25 C
Mogadishu
Friday, September 26, 2025

Sheekh Shariif oo shaaciyay in la xiray badi nabadoonnada beeshiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in dowladda ay xirtay nabadoonnadii u badnaa ee beeshiisa.

Shariif ayaa dalbaday in deg-deg loo sii daayo, isagoo si cad u sheegay in banaanbaxa berri uu dhacayo, ayna xaq u leeyihiin in shacabka muujiyaan dareenkooda, isla markaana aysan ka laabanayn.

“Waxaa la xiray nabadoono, weliba aniga nabadoonadeydii khaaska ahaa. Waxaa la socotiin in ciidamo lagu soo wareejiyo meesha uu mucaaradka ku badan yihiin. Ciidamadan sow ma fiicnayn in aagaga dagaalka aadan,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Ilaalada aan wadano waa kuwii aan shalay wadanay waaye oo Madaxtooyada ku tegi jirnay, oo isbitaalka ku tegi jirnay, saldhiga in aan ku tagno maxaa diidaya. Saldhiga sidiisaba waa goob cadaaladeed, booliska wuxuu la shaqeeya maxkamadaha iyo cadaalada, oo mucaaradka tagaya oo muxaafidka tagaya.”

Xalay ayay aheyd markii la xiray Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, ganacsatada Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, isla markaana saacado kadib lasii daayay.

Mas’uuliyiintan, oo ka soo jeeda beesha Waceysle ayaa lagu qabtay agagaarka Hotel Global ee waqooyiga Muqdisho, halkaas oo uu deggenaa Cali Xaaji Iimaan, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sii deyntooda ayaa timid kadib markii ay soo dhex galeen xubno mucaarad ah oo ay hoggaaminayeen Xildhibaan Ugaas Dhagey Geelle, Senator Dhagdheer, Xildhibaan Yaasiin Farey iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kuwaas oo lagu sheegay inay kaalin muuqata ku yeesheen damiinta lagu sii daayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sii daynta uu soo amray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan shirka Qaramada Midoobe ee New York.

Cumar Cali Rooble, Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale ayaa horey uga mid ahaa siyaasiyiinta iyo ganacsatada si adag uga hadlay muranka dhulka Siinaay iyo sida ay dowladdu u maareyneyso. Arbacadii waxay qeyb ka ahaayeen xubnihii mucaaradka ahaa ee rasaasta lagu kala eryay xilli ay ku sugnaayeen Saldhigga degmada Warta Nabadda.

Xarigga iyo sii deyntan deg-degga ah ayaa sii hurinaysa xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho, xilli mucaaradku ay abaabulayaan bannaanbax ballaaran oo lagu wado inuu qabsoomo Sabtida, kaas oo dowladdu si weyn uga soo horjeedo.

Mucaaradka oo ku adkeystay qabsoomida banaanbaxa berri xilli waan-waan socoto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqday qabsoomida banaanbaxa berri, xilli ay socoto waanwaan la doonayay in lagu baajiyo banaanbaxaasi, si aysan uga sii darin xiisadda taagan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa barahooda bulshada, gaar ahaan Facebook ku baahiyay sawiro ay ku muujinayaan qabsoomida banaanbaxaasi.

“Banaanbax iyo xorriyadda hadalka waa xuquuq uu Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka dammaanad qaaday ayadoon cidna fasax la weydiisaneyn,” ayuu Shariifka ku yiri qoraalka uu caawa soo geliyay bartiisa Facebook.

Madaxweynihii hore ayaa wuxuu ku goodiyay haddii dowladdu isku daydo is-hortaaga banaanbaxaasi ay lumin doonto xaqeeda u hogaansanaanta. “Haddii xukuumaddu is hor istaagto xaqaas Dastuuriga ah, waxaa meesha ka baxaya xaqa fulinta ee Dastuuriga ah ee loogu hogaansanaa.”

Dhankiisa, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in banaanbaxa berri uu yahay waajib qaran oo lagu mideunayo codka bulshada, isla markaana looga hortagayo dhul boobka iyo dulmi uu sheegay in dowladda ku hayso shacabka.

“Si aan uga hortagno dhul boobka, barakicinta iyo dulmiga joogtada ah ee lagu hayo shacabka, waxaa waajib qaran nagu ah in aan codkeenna mideyno, innagoo si cad u muujinayna diidmaddeenna una istaagayna joojinta gaboodfalka,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.

Waxa uu intaas kusii daray “Berri, si wadajir ah ayaan isugu iman doonnaa Siinaay, Dayniille iyo Tarabuunka.”

Dhawaaqa kasoo yeeraya hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa imanaya xilli saacadihii u dambeeyay ay socdeen kulamo u dhaxeeya mucaaradka iyo guddi xildhibaanno ah oo kasoo jeeda beesha Hawiye.

Sidoo kale, waxaa fiidkii caawa guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed tegay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo ganacsadaha caanka ah ee Ibraahim Kaah iyo ganacsade Mursal Kadiye, kuwaas oo ku biiray dadaalada lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay bannaanbaxa ay ku baaqeen mucaaradka.

Kulankii u dhaxeeyay guddigii xildhibaannada beesha Hawiye ee ku baxay waan-waanta xiisadda dowladda iyo mucaaradka ayaa soo dhammaaday, waxaana loo balamay kulan kale oo caawa fiidki ka dhici doona isla guriga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Dadaalada socda oo dhammaantood gundhig u ah baajinta bannaanbaxa, ayaa la ogeyn inay kusoo idlaadeen fashil, maadaama aysan weli si rasmi ah u soo dhamaan.

Ugaas Maxamuud Cali iyo ganacsato caan ah oo tegay guriga Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo ganacsato caan ah ayaa goordhow tagay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo galabta uu ka dhacay kulan u dhaxeeyay guddi xildhibaanno ah oo kasoo jeeda beesha Hawiye iyo hoggaanka mucaaradka.

Xubnahan uu horkacayay Ugaaska ayaa waxaa kamid ah ganacsadaha caanka ah Ibraahim Kaah iyo ganacsade Mursal Kadiye, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray dadaalada lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay bannaanbaxa ay ku baaqeen mucaaradka.

Kulankii u dhaxeeyay guddigii xildhibaannada beesha Hawiye ee ku baxay waan-waanta xiisadda dowladda iyo mucaaradka ayaa soo dhammaaday, waxaana loo balamay kulan kale oo caawa fiidki ka dhici doona isla guriga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Dadaalada socda ayay waxay dhammaan gundhig u yihiin baajinta bannaanbaxa, inkastoo khilaafka markii hore uu ka billowday arrimaha dhulka iyo doorashooyinka.

Tan ayaa u baahnaan doonta heshiis siyaasadeed iyo sida madaxweynuhu u aqbalo kiiska doorashada inuu miiska soo saaro.

Si kastaba, dadka Muqdisho ayaa isha ku haya kulamada iyo dadaalada socda natiijada ka soo baxda, maadaama maalinta berri oo Sabti ah ay mucaaradka doonayaan inay qabtaan bannaanbaxa.

Sidoo kale, dowladda ayaa qorsheyneysa inay ka hortagto banaanbaxan, waxaana gaadiidka qafilan ay geysay baraha koontaroolada laga galo garoonka diyaaradaha oo ah xeyndaabka madaxda mucaaradka degan yihiin.

Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo shalay si cad u sheegay in xubnaha muwaadiniinta aysan qaban karin mudaharaad, sidoo kalena aysan xukumin goobaha ay sheegeen in la’isugu tago.

“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xilsaarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiyaha ayaa amar siiyay laamaha amniga oo uu faray in tallaabo adag ay ka qaadaan, cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.

Daawo: Sheekh masjid ku yaal Muqdisho ‘ka nacladay’ mucaaradka oo qabanaya dibadbax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Dheere oo ka mid ah culimada magaalada Muqdisho ayaa khudbadii Jimcaha kadib ka hadlay banaanbaxa uu ku dhawaaqay mucaaradka, kaas oo berri ka dhigayaan magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali ayaa sheegay in Diinta aysan ogoleyn in shacabka laga qalqal geliyo amniga ay haystaan, isla markaana la horkaco banaanbax dhibaato u geysanaya shacabka.

