27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xasan Sheekh oo ku faanay arrin yaab leh xilli ay si weyn isku hayaan mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku faanay in marwalba ay dowladdiisa xooga saarto wada-hadalka siyaasadeed, xilli ay haatan si weyn isku hayaan siyaasiyiinta mucaaradka, oo sheegay inuu ka leexday dhabihii saxda ahaa.

Xasan ayaa sheegay in dowladdiisu ay 2023 bilowday dadaallo lagu xoojinayo wada-hadalka siyaasadeed, kuwaas oo horseeday horumar weyn oo laga gaaray hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, isagoo tilmaamay in dadaalladu ay salka ku hayaan isku-duubni siyaasadeed iyo dhageysiga talooyinka ay bixiyaan dhinacyada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda Ciidul-Adxa, isagoo xusay in bishii July 2023 uu isugu yeeray kulan wada-tashi ah Madaxweynayaashii hore ee dalka. Kulankaasi waxa uu dhacay hal sano kadib markii uu xilka qabtay, wuxuuna u arkayay in midnimo siyaasadeed iyo wax wada-tashi ay lagama maarmaan u yihiin jihaynta dalka.

Madaxweynaha ayaa sharxay in kulankaasi uu ujeedkiisu ahaa in dowladdu ay dhageysato talooyinka iyo aragtiyaha madaxda hore ee dalka, uuna ahaa fursad muhiim ah oo lagu falanqeynayay arrimo masiiri ah oo saameynaya mustaqbalka dalka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in wixii ka dambeeyay wadatashigaas ay dalka ka hirgaleen horumaro la taaban karo oo la xiriira dimuqraadiyeynta, kuwaas oo uu xusay in ay yihiin kuwo lagu xoojinayo dowladnimada iyo kala dambeynta.

“Tan iyo markaas, horumar weyn ayaa laga sameeyay hannaanka dimuqraadiyeynta iyadoo loo marayo hay’adaha dastuuriga ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa mar kale caddeeyay in albaabka wada-hadalka uu yahay mid mar walba furan, isla markaana aysan dowladdiisu xiri doonin, si loo helo isfahan qaran oo ku saleysan talo-wadaag. Wuxuuna intaas ku daray in gogosha wada-tashiga siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada la qaban doono 15-ka Juun 2025 magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo madaxda dhaqanka in ay ka qeyb qaataan gogosha wada-tashiga, si loo sii xoojiyo hannaanka dimuqraadiyeynta iyo horumarka qaranka, isagoo tilmaamay in midnimo iyo wada-hadal lagu gaari karo xasillooni iyo horumar waara.

Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku faanay inuu mar walba wada-hadal diyaar u yahay, uuna wada-hadalkiisi hore dhalay horumar, haddana waxaa muuqata in muddooyinkii dambe uu albaabada ka xirtay mucaaradka, isagoo ku dhaqaaqay hanaan doorasho oo loo dhameyn, isla markaana uu wax ka beddel ku sameeyay dastuurka heshiiska lagu ahaa.

Booliska Soomaaliya oo ballan-qaaday $30,000 oo la siin doono cidii keenta…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo si adag uga hadlay ammaanka Muqdisho ayaa soo hadal qaaday weerarada hoobiyeyaasha ee magaalada Muqdisho.

Macallin Mahdi ayaa shaaca ka qaaday inay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah oo looga hortegayo hoobiyeyaasha inta badan lagu garaaco xarumaha muhiimka ah ee caasimada.

Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa ballan lacageed ku dhowaaqay, wuxuuna sheegay ciddii keentay maclumaadka horseedi kara in la ogaado ama gacanta lagu soo dhigo kooxaha ku howlan hoobiyeyaasha lasii doono abaal-marin ay ku faraxdo.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in xitta ciidamada ammaanka ee Sameeya dadaal dheeri ah oo ku aadan fashilinta ragga hoobiyeyaasha kusoo tuura caasimada, ay iyaguna leeyihiin abaal-marinta.

Xaafadaha Muqdisho ayaa waxaa inta badan hoobiyeyaal ku garaaca maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay kasoo abaabulaan degmooyinka dhaca daafaha caasimada.

Weerarkii u dambeeyay ayaa dhacay Arbacadii lasoo dhaafay, kadib markii hoobiyeyaal lagu garaacay gudaha Xerada Xalane iyo xaafado kale oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Inta badan Madaafiica ayaa lagu beegsadaa xarumo dowladeed oo muhiim ah, sida aagga Madaxtiiyada, garoonka Aadan Cadde iyo meelo kale oo kamid ah caasimada.

Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka.

Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoogga soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana barbar socda duqeymo diyaaradeed oo ay fulinayaan saaxibada caalamiga ah oo hawada ka taageeraya ciidamada Xoogga dalka.

Trump oo AQALKA CAD ka eryey xubno ku dhow Israel, xilli xiriirka uu sii xumaanayo

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa dib u habeyn ku sameeyay Golaha Amniga Qaranka (NSC), taasoo keentay in xilka laga qaado mas’uuliyiin sar-sare oo caan ku ahaa taageeradooda buuxda ee Israa’iil. Tallaabadan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan jihada uu xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil u jeesanayo.

Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday waxaa ka mid ah Merav Sirin, oo haysta dhalashada Mareykanka iyo Israa’iil isla markaana dhowaan madax ka ahayd qeybta Iran-Israa’iil ee Golaha Amniga Qaranka; Eric Trager, oo mas’uul ka ahaa siyaasadda Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika; iyo Morgan Ortagus, diblomaasi caan ah oo door muuqda ka ciyaartay wadaxaajoodka xabbad-joojinta Lubnaan, iyadoo sidoo kale si dhow loola xiriirin jiray danaha Israa’iil.

Merav iyo Trager waxaa xilalka u magacaabay Mike Waltz, oo horey u ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Trump, lagana eryay xilka toddobaadyo kahor. Waltz ayaa loo arkayay inuu ka mid ahaa taageerayaasha ugu dhow Israa’iil ee maamulka Trump. Shaqooyinkii labadaasi mas’uul hadda waxaa loo wareejiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio.

Ortagus, oo diinta Yuhuudda qaadatay, kana mid ahayd kuwa ugu ad-adag ee ka soo horjeeda Xisbullah iyo kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Lubnaan, ayaa la sheegay inay loollan ugu jirtay in ay la wareegto faylka arrimaha Suuriya.

Inkasta oo ilaha Mareykanka ay sheegeen in xilka looga qaaday khilaafaad gudaha ah halkii ay ka ahaan lahayd doorkeeda ku aaddan Lubnaan, haddana arrintan waxay walaac ku dhalisay mas’uuliyiinta Israa’iil. Qaar ka mid ah saraakiisha Israa’iil ayaa u arkayay inay ahayd xiriir muhiim ah oo u dhexeeyay Tel Aviv iyo Aqalka Cad.

Siyaasadda “America First”

Isku-shaandheyntan ayaa u muuqata mid qeyb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo mabda’a “America First” ee Trump, kaasoo haatan si weyn u wado madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo, ujeedadu waa in la yareeyo saameynta dalal kale, gaar ahaan Israa’iil, ku leeyihiin siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Magacyada la hadal hayo in lagu beddeli karo mas’uuliyiinta la eryey waxaa ka mid ah Joel Rayburn, oo horey u ahaa ergay Mareykan ah, iyo Massad Boulos, oo ah ganacsade Lebanese-American ah, ahna sodogga wiilka madaxweyne Trump ee Donald Trump Jr.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa si cad u muujiyay walaac ay ka qabaan jihada isbeddelkan. In kasta oo Marco Rubio loo arko mid saaxiib la ah Israa’iil, haddana taageerayaal badan oo u janjeera Israa’iil waxay sheegeen inuusan la iman ballanqaadkii adkaa ee ay ku qanacsanaayeen.

“Wuxuu taageeraa Israa’iil,” ayuu yiri sarkaal Israa’iili ah oo la hadlay wargeyska Yedioth Ahronoth, “laakiin ma raaco ajandaha Israa’iil sida uu sameyn jiray Waltz.”

Walaaca Israa’iil waxaa sii kordhiyay kororka codadka kuwa doonaya in Mareykanka uu gees u baxo ee ku soo badanaya gudaha xisbiga Trump, kuwaasoo ay ka mid yihiin shaqsiyaad caan ah sida Tucker Carlson, oo ka tirsan warbaahinta midigta fog. Dadkani waxay uga digeen Trump in taageerada aan shuruudda lahayn ee Israa’iil ay khatar ku tahay in Mareykanku galo dagaallo ballaaran oo gobolka ka dhaca.

Xiisad ka dhex qaraxday Israa’iil

Tallaabooyinka shaqo ka qaadista ayaa sidoo kale horseeday xiisado siyaasadeed oo ka dhex dhashay dowladda Israa’iil. Sida laga soo xigtay saraakiil sare, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa si gaar ah uga xumaaday sida uu ugu qaldamay akhrinta isbeddellada ka socda Washington, isagoo qoomameyn ka muujiyey Wasiirka Arrimaha Istiraatiijiga ah Ron Dermer, oo muddo dheer u ahaa ergayga Mareykanka. “Dermer si qaldan ayuu u akhriyay xaaladda,” ayuu yiri sarkaal sare, “wuxuuna ku guuldareystay inuu saadaaliyo jihada isbeddelka.”

