25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

NISA oo maanta khaarajisay madax sare oo Shabaab ah + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howl-gal si gaar ah loo qorsheeyay oo maanta dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

Howl-galkan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ka taageera dagaalka kooxaha argagixisada.

Howl-galkan oo ahaa mid bartilmaameed ah una dhacay sidii loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday goob ay Al-Shabaab isku qarinayeen, iyada oo sidoo kale lagu burburiyay gaadiid ay saarnaayeen maleeshiyaadka, sida ay shaacisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay howl-galkan, Abuu Anas, oo ay Shabaabku ugu yeeri jireen Horjoogaha Gaadiidka Jabhadaha iyo Maxamed Axmed (Xerow), oo ahaa horjooge kooxeed ka tirsanaa cadowga Khawaarijta ah.

Sidoo kale, waxaa dhaawacyo culus la gaarsiiyay, Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), oo ah horjoogaha maleeshiyaadka Khawaarijta u qaabilsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Mudug iyo Galgaduud, iyo Horjooge Jeylaani oo hadda ah horjoogaha ugu sarreeya ee jabhadaha Al-Shabaab.

Horjoogeyaashaan oo qaar lagu dilay howl-galka, qaarna dhaawac culus lagu gaarsiiyay ayaa la rumeysanyahay in ay ahaayeen maskaxdii ka dambeysay abaabulka weerarada naf-la-caariga ah ee !Al-Shabaab ka wadeen gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe.

Howlgalkaan oo ahaa mid si heer sare ah loo qorsheeyay, ayna kaalin weyn ka qaadatay hay’adda NISA ayaa si weyn u naafeeyay shirqoolladii ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Khasaaraha Shabaab soo gaaray ayaa la filayaa in uu intaas ka sii badanyahay, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay si dhow u la socoto qiimeynta natiijada howl-galka, waxaana dib laga soo gudbin doonaa wax kasta oo ku soo kordha howl-galkan sida ay sheegtay dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay in gebi ahaanba la ciribtiro Shabaab, kuwaas oo mar walba halis ku ah qarannimada iyo diinta Islaamka ee suubban.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ku kacay arrin si weyn loogu dhaleeceyay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa si adag uga hadlay tahriibta dhalinyarada Soomaaliyeed oo bilhii dambe si weyn usoo badatay, isagoo shaaciyay arrin uu sameeyay, taasoo dhalisay fal-celin xooggan iyo in dadka qaarkood ku dhalleeceyaan.

Lugatoor ayaa sheegay in Wiil uu dhalay Walaalkiis uu tahriibay, isla markaan uu diiday in uu ka dhiibo lacagta madax furashada ah ee Wiilka Adeerka u yahay loo haysto, taas oo uu ku tilmaamay mid cashir u noqoneysa dhalinyarada ka dambeysa.

“Walaalkey mid uu dhalay ayaa tahriibay, dhaar baan ka maray in aan shilin ku bixiyo. Sidaas darteed, waxaan soo jeedinaynaa in qof kasta oo ka yar 40 jir aan la siin Baasaboor haddii ujeedkiisu yahay tahriib,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Lugatoor ayaa si weyn u dhaliilay waalidiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, isagoo ku eedeeyay inay door weyn ku leeyihiin tahriibinta carruurtooda, oo halis u geliyay naftooda sidii ay u gaari lahaayeen waddamada Yurub.

“Waalidiin badan ayaa ku taageera ilmahooda safarka halista badan ee tahriibka, isla markaana bixiya madax furasho haddii carruurtu u gacan galaan kooxaha dadka tahriibiya,” ayuu yiri Lugatoor.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa si adag uga digay tahriibka sii kordhaya, iyadoo maamul ahaan uu sheegay in aan wax madax furasho ah laga bixin doonin qof kasta oo naftiisa halis u geliya safarka sharci darrada ah ee tahriibka.

Hadalka Lugatoor ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland si kala duwan uga fal-celiyeen, iyagoo qaarkood Madaxweyne ku-xigeenka ku dhaliilay in uu ku faano inuu furdaamin waayey Wiilka uu Adeerka u yahay, oo naftiisa halis u galiyay inuu helo nolol ka fiican midda taalla dalka.

SOOMAALI laga soo tarxiili rabay UK oo ku bad-baaday qabiilka uu ka dhashay

London (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo lagu helay dembi weerar mindi ah ayaa loo oggolaaday inuu sii joogo UK, sababo la xiriira cabsi laga qabo in la dhibaateeyo haddii dib loogu celiyo dalkiisa

Abdilahi Essa Darwish, oo lagu xukumay xabsi kadib markii lagu helay fal rabshado wata iyo haysashada mindi, ayaa ku guuleystay dacwad socdaal kadib markii maxkamad qaxooti ay go’aamisay in uu halis ugu jiro dhibaato haddii dib loogu celiyo Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha UK ayaa isku dayday in dalka laga masaafuriyo Darwish, oo 41 jir ah, kadib xukunkiisa, balse garsoore ayaa sheegay in arrintaasi ay jabinayso xuquuqdiisa aadanaha maadaama uu ka tirsan yahay beel laga tirada badan yahay oo uu wajihi karo “dhibaatooyin” haddii lagu celiyo Soomaaliya.

Darwish ayaa hadda helay magangalyo rasmi ah oo uu dalka ku sii joogi karo.