“Ka gamban meyno, diinta Islaamku ma ogola mudaharaad dhibaato wata, dadka waxaan leeyahay guryihiina jooga,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo kamid ah culimada da’da ah ee magaalada Muqdisho

Waxa uu intaas kusii daray “Kii mudaharaad sameeya waa nacladayna shaqsi ha ahaado ama shaqsiyaad, ma ogola diinta Islaamka mudaharaad iyo in la iska hor imaado oo nabad-galyada dadka la dardaro oo masaakiinta miisaska laga jajabiyo, guryaha la tuuryeeyo, oo dadka sharafta leh lagu xadgudbo diinta Islaamka ma ogola.”

Sheekhan ayaa bulshada ugu baaqay in aysan qeyb ka noqon abaabulka banaanbaxa ay wadaan siyaasiyiinta mucaaradka, kaasi oo la qorsheynayo in maalinta berri ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

“Arrintaas waa arrin khalad ah waaye, waa arrin aan suuroobeyn, nabadgelyada yaan wax loo dhimin. Cidii dacwo qabto ama la xun tahay dowladda waa dacweyn karyaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cali Dheere.

Hadalkan ayaa imanaya xilli mucaaradka uu magaalada Muqdisho ka wado abaabulka banaanbaxa berri, iyadoo saaka ciidamo badan oo dowladda ka tirsan lagu arkayay wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda, gaar ahaan goobaha ay gaadiidku iskaga gudbaan, si looga hortago isu-soo-baxa.

Dowladda Federaalka, maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka ayaa si wadajir ah u diiday qabsoomidda banaanbaxaasi, iyago ka digay cawaaqibka ka dhalan karta isku day kasta oo sharci darro lagu fuliyo.

Banaanbaxan ayuu mucaaradka sheegay in looga soo horjeedo dowladda Xasan Sheekh, laguna muujinayo diidmada dhul boobka iyo barakicinta shacabka ee dhulka danta guud, taas oo magaalada Muqdisho ka abuurtay xiisad xooggan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Farmaajo oo hadda guranaya miraha go’aankii uu ku diiday isbaheysiga mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ka maqan yahay Muqdisho, haddana go’aankii uu kaga fogaaday mucaaradka qalalaasaha wada ee dalka ayaa hadda u muuqda mid aad u xikmad badan.

Arbacadii, xilli hoggaamiyeyaasha mucaaradku ay saldhig boolis ula dhaqaaqeen maleeshiyaad hubeysan — taasoo dhalisay iska hor imaadyo dhimasho keenay iyo caro shacab — ayuu Farmaajo kaga jawaabay si deggan oo ka fiirsi badan, isaga oo qoraal soo saaray.

Qoraalka ayaa lagu cambaareeyay jirdilka arxan-darrada ah ee loo geystay Sheekh Axmed Siicow, oo ah oday da’ ah oo deggen xaafadda Siinaay, kaasoo muuqaal laga duubay isagoo ay dhibaateynayaan ciidamada ammaanka uu si weyn ugu faafay baraha bulshada. Farmaajo wuxuu falkaas ku tilmaamay “nabar madow iyo gabood-fal culus” oo gilgilay kalsoonidii shacabku ku qabeen hay’adaha dalka.

Wuxuu ku tilmaamay muuqaallada odayga iyo haweeneyda la garaacayay “bahdilaad aan loo dulqaadan karin oo soo gaartay qarankeena”, isagoo dalbaday in sharciga la horkeeno cid walba oo falkaas ku lug lahayd. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed inay u istaagaan dhibanayaasha guryaha laga saarayo, wuxuuna uga digay laamaha amniga ku takrifalka awoodda.

“Xuquuqda iyo sharafta muwaadiniinta waa aasaaska dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraalkiisa, isagoo intaas ku daray in xadgudubyada soo noqnoqda ay cawaaqib xumo waarta ku keeni doonaan xasilloonida dalka.

Erayadaas sida taxaddarka leh loo doortay waxay si weyn uga soo horjeedeen tallaabadii ay mucaaradku qaadeen isla maalintaas. Halkii ay ka sugi lahaayeen in hay’adaha garsoorku ay gacanta ku dhigaan kiiska askartii la xiray, hoggaamiyeyaasha mucaaradku waxay maleeshiyaadkoodii geeyeen saldhigga booliska ee Warta Nabadda, taasoo sababtay israsaasayn dhex marta iyaga iyo ciidanka dowladda.

Waxay ahayd fursad lagu iftiimin lahaa xadgudubka booliska, balse waxay si degdeg ah isugu rogtay fadeexad weyn oo sumcaddooda dhaawacday.

Farmaajo, oo ka fogaaday loollanka siyaasadeed, wuxuu u muuqday mid deggan oo leh haybad dowladnimo. Si ka duwan xafiiltamayaashiisa oo cinwaannada wararka ku raadiya iska hor imaadyo, wuxuu doortay inuu aragtidiisa ka dhiibto isagoo dalka dibedda ka jooga — aragti miisaaman, oo dhaliilaysa marka ay lagama maarmaan noqoto, balse naadir ku ah inay xiisad abuurto.

Hab-dhaqan ku dhisan is-xakameyn

Is-xakameynta madaxweynihii hore ma ahan arrin cusub. Kaddib markii uu xafiiska ka degay, wuxuu ka fogaaday inuu dhibaatooyinka amni ee dalka ka dhaca u adeegsado faa’iido siyaasadeed. Markii ay Al-Shabaab weerarro fuliyaan, Farmaajo kuma jeesjeesin dowladda talada haysa, kumana baaqin fowdo iyo qalalaase. Taas beddelkeeda, wuxuu boorrin jiray midnimo iyo in la garab istaago ciidamada qalabka sida, xitaa xilliyada ay xafiiltamayaashiisu dhaleeceynayeen.

Taa beddelkeeda, mucaaradka Muqdisho waxay guusha argagixisada iyo jabka ciidamada qaranka marka ay dhacdo u adeegsadaan in ay fursad siyaasadeed ahaan uga faa’iideystaan, oo ay dhaliilaan ciidanka iyo dowladda ayagoo niyadjab abuuraya.

“Xilli ay siyaasiyiinta kale ku khamaarayaan maleeshiyaad, Farmaajo wuxuu mar walba xoogga saarayay kala-dambeynta iyo xasilloonida. Farriintaasina waxay leedahay saameyn, gaar ahaan marka ay fowdadu qabsato wararka ugu waaweyn,” ayuu yiri Maxamed Cabdi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Muqdisho jooga.

Markii uu diiday inuu ku biiro isbahaysiga mucaaradka, Farmaajo wuxuu iska fogeeyay silsilad khaladaad ah oo tan iyo xilligaas meel kaga dhacay sumcadda isbahaysiga. Go’aankiisa ah inuu dibedda sii joogo kuna tiirsanaado oo kaliya qoraallada uu soo saaro ayaa ka ilaaliyay gefafkii siyaasadeed ee hadda halakeeyay xafiiltamayaashiisa.

Hadalkiisii ugu dambeeyay wuxuu isku dheelli-tirayay: u damqashada dhibanayaasha, baaq ku wajahan la-xisaabtan, iyo digniin loo diray ciidamada ammaanka — iyadoo aan la hurinayn xiisad siyaasadeed. Hab-dhaqankan ayaa ka dhigay inuu u muuqdo qof miisaaman, oo leh astaamo madaxweyne, xilli ay kuwa kale u eg yihiin kuwo fowdo doon ah.

Marka la eego siyaasadda qalafsan ee Soomaaliya, ka fogaanshaha uu la yimid waxa ay u noqon kartaa hanti siyaasadeed oo qaali ah. Xilli ay sii kordhayso niyad-jabka laga qabo dowladda iyo mucaaradka, Farmaajo wuxuu abuuray kaalin ah inuu yahay ninka ka sarreeya khilaafaadka hoose.