Walaaca Israa’iil ayaa sii xoogeystay kaddib booqashadii Netanyahu uu bishii Abriil ku tagay Washington, taasoo si weyn loo dhaleeceeyay. Isagoo rajeynayay inuu yareeyo canshuuraha cusub ee Mareykanka iyo inuu hor istaago dadaallada Trump uu xiriir diblomaasiyadeed kula damacsanaa Iran, ayuu Netanyahu halkii uu guul ka raadin lahaa, noqday mid la iska fogeeyay.

Intii uu socday muuqaal toos ah oo ka dhacay Xafiiska Oval, Trump wuxuu si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu qorsheynayo wadahadal toos ah oo lala yeesho Tehran, taasi oo horey uusan uga war hayn Netanyahu.

Warbaahinta Israa’iil ayaa booqashada ku tilmaantay guul-darro diblomaasiyadeed, iyadoo mid ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn uu ugu yeeray “kulankii ugu xumaa ee abid dhex mara hogaamiyeyaasha labada dal.”

Isbeddelladani waxay calaamad u yihiin leexasho weyn oo ku timid xiriirkii muddo dheer loo arkayay mid adag oo u dhexeeya Trump iyo Netanyahu. “Codad halis ah ayaa la talinaya Trump,” ayuu yiri sarkaal sare oo Israa’iili ah. “Waxay abuureen shaki ku saabsan danaha Israa’iil waxayna su’aal geliyeen muhiimadda xiriirka.”

Inkasta oo si shaacsan loo beeniyay kala fogaanshahan, haddana qaar ka mid ah dadka ku sugan Tel Aviv ayaa qiray in xiriirka labada dhinac uu si dhab ah u xumaaday. “Xiriirku wuu jabay,” ayuu yiri sarkaal Israa’iili ah. “Waxbaa si daran u burburay xiriirka Netanyahu–Trump.”

Mucaaradka oo walaac xooggan ka muujiyay arrin ay ku howlan tahay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay arrin culus oo ay ku howlan tahay dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo la xiriira hannaanka loo wajahayo dhismaha Guddiga cusub ee Xuquuqul Insaanka.

Madasha Samatabixinta oo ay ku mideysan yahay inta badan xubnaha mucaaradka ayaa bayaankan walaac xoogleh uga muujisay, sida loo dhisayo Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo su’aallo iyo shaki laga muujiyay hannaanka loo marayo.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay walaac xooggan ka muujinaysaa hannaanka loo marayo xulista xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Sidoo kale mucaaradka ayaa tilmaamay in qaabka wax loo wado, gaar ahaan xulista xubnaha guddigan ay baalmarsan tahay dastuurka iyo shuruudcda dalka, ayna ka digayaan.

“Xulista xubnaha Guddiga oo ka mid ah Guddiyada Madaxabannaan ee dastuuriga ah ayaa si cad u baal marsan qodobada 41aad iyo 111b ee Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu dhiso guddi Xuquuqda Aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka Dawladda, ahaadana mid loo dhan yahay” ayaa lasii raaciyay.

Madashu waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in Villa Soomaaliya iyo xukuumadda ay dhisayaan guddi maqaar saar ah, isla markaana laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa kale oo ay Madasha soo jeedisay in la hakiyo xulista guddigan, illaa inta aga helayo waddo sharci ah oo loo maro dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Ugu dambeyn waxay baaq u direen dowlad-goboleedyada, difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo beesha caalamka oo ay ka dalbadeen inay isha ku hayaan dhismaha guddigan cusub.

Dhowaan ayaa la shaaciyay imtixaan la sheegay in laga qaadayo xubno usoo gudbday wareegga u dambeeya ee ku biirista guddiga, waxaana kasoo muuqday xubno ka tirsan xukuumadda oo uu kamid yahay afhayeenka xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale.

Daawo: Saameyn xooggan oo ka dhalatay tallaabo ay maanta qaaday dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Saameyn xoogleh ayaa ka dhalatay tallaabo culus oo ay maanta iyo shalay qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo ay dareemeen shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa la xiriirta kadib markii dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada ammaanka ay xireen dhaq-dhaqaaqyo waddooyin muhiim u ah shacabka oo haatan u dabaal dagaya munaasabadda Ciidul-Adxaa oo maanta ay tahay maalinteeda labaad.

Waddooyinka la xiray ayaa ah kuwo ku yaalla aagga xeebta Liido, halkaas oo ay ciidamadu u diideen inay ka gudbaan gaadiidka iyo mootooyinka, waxaana loo ogolaaday dadka lugeynaya oo kaliya.

Qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlay dareenkooda iyo saameynta ay ku yeelatay in laga xiro waddooyinkaas, si ay u gaaraan xeebta Liido oo kamid ah meelaha sida wayn dalxiiska loogu tego.

“Maalin ciid ah waayay waddooyinka in la xirana aad ayaan uga xumahay waxaan soo lugeeyay dhowr kiilo mitir si aan usoo gaaro Liido, hadana waa lugeyn doonaa” ayay tiri gabar dhalinyaro ah oo kamid ah dadka u damaashaad tegay xeebta Liido

Sidoo kale, qaar kamid ah shacabka oo dareensan culeyska amni ee imaan kara ayaa boggaadiyay tallaabada hay’adaha amniga ee la xiriira sugidda amniga caasimada.

“Amniga ayaa la sugayaa dhibaato kale ma jirto, sababtana waxaa waayey yuuna qarax dhicin marka aniga waa ku faraxsanahay” ayuu yiri wiil kale oo dhalinyaro ah.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan leeyahay annaga ww u duqaadanay ee shacabow idinkana u dul-qaata”.

Ugu dambeyn shacabka ayaa dowladda ka codsaday in loo fududeeyo isku socodka waddooyinka muhiimka ah, maadaama ay carruur wataan, laguna jiro maalmaha ciidda.

“Waxaan ka codsaneynaa dowladda maadaama ay tahay maalmo farxadeed oo ciiddii lagu jiro inay waddooyinka noo furaan, isla markaana noo fasaxaan mootooyinka si aan ugu soo qaadano carruurteeda, uguna dalxiisaan dalkooda” ayuu yiri wiil kale oo ka yimid Daniile.

SOOMAALIYA oo eedeyn culus u jeedisay Sacuudi Carabiya – Maxaa is-bedelay?

Geneva (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si cad ugu eedeysay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku xadgudubka xuquuqda shaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga shaqaalaha muhaajiriinta, intii uu socda shirweynaha Caalamiga ah ee Shaqaalaha (ILC) ee ka socda Geneva.

Tallaabadan ayaa Soomaaliya ku biirisay isbahaysi sii ballaaranaya oo ay hoggaaminayaan dalal iyo ururro shaqaale oo caalami ah, kuwaasoo dalbanaya in si rasmi ah loo baaro sida Sacuudigu ula dhaqmo shaqaalaha muhaajiriinta.

Hadallada wafdiga Soomaaliya ayaa noqday dhaleeceyn fagaare ah oo aan caadi ahayn oo uga timid dal Afrikaan iyo Carab ah xukuumadda Riyadh, taasoo kor u qaaday olole caalami ah oo lagu doonayo in Sacuudiga lagu qaado isla xisaabtan ku saabsan eedeymaha xadgudubka, oo ay ka mid yihiin musuq-maasuq mushahar, shaqo khasab ah, iyo dhibaatooyin loo geysto shaqaalaha Afrikaanka ah.

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 36 dal iyo dhowr urur shaqaale oo caalami ah oo taageeray baaqa lagu dalbanayo in Hay’adda Caalamiga ah ee Shaqaalaha (ILO) ay sameyso Guddiga Baaritaan—oo ah hannaan baaris oo ahmiyad sare leh oo hay’addu isticmaasho—si loo baaro xaaladaha shaqo ee Sacuudiga.

“Shaqaalaha Sacuudiga waxaa loo arkaa kuwo la tuuri karo. Waxay baxaan iyagoo nool, waxayna ku soo laabtaan naxash,” ayuu yiri Joel Odigie, Xoghayaha Guud ee ITUC-Africa, oo ka mid ah ururrada gudbiyay cabashada.

“Afrikaanku waxay u safraan Sacuudiga si ay nolol u helaan, balse waxay ku soo laabtaan naxashyo,” ayuu yiri Omar Osman, Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU), kana mid ah saxiixayaasha cabashada.

Dadaalladan ayaa daba socda sannado dhaleeceyn ah oo lagu eedeeyay nidaamka “kafala” ee Sacuudiga—nidaam kafaala qaadasho ah oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen inuu suurtageliyo tacaddiyo baahsan oo lagula kaco shaqaalaha dakhligoodu hooseeyo, oo badankood ka yimaada waddamada Afrika iyo Aasiya.

Khilaaf diblomaasiyadeed oo soo fool leh

Tallaabada Soomaaliya ee Geneva ayaa keentay walaac laga qabo mustaqbalka heshiis shaqo oo dhawaan ay la saxiixatay Sacuudiga, kaasoo lagu talo galay in uu shaqo u furo kumannaan Soomaali ah oo dooneysa fursado nololeed oo cusub.