Beelaha laga tiro badan yahay

Maxkamadda Sare ee Qaxootiga iyo Socdaalka ayaa la horgeeyay dacwaddiisa, iyadoo la sheegay in Darwish uu markii ugu horreysay yimid Britain bishii Juun 2001, isla markaana uu codsaday magangalyo xagaagaas.

Dhegeysiga dacwadda oo ka dhacay magaalada Bradford ayaa lagu sheegay in sannadkii 2002 loo oggolaaday inuu dalka sii joogo si joogto ah, kadib markii lagu aqoonsaday inuu u qalmo xaaladda qaxootinimo sababo la xiriira beesha uu ka tirsan yahay.

Xilligii uu yimid dalka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa aqbashay inuu Darwish qabo “cabsi dhab ah oo la taaban karo” oo kaga imaaneysa beelaha tirada badan ee Soomaaliya.

Waxaa la rumeysan yahay in haddii dib loogu celiyo dalkiisa uu wajahayo halis, ciqaab, ama xitaa jirdil – taas oo noqonaysa ku xadgudub Qodobka 3-aad ee Heshiiska Yurub ee Xuquuqda Aadanaha (ECHR).

Sannadkii 2021, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa isku dayday in dib u masaafuriso Darwish, ayna kala noqoto xaaladdiisa qaxootinimo, kadib markii lagu helay dembi la xiriira mindi.

Warbixin maxkamadeed ayaa tiri: “[Darwish] wuxuu galay dembi ah haynta mindi iyo fal rabshado ah oo uu qirtay, waxaana lagu xukumay 12 bilood oo xabsi ah.

“Kadibna, [Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xilligaas, Priti Patel] ayaa go’aansatay in Darwish laga masaafuriyo dalka, ayna ka laabato xaaladdiisa qaxootinimo. Go’aankaasi waxaa la gaaray Janaayo 5, 2021, halka amarka masaafurinta la bixiyay Feebaraayo 9, 2021.”

Sababo dhibaateyn oo aan la caddeyn 

Darwish, oo sheegay inuu qabay xaalad caafimaad maskaxeed, ayaa u kireystay qareenno si uu u gudbiyo racfaan.

Wuxuu ku guuleystay racfaankii uu ka gudbiyay Maxkamadda Heerka Koowaad sannadkii hore, balse Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa racfaan kale ka qaadatay go’aankaas una gudbisay Maxkamadda Sare.

Wasaaradda ayaa ku dooday in maxkamaddii hore “ay ku guuldareysatay in caddeyso sabab rasmi ah oo Darwish loogu dhibaateyn karo haddii loo celiyo Soomaaliya.”

Waxay sidoo kale sheegeen in duruufihii lagu siiyay qaxootinimada sannadkii 2002 ay is beddeleen.

Si kastaba ha ahaatee, Garsoore Sare Christopher Hanson ayaa go’aamiyay in Darwish weli yahay qaxooti sababo la mid ah kuwii lagu aqoonsaday sannadkii 2002, sidaas darteedna uu diiday racfaankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Maxkamaddu waxay tixraacday tilmaamaha dowladda Britain ee ku saabsan Soomaaliya, kuwaasoo sheegaya: “Qodobka aasaasiga ah waa in ragga iyo dumarka ka tirsan beelaha laga tirada badan yahay ee Koonfurta Soomaaliya guud ahaan ay halis ugu jiraan in xuquuqdooda ku xusan Qodobka 3-aad la jabiyo, ayna noqonayaan qaxooti – haddii aysan jirin caddeyn muujinaysa inay haystaan taageere beeleed ama mid shaqsiyeed, isla markaana awood u leh inay si nabad ah ku gaaraan meel ammaan ah oo aan halis ku jirin.”

Puntland oo shuruud adag ku xirtay shirka uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si cad u muujisay mowqifkeeda ku aaddan shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo shuruud adag ku xirtay ka qeyb-galka shirkaasi.

Puntland ayaa dalbatay in marka hore ay Villa Somalia ka laabato wax ka beddelkii ay ku samaysay dastuurka dalka, isla markaana dib loo soo celiyo dastuurkii lagu heshiiyay, si markaas la iskugu imaado miiska wada-hadalka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta la hadlay salaaddii Ciidda kadib ayaa si toos ah ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dib uga laabto dhammaan isbeddellada lagu sameeyay dastuurka.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in aan la gaari karin heshiis siyaasadeed oo midho dhal ah ilaa ay Villa Somalia ogolaato in ay la timaaddo tanaasul dhab ah. Waxa uu si cad u sheegay in dowladda federaalka ay ku jirto dhammaadka muddo xileedkeedii, loona baahan yahay in si daah-furan looga wada-hadlo arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu ku adkaystay in laga shaqeeyo doorasho lagu wada qanacsan yahay oo lagu salaynayo dastuurka lagu heshiiyay, halkii laga sii ambaqaadi lahaa isbeddellada muranka dhaliyay. Wuxuuna xaqiijiyay in aysan aqbali doonin in la sii wado shirar aan sal adag lahayn, iyadoo aan la caddeyn qaabka loo wajaheyo arrimaha dastuurka.

Wuxuu xusay in mowqifka Puntland uu yahay mid mabda’iyan ku dhisan ilaalinta heshiisyadii hore iyo in aan la jabin qodobbadii lagu mideysnaa.