Sida uu hadalka u dhigay fallanqeeye jooga Muqdisho: “Wuxuu u muuqdaa hoggaamiyaha kaliya ee aan ku lug yeelan tallaabooyinka halista ah ee aan laga fiirsan. Taasina, xilligan la joogo, waxay ka dhigaysaa mid si gaar ah u soo ifbaxaya.” 

Xog: Shir xasaasi ah oo u socda hoggaanka mucaaradka iyo guddi dhex-dhexaadin ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka Madasha Samatabixinta iyo guddi xildhibaanno ah oo kasoo jeeda beesha Hawiye ayaa wuxuu hataan shir xasaasi ah uga socda magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo daba socda waanwaan uu guddigan saacadihii u dambeeyay ka dhex waday dowladda iyo xubnaha mucaaradka ayaa waxaa looga hadlayaa qaboojinta xiisadda taagan, iyo sidii looga baaqsan lahaa bannaanbaxa berri ay ku baaqeen mucaaradka.

Xiisad u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda federaalka ayaa xoogeystay kadib markii Arbacadii ay iska horimaad ku dhexmaray Saldhigga Warta Nabadda, halkaasoo mucaaradka ay tageen iyagoo la socdaan ciidan hubeysan.

Banaanbaxan ayaa la qorsheeyay inay ka dhacaan degmada Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay oo kamid ah meelaha ay ka taagan yihiin xiisadaha ka dhashay dhulalka danta guud ee laga raray shacabka.

“Waxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno anaga dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma lahan, waxaase garab taaganahay dadka la dulminayo ee Soomaalida ee aragtaan,” ayuu yiri madxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif.

Waxa uu intaas kusii daray “Madashu waxay rabtaa inay ku baaqdo Soomaali meel ay joogto mudaharaad nabadeed, oo lagu diidan yahay falalka waxshinimida ah iyo dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho.”

Dhinaca kale Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka horyimid go’ankan ayaa isna shaaca ka qaaday in xubnaha hadlay aysan qaban karin mudaharaad, sidoo kalena aysan xukumin goobaha ay sheegeen in la’isugu tago.

“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xilsaarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu amar siiyay laamaha amniga oo uu faray in tallaabo adag ay ka qaadaan, cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.

Si kastaba, kulamada haatan socda ayaa si dhow isha loogu hayaa, iyadoo laga dhursugayo natiijada ka soo baxda, maadaama maalinta berri oo Sabti ah ay mucaaradka doonayaan inay qabtaan bannaanbax ballaaran.

Xog: Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka DF Soomaaliya oo lagu xiray Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor ee Soomaaliya, Gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi, ayaa ciidamada Somaliland xabsiga dhigeen, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Taliyaha ayaa la xiray xilli uu ku sugnaa magaalada Wajaale, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Somaliland, kuwaas oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin xariggiisa.

Maalmihii dambe, taliyaha waxa uu ku sugnaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida, wuxuuna shalay uga sii gudbay magaalada xuduudda ku taalla ee Wajaale, gaar ahaan dhanka maamulka Somaliland.

Ciidamada ammaanka Somaliland ee Wajaale ku sugan ayaa la sheegay inay aqoonsadeen wajiga taliyaha, ayna halkaas ku qabteen, iyagoo iska fasaxay qof kale oo la socday.

Xasan Ciraaqi ayaa isla markiiba loo qaaday dhanka magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay inuu haatan ku xiran yahay xabsiyada magaaladaas. Warar ayaa intaas ku daraya in laamaha ammaanka Somaliland ay baaritaan ku wadaan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin eedeymo cad oo loo jeediyay.

Gaashaanle dhexe Xasan Ciraaqi ayaa ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan qeybta Gorgor. Waxa uu si joogto ah uga soo muuqan jiray warbaahinta, isaga oo hoggaaminayay howl-gallo kala duwan oo ka dhacay gobollo badan oo dalka ah.

Xiritaanka sarkaalkaan ayaa dhaliyay su’aalo badan, iyadoo la isweydiinayo sababta uu taliyahan, oo soo hoggaamiyay mid ka mid ah ciidamada ugu tababarka sareeya ciidanka Soomaaliyeed u tagay magaalada Wajaale oo ay ka arrimiso Somaliland.

Xarigiisa ayaa ku soo beegmaya xilli ay kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kadib markii uu buray heshiiskii ay Hargeysa la gashay Itoobiya, iyo dadaallada aqoonsi raadinta ee Somaliland ka waddo magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Ciidamo badan oo lagu soo daadiyey Muqdisho xilli ay mucaaradka ay wadaan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hataan magaalada Muqdisho ka socda diyaarinta banaanbax ay mucaaradku ku dhawaaqeen in uu ka dhici doono degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Banaanbaxa uu mucaaradka iclaamiyay ayaa waxaa si cad uga hortimid Dowladda Federaalka, oo ayadu ku tilmaamtay sharci darro.

Mucaaradka ayaa qorsheeyay in isu-soo-baxaasi qabsoomo maalinta berri oo Sabti ah, iyadoo saaka ciidamo badan oo dowladda ka tirsan lagu arkayo wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda, gaar ahaan goobaha ay gaadiidku iskaga gudbaan, si looga hortago isu-soo-baxa.

Dowladda Federaalka, maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha ammaanka ayaa si wadajir ah u diiday qabsoomidda banaanbaxa berri, iyago ka digay cawaaqibka ka dhalan karta isku day kasta oo sharci darro lagu fuliyo.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa maanta magaalada gudaheeda ku leh kulammo ay kaga arrinsanayaan qorshahooda, halka hay’adaha ammaankuna ay diyaariyeen tallaabooyin looga hortagayo abaabulkaas.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa wasaaradda amniga gudaha ku wargelisay banaanbaxa berri, iyadoo looga dalbaday in wasaaradu ay qeyb ka noqotay ilaalinta amniga banaanbaxayaasha, xilli ay dowladdu si adag uga hortimid qabsoomadiisa.

Warqad uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Madasha, Korneyl Maxamed Aadan Koofi ayaa loogu baaqay wasaaradda in ay hubiso sugidda ammaanka dadka shacabka ah ee ka qeyb-galaya banaanbaxa, isla markaana la fududeeyo wadooyinka iyo marinada ay soo marayaan si ay si nabad ah ugu gaaraan goobaha banaanbaxyadu ka dhici doonaan.

Mucaaradka ayaa hore u sheegay in banaanabaxan looga soo horjeedo dowladda Xasan Sheekh, laguna muujinayo diidmada dhul boobka iyo barakicinta shacabka ee dhulka danta guud, taas oo magaalada Muqdisho ka abuurtay xiisad xooggan.

Si kastaba, waxaa si dhow isha loogu hayaa halka uu ku dambeyn doono abaabulka iska soo horjeeda ee labada dhinac, iyadoo shacabka Muqdisho ay si taxaddar leh ula socdaan waxa ka dhalan kara xiisaddan iyo saameynta taban ee ay keeni karto.

Trump oo sheegay inuu la kulmay Xasan Sheekh, kana codsaday arrin yaab leh

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu ka codsaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu “dib u qaato” Ilhan Cumar, oo ah xildhibaanad Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya, taasoo muddo dheer ka mid ahayd shaqsiyaadka uu siyaasad ahaan sida gaarka ah u beegsado.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay Xafiiska Oval Office ee Aqalka Cad, ka dib markii uu saxiixay amar madaxweyne oo waddada u xaaraya in shirkadda TikTok, qeybteeda Mareykanka, ay noqoto mid ay leeyihiin Mareykan.

“Waxaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha. “Waxaan u soo jeediyay inuu laga yaabo inuu jeclaan lahaa inuu dib u qaato. Wuxuuna yiri, ‘Anigu ma doonayo.’”

Ilhaan ayaa si degdeg ah uga jawaabtay barta X. “Waxay ka timid inuu dafiro in Soomaaliya ay madaxweyne leedahay ilaa inuu sheeko abuurayo, Madaxweyne Trump waa beenlow nacas ah,” ayay Ilhaan qortay. “Qofna waa inuusan si dhab ah u qaadan nacaskan ceebaha wada.”

