Daawo Muuqaalka Wareysiga uu Sheekh Shariif uga hadlay Khilaafka Dowlada Somalia & Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta.

Sheekh Shariif oo wareysi gaara siinaayay Telefashinka Al-Carabiya, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xiriirka sii xumaanaya ee ka dhextaagan labada dowladood.

Wuxuu sheegay in xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood uu yahay mid soo jireen ah, isla markaana loo baahan yahay in la xaliyo khilaafka taagan.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu cadeeyay in madaxda dowladda, Golaha Shacabka iyo Xukuumadda laga rabo inay u istaagaan sidii meesha looga saari lahaa dhibaatada taagan.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA UU BIXIYAY SHEEKH SHARIIF

https://www.youtube.com/watch?v=cp11LhmyqcQ