Sidoo kale waxa uu ka fal-celiyay warqaddii casuumaadda shirka ee ka soo baxday Villa Somalia, taasoo uu ku tilmaamay mid “isku dhex karis ah”, oo aan si cad loogu muujin cidda si rasmi ah loo casuumay iyo cidda laga tagay. Arrintaasi ayuu ku tilmaamay mid muujinaysa hannaanka aan fayoobayn ee loo marayo qaban-qaabada shirka.

Si kastaba, Xukuumadda Puntland waxay mar kale muujisay in ay diyaar u tahay wada-hadal iyo ka qeyb-gal siyaasadeed, balse waxay ku adkaysanaysaa in la helo jawi lagu kalsoonaan karo.

Tan ayaa waxay ka dhigan tahay in haddii aan la fulin shuruudda ku saabsan dastuurka, aysan Puntland u arkin shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh mid leh “sal sharci iyo siyaasi” oo loo wada siman yahay.

Beesha caalamka oo isku khilaaftay arirnta Xasan Sheekh – Yaa taageeray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad diblomaasiyadeed ayaa cirka isku sii shareereysa caasimadda Soomaaliya, kadib markii Khamiistii ay magaalada Muqdisho ku kulmeen safiirrada kooxda C6+, kuwaas oo si gaar ah diiradda u saaray casuumaaddii dhowaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray madaxda mucaaradka iyo hoggaamiyayaashii hore.

Kulankan, halkii uu muujin lahaa mideyn caalami ah, wuxuu si cad u iftiimiyay khilaaf qoto dheer oo ka dhex jira beesha caalamka, gaar ahaan sida madaxweynaha u maareeyay dadaallada dib u heshiisiinta qaran.

Isku daygii Madaxweyne Xasan ee lagu doonayay in lagu dhiso isfahan siyaasadeed ayaa si lama filaan ah u muujiyay kala qeybsanaan ka dhex aloosan diblomaasiyiinta caalamiga ah. Safiirrada Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Qaramada Midoobay ayaa madaxweynaha ku dhaliilay inuu muujin la’yahay xasillooni, mas’uuliyad, iyo rabitaan dhab ah oo wadahadal loo dhan yahay lagu hormarin karo — taas oo su’aal gelisay sida uu uga go’an yahay geeddi-socodka dib u heshiisiinta.

Dhaleeceyntan oo ahayd mid kulul, ayaa si ballaaran loo wada qaatay — marka laga reebo Midowga Yurub. Inkasta oo ay jireen khilaafaad muuqda oo gudaha ah, haddana kulanku wuxuu kusoo dhammaaday muuqaallo diblomaasiyadeed oo mideysan.

Safiirka Maraykanka, Richard H. Riley, ayaa jeediyay hadalkii ugu adkaa, isagoo sheegay in “labo bilood oo dib u dhac iyo gaabis” uu sameeyay Madaxweyne Xasan aysan kaliya hakad gelin horumarka, balse ay “sii xumeysay jahawareerka iyo la’aanta jihada siyaasadeed.”

Riley wuxuu intaas ku daray in “cadaadis dheeraad ah” laga yaabo inuu noqdo mid lama huraan ah, isagoo muujiyay inuusan Madaxweynaha u dhaqmeynin si daacad ah.

Safiirka cusub ee UK, Charles King, ayaa taageeray aragtidaas, isagoo tilmaamay in habka hadda la marayo uusan “ku habboonayn mideynta qaranka.” Sidoo kale, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan, oo khibrad dheer u leh arrimaha Soomaaliya, ayaa si deggan ula jaanqaaday mowqifka Mareykanka.

Dhanka kale, Safiirka Midowga Yurub, Karin Johansson, ayaa soo bandhigtay aragti gebi ahaanba ka duwan. Waxay ku adkaysatay in beesha caalamka aysan la gudboonayn inay shuruudo ku xirto hoggaanka la doortay ee Soomaaliya, iyadoo carrabka ku adkaysay in dib u heshiisiintu tahay mas’uuliyad si gaar ah u saaran Villa Somalia.

Dowladda Soomaaliya ayaa si degdeg ah uga falcelisay dhaleeceynta. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa isku dayay in la cadeeyo mowqifka Madaxweynaha. Si kastaba ha ahaatee, diblomaasiyiin qaar ayaa warqad Madaxweynaha u diray hoggaamiyayaashii hore — oo la diray maalintii ka horreysay kulanka — u arkay mid loogu talagalay in lagu xakameeyo ama lagu hoos geliyo casuumaad la mid ah oo kasoo yeertay Madaxweynaha Jubbaland, taasoo ay u arkeen mid looga saarayo Dowlad Goboleedyada wada-hadalka.

Si kastaba ha ahaatee, warqad Khamiistii lasoo saaray ayaa xaqiijisay arrin muhiim ah: Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inuu kulmo 22-ka Juun. Su’aasha hadda taagan waxay tahay: Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” iyo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ma ka qeyb geli doonaa?

Xiisadahan diblomaasiyadeed ayaa imaanaya iyadoo gudaha dalku uu ka socdo loollan siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Wakiillo caalami ah ayaa horey si gaar ah ula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Samatabixinta Qaranka, oo ah isbaheysi ay ku mideysan yihiin madax hore.

Isla waqtigaas, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland — oo dhawaan ku kulmay Nairobi — ayaa wado qorshahooda: in la ballaariyo Golaha Wadatashiga Qaran si loogu daro Golaha Badbaadada Qaranka. Waxay u arkaan qaabkan “NCC+” inuu yahay waddada keliya ee lagu xallin karo dib u eegista dastuurka iyo isbeddellada doorasho ee dalka.