Iska hor-imaadkan ayaa yimid maalmo ka dib markii uu fashilmay qaraar la doonayay in lagu cambaareeyo Ilhaan, loogana xayuubiyo xubinimada guddiyada ee Aqalka Wakiillada.

Isagoo toddobaadkii hore ka hadlayay diyaaradda Air Force One, ayuu Trump yiri. “Waxaan u malaynayaa inay tahay qof xun. Waxaan qabaa in xilka laga qaado,” ayuu yiri. “Ma madaxweyne bay leeyihiin? Ma gole bay leeyihiin? Ma wax bay haystaan? Ma boolis bay leeyihiin? Waxay ka yimaadeen meel aan waxba oollin, ka dibna waxay noo sheegayaan sida dalkeenna loo maamulo.”

Wuxuu intaas ku daray: “Haddii la cambaareeyo, waa wax weyn. Haddii xilka laga qaadana, xitaa way ka sii fiican tahay.”

Wuxuu sidoo kale kadib bartiisa Truth Social, mar kale si toos ah ugu weeraray Soomaaliya, isagoo dalkii ay ku dhalatay Ilhaan ku sifeeyay mid ay la degtay “gacan ku hayn la’aanta dowladda dhexe, saboolnimo joogto ah, gaajo, argagixisanimo soo laba kaclaynaysa, burcad-badeed, tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah, musuq-maasuq iyo rabshado baahsan.”

Wuxuu sheegay in 70 boqolkiiba dadweynuhu ay ku nool yihiin saboolnimo ba’an, wuxuuna ku eedeeyay mas’uuliyiinta Soomaaliya inay maamulaan “dowlad fashilantay oo ay hareeyeen laaluush iyo lunsi hanti dadweyne.”

Ilhaan, oo la doortay 2018-kii, kana mid noqotay haweenkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee ka mid noqda Congress-ka, ayaa si isdaba joog ah ay isku dhacayeen Trump. Sannadkii 2019, waxay bartilmaameed dhexe u ahayd ololihiisii isku soo baxyada ee lagu dhawaaqayay “dib u celiya,” kuwaasoo dhaliyay dhaleecayn ballaaran oo lagu tilmaamay inay yihiin cunsuriyad.

In kasta oo ay jirto dhaleecayntaasi, Trump wuxuu sii waday inuu xoogga saaro asalka Soomaalinimo ee Ilhaan si uu siyaasad ahaan ugu weeraro, halka sharci-dejiyeyaasha iyo falanqeeyayaasha garabka midig ay inta badan soo qaataan dhaleecaynteeda tooska ah ee ay u jeediso siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka iyo Israel, iyagoo u adeegsanaya sabab looga saaro Congress-ka.

DF oo sii daysay xubnihii beesha Waceysle ee la xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xoriyadooda dib u helay Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, ganacsatada Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, kuwaas oo saacado ku xirnaa Saldhigga Booliska degmada Xamar Weyne, kadib markii ay soo qabteen ciidamada ammaanka.

Mas’uuliyiintan, oo ka soo jeeda beesha Waceysle, ayaa lagu qabtay agagaarka Hotel Global ee waqooyiga Muqdisho, halkaas oo uu deggenaa Cali Xaaji Iimaan, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sii deyntooda ayaa timid kadib markii ay soo dhex galeen xubno mucaarad ah oo ay hoggaaminayeen Xildhibaan Ugaas Dhagey Geelle, Senator Dhagdheer, Xildhibaan Yaasiin Farey iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, kuwaas oo lagu sheegay inay kaalin muuqata ku yeesheen damiinta lagu sii daayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sii daynta uu soo amray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan shirka Qaramada Midoobe ee New York.

Cumar Cali Rooble, Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale ayaa horey uga mid ahaa siyaasiyiinta iyo ganacsatada si adag uga hadlay muranka dhulka Siinaay iyo sida ay dowladdu u maareyneyso. Arbacadii waxay qeyb ka ahaayeen xubnihii mucaaradka ahaa ee rasaasta lagu kala eryay xilli ay ku sugnaayeen Saldhigga degmada Warta Nabadda.

Xarigga iyo sii deyntan degdegga ah ayaa sii hurinaysa xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho, xilli mucaaradku ay abaabulayaan bannaanbax ballaaran oo lagu wado inuu qabsoomo Sabtida, kaas oo dowladdu si weyn uga soo horjeedo.

Booliska Soomaaliya ayaa Arbacadii uga digay shacabka in aan loo adeegsan mudaharaadyo lagu carqaladeynayo amniga, iyagoo ku tilmaamay arrimaha socda kuwo u sahli kara maleeshiyaadka argagixisada ah.

Dhanka kale, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, haatanna ah guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Qaranka, ayaa horey u iclaamiyay bannaanbaxyo nabadeed oo dhici doona Sabtida, 27-ka Sebteembar.

“Anagu dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cidna dhib kuma nihin. Waxaase garab taaganahay dadka dulman ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Shariif, isagoo shacabka ugu baaqay inay si nabad ah isu soo baxaan.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay dhaaftay xuduud sharci, isagoo ku tilmaamay “tuugo u baahan in la hor istaago.”

“Haddii aan tuugada la hor istaagin, guryaha ayay noogu imanayaan, sidaan kuma joogsanayaan. Waa in lagu celiyo xadka ay ku jiraan,” ayuu raaciyay.

Askar kiis xasaasi ah loogu xiray Muqdisho oo lasii daayay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sii daaysay laba askari oo loo haystay in ay sameeyeen saxiix aysan xaq u lahayn oo lagu sameeyay hooyo xaamilo ahayd oo markii dambe ku geeriyootay Isbitaalka Digfeer.

Marxuumadda geeriyootay oo lagu magacaabi jiray Nimco Muuse Axmed ayaa waxay Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed saxiixeen in ay gashayo qaliinkaas oo khatar badan ku gadaamneyn, ugu dambeyn sababsaday nafteed

Labada Eedeysane oo lahaa xiriir aan dhaafsiisneyn in ay ahayeen dad asxaab ah, ayaa isbitaalo kala duwan oo ay geeyeen marxuumada laga wada helay hal natiijo oo isku mid ah, taas oo ah in qaliin lagu umuliyo, maadaama uu ilmaha uurka ku jiro uu yahay mid dhintay, ayna maraan habraaca.

Waxa ay dib ugu laabteen isbitaalka Digfeer, iyaga oo sheegay in aysan awoodin qarashaadka isbitaalka, maamulka isbitaalka ayaana u fidiyay adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah marxuumadda.

Waxaa loo baahday saxiixa ehelka marxuumada ama aabaha cunuga caloosha ku jira oo waajib sharci ah ka aheyd isbitaalka in la maro habraacaas.

Waxay saxiixeen qaliinkeeda iyaggoo kala matalay seyga iyo walaalka marxuumad Nimco Muuse Axmed oo sodon iyo kowda bishii saddexaad ee sanadkaan geeriyootay qaliin loogu sameeyay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday labaatankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta siiyay xoriyadooda Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed, maadaama uu ujeedkoodu ahaa badbaadada hooyada xaamilada aheyd.

Waxaana go’aanka maxkamadda la wadaagay warbaahinta G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xasan Sheekh oo muranka taagan horgeeyay golaha QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey fadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya u socoto doorasho qof iyo cod ah oo markii ugu horreysay 57 sano la qaban doono.

Sidoo kale waxa uu madaxda ka qeyb-gashay shirkaan in gudaha dalka ay si habsami leh uga socoto diiwaangelinta doorashada, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan ururo siyaasadeed oo badan.

