Madaxweyne FARMAAJO: Waa inaanu garanaa halka arrin ee ugu muhiimsan…

Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka hadlay ahmiyada gaarka ah ee uu leeyahay shirka ka socda Magalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shirka Brussels ay dani ugu jirto Soomaalida waxa uuna carab dhabay in cida laga doonaayo ka faa’iideysigeeda ay tahay Soomaalida.

Waxa uu tilmaamay in shirka noocaani ah uusan si sahlan kusoo mari doonin Soomaalida waxa uuna ka digay inay noqdaan kuwo aan ka faa’iideysan shirka.

“Shirka sanadkiiba mar ayuu soo maraa Somalia waxaa nasiib darro ah inaan garan weyno danteena oo aan ka faa’iideysan weyno fursadaha na horyaal”

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay muhiim tahay in bilaa shuruud looga faa’iideysto shirka maadaama uu yiri dantu tahay mid ay leedahay Soomaalida.

Madaxda maamulada ayuu ugu baaqay inay muujiyaan adkeysi oo aysan meel uga dhicin sharafka Soomaalida, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in ujeedka uusan aheyn mid isaga u gaar ah.

Maanta ayaa waxaa la galayaa wajiga labaad ee shirka,waxaana furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana si lamid ah shirka Maanta looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka.

Haddalka Farmaajo ayaa u muuqanaaya mid lagu dhiiri galinaayo madaxda kale ee kusugan madasha shirka Brussels, waxaana xusid mudan in maalinimadii shalay ay shirka ka baxeen wafdiga maamulka Jubbaland.

Caasimada Online

Xafiiska Brussels

Caasimada@live.com