Imaaraadka iyo Sacuudiga oo kumanaan calooshood u shaqeystayaal African ah usoo diraya Soomaaliya

Televison-ka Press TV ee laga leeyahay dalka Iran ayaa shaaca ka qaaday qorshaha imaaraka carabta iyo Sacuudiga waxaana uu sheegay in dalalkan  ay qorsheynayaan tababarista kumaan African calooshood u shaqeysta yaal ah si ay heer uga gaaraan howlahooda Military.

Jariirada Al-Qududs Al-Arabia ayaa faafisay in Boqortooyada Sacuudiga ay qorsheysay tababarista kumanaan African calooshood u shaqeystayaal ah kuwaa oo dalalkooda lagu tababarayo.

Askarta dalalka Qaaradda Africa ee tababarada ka helaya dowladaha  Imaaradka Carabta iyo Sacuudiga ayaa lagu bilaabay dalka Soomaaliya waxaana xigay dalka Uganda iyadoo Madaxweynaha Dalka Chad Idriss Déby uu heshiis lagalay boqorka sacuudiga xili uu booqasho ku tagay Magaalada Jiddah kaa oo ku aadan in la tababro ciidamadooda.

Televisonka Al Masariya ee yeman laga leeyahay ayaa baahiyay in Ciidamada calooshood u shaqeestayaasha ah laga howlgalin doono wadamada Soomaaliya iyo Yeman.

Mohammed bin Zayed Al Nahyan oo dhaxal sugaha Imaaradka Carabta ayaa ku wajahan dalka Uganda si uu heshiis ula galo Yuweri Musaveni oo ah Madaxweynaha dalkaasi iyadoo loo tababari doono in kabadan 10,000 oo askar.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in 8,000 oo askar laga howlgalin doono wadamada Soomaaliya iyo Yeman iyadoo Ciidamada Soomaaliya loo soo dirayo xarun u noqon doonto Saldhigga Militry ee Somaliland ka dhistay Imaaradka.

Boqolaal qof ayaa ku dhinatay dagaalada ka soconaya dalka Yeman waxaana u horseeday dagaalkaasi wadamada Sacuudiga Iyo Yeman oo taageera siinaya Cabdi Rabu Mansuur Haadi, waxaana xogtan Televisonka lagu sheegay in sidan oo kale lala damacsanyahay Soomaaliya.

Heshiisyadan cusub ee Imaaradka ayaa ah kuwa ay wada galeen Maamulka Yahuuda si kor loogu qaado xeriirka ka dhaxeeya iyaga iyo yahuuda.

Amir Khalid bin Farhan Al Saud oo 5-tii April la hadlayay Televionka al-Hewar ayaa sheegay in dhowr shuruud lagu xiray dhaxal sugaha Sacuudiga waxaana lagu amray in uu fuliyo si wada shaqeynta kala dhaxeyso Mareykanka kor loogu qaado.

Shuruudahaasna waxaa kamid ah in Maamulka Riyadh  uu xiriir dhaw la yeesho Taliska yahuuda ee Talaabiib kuwaa oo ka dambeeya dhaqdhaqaayada ay wadaan dalalkan oo sanadan dambe kor isku qaadaya.

Halkan ka aqri warbixinta Press TV

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim Loyal 
Abdiazizh99@gmail.com
Xigasho: Press Tv