Bishii May, Wasiirka Shaqada Soomaaliya, Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Riyadh kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Bulshada ee Sacuudiga, Dr. Cabdalla bin Naasir Abuthnain.

Kulankaas oo dhacay intii lagu guda jiray shir caalami ah oo ku saabsanaa badqabka shaqaalaha ayaa lagu dardargelinayay hirgelinta heshiis labo geesood ah oo lagu ballanqaaday in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed.

Hase yeeshee, khilaafka diblomaasiyadeed ee cusub ayaa khatar gelinaya dadaalladaas, iyadoo laga cabsi qabo in uu carqaladeeyo iskaashiga guud ee labada dal, oo ay ku jiraan barnaamijyo horumarineed oo muhiim ah.

Tan iyo 1977, Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga (SFD) wuxuu maalgeliyay mashaariic horumarineed oo qiimahooda ka badan yahay $100 milyan, kuwaasoo lagu taageeray waaxyaha biyaha, waxbarashada, beeraha, warshadaha iyo macdanta Soomaaliya.

Horraantii sannadkan, SFD waxay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), si ay u maalgeliso mashaariic kaabayaasha miyiga ah ee qaaradda Afrika, oo ay Soomaaliya ku jirto.

Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa ka qeyb galay munaasabadda saxiixa, taasoo lagu tilmaamay astaan muujinaysa xiriir sii xoogeysanaya oo u dhexeeya labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirkaasi haatan wuu daciifay, iyadoo la rumeysan yahay in Sacuudigu dib u eegayo barnaamijyadiisa horumarineed iyo bini’aadantinimo, si uu uga jawaabo mowqifka Soomaaliya ee ka qeybgalka ololaha Geneva.

Isbeddel siyaasadeed oo ka socda Soomaaliya?

Falanqeeyayaal goboleed ayaa aaminsan in mowqifka Soomaaliya uu qeyb ka yahay dib-u-habeyn siyaasadeed oo ka dhex socda siyaasadda arrimaha dibadda ee Muqdisho. Dalka oo horay ugu caan baxay dhexdhexaadnimo marka ay timaaddo loolanka Khaliijka, ayaa hadda u muuqda mid si tartiib tartiib ah uga jeesanaya xulafadiisii hore ee Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar, isagoo u leexanaya dhanka Qatar.

Soomaaliya waxay noqotay waddanka kaliya ee ka tirsan Bariga Afrika ama Jaamacadda Carabta ee si fagaare ah u taageeray ololaha ka dhanka ah Sacuudiga intii uu socday shirka ILC.

Waqtiga tallaabadani dhacdayna wuxuu sii xoojinayaa muhiimaddeeda. Soomaaliya waxay wajahaysaa marxalad doorasho oo kacsan, waxaana falanqeeyayaashu rumeysan yihiin in Muqdisho ay isku dayeyso in ay hesho ilo dhaqaale oo kale xilli ay siyaasadda gobolka iyo xiriirrada diblomaasiyadeed is beddelayaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa jawaab uga bixisay dhaleeceynta, iyadoo xustay isbeddello sharciyeed iyo wada-shaqeyn ay la leedahay Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO). Sannadkii 2023, Sacuudiga wuxuu la saxiixday heshiis laba sano ah oo ay la galeen ILO, kaasoo lagu waafajinayo nidaamyada shaqada heerarka caalamiga ah, lana xoojinayo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in isbeddelladaasi ay si gaabis ah u socdaan, islamarkaana xadgudubyadu ay weli baahsan yihiin, gaar ahaan kuwa lagula kaco dadka aan sharciyeysnayn iyo shaqaalaha Afrikaanka ah.

ILO waxay xaqiijisay inay heshay cabashada, waxayna sheegtay in golaha sare ee hay’adda uu go’aan ka gaari doono in baaritaan rasmi ah la furo marka uu kulmayo bisha November.

Natiijada murankan waxay yeelan doontaa saameyn weyn oo gaaraysa malaayiin shaqaale muhaajiriin ah oo ku sugan Sacuudiga, oo ay ku jiraan kumannaan ka soo jeeda Geeska Afrika.

Sidoo kale, arrintan waxay astaan u noqon kartaa isbeddel ku saabsan sida dalal yaryar sida Soomaaliya ay ula macaamilaan awoodaha dhaqaalaha iyo siyaasadda ee Khaliijka – gaar ahaan marka ay isku dhacaan danaha dhaqaale iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Trump iyo Musk iyo Trump oo ku dhowaaqay in…

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay inuusan qorsheynin inuu la hadlo Elon Musk, taasoo muujinaysa in xiisadda kala dhexeysa ninkii hore u ahaa saaxiibkiisa dhow aysan dhowaan degganaan doonin.

Khilaafkooda ayaa ka dhashay muran culus oo ku saabsan hindise sharciyeed weyn oo lagu dhimayo canshuuraha laga qaado shacabka laguna kordhinayo kharashaadka dowladda, taasi oo Musk uu si weyn uga hor-yimid.

Trump oo la hadlayay saxafiyiinta isagoo ku sugan diyaaradda Air Force One ayaa sheegay inuusan “ka fikirayn” maamulaha guud ee Tesla. “Waxaan rajeynayaa in uu guul ka gaaro Tesla,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu caddeeyay in dib u eegis lagu sameyn doono dhammaan qandaraasyada ballaaran ee shirkadaha Musk ay la leeyihiin dowladda federaalka. “Wax kasta waan eegi doonnaa,” ayuu yiri. “Waa lacag aad u badan.”

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo codsaday in aan la magacaabin ayaa sheegay in Trump laga yaabo inuu iska iibiyo baabuurkiisa Tesla Model S ee casaanka ah ee uu iibsaday bishii Maarso, kaasoo uu hore ugu soo bandhigay fagaaraha Aqalka Cad, isagoo muujinaya taageerada uu u hayo teknoolajiyadda korontada ku shaqeysa.

Dhinaca kale, Musk si toos ah uma uusan weerarin Trump, balse wuxuu sii waday dhaliilihiisa ku aaddan hindisaha sharciyeed ee xisbiga Jamhuuriga oo qeyb weyn ka ah ajandaha gudaha ee Trump.

Boggiisa X (horey Twitter), Musk wuxuu dib u baahiyay hadallo muujinaya in sharciga uu Trump wato – oo uu hore ugu tilmaamay “biilka weyn ee quruxda badan” – uu dhaawac siyaasadeed u keeni karo xisbiga Jamhuuriga, isla markaana uu sare u qaadi doono deymaha dalka oo haatan maraya $36.2 tirilyan.

Wuxuu si toos ah ugu jawaabay “sidaas oo kale” qoraal uu sameeyay isticmaale kale oo sheegay in Musk uu dhaleeceeyay Kongareeska, halka Trump uu si shakhsi ah u weeraray Musk.

Musk wuxuu sidoo kale ku baaqay in Mareykanka laga aasaaso xisbi cusub oo metela “80% dadka dhexe ah.”

Qaar ka mid ah dadka la hadlay Musk ayaa sheegay in xanaaqiisa uu haatan yaraaday, ayna rumeysan yihiin inuu doonayo in uu dib u hagaajiyo xiriirka kala dhexeeya Trump, sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal u ah kooxdiisa.

Hadallada ka soo baxay Aqalka Cad ayaa yimid maalin un kadib markii labada nin ay si fagaare ah isugu dhaceen, taasoo calaamad u ahayd in xiriirkii dhowaa ee ka dhexeeyay uu si rasmi ah u burburay.

Tesla oo dib u soo kabasho sameysay

Saamiyada shirkadda Tesla (TSLA.O) ayaa sare u kacay Jimcihii, kadib hoos u dhac taariikhi ah oo dhacay Khamiistii, markaas oo ay shirkaddu lumisay $150 bilyan, taasoo ahayd khasaaraha maalmo kooban ugu weyn ee abid ku dhaca Tesla.

Inta badan saaxiibada saameynta leh ee Musk waxay ka gaabsadeen muranka socda. Hase yeeshee, maalqabeen James Fishback ayaa ugu baaqay Musk inuu raalligelin siiyo Trump. “Madaxweyne Trump wuxuu muujiyay dulqaad iyo degganaansho xilli dhaqanka Elon uu noqday mid niyadjab leh, xitaa laga naxo,” ayuu yiri Fishback.

Musk, oo ah ninka ugu taajirsan caalamka, ayaa si weyn u maalgeliyay ololaha doorashada Trump ee 2024. Trump ayaa u magacaabay Musk inuu hoggaamiyo dadaal lagu dhimayo shaqaalaha dowladda iyo kharashaadka, inkastoo natiijadu ay gaartay keliya nus boqolkiiba ah kharashaadkii la qorsheeyay in la jarayo.

Isbuucii hore, Trump wuxuu si xushmad leh ugu casuumay Musk Aqalka Cad si uu ugu mahadceliyo intii uu hoggaaminayay Waaxda Hufnaanta Dowladda. Si kastaba ha ahaatee, Musk wuxuu si adag u cambaareeyay sharciga cusub ee canshuur-dhimista iyo kharashaadka, isagoo ku tilmaamay “fadeexad aad loo yaqaan.”