Tani waxay Villa Somalia saareysaa cadaadis saddex-geesood ah: mid ka imaanaya mucaaradka uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, mid kale oo kasoo yeeraya beesha caalamka ee ka niyad jabsan hab-socodka dib u heshiisiinta, iyo midka ugu dambeeya oo kaga imanaya madaxda Dowlad Goboleedyada oo dalbanaya in si cad oo hufan loo darso doorkooda.

Waxaa intaa dheer, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa la sheegay inuu farriin digniin ah u diray Villa Somalia: “soo saar natiijooyin muuqda — haddii kale, la kulma cawaaqib.”

Iyada oo maalinta shirku dhacayo ay si dhakhso ah usoo dhowaanayso, toddobaadyada soo socda waxay noqon doonaan imtixaan culus oo lagu ogaan doono kartida siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo adkeysiga geeddi-socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo weli ah mid jilicsan.

DAGAAL culus oo ka dhex-qarxay Musk iyo Trump iyo Musk oo kashifay sir culus

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump iyo Elon Musk ayaa Khamiistii si xun iskaga horyimid, taasoo si degdeg ah u burburisay xiriirkoodii siyaasadeed ee aan caadiga ahayn — iyadoo madaxweynaha Mareykanka uu ku hanjabay inuu kala noqon doono bilyaneerkaas qandaraasyada ballaaran ee dowladda.

Trump ayaa hadal uu si toos ah uga jeediyay Xafiiska Oval ku sheegay inuu si weyn uga niyad jabay kadib markii Musk — oo horey u ahaa la-taliye iyo deeq-bixiye muhiim ah — uu si adag u dhaliilay hindise sharciyeedka cusub ee miisaaniyadda, oo Trump ku tilmaamay “mid weyn oo qurux badan” islamarkaana haatan horyaalla Congress-ka.

Labada nin ayaa markii dambe hadallo af-lagaaddo ah iskula beegsaday baraha bulshada — iyadoo Musk uu xitaa, iyadoo aan caddayn loo haynin, sheegay in magaca Trump uu ku jiro dokumentiyo dawladeed oo la xiriira maal-qabeenkii fadeexeysan ee Jeffrey Epstein, oo lagu eedeeyay dambiyo galmo kahor intii uusan is-dilin 2019-kii.

Khilaafka ayaa laga yaabaa inuu yeesho saameyn siyaasadeed iyo dhaqaale oo weyn, iyadoo saamiyada shirkadda Tesla ee Musk ay si weyn hoos ugu dhaceen, halka ganacsadaha u dhashay Koonfur Afrika uu ku hanjabay inuu joojinayo barnaamij muhiim u ah hawlgallada hawada sare ee Mareykanka.

Inkasta oo horey loo tuhunsanaa in xiriirka u dhexeeya shakhsiga ugu lacagta badan dunida iyo ninka ugu awoodda badan Mareykanka uusan socon doonin muddo dheer, haddana xawaaraha uu burburku ku yimid ayaa si weyn uga yaabiyey siyaasiyiinta Washington.

“Runtii waan ka niyad jabay Elon. Waan caawiyay Elon si weyn,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta isagoo la fadhiya Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, oo si aamusan u dhegeysanayay.

“Elon iyo aniga xiriir wanaagsan ayaan lahayn. Ma hubo inuu weli jiro.”

Trump, oo 78 jir ah, ayaa si taban u muujiyay dareenkiisa intii uu 10 daqiiqo khudbad ka jeedinayay, isagoo xusay in toddobaad kaliya laga joogay markii uu si rasmi ah ugu sagootiyay Musk, oo ka tagayay Waaxda Hagaajinta Waxqabadka Dowladda (DOGE).

Markii dambe, Trump ayaa ugu yeeray Musk “mid waalan,” isagoo sheegay inuu isagu ka dalbaday inuu xilka baneeyo maadaama uu “dhabarka ka jabiyay dulqaadkii.”

“Abaal laawe”

Musk ayaa si toos ah uga falceliyay bartiisa X (horey Twitter), isagoo sheegay in Trump uusan guuleysan lahayn doorashadii 2024 haddii uusan helin taageeradiisa, wuxuuna ku eedeeyay “abaal la’aan cad.”

Markii muranka sii kululaaday, Musk ayaa sidoo kale qoray in “Trump uu ku jiro faylasha Epstein,” isagoo tixraacaya dokumentiyo dawladeed oo la xiriira maal-qabeenkaas, kaasoo is-dilay isagoo ku xiran xabsi intii uu sugayay maxkamadeyntiisa.

“Maalin wanaagsan, DJT!” ayuu Musk ku daray.

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa u sheegtay AFP in qoraalka Musk ee Epstein uu yahay “qoraal nasiib darro ah oo ka yimid Elon, oo ka xumaaday ‘Sharciga Weyn ee Quruxda Badan’ maadaama uusan ku jirin siyaasadihii uu doonayay.”

Musk, oo ahaa deeq-bixiyihii ugu weynaa ee ololaha Trump (oo gaarayay $300 milyan), ayaa sidoo kale sheegay in taageeradiisa la’aanteed Trump uusan noqon lahayn madaxweyne, wuxuuna si kulul u dhaleeceeyay “mahadsanid la’aanta” Trump.