Intii ay socotay khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya, waxa kale oo uu soo bandhigay duruufaha adag ee Soomaaliya ay ka gudubtay, isagoo tilmaamay in dowladdu ay dadaal ku bixisay xaqiijinta amniga, dardar gelinta dagaalka ka dhanka argagixisada, xoojinta dimuqraadiyadda iyo dhammeystirka dastuurka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyey guulaha ciidamada qaranka iyo xoogagga shacbiga ah ee ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna saaxiibbada caalamiga ah ku dhiirri geliyey doorkooda dagaalkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey dadaallada dowladdu ay ku xaqiininayso dhisidda nidaam dimuqraadi ah oo daah-furan, isagoo ku dheeraaday hanaanka doorasho qof iyo cod ah, oo haatan ay isku hayaan xubnaha mucaaradka.

Dhanka horumarka iyo dhaqaalaha, Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay in Soomaaliya ay ka shaqeyneyso xoojinta dakhliga gudaha, hufnaanta maamulka maaliyadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha ganacsi ee gobolka iyo caalamka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xasilloonida gobolka, xuquuqda dowladnimo ee walaalaha Falastiin iyo iskaashiga caalamiga ah.

Waxa kale oo uu ku nuux-nuuxsaday mudnaanta ay leedahay in wadajir loo wajaho halista isbeddelka cimilada oo saameyn weyn ku yeeshay wax soo saarka beeraha iyo nolosha malaayiin qoys oo reer guuraa ah.

Mucaaradka oo dowladda ka dalbaday inay kala shaqeyso…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa soo saaray qoraal rasmi ah oo ay si toos ah ugu dirtay Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka, kaasi oo la xiriira banaanbaxa berri.

Warqaddan ayaa waxaa lagu wargeliyay Wasaaradda Amniga in berri uu dhici doono banaanbax nabadeed, waxaana looga dalbaday in wasaaradda ay qeyb ka noqotay ilaalinta amniga banaanbaxan, oo dowladdu si adag uga hortimid qabsoomadiisa.

Warqadda oo uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Madasha, Korneel Maxamed Aadan Koofi ayaa ku baaqday in wasaaradu ay hubiso sugidda ammaanka dadka shacabka ah ee ka qeyb-galaya, isla markaana la fududeeyo wadooyinka iyo marinada ay soo marayaan si ay si nabad ah ugu gaaraan goobaha banaanbaxyadu ka dhici doonaan.

Mucaaradku waxay sheegeen in mudaharaadyadan ay yihiin kuwo nabadeed, ayna shacabka ku muujinayaan dareenkooda iyo ra’yigooda. Horay Madasha Samatabixinta ayaa u sheegtay in banaanabaxan looga soo horjeedo dowladda Xasan Sheekh, laguna muujinayo diidmada dhul boobka iyo barakicinta shacabka ee dhulka danta guud, taas oo caasimadda ka abuurtay caro shacab.

Mucaaradka oo iyagu raba in carada shacabka ee ka dhalatay tacaddiyada booliska uga faa’iideystaan damacooda siyaasiga ayaa ku baaqay banaanbax ay ku sheegeen mid looga hortagayo tacaddiyada dowladda u geysaneyso shacabka.

Banaanbaxa uu iclaamiyay hoggaanka mucaaradka ayuu sheegay inuu dhacayo maalinta Sabtida oo taariikhdu tahay 27 September 2025, iyagoo shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan saddex goobood oo kala ah: Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile.

Tan ayaa imanaysa xilli saacadihii dambe laga dheehan karayay faallooyinka baraha bulshada ee hoggaamiyeyaasha mucaaradka sida shacabka uga caroodeen tallaabadii ay shalay qaadeen, oo dowladda ku tilmaamtay “qalqal gelin amni” xilli muddooyinkii dambe ay caasimadda ku naalooneysay xasillooni amni.

Si kastaba, Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Arbacadii uga digay shacabka in loo adeegsado ujeedooyin lagu carqaladeynayo amniga dalka, xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay ku dhawaaqeen mudahaaradyo waaweyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho dhamaadka toddobaadkan.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen Booliska ayaa lagu yiri “Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga digeynaa in aysan ku dhex milmin kooxaha ujeedadoodu tahay in ay carqaladeeyaan amniga, una sahlaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee dowladdu dagaalka kula jirto

Sidoo kale, Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Muungaab ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka aysan qaban karin mudaharaad, isla markaana aysan xukumin goobaha ay cayimeen in la’isugu tago.

“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xil saarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto,” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu amar siiyay laamaha amniga oo uu faray in tallaabo adag ay ka qaadaan, cid kasta oo ku xad-gudubta nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.

“Anigoo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa halkan ka caddeynayo oo amrayo inay cid kasta oo nabadda iyo xasiloonida magaaladan ka jirto inay wax waxyeeleyso isku deydo tallaabo sharcia waafaqsan inay ka qaadaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay duqa magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah, isla markaana Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo u dhexeyso dowladda iyo mucaaradka oo
Arbacadii uu ka dhex-qaray dagaal toos ah, kadib markii ay isku fara saareen saldhigga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Tartanka kubadda cagta degmooyinka G/Banaadir oo ka furmaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tartanka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa galabta oo Jimco ah si rasmi ah uga furmaya garoonka ciyaaraha magaalada Muqdisho.

Ciyaarta furitaanka waxaa foodda is dari doona kooxaha degmooyinka Kaaraan iyo Dharkaynley, kuwaas oo ku wada jira Guruubka A.

Munaasabadda daahfurka waxaa lagu wadaa inay ka qayb galaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo bahda ciyaaraha, kuwaas oo khudbado ka jeedin doona horumarinta ciyaaraha dalka.

Laga bilaabo kulanka maanta, ciyaaruhu waxay u socon doonaan si maalinle ah ilaa iyo dhamaadka tartanka, iyadoo taageerayaasha lagu wargeliyay inay ilaaliyaan nidaamka ayna ka fogaadaan wax kasta oo carqaladayn kara.

Si loo hubiyo amniga iyo in tartanku ku dhaco si nabad ah, dowladdu waxay diyaarisay ciidamo booliis ah oo gaar ah, kuwaas oo ka hortagi doona rabshadaha ay dhaliyaan taageereyaasha qaarkood.

Daahfurka maanta ayaa ku soo beegmaya maalin Jimcaha oo ay fasax yihiin dugsiyada, taas oo la filayo inay soo jiidato taageerayaal badan oo buuxin doona garoonka.

Taageerayaasha kooxaha degmooyinka ee gobolka Banaadir ayaa loogu baaqay in ay ilaaliyaan nidaamka, isla markaana ka fogaadaan wax walba oo dhibaato ku noqon kara in ciyaaruhu u qabsoomaan si habsami ah.

Fiqi: Ilaah ayaa ka dhigay in mucaaradka ay shacabka hortiisa ku ceeboobaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga hadlay rabshadihii iyo weerarradii ka dhacay saldhigga booliiska Warta Nabadda ee Muqdisho, isagoo dhaleeceeyay mucaaradka weerarkaasi ku lug lahaa.

Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku tilmaamay masuuliyiinta weerarka inay yihiin dad aan caqligoodu iyo waayo-aragnimadoodu ka reebin inay qaadaan ficillo lid ku ah amniga iyo dowladnimada.

“Sidee dal loogu aamini karaa ninka go’aansaday inuu saldhig weeraro, ciidan qaran laayo, maxaabiis xoog ku sii daayo, islamarkaana qalqal ku abuuro amniga Muqdisho?” ayuu yiri wasiirku.

Isagoo sii hadlaya ayuu ku eedeeyay mucaaradka inay shacabka Muqdisho, oo malaayiin ka mid ah ay diiwaan gashan yihiin si ay cod ugu dhiibtaan doorashada gobolka Banaadir, ku dhiirrigelinayaan inaysan ka qeybgalin codbixinta, halka ay isla markaana doonayaan taageero.

Fiqi ayaa sheegay in “madasha mucaaradka aysan jirin cid ka caqli liidata”, balse uu Ilaahay ka dhigay inay shacabka hortiisa ku ceeboobaan, ayna noqoto wax aan cidna sir u noqon karin.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacabka Muqdisho aysan u dulqaadan doonin in amniga lagu celiyo heerarkii hore ee qalalaasaha, isagoo xusay in shaqo adag lagu bixiyay sidii caasimaddu u qurux badan lahayd.

