Man City, Spurs iyo Chelsea oo isku heysta saxiixa Pedro Obiang.

Manchester City ayaa ku biirtay xiisaha loo qabo saxiixa xidiga qaranka Spain iyo kooxda Sampdoria Pedro Obiang, sida uu qoray wargeyska Talksport.

20-jirkaan ayaa loo qiimeeyaa mid ka mid ah da’yarka tayada leh ee kasoo baxay Akadeemiga kooxda Sampdoria xiligii ay u laabatay Serie B.

Xidiga qadka dhexe ee tayada leh, ayaa sidoo kale lagu niinaasaa Perico wuxuuna horaan soo jiitay xiisaha kooxaha Chelsea iyo Tottenham marka lagu daro Inter Milan, Juventus iyo Roma.

Tababaraha KMG ah ee Chelsea Rafael Benitez ayaa la aaminsan yahay inuu la dhacsan yahay Obiang waxaana laga yaabaa inuu Janaayo usoo dhaqaajiyo Stamford Bridge.

Laakiin tababaraha Manchester City Roberto Mancini ayaa isha ku haaya horumarka xidigaan wuxuuna u safray Talyaaniga si uu usoo daawado.

City ayaa ugu cadcad saxiixa xidigaan waxayna Sampdoria kaga dalbanayaan 15 milyan oo ginni Marka uu Janaayo suuqa kala iibsigu dib u furmo.