Wuxuu sidoo kale “haa” ugu jawaabay qoraal lagu soo jeediyay in Trump xilka laga qaado, wuxuuna si adag u cambaareeyay cunaqabataynta ganacsi ee uu Trump saaray dalalka kale, taasoo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah dhaqaalaha Mareykanka.

Ugu dambeyntii, Trump ayaa ku hanjabay inuu bartilmaameedsan doono Musk isagoo sheegay inuu joojin doono qandaraasyada malaayiinta doollar ah ee dowladda uu ka haysto, oo ay ka mid yihiin kuwa ku saabsan soo ridista dayax-gacmeedyada iyo adeegga Starlink.

“Habka ugu fudud ee lagu dhimi karo miisaaniyaddeenna — kumanaan milyan oo doollar — waa in la joojiyo deeqaha iyo qandaraasyada Elon,” ayuu Trump ku qoray Truth Social.

Musk ayaa mar kale ka falceliyay, isagoo sheegay inuu bilaabi doono “joojinta” dayax-gacmeedka Dragon ee shirkaddiisa SpaceX — taasoo si weyn ugu muhiim ah safarrada ay NASA ku tagto saldhigga hawada sare ee caalamiga ah (ISS).

“Fadeexad”

Markii colaadda labada dhinac ay qaboowday saacado kadib, shirkadda Tesla waxay lumisay in ka badan $100 bilyan oo ka mid ah qiimaheeda suuqa.

Xiriirka u dhexeeyay Trump iyo Musk ayaa markii hore si degdeg ah u kobcay, iyadoo madaxweynuhu taageeray hawlgallada dhimista kharashaadka ee DOGE, halka Musk uu ku hoyday Aqalka Cad marar badan oo uu sidoo kalena kula safray Trump diyaarada Air Force One.

Si kastaba, Musk, oo 53 jir ah, wuxuu xilka DOGE ku sugnaa afar bilood oo kaliya, isagoo niyad-jabay kadib markii uu arkay in isbeddellada ay aad u gaabis yihiin, wuxuuna khilaaf kala kulmay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada Trump.

Inkasta oo ay horey u jireen khilaafyo siyaasadeed, haddana labada nin waxay xiriirkooda u ilaalinayeen heer diblomaasiyadeed, ilaa Musk uu hindisaha Trump ee canshuuraha iyo kharashaadka — oo ah tiirka ugu weyn ajandaha siyaasadeed ee muddadiisa labaad — ku tilmaamay “fadeexad,” isagoo sheegay in uu kordhin doono deynta Mareykanka.

Washington ayaa si weyn u indha-indheyn doonta saameynta ka dhalata khilaafkan.

Musk ayaa baraha bulshada kusoo daabacay codbixin uu ku waydiinayay taageerayaashiisa haddii uu sameysan karo xisbi siyaasadeed cusub — tallaabo halis ah oo ka imanaysa nin horey u muujiyay inuu hantidiisa u adeegsanayo in uu xilalka uga tuuro xildhibaanada Jamhuuriga ee ka soo horjeeda aragtidiisa.

Dhanka kale, Steve Bannon — oo ah xulafo weyn oo Trump ah balse si adag uga soo horjeeda Musk — ayaa ku baaqay in Musk dalka laga masaafuriyo, sida uu qoray New York Times.

 

Mareykanka oo beeniyey go’aan horey loo sheegay in uu ka qaatay Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si cad u beenisay wararka sheegaya in ay joojisay maalgelintii hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo ku nuuxnuuxsatay in halkii ay ka bixi lahayd ay si adag ugu baaqayso dalalka kale in lala wadaago culayska dhaqaale ee hawlgalka.

Bayaan Talaadadii lagu daabacay barta X (horey Twitter), Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, oo uu guddoomiye ka yahay Senator Jim Risch, ayaa lagu adkeeyay sida ay Mareykanka uga go’an tahay taageerada hawlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya, balse waxaa lagu sheegay in dalalka Yurub iyo Afrika laga rabo in ay qaataan mas’uuliyadda kaga aaddan hawlgalka.

“Mareykanku ma diidin taageerada hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya – waxaan kaliya ku adkeysanaynaa in Yurub iyo Afrika ay ka qeyb qaataan si caddaalad ah. Qorshayaal maalgelin sida Qaraarka 2719 ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (UNSCR 2719) waxay u oggolaanayaan dalalka kale inay iska dhega tiraan waajibaadkooda, isla markaana culayska ku ridaan canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka, halka Qaramada Midoobayna ay ka hesho marmarsiiyo ay kaga leexato guuldarrooyinkeeda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qaraarka UNSCR 2719, oo la ansixiyay bishii December 2023, ayaa u oggolaanaya hawlgallada Midowga Afrika in ay ka helaan Qaramada Midoobay illaa 75% miisaaniyaddooda.

Sida laga soo xigtay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Mareykanku wuxuu tan iyo 2007 si toos ah u taageerayay dadaallada nabad-ilaalinta Soomaaliya, isagoo ku bixiyay in ka badan $1.5 bilyan oo gargaar bini’aadantinimo ah iyo $240 milyan oo taageero horumarineed ah.

Inkasta oo Mareykanku bixiyay taageero ballaaran, Washington ayaa dhawaan muujisay walaac la xiriira in ay si aan sinnayn u qaadday culayska dhaqaale ee hawlgalka.

