Maxaa ka jira in gudaha safaaradda Bakistaan ee Somalia uu ka socdo ganacsi sharci darro ah (Caddeymo)

Islaamabad (Caasimadda Online) – Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Islaamabad ee Caasimadda Bakistaan ayaa waxaa ka dhex abuurmay suuq lagu gado Khamriga  oo ay sameeyeen Safiirka iyo kuxigeenada Safaaradda.

Khamrigan waxaa lagu keydiyaa laguna iibiyaa meel ka baxsan dhismaha Safaadda, waana guri ay kireeyeen Madaxda Safaradda uguna talagaleen in Khaamrigan lagu iibiyo, waxaana ku xiran macaamiil badan oo ay ka mid yihiin diblomaasiyiin Bakistaan ku matala waddamo caan ah.

Dhisman aad sawirkiisa u jeedaan waa guriga lagu iibiyo Qamriga

Safarkasta oo  Soomaalida, gaar ahaan madaxda Safaaraddu Qamri geeyaan Bakistaan waxa ay ka faa’iidaan lacag gaareysa seddax boqon oo kun oo doolar ($300,000).

haddaba waxa ay dad badani isweydiin karaan sida Safaaradda Soomaaliya ay Qamriga ku geyso dalkaas, cidda ay ka iibiso ee rasmiga ah iyo ogalaanshaha ay u heysato inta uu gaarayo?

Dalka Bakistaan oo dadkiisu muslimiin yihiin sidoo kale ay leeyihiin dhaqan adag oo ah in aysan korkortan ka galeyn waxyaabaha ka reeban ayaa si caadiga ah waxaa mamnuuc ka ah Qamriga, laakiin dowladda Bakistaan ayaa wadamada Safaaradaha ku leh Bakistaan oo ay ku jiraan kuwa Islaamka ah u ogolaatay in ay Qamriga lasoo dagi karaan haddii ay u baahan yihiin ayna Safaaradooda ku dhex isticmaali karaan.

Hadda dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre ayaa dowladda Bakistaan ka codsatay in ay qamri loo ogolaado Safaaradda Soomaalida, Bakistaana waa ay aqbashay, wixii intaas ka dambeeyana ma jirin dowlad amar kasoo saartay oo joojisay ama burisay codsigii dowladdii Milatariga ahayd, sidaas darteed ayaa Safaaradda Soomaalida ee Bakistaan waxa ay ka mid tahay Safaaradaha Qamriga keensan kara.

Qamrigaan waxaa uu ku tagaa Bakistaan in Shaqaalaha iyo madaxda Safaaraddu ay isticmaalayaan ama cabbayaan laakiin taasi ma dhacdo oo Ganacsi ayaa loo adeegsadaa iyada oo lacago badan laga sameeyo.

Waxyaabaha Caasimadda Online ogaatay waxaa ka mid ah in Danjire Khadiija Makhsuumi ay qandaraas la gashay Safaarado islaam ah oo aan iyagu Khamriga keensan sabab la xiriirta dowladahooda oo aan u ogolayn oo ay sidaas uga iibiso, Safaaradahaasna waxaa ka mid ah Safaaradda Imaaraadka ee Bakistaan.

Khamrigii ugu dambeeyey waxaa la geeyey 12 March 2018 waxaana uuna ahaa ilaa sided nooc oo laga kala keenay dalal kala duwan waxaa ka mid ah.

  1. wine Bordeaux whiskey oo ah khamri laga soo iibiyey Faransa.
  2. wine Bordeaux Vodka oo laga soo iibiyey Spain.
  3. wine Bordeaux Brandy oo laga soo iibiyey Koofur afrika
  4. wine Bordeaux Sherry oo laga soo iibiyey Irland
  5. wine assorted Bordeaux oo laga soo iibiyey Faransa.
  6. Beer oo laga soo iibiyey Denmark
  7. Champagne moet and chandon oo laga soo iibiyey Faransa iyo
  8. Liqour oo laga soo iibiyay Talyaaniga

Fahfaahin dhameystiran ka aqriso warqadda hoose oo macluumaad badan ku qoran yahay, Fiiro gaar ah meesha aan saarnay calaamadda guduudan waxaa ku qoran Magaca Safiirka Khadiijo Almakhsuumi iyo kuxigeenadeeda.

Dowladda Bakistaan ayaan xog badan ka heynin sida Khamriga Magaca Soomaalida ku gala dalkooda loo maareeyo laakiin waxaa laga yaabaa haddii ay ogaadaan in Suuq Qamri oo ay hormuud u tahay Safiirka Soomaaliya uu ka furmay dalkooda in cawaaqib xun iyo in xiriirka labada dal in uu xumaado ay ka dhalato.

Wixii xog ah oo soo kordha nala soco Caasimadda Online