Oromada oo gowracday Soomaali badan kadibna la diiday in meydadka la aaso

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI ayaa sheegaya in dabley hubeysnaa oo kasoo jeeda Qowmiyada Oromada ay gowraceen dhalinyaro Soomaali ah.

Dableyda hubeysnaa ayaa gowracay 5 Soomaali ah waxaana lasoo sheegayaa in falka gowraca uu ka dhacay tuulada Guuleed oo u dhaxeysa deeganada Oromada iyo Somalida ee dalka Ethiopia.

Shanta ruux ee Soomaalida ah ayaa waxaa gowracay dabley hubaysnaa oo Oromada ka soo jeeda, kadib markii ay ku weerareen goob ay ku sugnaayeen, sida uu xaqiijiyay Nabadoon Maxamed Maxamuud.

Nabadoon Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in falkaani gowraca ah uu sii hurinaayo colaada ka dhexeysa Soomaalida iyo Oromada.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in wali uu socdo dagaalka Soomaalida iyo Oromada ka dhex taagan, sidoo kalena labada dhinac ay is ugaarsanayaan oo dad kala duwan ay iska dilayaan.

Sidoo kale, Oromada ayaa la xaqiijiyay inay diideen in goobta laga qaado meydadka Shanta Soomaalida oo weli yaala Tuulada lagu gowracay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa sii xoogeysanaaya colaada Soomaalida kala dhexeysa Qowmiyada Oromada waxaana adag in xal loo helo dagaalka labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com