“Qofna laga yeeli maayo in la noqdo meesha laga yimid,” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa.

Hadalka Fiqi ayaa imanaya yada oo ay ka sii dareyso xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho. Ciidamada amniga ayaa xalay xiray Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Cumar Cali Rooble, iyo ganacsade Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in dhammaan xubnaha la xiray oo ka soo jeeda Beesha Waceysle lagu qabtay agagaarka Hotel Global, ee Waqooyiga Muqdisho, halkaas oo uu deggenaa ganacsade Cali Xaaji Iimaan.

Cumar Cali Rooble, Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale ayaa ka mid ahaa dadka si weyn uga cabanayay arrinta dhulka Siinaay iyo sida ay dowladdu u maareysay. Shalay ayay qeyb ka ahaayeen xubnihii mucaaradka ee lagu rasaaseeyay saldhigga degmada Wardhiigley.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Arbacadii uga digay shacabka in loo adeegsado ujeedooyin lagu carqaladeynayo amniga dalka, xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay ku dhawaaqeen mudahaaradyo waaweyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho dhamaadka toddobaadkan.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen Booliska ayaa lagu yiri “Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga digeynaa in aysan ku dhex milmin kooxaha ujeedadoodu tahay in ay carqaladeeyaan amniga, una sahlaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee dowladdu dagaalka kula jirto

Dhanka kale, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, haatanna ah guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Qaranka, ayaa horey u iclaamiyay mudahaaradyo nabadeed oo dhici doona Sabtida, 27-ka Sebteembar.

“Waxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno, anagu dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma jirto. Waxaase garab taaganahay dadka dulman ee Soomaaliyeed ee aragtaan,” ayuu yiri Shariif.

Wuxuu sheegay in mudahaaradku ka dhici doono saddex goobood oo kala ah Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile, isagoo shacabka ugu baaqay inay si nabad ah isugu soo baxaan.

Shariif ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay dhaaftay xuduud sharci, isagoo ku tilmaamay “tuugo u baahan in la hor istaago.”

“Tuugada haddaadna ka hortagin, guryaha ayay noogu imanayaan, kuma joogsanayaan sidan. Waa in lagu celiyo xadkoodii,” ayuu raaciyay.

 

 

Trump says Somalia president refused to ‘take back’ Omar

WASHINGTON, USA — President Donald Trump said Thursday he asked Somalia’s president to “take back” Ilhan Omar, the Somali-born US congresswoman who has long been one of his favorite political targets, triggering a sharp rebuke from the Minnesota Democrat.

Trump made the comments in the Oval Office after signing an executive order to clear the way for TikTok to become an American-owned company.

“I met the head of Somalia,” Trump told reporters. “I suggested that maybe he’d like to take her back. And he said, ‘I don’t want her.'”

Omar responded swiftly on her official X account. “From denying Somalia had a president to making up a story, President Trump is a lying buffoon,” Omar wrote. “No one should take this embarrassing fool seriously.”

The clash came days after a resolution to censure Omar and strip her of committee assignments failed in the House.

Speaking last week aboard Air Force One, Trump doubled down. “I think she’s terrible. I think she should be impeached,” he said. “Do they have a president? Do they have a council? Do they have anything? Do they have police? They come from a place with nothing, and then they tell us how to run our country.”

He added: “If she got censured, that’s great. If she got impeached, that’s even better.”

On his Truth Social platform, Trump also attacked Somalia directly, portraying Omar’s country of birth as plagued by “a lack of central government control, persistent poverty, hunger, resurgent terrorism, piracy, decades of civil war, corruption and pervasive violence.”

He said 70 percent of the population lives in extreme poverty and accused Somali authorities of running “a dysfunctional government riddled with bribery and embezzlement.”

Omar, elected in 2018 as one of the first Muslim women to serve in Congress, has repeatedly clashed with Trump. In 2019, she was a central target of his “send her back” rally chants, which drew widespread criticism as racist.

Despite that backlash, Trump has continued to highlight Omar’s Somali heritage to attack her politically, while right-wing lawmakers and commentators often cite her outspoken criticism of US foreign policy and Israel as grounds for her removal from Congress.

The latest flare-up underscores how Omar remains a lightning rod in American politics — a progressive Democrat facing sustained hostility from Trump and his allies as the presidential campaign season heats up.

Shacab caraysan oo Kheyre ku eedeeyey dilkii Liibaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacab aad u caraysan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku eedeeyey inuu sabab u ahaa geerida Liibaan Cali Xaashi, oo ka mid ahaa ilaaladiisa, kaasoo lagu dilay dagaalkii Arbacadii ka dhacay saldhigga Warta Nabadda, kadib markii mucaaradku halkaas ku duuleen.

Liibaan ayaa maanta lagu aasay Muqdisho, waxaana Kheyre bartiisa Facebook ku soo dhigay qoraal iyo muuqaal isaga oo uga tacsiyaynaya; waxa uu yiri: “Allaha u naxariistee, Liibaan Xaashi Ciise waxaa loo dilay si arxan-darro ah isagoo waxba galabsan, una gurmanaya dad Soomaaliyeed oo la dhibaateeyey. Gobannimo ayuu ku dhintay; dadaalkii uu ku geeriyoodayna waxaan rajeynayaa inuu guuleysto.”

Si kastaba ha ahaatee, qoraalkaas waxaa ku dhacay carow ka yimid shacabka, kuwaasoo Kheyre dusha ka saaray mas’uuliyadda geerida Liibaan, sababtoo ah mucaaradku ayaa ayaga ku duuleen saldhigga. Waxa ay yaab ku noqotay in xitaa aysan jirin ama ay aad u yareyd dadka eedeynaya dowladda.

Haddaba, waa kuwan qaar ka mid ah qoraalladii shacabkii Kheyre eedeeyey:

1- Hanad Yaasiin: Sababta uu wiilkaas dhalinyarada ah u dhintay adiga ayaa leh. Waxaad ka soo waday Hotel Jaziira oo keentay meel qalalaase iyo amni darro ah. Kursiga Kheyre ku raadi nabad, dagaal iyo fowdo shacabka naga dhaaf.

2- Abuu Ayuub Ali: Adiga diley, adiga janaasadiisa ku tukaday, adiga u tacsiyeynaya. Wiilkaaga ma istaaf ka dhigatid, markad odey kale wiilkiisa istaaf ka dhigatay. Dhallinyarow waa sidan siyaasiga damaca waalan, marka uu dhinto reerkooda ayaa dhiban.

3- Hassan Ali: Shaqadii Al-Shabaab ayaa ka billaabatay Xamar. Waagii aad NRC u shaqaynaysay wiilkii Shabaab kaa badbaadiyay abaal uma aadan gelin. Maalintaas ayaan ku nacay. Wax loo dhinto ma tihid. Kan dhintayna waa qabiilkaaga, qabrigiisana dhis.

4- Boqorka Muqdisho: Dhalinyaroow, odoyaal kursi iyo xil doonaya ayaa isku haya. Idinkuna ha ku dhimanina, ha ku dhaawacmina. Haddii dal iyo kursi isku haystaan, iyaga ha is dagaalaan. Idinka ha u dhimanina dan gaar ah oo dowlad ama mucaarad leeyahay. Adduun iyo aakhiraba beel kale ayaa kaa faa’iideysanaysa.

5- Fadima Maxamud: Wiilkaas Allaha u naxariisto. Laakiin adigaa sabab u ahaa, xaabana ku shubay. Haddii aadan ka towbad keenin, buugyada tacsida waad dul fadhiisan doontaa.

6- Abdinasir Hussein: Maalin walba tacsi ayaad ku jirtaan. Haddii sida aad wax ku dooneyso aadan wax ka beddelin, dalka dowlad baa ka jirta, nidaamka dowladnimada raaca. Mucaarad iyo muxaafid waxaad ahaaneeysaaba, annaga shacabka ahaan hadda nabad ayaan haysannaa. Cidii nabadda naga qasaysa ma aqbaleyno. Cidii dhaliil rabta, tartiib ha u soo gudbiso. Ciddii kale oo dagaal rabta dowlad baa u joogta, gacan bir ahna ku qaban doonta.