Mucaaradnimadiisa ayaa caqabad ku noqotay dadaallada lagu doonayo in sharciga lagu mariyo Kongareeska, halkaasoo Jamhuurigu ay ku leeyihiin aqlabiyad aad u yar.

Sharcigan ayaa si ciriiri ah uga gudbay Golaha Wakiillada bishii hore, haatanna wuxuu hor yaallaa Senate-ka. Falanqeeyayaal madax-bannaan ayaa sheegaya in sharcigu uu dalka ku kordhin doono $2.4 tirilyan oo deyn ah muddo 10 sano gudahood ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mike Johnson, ayaa sheegay inuu kula xiriiray Musk fariimo qoraal ah, islamarkaana uu rajeynayo in xiisaddu si dhakhso ah u dhamaato. “Anigu kama dooddo sida gantaal loo dhiso, wuxuuna iga mudan yahay in isaguna uusan igula murmin sida sharci loo qoro,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay CNBC.

“Niyadjab ayaan ka qaaday Elon”

Trump ayaa markii hore ka aamusnaa weerarada Musk ee sharciyada uu waday, balse Khamiistii ayuu si cad u sheegay inuu “aad uga niyadjabay” Musk.

Musk, oo sannadkii hore ku bixiyay $300 milyan ololayaal siyaasadeed, ayaa sheegay in Trump uusan guuleysan lahayn la’aantiis, xitaa soo jeediyay in xilka laga qaado madaxweynaha.

Trump wuxuu sheegay in la joojin karo qandaraasyada ay dowladda la leedahay shirkadaha Musk, sida SpaceX iyo Starlink. Musk ayaa ugu jawaabay hanjabaad ah inuu joojin doono adeegga Dragon Spacecraft — dayax-gacmeedka kaliya ee Mareykanka u suurtageliya in dadka lagu geeyo xarunta caalamiga ah ee hawada sare. Wuxuu si degdeg ah uga laabtay hadalkaas.

Khilaafkan ayaa sii kululaaday kadib markii Trump uu si lama filaan ah uga noqday magacaabista Jared Isaacman — oo ah saaxiib dhow oo Musk ah — inuu noqdo madaxa NASA. Sida laga soo xigtay labo ilo oo xog-ogaal u ah arrinta, Agaasimaha Shaqaalaha Aqalka Cad, Sergio Gor, ayaa Trump ka dhaadhiciyay in Isaacman uusan ku habboonayn shaqada kadib markii uu tusay deeqihii uu siiyay Dimoqraadiyiinta.

Musk iyo Gor ayaa horey ugu murmay shir xukuumadeed bishii Maarso, markaas oo Musk uu dhaliilay xawaaraha shaqaaleysiinta ee Gor.

Afhayeenka Aqalka Cad, Steven Cheung, ayaa amaanay dadaalka Sergio Gor ee shaqaaleynta, balse wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo xiriirka Gor iyo Musk.

Khilaafkan sii dheeraada ayaa halis ku ah xisbiga Jamhuuriga marka doorashooyinka dhexe la gaaro sanadka danbe, haddii Musk uu joojiyo taageeradiisa dhaqaale ama hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsan bulshada ganacsiga teknoolajiyadda ay go’aan ka gaaraan Trump.

Musk ayaa horey u sheegay inuu dhimayo kharashkiisa siyaasadeed, wuxuuna Talaadadii ku baaqay in “dhammaan siyaasiyiinta khiyaamay shacabka Mareykanka” la eryo sanadka 2026.

Iskaashiga Musk iyo dowladda Trump ayaa sidoo kale horseeday mudaharaadyo ka dhacay xarumaha Tesla, taasoo hoos u dhigtay iibka, iyadoo maalgashadeyaal badan ay ka walaaceen in Musk uu si xad dhaaf ah isugu mashquuliyay arrimaha siyaasadda.

Jubaland oo shaacisay in ay ka tashaneyso Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubaland, Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, ayaa si adag u dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) kadib markii uu salaadda Ciidul Adxaa kula tukaday mas’uuliyiin iyo dadweyne kala duwan Masaajidka Madaxtooyada ee Kismaayo.

Khudbaddiisa ciidda, Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu weerar ku qaaday waxa uu ku tilmaamay faragelin joogto ah oo ka imaanaysa dowladda dhexe iyo siyaasiyiin la safan, taas oo uu sheegay inay si gaar ah u saameyneyso gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubaland.

Wuxuu sheegay in falalkaasi yihiin kuwo liddi ku ah nidaamka dowlad-goboleedyada, ayna wiiqayaan kalsoonida shacabka iyo maamulka Jubaland.

“Dad baa raba inay dib u bilaabaan sheekooyinkii hore – anaa layga qabsaday, anaa qabsanaya, anigaa reer hebel ah. Laakiin annaga nidaam iyo kala dambayn ayaan leenahay. Aan u hiilino maamulkeena. Kuwa raba inay nagu celiyaan wixii hore loo soo maray, waa riyoodeen,” ayuu yiri Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

Wuxuu intaa ku daray in dulqaadkii shacabka Jubaland uu gabaabsi ku dhow yahay, islamarkaana ay dib u eegayaan doorkooda siyaasadeed ee dalka.

“Waa tashanaynaa. Kuwa damaca lehna waxaan leenahay samirkii waa naga dhammaaday. Jubaland waxaad ka damacdeenna, Alle ayaa diidey,” ayuu mar kale yiri.

Khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay, kadib doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe mar saddexaad, oo dowladda dhexe ay ku tilmaamtay sharci-darro.

Jubaland waxay si cad u sheegtay in dowladda dhexe ay si siyaasadaysan u adeegsanayso maamulkeeda, iyadoo laga mamnuucay adeegyada muhiimka ah, duulimaadyada, iyo kaalmada horumarineed, taasoo ay ku tilmaantay cadaadis siyaasadeed.

Dhanka kale, Jubaland ayaa dhowr jeer ku hanjabtay in ay si toos ah ula macaamili doonto beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka, iyadoo ka madax-bannaan dowladda federaalka, si ay u horumariso nabadda iyo adeegyada bulshada ee gobolka.

 

Maxkamad ridday xukunka kiiska dilka shan gabar oo Soomaali-Mareykan ahaa

Minneapolis (Caasimada Online) – Ka dib ku dhowaad hal maalin oo dood ah, xeerbeegtida maxkamadda degmada Hennepin ayaa JImcihii ku heshay dambi nin deggen magaalada Brooklyn Park oo mas’uul ka ahaa shil baabuur oo sababay geerida shan gabdhood oo da’ yar oo Soomaali ahaa xilli ay ku safrayeen waddada Lake Street ee magaalada Minneapolis.

Guddiga xeerbeegtida ayaa Derrick Thompson ku helay dambiyada dhammaan 15-kii eedayn ee dacwad-oogeyaasha degmada Hennepin ku soo oogeen: 10 dacwadood oo ah dil baabuur uu sababay iyo 5 dacwadood oo ah dil darajo saddexaad ah.

Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in Thompson, oo 29 jir ah, uu 16-kii Juun 2023 ka kireystay gaari nooca Cadillac Escalade ah garoonka diyaaradaha Twin Cities, kaasoo uu si xawaare sare ah ugu waday jihada woqooyi ee waddada Interstate 35W, ka hor inta uusan kasoo degin isgoyska Lake Street.

Wuxuu si degdeg ah uga gudbay nal cagaaran oo ku yaallay 31st Street — isgoyska ugu horreeya ee la gaaro marka la soo degto — balse wuxuu si toos ah u dhaafay nal casaan ah oo ku yaallay Lake Street, isagoo baabuurka culus ee saddex tan ah ku dhuftay dhinaca darawalka ee gaari nooca Honda Civic ah, taasoo sababtay dhimashada dhammaan dadkii saarnaa.

Sahra Gesaade, 20 jir, oo waday gaariga, ayaa isla goobta ku dhimatay. Waxaa la socday Salma Abdikadir, 20 jir; Sagal Hersi, 19 jir; Siham Odhowa, 19 jir; iyo Sabiriin Ali, 17 jir. Shanta gabdhood waxay ku sugnaayeen Lake Street iyagoo dukaameysanayay una socday in loo mariyo cilaan habeenka ka horreeya aroos ay saaxiibtood galaysay.

Thompson wuxuu ku socday 116 mayl saacaddii

Intii ay socotay maxkamadda, dacwad-oogeyaashu waxay soo bandhigeen muuqaal ay duubeen kaamirooyinka taraafikada oo muujinayay Thompson oo si xad dhaaf ah xawaare ugu maraya waddada weyn, isagoo si khatar ah uga dhex baxay baabuur kale oo marayay meelaha laga baxo waddada, ka hor intii uusan ku dhicin Honda-da.

Isniintii, Sarkaalka Booliska Gobolka Minnesota, Sgt. Kristofer Geiger, oo ah khabiir dib u dhiska shilalka, ayaa maxkamadda ka sheegay in Thompson aanu muujin wax dadaal ah oo uu ku yareynayo xawaaraha xitaa markii uu galay waddooyinka magaalada, halkaasoo xadka xawaaruhu yahay kaliya 20 mayl saacaddii.