Bishii May, Senator Risch iyo xildhibaanada Ted Cruz iyo Rick Scott ayaa horgeeyay Congress-ka hindise sharciyeed cusub oo lagu magacaabo AUSSOM Funding Restriction Act of 2025, kaas oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo lacagaha canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka, isla markaana lagu xoojiyo isla xisaabtanka Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee ku aaddan hawlgallada nabad-ilaalinta ee Afrika.

Sharcigan ayaa sidoo kale dhigaya in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka uu sanadle u sameeyo qiimeyn madax-bannaan oo lagu ogaanayo sida Midowga Afrika u fulinayo qodobbada ku xusan Qaraarka Golaha Ammaanka ee UNSCR 2719.

Waxa uu sharcigu intaa ku darayaa in warbixino faahfaahsan laga soo gudbiyo Congress-ka, kuwaas oo daboolaya natiijooyinka qiimeynta, waxqabadka hawlgalka AUSSOM, iyo wixii tabarucaad ah ee Mareykanka ku bixiyo iyadoo la raacayo nidaamka qaraarkaasi.

“Xafiiska Qaramada Midoobay, xulafadeenna Yurub waxay doonayaan in ay ka cararaan waajibaadkooda dhaqaale ee ku aaddan hawlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyagoo u guuraya hannaan maalgelin aan sinnayn oo culayska dusha ka saaray Mareykanka,” ayuu yiri Risch xilligaas.

“Arrintaas lama aqbali karo. Hindise sharciyeedkan wuxuu mamnuucayaa in Mareykanku wax tabarucaad ah ku bixiyo hawlgalka AUSSOM inta laga helayo caddeyn rasmi ah in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay si mas’uuliyad leh u maamulayaan dhaqaalaha ay helaan, si looga hortago in Mareykanka si joogto ah loogu qasbo maalgelinta nidaam fashilmay.”

ITOOBIYA oo ka qaylisay qorshe ay sheegtay in uu damacsan yahay Afwerki

Addis-Ababa (Caaismada Online) – Xildhibaan Dina Mufti, oo horey u ahaa afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, in uu faafinayo aragti uu ku tilmaamay “mid aad khatar u ah” oo sheegaysa in ay jiraan “isku dhacyo u dhexeeya qowmiyadaha Cushitic iyo Semitic.”

Dina ayaa arrintan ku sifeeyay dadaal ballaaran oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo Itoobiya lana abuuro isbahaysi siyaasadeed cusub oo ka hirgala Geeska Afrika.

Qoraal uu ku daabacay Horn Review, oo ah warbaahin si dhow ula shaqeysa dowladda, Dina ayaa ka falceliyay khudbaddii uu Madaxweyne Isaias jeediyay xuska sannad-guuradii 34-aad ee madaxbannaanida Eritrea. Wuxuu ku andacooday in Isaias “la yimid aragtidan” si uu u dhidibo qorshe ku wajahan “dib u habeynta xoogagga siyaasadeed ee Geeska Afrika.”

Dina wuxuu sheegay in ujeeddadu tahay in la mideeyo “maleeshiyaad qowmiyadeed oo ka kala socda gobollada Tigray iyo Amxaarada,” iyada oo loo marayo isbahaysi uu Isaias hoggaaminayo, si loogu rido dowladda federaalka Itoobiya. Sida uu sheegay Dina, Isaias wuxuu aaminsan yahay in dowladdaasi ay “ku shaqeyso dano shisheeye.”

Weerarkii Afwerki

Intii uu khudbadda ka jeedinayay magaalada Asmara 24-kii May, Madaxweyne Isaias wuxuu Itoobiya ku sifeeyay dal ku dhex jira “wareegyo isdaba-joog ah oo ay la tacaalayso dhibaatooyin iyo burbur” muddo ku dhow “siddeetan sano – ama ugu yaraan saddex jiil.”

Wuxuu arrintan ku eedeeyay siyaasadihii “ay hormuudka ka ahaayeen Mareykanka xilligii Dagaalkii Qaboobaa,” iyo “khaladaad culus” oo uu sheegay in ay sameeyeen hoggaamiyayaashii Midowgii Soofiyeeti.

Sida uu hadalka u dhigay, Itoobiya waxay seegtay fursaddeedii dhismaha qarannimo, halkii ay ka dooratay “in ay ku burburto kala qaybsanaan qowmiyadeed,” taasoo uu ku tilmaamay sababta “kacdoonnada iyo burburka dalka.”

Madaxweyne Isaias wuxuu sidoo kale ku eedeeyay xoogag shisheeye — kuwaas oo uu sheegay in ay ka niyad-jabeen isbeddelladii rajo-gelinta lahaa ee Itoobiya ka bilowday toddoba sano ka hor — in ay hurinayaan “dagaallo lagula jiro shacabka Itoobiya” iyada oo la adeegsanayo magaca Xisbiga Barwaaqo (Prosperity).

Wuxuu si gaar ah u xusay arrimo uu sheegay in loo adeegsaday in lagu sharciyeeyo faragelintaasi, kuwaas oo ay ka mid yihiin: “arrinta biyaha,” “Webiga Nile iyo Badda Cas,” “helitaanka badda,” iyo aragtida uu ku tilmaamay “Orommuma,” taasoo uu ku dooday in aysan matalin shacabka Oromada.