7- Suldaan Xirsi Ali Maxamed: Wiilka Allaha u naxariisto. Idinka ayaa sabab u ahaa geeridiisa, waayo waxaad ku lug yeesheen dhacdo shil ah. Dowladdu dhibkii hore waa ka garowday, balse idinku waxaad keenteen dhibaato ka sii daran. Haddii damiir leedihiin, shacabka fowdada ka daaya oo nabadda xoojiya.

8- Amal Fiqi: Carruurtiina nolol fiican ayaad dibadda ugu sameysateen, dalka ayaad ka cararteen. Laakiin carruurta masaakiinta ah ee gudaha joogta ayaad rabtaan dhiigooda in micno darro loo qubo. Nacalatullaahi caleyk adiga iyo kuwa kula midka ah.

9- Fartuun Abdullahi: Allaha u naxariisto wiilkaas. Adiga iyo musharaxiinta kale qaska dalka ka daaya, shacabka masaakiinta ahna beenta ha ku marinina. Danta guud fiiriya, danta gaarka qabri ayaad galeysaan.

10- Mohamed Amiin Hussein: Allaha u naxariisto wiilkaas. Laakiin adiga ayaa sabab u ahaa dilkiisa, waayo waxaad ku lug yeelatay arrin aan shaqadaada ahayn. Sida maahmaahda tiraahda: “Hasha iyadaa geela cuneysa, iyadaana cabaadeysa,” adigaa u qalma.

11- Umu Siham Yusuf: Allaha u naxariisto wiilkaas yar. Adigana maxaa kugu khasbay inaad wiilasha yar yar haligto? Haddii Alle kuu qoray xil madaxweyne, si nadiif ah ayaad ku gaadhi doontaa, dhiig qubis looma baahna.

12- Umu Siham Yusuf: Carruurtaada waad badbaadisay, wiilkaas masaakiinta ahna rasaas ayaa ku dishay. Wuxuu ahaa dhallinyaro sabool ah oo caruur yar haystay, hanti iyo dhaqaale toona ma lahayn. Haddii uu lahaa, ciidanka kuma biireen.

Dowladda oo xabsi dhigtay wasiir hore iyo ganacsato ka soo jeeda beesha…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amniga ayaa goordhow oo caawa xiray Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Cumar Cali Rooble, iyo ganacsade Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in dhammaan xubnaha la xiray oo ka soo jeeda Beesha Waceysle lagu qabtay agagaarka Hotel Global, ee Waqooyiga Muqdisho, halkaas oo uu deggenaa ganacsade Cali Xaaji Iimaan.

Cumar Cali Rooble, Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale ayaa ka mid ahaa dadka si weyn uga cabanayay arrinta dhulka Siinaay iyo sida ay dowladdu u maareysay. Shalay ayay qeyb ka ahaayeen xubnihii mucaaradka ee lagu rasaaseeyay saldhigga degmada Wardhiigley.

Xariggan ayaa sii xoojinaya xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho, xilli mucaaradku ay abaabulayaan bannaanbax Sabtida dhici doona, kaasi oo dowladdu si weyn uga soo horjeedo.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Arbacadii uga digay shacabka in loo adeegsado ujeedooyin lagu carqaladeynayo amniga dalka, xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay ku dhawaaqeen mudahaaradyo waaweyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho dhamaadka toddobaadkan.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen Booliska ayaa lagu yiri “Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga digeynaa in aysan ku dhex milmin kooxaha ujeedadoodu tahay in ay carqaladeeyaan amniga, una sahlaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee dowladdu dagaalka kula jirto

Dhanka kale, madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, haatanna ah guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Qaranka, ayaa horey u iclaamiyay mudahaaradyo nabadeed oo dhici doona Sabtida, 27-ka Sebteembar.

“Waxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno, anagu dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma jirto. Waxaase garab taaganahay dadka dulman ee Soomaaliyeed ee aragtaan,” ayuu yiri Shariif.

Wuxuu sheegay in mudahaaradku ka dhici doono saddex goobood oo kala ah Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile, isagoo shacabka ugu baaqay inay si nabad ah isugu soo baxaan.

Shariif ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay dhaaftay xuduud sharci, isagoo ku tilmaamay “tuugo u baahan in la hor istaago.”

“Tuugada haddaadna ka hortagin, guryaha ayay noogu imanayaan, kuma joogsanayaan sidan. Waa in lagu celiyo xadkoodii,” ayuu raaciyay.

Madaxweyne Sarkozy oo lagu xukumay xabsi 5 sano ah kadib fadeexaddii Qadaafi

Paris (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla magaalada Paris ayaa Khamiista maanta ah ku xukuntay madaxweynihii hore ee Faransiiska, Nicolas Sarkozy, shan sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inuu lacago sharci-darro ah oo ololihiisa doorashada la xiriiray ka aqbalay hoggaamiyihii hore ee Liibiya, Mucammar Al-Qaddaafi.

Xukunkan ayaa ka dhigan in la xiri doono, haddii uu racfaan ka qaato iyo haddii kaleba. Garsooraha ayaa sidoo kale ku amray inuu bixiyo ganaax dhan €100,000.

Xeer-ilaalintu waxay ku eedeysay Sarkozy, oo mar walba iska fogeeyay eedeymahan, inuu heshiis la galay Qaddaafi sanadkii 2005-tii, xilligaasoo uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska, si uu u helo dhaqaale uu ku galo ololaha doorashada, taasoo beddelkeeda uu ku taageeri lahaa dowladdii Liibiya oo xilligaas caalamka ka go’doonsanayd.

Maxkamadda ayaa Sarkozy ku heshay dambiyo isku xiran oo uu qayb ka ahaa qorshe u dhexeeyay 2005 ilaa 2007, kaasoo ujeedkiisu ahaa in ololihiisa doorashada lagu maalgeliyo lacago ka yimid Liibiya, si loogu abaal gudo saamaxaadyo diblomaasiyadeed. Laakiin maxkamadda ayaa ka sii daysay saddex eedeymood oo kale oo ay ka mid ahaayeen musuq-maasuq, maalgelin sharci-darro ah oo ololaha doorashada, iyo qarin lunsasho hanti dadweyne.

Sarkozy ayaa si kulul u dhaleeceeyay go’aanka maxkamadda ee ku saabsan isku xirnaanta dambiyeed, isagoo weriyeyaasha u sheegay markii uu maxkamadda ka soo baxayay inuu u arko mid “aad halis ugu ah sarreynta sharciga.”

Isagoo ay garab taagan tahay xaaskiisa oo ah model iyo fannaanad, Carla Bruni-Sarkozy, ayuu Sarkozy weriyeyaasha u sheegay inuu racfaan ka qaadan doono go’aanka, “isagoo madaxa kor u haya uu xabsiga ku seexan doono,” kaddib markii maxkamaddu amartay in goor dambe la xiro.

Xukunkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee caqabado sharci oo is-daba-joog ah oo soo wajahay hoggaamiyihii hore ee garabka midig, oo 70 jir ah, kaasoo dafiray eedeymaha loo soo jeediyay.

Sarkozy, oo madaxweynaha Faransiiska ahaa intii u dhaxaysay 2007 iyo 2012, ayaa horay loogu xukumay laba kiis oo kala duwan waxaana laga xayuubiyay sharaftii ugu sarraysay ee Faransiiska.

Xukunka ayaa waxaa hareeyay geerida ku timid maalqabeenkii Faransiiska iyo Lubnaan u dhashay, Ziad Takieddine, oo ahaa mid ka mid ah dadkii ugu muhiimsanaa ee Sarkozy ku eedeeyay kiiskan, kaasoo Talaadadii ku geeriyooday magaalada Beirut.

