Dhaarinta Erdogan kaddib, akhriso isbadallada cusub ee dalka Turkey ka dhacaya

Ankara (Caasimada Online) – Dhaarinta Madaxwene Recep Tayyip Erdogan  kadib, dalka Turkiga waxaa uu galay marxalad cusub, waxaa uu noqday Nidaam Madaxweyne, waxaa uu nidaamkiisa maamul u wareegayaa gebi ahaanba mid awoodda ay gacanta ugu jiro madaxweynaha kadib markii sidaas lagu ogolaaday afti-dadweyne oo dhacday April 2017.

Dhaarinta kadib, Madaxwene Recep Tayyip Erdogan waxaa uu magacaabay xubnaha cusub ee golihiisa fulinta.

Liiska Waaxda Fulinta:

Madaxweyne ku-xigeenka: Fuat Oktay
Wasiirka Cadaaladda: Abdülhamit Gül
Wasiirka arrimaha dibadda: Mevlüt Çavuşoğlu
Wasiirka arrimaha gudaha: Süleyman Soylu
Wasiirka Difaaca: Hulusi Akar
Wasiirka Maaliyadda: Berat Albayrak
Wasiirka Tamarta Iyo Kheyraadka:  Fatih Dönmez
Wasiirka Warshadaha: Mustafa Varank
Wasiirka Ganacsiga: Ruhsar Pekcan
Wasiirka Deegaanka: Murat Kurum
Wasiirka Waxbarashada: Ziya Selçuk
Wasiirka Caafimaadka: Fahrettin Koca
Wasiirka Gaadiidka: Cahit Turan
Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska: Mehmet Ersoy
Wasiirka shaqda iyo Qoyska: Zehra Zümrüt Selçuk
Wasiirka Beeraha: Bekir Pakdemirli
Wasiirka Dhalinyrada iyo Sportiga: Mehmet Muharrem Kasapoğlu

Liiskan cusub ee Wasiirrada waxaa ay xilka la wareegi-doonaan  July 10., 2018.

3 Arrin Oo Laga Wal-wal Qabo:

Madaxwene Recep Tayyip Erdogan, keliya awoodihiisa kuma  koobna fulinta ee waxaa ay u gudbayaan sharci-dejinta iyo garsoorka, taasi oo keeni karta inuu isticmaalo awoodo saa’id ah.

Madaxwernaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaa uu xilka la wareegay iyada oo shaqada laga ceyriyay 18,600 qof oo shaqaalaha dowladda ah

Dadka shaqada laga diray waxaa kale oo ku jira, 9,000 oo Booliis ah, 6,000 oo ciidamada qalabka sida ah,  waxaa kale oo la xiray 3 waregeys, hal Telefeshin iyo 12 jamciyad.

Waxa kale oo su’aalo badan laga keenay magacaabista uu wiil sodihiisa ah uu u mgacaabay wasiirka maliyadda.