Markii uu su’aalo ka helay xeer-ilaalinta, Geiger wuxuu sheegay in gaariga Escalade-ku uu ku socday 116 mayl saacaddii ilaa 8 ilbiriqsi ka hor intii uusan ku dhicin gaariga Honda Civic-ga.

Sidoo kale wuxuu xusay in xogta laga helay qalabka xusuusta baabuurka ay muujisay in uu riixayey sheelaraha baabuurka illaa 91% — taasi oo ah ku dhowaad heerka ugu sarreeya ee 100% — 3.5 ilbiriqsi ka hor shilka, halka Thompson uu bareegga riixay kaliya hal ilbiriqsi ka hor Shilka, taasi oo aanu ku filneyn in gaarigu istaago.

Geiger wuxuu qiyaasay in Escalade-ku uu markaas ku socday inta u dhaxeysa 77 ilaa 84 mayl saacaddii, wuxuuna sheegay in tani ahayd mid ka mid ah shilalkii ugu xumaa ee uu baaray muddadiisa shaqo.

“Dhaawacyada culus ee gaaray qeybaha dhexe ee jirka dadka waxay adkeysay in si cad loo ogaado tirada saxda ah ee dadkii gaariga saarnaa,” ayuu yiri Geiger.

Walaalkiis ayaa markhaati furay

Qareenka difaaca, Tyler Bliss, wuxuu sheegay in walaalka Derrick, Damarco Thompson, uu waday gaariga xilliga shilku dhacayay.

Hase yeeshee, si lama filaan ah, Arbacadii, dacwad-oogeyaasha ayaa u yeeray Damarco iyagoo codsaday in Garsoore Carolina Lamas ku amarto inuu markhaati furo. Maaddaama markhaatiga lagu khasbay inuu hadlo, hadalladiisa looma adeegsan karo si dacwad kale loogu furo isaga laftiisa.

Damarco Thompson wuxuu u sheegay xeerbeegtida in uu la socday Derrick xilligii ay gaariga ka kireynayeen garoonka diyaaradaha Minneapolis–St. Paul, balse uu mid kasta gaarigiisa ku baxay.

Markii uu su’aalo ka helay xeer-ilaaliye ku-xigeenka degmada Hennepin, James in Derrick uu ahaa kan kali ah ee watay gaariga markii uu ku dhacay Civic-da, Damarco ayaa ku jawaabay “haa”.

Baarayaashu waxay ka heleen gaariga Escalade-ka ee shilka galay bastoolad, kokayn, iyo 2,000 oo kaniini oo fentanyl ah.

Dacwad kale oo dhacday bisha Oktoobar, maxkamad federaali ah ayaa ku heshay Derrick Thompson — wiilka xildhibaan hore oo Dimoqraadi ah, John Thompson — dambi ah in uu fentanyl u haystay ujeeddo suuq-geyn, in uu yahay dambiile hub haystay, iyo inuu ku lug lahaa fal danbiyeed la xiriira ganacsiga daroogada. 

Ciidamada Puntland oo guul kale oo wayn ka gaaray dagaalka kooxda Daacish

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli ciidamada ammaanka Puntland ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan aagga dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi, iyaga oo haatan kusii siqaya deegaanno horleh.

Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyay guullo waawayn kasoo hoyay dagaal adag oo ay la galeen argagixisada, kaas oo ka dhacay aagga togga Baallade, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ay beegsadeen firxadka maleeshiyaadka Daacish, ayna dileen illaa 40 ka tirsanaa kooxda oo ku dhuumaaleysanayay halka loo yaqaano Sadow oo ka tirsan togga Baallade.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in dagaalkan ay ku burburiyeen godod ay kooxda ka qodatay halkaasi, sidoo Kalena ay soo furteen hubkii ugu badnaa

Puntland ayaa sidoo kale lagu wadaa inay soo bandhigto maydadka xubnaha la laayay, habka lasoo furtay iyo godadka la burburiyay intaba.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa buuraha hoostooda oo ay weli ku jiraan maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib.

Guushaan waxa ka horreysay mid kale oo ay todobaadkii hore gaareen ciidamada ammaanka Puntland, kadib markii ay la wareegeen toga Miraale oo ay muddo dheer ku sugneyd kooxda Daacish.

Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay goobo ay ku jireen ceelashii xarunta u ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaashooda, halkaas oo loogu daatay, kadibna lagu laayay.

Togga Miraale ayaa Daacish u ahaa saldhig muhiim ah oo ay muddo dheer ku sugnayd, waxaa haatan cagta mariyay ciidamada oo kusii siqaya buuraha hoostooda ee gobolka Bari.

Si kastaba ha ahaatee, Marka loo eego warbixinnada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa lasoo sheegayaa inuu soo dhammaaday isla markaana ciidamadu ay ku xoreeyeen dhul ballaaran oo buuraley ah.

Split among allies over Somalia President’s plan

MOGADISHU, Somalia — Diplomatic tensions are rising in Somalia after a meeting in Mogadishu exposed deep divisions between international partners and Somali leadership over President Hassan Sheikh Mohamud’s handling of national reconciliation efforts.

The Thursday meeting, attended by ambassadors from the C6+ group—which includes key Western allies and multilateral organizations—was initially intended to demonstrate international unity. Instead, it exposed mounting frustration with the president’s political outreach strategy, particularly his recent invitation to opposition leaders and former heads of state for dialogue.

Several high-ranking diplomats, including envoys from the United States, the United Kingdom, and the United Nations, criticized the president’s approach, accusing him of lacking commitment to an inclusive, transparent political process.

U.S. Ambassador Richard H. Riley issued the strongest rebuke, describing President Mohamud’s recent two-month delay in initiating meaningful talks as a “setback that deepens confusion and erodes political direction.” 

He warned that “additional pressure may be necessary,” suggesting the president had failed to act in good faith.

British Ambassador Charles King echoed those concerns, arguing that the current strategy was “not conducive to national unity.” UN Special Representative James Swan, a veteran of Somali affairs, aligned with the U.S. and UK positions, calling for a more structured and inclusive path to reconciliation.

EU stands apart

In contrast, European Union Ambassador Karin Johansson struck a different tone, warning against what she described as the international community “overstepping” by imposing terms on a sovereign, democratically elected government.

She emphasized that reconciliation is “first and foremost a Somali-led responsibility.” She cautioned foreign partners against undermining Villa Somalia’s authority. Her remarks highlighted an emerging split among Somalia’s key international backers.

The diplomatic standoff mirrors growing friction within Somalia’s federal structure. Puntland and Jubaland, two semi-autonomous regional states, have expressed frustration over their limited role in shaping national policy.

Presidents Said Abdullahi Deni (Puntland) and Ahmed Mohamed Islam “Madobe” (Jubaland), who recently met in Nairobi, are calling for an expanded National Consultative Council (NCC) that includes the National Salvation Council—a coalition of opposition leaders and former presidents. 

They argue that a broader platform, dubbed “NCC+,” is essential for addressing constitutional reforms and preparing for future elections.

An official statement released Thursday confirmed that the next NCC meeting is scheduled for June 22. However, questions remain over whether Deni and Madobe will attend, given ongoing disagreements about the process and perceived efforts by Villa Somalia to marginalize federal states.

International pressure mounts

Adding to the pressure, Ugandan President Yoweri Museveni has reportedly sent a warning to Villa Somalia, urging the Somali leadership to deliver concrete results or face potential consequences. 

Uganda is a major troop contributor to the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), soon transitioning into the African Union Support and Stabilization Mission (AUSSOM).

Diplomatic sources said Museveni’s message reflects growing regional impatience with the political stalemate in Mogadishu.

Domestically, President Mohamud is facing a three-pronged challenge: growing opposition from former leaders led by ex-President Sharif Sheikh Ahmed, waning confidence from international allies, and pushback from federal states demanding a greater say in national governance.

With the June 22 summit fast approaching, the coming weeks will test the president’s political acumen and the resilience of Somalia’s fragile state-building process.

Somalia accuses Saudi Arabia of labor rights violations

GENEVA, Switzerland – Somalia has accused Saudi Arabia of violating labor rights and exploiting workers during a high-level intervention at the International Labour Conference (ILC) in Geneva, aligning itself with a growing coalition of nations and trade unions calling for a formal investigation into the kingdom’s treatment of migrant workers.

The Somali delegation’s comments marked a rare public rebuke of Riyadh by an Arab-African nation, adding momentum to an international campaign seeking accountability for alleged abuses, including wage theft, forced labor, and mistreatment of African workers.

Somalia joined 36 other countries and several global labor organizations in supporting a call for an International Labour Organization (ILO) Commission of Inquiry—its strongest investigative mechanism—to investigate labor conditions in Saudi Arabia.

“Workers are being treated as disposable in Saudi Arabia. They leave alive and return in coffins,” said Joel Odigie, Secretary General of ITUC-Africa, one of the organizations behind the complaint.

“Africans go to Saudi Arabia looking for life but come back in coffins,” said Omar Osman, the general secretary of the Federation of Somali Trade Unions and one of the signatories.

The push follows years of criticism over Saudi Arabia’s kafala (sponsorship) system, which human rights groups say enables systemic abuse of low-wage migrant laborers, many of whom come from African and Asian nations.

