doono Bangiga Adduunka.

Wasaarada ayaa tilmaantay in dhismaha magaalada Kismaayo ay albaabada u furi doonto qorshayaal kale oo la doonaayo in lagu hormariyo caasimahada maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada iyo Hoggaamiyr ku-xigeenka 1-aad ee maamulka Jubbaland Max’uud Sayid Aadan, ayaa si wada jira u sheegay in mashruuca dhismaha ay ku bixi doonto in ka badan 11 Milyan oo Doollar.

Waxa ay sheegen in dhaqaalahaasi ay si kaamil ah ugu filnaan doonto dhismaha magaalada Kismaayo, waxa ayna dhankooda ka ballanqaaden inay dardar galin doonaan dhammaan dhinacyada kale ee howsha dhismaha.

Sidoo kale, waxaa wax laga qaban doonaa dhinacyada nadaafadda, dhismaha biyo Mareenno iyo wadooyinka Laami ah, sidoo kale xaafadaha magaalada looga hirgelin doono Nalal.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa kusoo beegmeeysa ayadoo wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta Soomaaliya ay hore u shaacisay in dowladda Turkiga ay magalaada Kismaayo ka bilaabi doonto howlo dib u dhis ah oo lagu mataaneeynayo magaalada Antalya ee Turkiga iyo Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com