Jawaabta Itoobiya

Ambassador Dina ayaa si adag uga falceliyay hadalka Isaias, isaga oo ku tilmaamay in kala soocidda Cushitic iyo Semitic ay tahay “dhiirrigelin khatar ah” oo sababi karta xoojinta xiisadaha qowmiyadeed. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Isaias in uu “dhiirrigelinayo naceyb ka dhan ah bulshada Oromada” isaga oo adeegsanaya fikradda Orommuma, taasoo Dina ku dooday in “uusan Isaias faham dhab ah u lahayn.”

Wuxuu ku daray in Madaxweyne Isaias uu leeyahay “dhaqan soo jireen ah oo ah in uu qowmiyad ka horkeeno qowmiyad kale,” si uu u wiiqo dowlad kasta oo Itoobiya ka talisa oo “diidda in ay ka amar qaadato.”

Dina wuxuu sidoo kale dhaliilay nuxurka khudbaddii Isaias, isagoo sheegay in aysan “wax warbixin ah ka bixin wixii horumar ah ee Eritrea gaartay tan iyo xornimadeeda.”

Isaga oo arrinta sii faahfaahinaya, wuxuu sheegay in Isaias “uusan soo hadal qaadin wax horumar dhaqaale ah, mashaariic waaweyn, ama barnaamijyo horumarineed,” isagoo ku dooday in madaxweynaha “aanu dan ka lahayn arrimahaasi.” “In ka yar shan meelood meel khudbaddiisu waxay quseysay Eritrea,” ayuu yiri Dina.

Wuxuu intaa ku daray in khudbadda inteeda kale ay ahayd “muxaadaro dheer oo ku saabsan arrimo juqraafi siyaasadeed,” oo ay ka mid ahaayeen falanqayn ku saabsan maamulka Donald Trump, dhaqdhaqaaqa MAGA, iyo tartanka u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka.

Dina wuxuu xusay in hadallada Madaxweynaha ay muujiyeen “yareyn iyo iska indhatirid muuqata oo ku saabsan doorka Afrika,” kahor inta uusan hadalka u weecin “muranada ka taagan Suudaan iyo Itoobiya.”

Marka laga soo tago hadalka, Dina wuxuu ku eedeeyay Isaias in “ciidamo Eritrean ah ay weli joogaan gudaha Suudaan iyo dhul Itoobiya ka tirsan,” isaga oo intaa ku daray in madaxweynuhu uu siiyo “taageero maaddi ah kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda Itoobiya.”

“Ku xadgudubka joogtada ah ee uu ku hayo midnimada, madax-bannaanida iyo dhul ahaanshaha Itoobiya lama aqbali karo muddo aan la koobi karin,” ayuu yiri Dina.

Bishii Janaayo 2021, Ambassador Dina — oo markaas ahaa afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya — wuxuu si cad u beeniyay jiritaanka ciidamada Eritrea ee ku lug lahaa dagaalkii Tigray.

Somalia vows cooperation after U.S. reinstates travel ban

MOGADISHU, Somalia – Somalia has pledged continued cooperation with the United States after President Donald Trump reinstated a sweeping travel ban blocking Somali nationals from entering the U.S., citing concerns over national security and weak governance.

The new executive order, signed Thursday, revives a controversial policy first introduced during Trump’s initial term. The order bans full entry into 12 countries—including Somalia—and imposes partial restrictions on citizens from seven additional nations.

In a measured response, Somali Ambassador to the United States Dahir Hassan Abdi said Mogadishu remains a committed partner in counterterrorism and regional stability efforts and is prepared to engage diplomatically to resolve concerns raised by the White House.

“Somalia remains a key partner in the global fight against terrorism,” Abdi told The Washington Post. “We are taking tangible steps to strengthen government institutions and enhance national security.”

U.S. cites security, governance shortcomings

The executive order singles out Somalia for what it describes as systemic weaknesses in governance and internal security. It accuses the Somali federal government of lacking the institutional capacity to control its borders, issue secure identification documents, or conduct adequate background checks on travelers.

“Somalia lacks a central authority capable of issuing reliable passports and verifying identities,” the order states. “Its inability to maintain effective territorial control presents a serious risk to U.S. national security.”

The White House also criticized Mogadishu’s refusal to accept Somali nationals deported from the United States, calling it a violation of international norms and a key justification for the renewed travel ban.

According to U.S. immigration data, deportations to Somalia have been frequently delayed due to either the absence of repatriation agreements or concerns about human rights violations upon return. The Trump administration argues that non-compliance undermines immigration enforcement and national security protocols.

The African Union (AU), whose membership includes several countries subject to the ban, has expressed concern over the policy’s implications for diplomatic, economic, and humanitarian ties. In a Friday statement, the AU Commission urged Washington to adopt a “balanced, evidence-based” approach that reflects shared interests and historical partnerships.

“We respectfully call on the United States to manage its borders in a way that protects security without compromising the principles of fairness, cooperation, and mutual respect that underpin U.S.-Africa relations,” the AU said.

The ban applies fully to citizens of Somalia, Libya, Sudan, Eritrea, Chad, the Democratic Republic of Congo, Equatorial Guinea, Iran, Myanmar, Yemen, Afghanistan, and Haiti. Partial restrictions—barring permanent immigration and some visas—affect travelers from Burundi, Sierra Leone, Cuba, Togo, Laos, Turkmenistan, and Venezuela.