Diplomatic fallout looms

Somalia’s intervention has raised concerns about the future of a recently signed bilateral labor agreement with Saudi Arabia, which aimed to facilitate employment for thousands of Somali workers in the Gulf.

In May, Somali Minister of Labor Yusuf Mohamed Aden met with Saudi Deputy Minister for Human Resources and Social Development, Dr. Abdullah bin Nasser Abuthnain, in Riyadh. The meeting, held during a global occupational safety conference, was intended to expedite the rollout of a labor deal that promised much-needed employment for Somali youth.

The diplomatic fallout now threatens to derail that effort, potentially affecting broader cooperation between the two nations—including critical development assistance.

Since 1977, the Saudi Fund for Development (SFD) has financed over $100 million in development projects in Somalia, supporting water, agriculture, education, industry, and mining sectors.

Earlier this year, SFD signed a Memorandum of Understanding with the United Nations Development Programme (UNDP) to fund rural infrastructure projects across Africa, including Somalia.

The Somali ambassador to Saudi Arabia, Aweys Hajji Yusuf Ahmed, attended the signing ceremony, which was hailed as a sign of deepening bilateral ties.

Those ties may now be at risk as Riyadh reportedly reviews its development and humanitarian programs in response to Somalia’s participation in the Geneva campaign.

A foreign policy shift?

Some regional analysts see Somalia’s stance as part of a broader realignment in its foreign policy. Once a neutral player among Gulf rivals, Mogadishu appears to be inching away from traditional allies like Saudi Arabia, the United Arab Emirates, and Egypt—possibly in favor of closer ties with Qatar.

Somalia is the only East African or Arab League country to support the campaign against Saudi Arabia during the ILC publicly.

The timing is notable. Somalia is navigating a tense electoral period, and analysts suggest Mogadishu may be positioning itself to secure alternative financial backing amid shifting geopolitical dynamics.

In response to the criticism, Saudi Arabia pointed to recent reforms and ongoing cooperation with the ILO. In 2023, Riyadh signed a two-year agreement with the UN agency aimed at aligning its labor regulations with international standards and improving worker protections.

However, rights groups argue that implementation has been slow and that abuses remain widespread, particularly among undocumented workers and African migrants.

The ILO has acknowledged receipt of the complaint and confirmed that its governing body will consider whether to open a formal inquiry when it convenes in November.

The outcome of the dispute could have far-reaching consequences for the millions of migrant workers in Saudi Arabia, including thousands from the Horn of Africa.

It may also signal a shift in how smaller nations like Somalia navigate their relationships with powerful Gulf countries—especially when labor rights and economic interests collide.

Dad badan oo isku laayey Galgaduud iyo Qoor Qoor oo wasiirradiisa u kaxeystay Baxdo

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Maleeshiyaad ka soo jeeda beesha Mareexaan ayaa saakay intii aan la tukan salaadda Ciidda waxay weerar ku qaadeen rag Geelley ah oo ka soo jeeda Beesha Sacad, kuwaas oo isugu tegay tuulo u dhow deegaanka Gelinsoor ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Arrin musiibo ah ayaa ka dhacday halkaas, waxaana goobtaas lagu dilay 9 qof, halka 12 kale lagu dhaawacay, ragga la laayey ayaa ka soo jeeday beesha Sacad.

Farxadii ciidda ee maanta waxaa dadka ay saameysay musiibadaas ay ugu bedeshay maalin murugo, waxaana aaggaas ka dhacay dagaalo goos goos ah oo maleeshiyaadka labada beelood ee walaalaha dhex-maray.

Beelaha Mareexaan iyo Sacad waxaa muddo dheer ka dhaxeeyey dagaal aano qabiil ah, kuwaas oo lagu guul dareystay in la joojiyo oo xal waara laga gaaro.

Dhanka kale, maleeshiyaad ka soo jeeda isla beesha Mareexaan ayaa saakay weeraray deegaano ay deganaayeen qoysas ka soo jeeda beesha Dir, iyagoo gubay baraago, guyo iyo dhul daaqsimeed.

Maleeshiyaadka Beesha Mareexaan oo maanta xoog ku qabsaday tuulooyin iyo dhul miyi ah oo beesha Dir ay ka deganeyd, waxaana la sheegay in caawa ay kaabiga u saaran yihiin deegaanka Qalaan-qale ee gobolka Galgaduud oo ah halka ay wada degan yihiin beelaha Saleebaan, Cayr iyo Dir.

Dhinaca kale, maleeshiyaad ka soo jeeda beesha Duduble ayaa caawa deegaanka Galqoryaale ee gobolka Galgaduud oo hoos taga degmada Ceelbuur ku dilay wiil dhallinyaro ah oo ka soo jeeda beesha Cayr.

Gobolka Galgaduud intiisa badan waxaa caawa ka jirta xaalad colaadeed oo u dhaxeysa beelaha, waana mid kamid ah musiibooyinka aan weli xalka loo helin, sidoo kale waxaa muuqata in maamullada ay ka gaabiyeen.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo inta badan wasiirrada Galmudug ayaa habeenkii labaad ku sugan degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, mana jiraan wax dhaqdhaqaaq ah oo maamulku ku joojinayo dagaallada beelaha ee ka socda gobolka Galgaduud.

Daawo: Guddoomiye Muuse oo si adag u hadlay – Hiiraan ma waxay ku biireysaa Itoobiya?

Beledweyne (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dhowr arrimood oo ay ugu xiisa badnaayeen sida uu u arko xilka qaadista Sanbaloolshe, hadalkii ka soo yeeray qaar kamid ah dadka siyaasadda ku jira ee beesha Xawaadle oo sheegay in reer Hiiraan ay ku biirayaan Itoobiya, dagaalka Al-Shabaab iyo jaha wareerka ka taagan gobolkaas.

Ugu horeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay in Hiiraan ay ka tirsan tahay HirShabeelle, isagoo aad u dhaliilay xubno siyaasiyiin ah oo horboodaya dadka reer Hiiraan, kuwaas oo ka faa’iideysta mar kasta oo xil ka qaadis lagu sameeyo masuul ka soo jeeda beesha Xawaadle.

“Sambaloolshe waan sagootineynaa, Mahad Salaad-na waqti ku haboon ayuu yimid, Ethiopia kama tirsanin derisnimo oo kaliya ayaa reer Hiiraan kala dhaxaysa, haka waan-toobaan dadka warka kale wada” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Maalmihii lasoo dhaafay wixii ka dambeeyey markii xilka laga qaaday Agaasimaha NISA Sanbaloolshe, waxaa soo baxay warar hoose oo siyaasiyiinta beesha Xawaadle qaarkood ay wadeen, kuwaas oo sheegayey in reer Hiiraan ay ku biirayaan Itoobiya.

“Hiiraan waxay ka tirsan tahay HirShabeelle, waxayna hoos tagaan Qaranka Soomaaliyeed, walaalayaal maalin kasta markii qof reer Hiiraan ah ama beesha Xawaadle u dhashay xilka laga qaado, ma ahan in falcelin qaldan la sameeyo, fadlan ixtiraama Soomaalinimada iyo waxa la isku yahay, in Sanbaloolshe xilka laga qaado waqtigaa keenay,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa qiray in dowladda Soomaaliya ay kaalin lixaad leh ka qaadaneyso dagaalka Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, isla markaana madaxda qaranka ay xaq u leeyihiin in qofka ay doonaan ay xilka u magacaabaan.

“Taliye Mahad Salaad wuxuu ku soo aaday waqti loo baahnaa, waxaa soo dhaweyneynaa, waxaana ka rajeyneynaa in dagaalka uu nagu garab siiyo oo shaqada uu ka sii wado halkii uu soo gaarsiiyey taliyihii hore,” ayuu yiri Guddoomiye Muuse.

Hoos ka daawo

 

Kacdoon ka dhan ah Saciid Deni oo dhacay iyo Puntland oo qaaday tallaabo lagu ciqaabayo…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada amniga Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku xiray dhallinyaro lagu eedeeyay inay hormuud u ahaayeen abaabul mudaharaad.

Kacdoonkan ayaa salka ku hayey waxqabad la’aanta maamulka Puntland iyo cabasho ka dhan ah xannibaadda saaran mashaariic horumarineed oo Dowladda Federaalka ugu talo gashay gobolka Mudug.

Tallaabadan lagu xiray dhallinyarada ayaa muujinaysa sida maamulka Puntland uga fal-celiyay dareenka kasoo yeeray qeyb ka mid ah bulshada deegaanka. Waxaana lagu fasiray tallaabo lagu ciqaabayo dhalintii hor boodeysay kacdoonka.

Dhallinyarada la xiray ayaa la sheegay in lagu qabtay garoonka cayaaraha ee Cawaale, xilli ay halkaas dadweynaha ku oogayeen salaadda Ciida. Wararka ayaa sheegaya in dhallinyaradu wateen boorar ay ku qornaayeen baahiyaha jira iyo cabashooyinka ay wateen, iyagoo doonayay in ay codkooda gaarsiiyaan shacabka ku sugnaa goobtaas.