Takieddine wuxuu dhowr jeer sheegtay inuu gacan ka geystay gudbinta lacag caddaan ah oo gaaraysa ilaa shan milyan oo Yuuro ($6 milyan) oo Qaddaafi uga timid Sarkozy iyo madaxii shaqaalaha madaxweynihii hore intii u dhaxaysay 2006 iyo 2007.

Kaddib wuxuu si la yaab leh uga laabtay sheegashadiisii, ka hor inta uusan markale iska hor imaan hadalkiisii hore, taasoo keentay in kiis kale laga furo Sarkozy iyo xaaskiisa, iyadoo looga shakisan yahay inay cadaadis saareen markhaati.

Geerida Takieddine, oo 75 jir ahaa, kuna dhintay wadne istaag, isla markaana ku noolaa Lubnaan si uu uga baxsado amar soo qabasho ah oo Faransiisku soo saaray, ayaa hubanti la’aan cusub ku soo kordhisay dacwadda, iyadoo sare u qaadday suurta-galnimada in xukunka dib loo dhigo.

‘Ilaa dhamaadka waan dagaallami doonaa’

Xeer-ilaalintu waxay ku doodeen in Sarkozy iyo kaaliyeyaashiisu ay heshiis la galeen Qaddaafi sanadkii 2005-tii si ay si sharci-darro ah ugu maalgeliyaan ololihii doorashada madaxweynenimo ee Sarkozy uu ku guuleystay laba sano kaddib.

Baarayaashu waxay aaminsan yihiin in taas beddelkeeda, Qaddaafi loo ballan qaaday in laga caawin doono soo celinta sumcaddiisa caalamka kaddib markii reer Galbeedku ay Tripoli ku eedeeyeen inay ka dambaysay qarxintii diyaarad sannadkii 1988-kii oo dul martay Lockerbie, Scotland, iyo mid kale oo ku dhacday Niger sannadkii 1989-kii, halkaasoo ay ku dhinteen boqollaal rakaab ah.

Ugu dambayn, Qaddaafi waxaa afgambiyay oo dilay mucaaradkii dalkiisa sanadkii 2011 intii lagu jiray Kacdoonkii Carabta, xilli ay socotay faragelin millatari oo ay wadeen ciidammada NATO – oo Faransiiska xilligii Sarkozy uu door muhiim ah ka ciyaaray – taasoo lagu soo rogay xayiraad dhanka duulimaadyada ah.

Kow iyo toban qof oo kale ayaa lagu soo eedeeyay kiiskan oo ay la socdeen Sarkozy, oo ay ku jiraan ninkii uu aadka ugu kalsoonaa, Claude Gueant, madaxiisii maalgelinta ololaha, Eric Woerth, iyo wasiirkii hore Brice Hortefeux, kuwaasoo dhammaantood iska fogeeyay eedeymaha.

Gueant ayaa Khamiista lagu xukumay lix sano oo xabsi ah, halka Hortefeux lagu xukumay laba sano.

Kiiska xeer-ilaalinta ayaa ku salaysnaa hadallo laga soo xigtay toddoba sarkaal oo hore oo Liibiyaan ah, safarro ay Gueant iyo Hortefeux ku tageen Liibiya, xawaalado lacageed, iyo buug-yar oo uu lahaa wasiirkii hore ee shidaalka Liibiya, Shukri Ghanem, kaasoo meydkiisa laga helay isagoo ku haftay webiga Danube ee Vienna sanadkii 2012.

“Waqti kasta ha qaadatee, laakiin ilaa dhamaadka waan u dagaallami doonaa si aan u caddeeyo dembi la’aantayda,” ayuu Sarkozy u sheegay wargeyska Faransiiska ee Le Figaro.

Sarkozy ayaa wajahay dhibaatooyin sharci oo is-daba-joog ah tan iyo markii uu xilka ka degay, waxaana si gooni-gooni ah loogu soo eedeeyay musuq-maasuq, laaluush, awood-sheegasho, iyo ku xadgudub sharciyada maalgelinta ololaha doorashada.

Markii ugu horreysay waxaa lagu helay dambi musuq-maasuq ah waxaana lagu xukumay hal sano oo xabsi ah, kaasoo uu ku qaatay isagoo xiran qalab elektaroonig ah oo lagula socdo muddo saddex bilood ah, ka hor inta aan shardi lagu sii deyn.

Sidoo kale, waxaa si gooni ah loogu xukumay hal sano oo xabsi ah – lix bilood oo xarig ah iyo lix bilood oo kale oo la hakiyay – kiiskii loogu magac daray “Bygmalion affair,” oo la xiriiray maalgelin sharci-darro oo ololaha doorashada ah. Sarkozy wuxuu u gudbiyay maxkamadda ugu sarraysa ee racfaanka ee Faransiiska si uu uga dacwoodo xukunkaas.

Wuxuu la kulmay cawaaqib ka baxsan maxkamadda, oo ay ka mid tahay in laga qaaday billadda Sharafta Rug Caddaaga (Legion of Honour) – oo ah billadda ugu sarraysa ee Faransiiska – kaddib markii lagu helay dambiga musuq-maasuqa.

Marka laga soo tago dhibaatooyinka sharciga ah, ninkan oo isku magacaabi jiray “madaxweynihii firfircoonaa” (hyper-president) intii uu xilka hayay, wuxuu weli saameyn iyo taageero weyn ku leeyahay dhanka midig ee siyaasadda Faransiiska, waxaana la ogyahay inuu si joogto ah ula kulmo Madaxweyne Emmanuel Macron.

Aadan Madoobe oo tegay saldhigii lagu dagaalamay, una digay mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe ayaa galinkii dambe tegay saldhiga degmada Warta Nabadda, halkaas oo shalay iska hor imaad ku dhexmaray ciidanka booliska iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo indha-indheeyay baaxadda khasaaraha goobtii lagu dagaalay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii shalay ka dhacday saldhiga ciidanka booliska.

Aadan Madoobe ayaa ku baaqay in cidda ka dambeysay falkii foosha xumaa ee shalay ka dhacay saldhiga Warta Nabadda ay qaadato mas’uuliyadeeda, taas oo ka dhigan in mucaaradka uu garowshiyo ka bixiyo dhacdadii shalay.

“Xabadaha aan saldhiga ku arkay xitaa waa ka weyn yihiin kuwii dagaallada sokeeye, waan ka xumahay,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo warbaahinta kula hadlay saldhiga Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara hurin colaadeed, isagoo ka digay abaabulka ay mucaaradka ka wadaan magaalada Muqdisho. “In shacabka lagu dhiirigaliyo dhibaato kale oo dhacda, waan ka xumahay taas,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa laamaha amniga, gaar ahaan ciidamada booliska gobolka Banaadir ugu baaqay inay adkeeyaan sugidda amniga caasimadda, si looga hortago fal kasta oo lidi ku xasilloonida iyo amniga bulshada.

Tan ayaa imanaysa xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya amar buuxa siisay laamaha amniga dowladda, si ay uga hortagaan fal kasta oo qalqal gelinaya amniga caasimadda iyo dhaq-dhaqaaqa mucaaradka.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin fowdo iyo in la abuuro amni darro.

“Laamaha amniga waxaa farayaa inay shaqadooda qabsadaan, anigoo wakiil uga ah xukuumadda Dan-Qaran, waxaan idin soo gaarsiiyay laamaha amniga meel kasta oo joogaan in wixii qalqal gelinaya dalka Soomaaliya in gacan bir ah lagu qabto,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Wasiirka ayaa caddeeyay in aysan cidna kala gorgortameyn amniga, isagoo marmarmsiyo raqiis ah ku tilmaamay doodda mucaaradka ay ku sheegeen inay saldhiga ciidanka u tageen si ay u soo damiintaan shaqsiyaad loo xiray arrimaha dhulka danta guud.

Arrimahaan ayaa uga sii daraya amniga caasimadda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda, oo salka ku haya wax ka beddelka dastuurka iyo sidoo kale arrimaha dhulka danta guud, oo mucaaradka si adag uga horyimid barakicinta shacabka.