Tan ayaa ahayd isku day ay ku doonayeen inay bulshada ugu sheegaan dareenkooda ku aaddan xaaladda maamulka iyo mashaariicda horumarineed.

Amarka lagu xiray dhallinyaradan ayaa la sheegay in uu bixiyay maamulka gobolka Mudug. Maamulka ayaa sidaas sameeyay si loo joojiyo abaabulka mudaharaadka oo ay dhallinyaradu ku adkaysatay inay qabanayaan.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo, Maxamed Cabdirisaaq oo ka hadlay arrinta ayaa sheegay in aysan ahayn waqti ku habboon in mudaharaad laga sameeyo magaalada.

Wuxuu ugu baaqay bulshada deegaanka inay muujiyaan deganaansho, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara xasilooni darro.

Dhanka kale, maamulka gobolka Mudug ayaa dhowaan sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda inay kiciso bulshada. Waxay si gaar ah u eedeeyeen dhallinyarada abaabulaysa mudaharaadka, iyagoo ku andacooday in abaabulkaasi uu dabada ku hayi Dowladda Federaalka.

Sida ay sheegeen, waxaa jira qorshe lagu doonayo in qalalaase laga abuuro magaalada Gaalkacyo, taas oo ay sheegeen inay uga hortegayaan si waafaqsan sharciga.

Si kastaba, xariga dhallinyarada ayaa banaanka keenaya culayska iyo dareenka bulshada ee la xiriira xaaladda adeegyada iyo horumarka gobolka, iyadoo maamulka Puntland uu fadhiid ka noqday dhankaas.

NISA oo maanta khaarajisay madax sare oo Shabaab ah + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howl-gal si gaar ah loo qorsheeyay oo maanta dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

Howl-galkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ka taageera dagaalka kooxaha argagixisada.

Howl-galkan oo ahaa mid bartilmaameed ah una dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday goob ay Al-Shabaab isku qarinayeen, iyada oo sidoo kale lagu burburiyay gaadiid ay saarnaayeen maleeshiyaadka, sida ay shaacisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay howl-galkan, Abuu Anas, oo ay Shabaabku ugu yeeri jireen Horjoogaha Gaadiidka Jabhadaha iyo Maxamed Axmed (Xerow), oo ahaa horjooge kooxeed ka tirsanaa cadowga Khawaarijta ah.

Sidoo kale, waxaa dhaawacyo culus la gaarsiiyay, Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), oo ah horjoogaha maleeshiyaadka Khawaarijta u qaabilsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud, iyo Horjooge Jeylaani oo hadda ah horjoogaha ugu sarreeya ee jabhadaha Al-Shabaab.

Horjoogeyaashaan oo qaar lagu dilay howl-galka, qaarna dhaawac culus lagu gaarsiiyay ayaa la rumeysanyahay in ay ahaayeen maskaxdii ka dambeysay abaabulka weerarada naf-la-caariga ah ee !Al-Shabaab ka wadeen gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe.

Howlgalkaan oo ahaa mid si heer sare ah loo qorsheeyay, ayna kaalin weyn ka qaadatay hay’adda NISA ayaa si weyn u naafeeyay shirqoolladii ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Khasaaraha Shabaab soo gaaray ayaa la filayaa in uu intaas ka sii badanyahay, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay si dhow u la socoto qiimeynta natiijada howl-galka, waxaana dib laga soo gudbin doonaa wax kasta oo ku soo kordha howl-galkan sida ay sheegtay dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay in gebi ahaanba la ciribtiro Shabaab, kuwaas oo mar walba halis ku ah qarannimada iyo diinta Islaamka ee suubban.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ku kacay arrin si weyn loogu dhaleeceyay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa si adag uga hadlay tahriibta dhalinyarada Soomaaliyeed oo bilhii dambe si weyn usoo badatay, isagoo shaaciyay arrin uu sameeyay, taasoo dhalisay fal-celin xooggan iyo in dadka qaarkood ku dhalleeceyaan.

Lugatoor ayaa sheegay in Wiil uu dhalay Walaalkiis uu tahriibay, isla markaan uu diiday in uu ka dhiibo lacagta madax furashada ah ee Wiilka Adeerka u yahay loo haysto, taas oo uu ku tilmaamay mid cashir u noqoneysa dhalinyarada ka dambeysa.

“Walaalkey mid uu dhalay ayaa tahriibay, dhaar baan ka maray in aan shilin ku bixiyo. Sidaas darteed, waxaan soo jeedinaynaa in qof kasta oo ka yar 40 jir aan la siin Baasaboor haddii ujeedkiisu yahay tahriib,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Lugatoor ayaa si weyn u dhaliilay waalidiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, isagoo ku eedeeyay inay door weyn ku leeyihiin tahriibinta carruurtooda, oo halis u geliyay naftooda sidii ay u gaari lahaayeen waddamada Yurub.

“Waalidiin badan ayaa ku taageera ilmahooda safarka halista badan ee tahriibka, isla markaana bixiya madax furasho haddii carruurtu u gacan galaan kooxaha dadka tahriibiya,” ayuu yiri Lugatoor.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa si adag uga digay tahriibka sii kordhaya, iyadoo maamul ahaan uu sheegay in aan wax madax furasho ah laga bixin doonin qof kasta oo naftiisa halis u geliya safarka sharci darrada ah ee tahriibka.

Hadalka Lugatoor ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland si kala duwan uga fal-celiyeen, iyagoo qaarkood Madaxweyne ku-xigeenka ku dhaliilay in uu ku faano inuu furdaamin waayey Wiilka uu Adeerka u yahay, oo naftiisa halis u galiyay inuu helo nolol ka fiican midda taalla dalka.

SOOMAALI laga soo tarxiili rabay UK oo ku bad-baaday qabiilka uu ka dhashay

London (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo lagu helay dembi weerar mindi ah ayaa loo oggolaaday inuu sii joogo UK, sababo la xiriira cabsi laga qabo in la dhibaateeyo haddii dib loogu celiyo dalkiisa

Abdilahi Essa Darwish, oo lagu xukumay xabsi kadib markii lagu helay fal rabshado wata iyo haysashada mindi, ayaa ku guuleystay dacwad socdaal kadib markii maxkamad qaxooti ay go’aamisay in uu halis ugu jiro dhibaato haddii dib loogu celiyo Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha UK ayaa isku dayday in dalka laga masaafuriyo Darwish, oo 41 jir ah, kadib xukunkiisa, balse garsoore ayaa sheegay in arrintaasi ay jabinayso xuquuqdiisa aadanaha maadaama uu ka tirsan yahay beel laga tirada badan yahay oo uu wajihi karo “dhibaatooyin” haddii lagu celiyo Soomaaliya.

Darwish ayaa hadda helay magangalyo rasmi ah oo uu dalka ku sii joogi karo.

Beelaha laga tiro badan yahay

Maxkamadda Sare ee Qaxootiga iyo Socdaalka ayaa la horgeeyay dacwaddiisa, iyadoo la sheegay in Darwish uu markii ugu horreysay yimid Britain bishii Juun 2001, isla markaana uu codsaday magangalyo xagaagaas.

Dhegeysiga dacwadda oo ka dhacay magaalada Bradford ayaa lagu sheegay in sannadkii 2002 loo oggolaaday inuu dalka sii joogo si joogto ah, kadib markii lagu aqoonsaday inuu u qalmo xaaladda qaxootinimo sababo la xiriira beesha uu ka tirsan yahay.

Xilligii uu yimid dalka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa aqbashay inuu Darwish qabo “cabsi dhab ah oo la taaban karo” oo kaga imaaneysa beelaha tirada badan ee Soomaaliya.

Waxaa la rumeysan yahay in haddii dib loogu celiyo dalkiisa uu wajahayo halis, ciqaab, ama xitaa jirdil – taas oo noqonaysa ku xadgudub Qodobka 3-aad ee Heshiiska Yurub ee Xuquuqda Aadanaha (ECHR).

Sannadkii 2021, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa isku dayday in dib u masaafuriso Darwish, ayna kala noqoto xaaladdiisa qaxootinimo, kadib markii lagu helay dembi la xiriira mindi.

Warbixin maxkamadeed ayaa tiri: “[Darwish] wuxuu galay dembi ah haynta mindi iyo fal rabshado ah oo uu qirtay, waxaana lagu xukumay 12 bilood oo xabsi ah.

“Kadibna, [Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xilligaas, Priti Patel] ayaa go’aansatay in Darwish laga masaafuriyo dalka, ayna ka laabato xaaladdiisa qaxootinimo. Go’aankaasi waxaa la gaaray Janaayo 5, 2021, halka amarka masaafurinta la bixiyay Feebaraayo 9, 2021.”

Sababo dhibaateyn oo aan la caddeyn 

Darwish, oo sheegay inuu qabay xaalad caafimaad maskaxeed, ayaa u kireystay qareenno si uu u gudbiyo racfaan.

Wuxuu ku guuleystay racfaankii uu ka gudbiyay Maxkamadda Heerka Koowaad sannadkii hore, balse Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa racfaan kale ka qaadatay go’aankaas una gudbisay Maxkamadda Sare.

Wasaaradda ayaa ku dooday in maxkamaddii hore “ay ku guuldareysatay in caddeyso sabab rasmi ah oo Darwish loogu dhibaateyn karo haddii loo celiyo Soomaaliya.”

Waxay sidoo kale sheegeen in duruufihii lagu siiyay qaxootinimada sannadkii 2002 ay is beddeleen.

Si kastaba ha ahaatee, Garsoore Sare Christopher Hanson ayaa go’aamiyay in Darwish weli yahay qaxooti sababo la mid ah kuwii lagu aqoonsaday sannadkii 2002, sidaas darteedna uu diiday racfaankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Maxkamaddu waxay tixraacday tilmaamaha dowladda Britain ee ku saabsan Soomaaliya, kuwaasoo sheegaya: “Qodobka aasaasiga ah waa in ragga iyo dumarka ka tirsan beelaha laga tirada badan yahay ee Koonfurta Soomaaliya guud ahaan ay halis ugu jiraan in xuquuqdooda ku xusan Qodobka 3-aad la jabiyo, ayna noqonayaan qaxooti – haddii aysan jirin caddeyn muujinaysa inay haystaan taageere beeleed ama mid shaqsiyeed, isla markaana awood u leh inay si nabad ah ku gaaraan meel ammaan ah oo aan halis ku jirin.”

Puntland oo shuruud adag ku xirtay shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si cad u muujisay mowqifkeeda ku aaddan shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo shuruud adag ku xirtay ka qeyb-galka shirkaasi.

Puntland ayaa dalbatay in marka hore ay Villa Somalia ka laabato wax ka beddelkii ay ku samaysay dastuurka dalka, isla markaana dib loo soo celiyo dastuurkii lagu heshiiyay, si markaas la iskugu imaado miiska wada-hadalka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta la hadlay salaaddii Ciidda kadib ayaa si toos ah ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dib uga laabto dhammaan isbeddellada lagu sameeyay dastuurka.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in aan la gaari karin heshiis siyaasadeed oo midho dhal ah ilaa ay Villa Somalia ogolaato in ay la timaaddo tanaasul dhab ah. Waxa uu si cad u sheegay in dowladda federaalka ay ku jirto dhammaadka muddo xileedkeedii, loona baahan yahay in si daah-furan looga wada-hadlo arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu ku adkaystay in laga shaqeeyo doorasho lagu wada qanacsan yahay oo lagu salaynayo dastuurka lagu heshiiyay, halkii laga sii ambaqaadi lahaa isbeddellada muranka dhaliyay. Wuxuuna xaqiijiyay in aysan aqbali doonin in la sii wado shirar aan sal adag lahayn, iyadoo aan la caddeyn qaabka loo wajaheyo arrimaha dastuurka.

Wuxuu xusay in mowqifka Puntland uu yahay mid mabda’iyan ku dhisan ilaalinta heshiisyadii hore iyo in aan la jabin qodobbadii lagu mideysnaa.

Sidoo kale waxa uu ka fal-celiyay warqaddii casuumaadda shirka ee ka soo baxday Villa Somalia, taasoo uu ku tilmaamay mid “isku dhex karis ah”, oo aan si cad loogu muujin cidda si rasmi ah loo casuumay iyo cidda laga tagay. Arrintaasi ayuu ku tilmaamay mid muujinaysa hannaanka aan fayoobayn ee loo marayo qaban-qaabada shirka.

Si kastaba, Xukuumadda Puntland waxay mar kale muujisay in ay diyaar u tahay wada-hadal iyo ka qeyb-gal siyaasadeed, balse waxay ku adkaysanaysaa in la helo jawi lagu kalsoonaan karo.

Tan ayaa waxay ka dhigan tahay in haddii aan la fulin shuruudda ku saabsan dastuurka, aysan Puntland u arkin shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh mid leh “sal sharci iyo siyaasi” oo loo wada siman yahay.

Beesha caalamka oo isku khilaaftay arirnta Xasan Sheekh – Yaa taageeray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad diblomaasiyadeed ayaa cirka isku sii shareereysa caasimadda Soomaaliya, kadib markii Khamiistii ay magaalada Muqdisho ku kulmeen safiirrada kooxda C6+, kuwaas oo si gaar ah diiradda u saaray casuumaaddii dhowaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray madaxda mucaaradka iyo hoggaamiyayaashii hore.

Kulankan, halkii uu muujin lahaa mideyn caalami ah, wuxuu si cad u iftiimiyay khilaaf qoto dheer oo ka dhex jira beesha caalamka, gaar ahaan sida madaxweynaha u maareeyay dadaallada dib u heshiisiinta qaran.

Isku daygii Madaxweyne Xasan ee lagu doonayay in lagu dhiso isfahan siyaasadeed ayaa si lama filaan ah u muujiyay kala qeybsanaan ka dhex aloosan diblomaasiyiinta caalamiga ah. Safiirrada Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Qaramada Midoobay ayaa madaxweynaha ku dhaliilay inuu muujin la’yahay xasillooni, mas’uuliyad, iyo rabitaan dhab ah oo wadahadal loo dhan yahay lagu hormarin karo — taas oo su’aal gelisay sida uu uga go’an yahay geeddi-socodka dib u heshiisiinta.

Dhaleeceyntan oo ahayd mid kulul, ayaa si ballaaran loo wada qaatay — marka laga reebo Midowga Yurub. Inkasta oo ay jireen khilaafaad muuqda oo gudaha ah, haddana kulanku wuxuu kusoo dhammaaday muuqaallo diblomaasiyadeed oo mideysan.

Safiirka Maraykanka, Richard H. Riley, ayaa jeediyay hadalkii ugu adkaa, isagoo sheegay in “labo bilood oo dib u dhac iyo gaabis” uu sameeyay Madaxweyne Xasan aysan kaliya hakad gelin horumarka, balse ay “sii xumeysay jahawareerka iyo la’aanta jihada siyaasadeed.”

Riley wuxuu intaas ku daray in “cadaadis dheeraad ah” laga yaabo inuu noqdo mid lama huraan ah, isagoo muujiyay inuusan Madaxweynaha u dhaqmeynin si daacad ah.

Safiirka cusub ee UK, Charles King, ayaa taageeray aragtidaas, isagoo tilmaamay in habka hadda la marayo uusan “ku habboonayn mideynta qaranka.” Sidoo kale, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan, oo khibrad dheer u leh arrimaha Soomaaliya, ayaa si deggan ula jaanqaaday mowqifka Mareykanka.

Dhanka kale, Safiirka Midowga Yurub, Karin Johansson, ayaa soo bandhigtay aragti gebi ahaanba ka duwan. Waxay ku adkaysatay in beesha caalamka aysan la gudboonayn inay shuruudo ku xirto hoggaanka la doortay ee Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkaysay in dib u heshiisiintu tahay mas’uuliyad si gaar ah u saaran Villa Somalia.

Dowladda Soomaaliya ayaa si degdeg ah uga falcelisay dhaleeceynta. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa isku dayay in la cadeeyo mowqifka Madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee, diblomaasiyiin qaar ayaa warqad Madaxweynaha u diray hoggaamiyayaashii hore — oo la diray maalintii ka horreysay kulanka — u arkay mid loogu talagalay in lagu xakameeyo ama lagu hoos geliyo casuumaad la mid ah oo kasoo yeertay Madaxweynaha Jubbaland, taasoo ay u arkeen mid looga saarayo Dowlad Goboleedyada wada-hadalka.

Si kastaba ha ahaatee, warqad Khamiistii lasoo saaray ayaa xaqiijisay arrin muhiim ah: Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inuu kulmo 22-ka Juun. Su’aasha hadda taagan waxay tahay: Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” iyo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ma ka qeyb geli doonaa?

Xiisadahan diblomaasiyadeed ayaa imaanaya iyadoo gudaha dalku uu ka socdo loollan siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Wakiillo caalami ah ayaa horey si gaar ah ula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Samatabixinta Qaranka, oo ah isbaheysi ay ku mideysan yihiin madax hore.

Isla waqtigaas, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland — oo dhawaan ku kulmay Nairobi — ayaa wado qorshahooda: in la ballaariyo Golaha Wadatashiga Qaran si loogu daro Golaha Badbaadada Qaranka. Waxay u arkaan qaabkan “NCC+” inuu yahay waddada keliya ee lagu xallin karo dib u eegista dastuurka iyo isbeddellada doorasho ee dalka.

Tani waxay Villa Somalia saareysaa cadaadis saddex-geesood ah: mid ka imaanaya mucaaradka uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, mid kale oo kasoo yeeraya beesha caalamka ee ka niyad jabsan hab-socodka dib u heshiisiinta, iyo midka ugu dambeeya oo kaga imanaya madaxda Dowlad Goboleedyada oo dalbanaya in si cad oo hufan loo darso doorkooda.

Waxaa intaa dheer, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa la sheegay inuu farriin digniin ah u diray Villa Somalia: “soo saar natiijooyin muuqda — haddii kale, la kulma cawaaqib.”

Iyada oo maalinta shirku dhacayo ay si dhakhso ah usoo dhowaanayso, toddobaadyada soo socda waxay noqon doonaan imtixaan culus oo lagu ogaan doono kartida siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo adkeysiga geeddi-socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo weli ah mid jilicsan.