Somalia: A fragile state with a strategic role

Since the collapse of its central government in 1991, Somalia has experienced decades of political fragmentation and violence. Though significant challenges remain — particularly from the al-Qaeda-affiliated al-Shabaab group — Somalia has made progress with support from international partners, including the United States, the African Union, and the United Nations.

U.S. military and intelligence personnel have maintained a limited presence in Somalia, offering training and logistical support to Somali forces and regional allies. In addition, the U.S. Agency for International Development (USAID) has funded stabilization, governance, and humanitarian projects across the country.

Somali officials worry that the new restrictions could weaken cooperation in these areas at a time when international support is crucial for rebuilding national institutions.

“This decision does not reflect the efforts Somalia has made to improve governance and security,” said a senior Somali official in Mogadishu, speaking anonymously. “We believe in engagement and will continue discussions with our U.S. counterparts to ensure that progress is not undermined.”

Travel ban could disrupt diaspora ties

The move has sparked concern within the Somali diaspora in the United States, particularly in Minnesota, Ohio, and Washington, D.C., where tens of thousands of Somali Americans reside. Community leaders say the policy may prevent family reunifications, interrupt educational and professional opportunities, and dampen cultural and economic exchange.

According to the Migration Policy Institute, the U.S. Somali diaspora sends hundreds of millions of dollars in remittances to Somalia annually — funds that play a vital role in supporting families and stimulating the fragile economy.

“Policies like this one isolate communities and cut off a critical lifeline to our country,” said Ahmed Osman, a Somali-American civic organizer in Minneapolis. “We urge the U.S. government to consider the human impact.”

Despite the sweeping nature of the restrictions, Somalia’s government has avoided harsh rhetoric and instead emphasized its desire to maintain positive bilateral relations. Officials in Mogadishu say they intend to pursue diplomatic channels to address the policy and ensure continued collaboration on key issues.

Ambassador Abdi noted that Somali authorities have already taken steps to improve border controls and enhance civil registration systems, which he believes demonstrate a serious commitment to reform.

“We are ready to work constructively with our American partners to resolve any concerns,” he said. “This partnership is too important to be derailed.”

As the new policy takes effect, observers say the coming weeks will be crucial in determining whether dialogue between Washington and Mogadishu can prevent further fallout and sustain cooperation on counterterrorism, migration, and regional development.

Farmaajo blasts Hassan Sheikh over exclusion in dialogue

MOGADISHU, Somalia –Somalia’s former president Mohamed Abdullahi Mohamed, widely known as Farmaajo, has sharply criticized President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of steering the country toward renewed political turmoil by excluding key stakeholders from critical reconciliation talks and pushing ahead with controversial constitutional reforms.

In a strongly worded statement issued on Wednesday, Farmaajo said the president’s recent moves—including a tightly controlled political dialogue initiative—fail to address the core disputes threatening Somalia’s fragile political order.

“The president has taken a path that risks plunging the country into deeper instability,” Farmaajo said. “His approach to national dialogue deliberately sidesteps the key issues fueling the current crisis.”

Disputed dialogue initiative

Farmaajo’s remarks were prompted by President Hassan Sheikh’s launch of a new reconciliation effort on June 1, The Consultation Platform, intended to ease tensions between federal and state leaders.

However, critics argue the process lacks inclusivity and transparency, with the former president claiming the agenda and invitees were selectively chosen to avoid confronting the most sensitive national issues.

“The format, participants, and agenda of the dialogue demonstrate the president’s continued unwillingness to engage with the political reality on the ground genuinely,” Farmaajo said.

Central to Farmaajo’s criticism is the federal government’s attempt to amend Somalia’s provisional constitution, particularly 11 chapters previously safeguarded by multi-party agreements during Farmaajo’s administration. He accused President Hassan Sheikh of bypassing due process and consensus-building in favor of unilateral decision-making.

“The president is now planning fresh and unlawful amendments to constitutionally protected chapters,” he said.

Opposition figures argue that such reforms—undertaken without broad consultation or parliamentary approval—threaten the legitimacy of the constitutional order and may entrench executive overreach.

Farmaajo also denounced the government’s new electoral framework, which he claimed lacks consensus and violates citizens’ rights. He pointed to reports of forced voter registration under new electoral laws and commissions created without agreement from key political actors.

“Somali citizens are being compelled to register under a system that is both illegitimate and legally questionable,” he said, warning that the process infringes on fundamental rights and risks sparking public backlash.

Farmaajo called on the current leadership to recommit to the consensus-based constitutional framework that enabled President Hassan Sheikh’s 2022 election. He urged the administration to ensure that future political processes are genuinely inclusive and involve both federal and state-level institutions.

“Resolving Somalia’s political disputes and preserving national unity requires inclusive dialogue involving all levels of government,” Farmaajo stated. “We urge the president to return to the agreed constitutional framework and pursue meaningful consensus.”

A cycle of political gridlock

Somalia’s political system—built on a fragile federal model—has long struggled with disputes over power-sharing between the central government in Mogadishu and semi-autonomous federal member states. Recurrent conflicts over constitutional authority, election timelines, and governance structures have repeatedly stalled progress on key reforms.

Farmaajo, who served as president from 2017 to 2022, was also criticized during his tenure for power struggles with regional leaders and delays in holding elections.

His latest critique highlights a persistent cycle in Somali politics, where renewed disputes over process and legitimacy often accompany leadership transitions.

The deepening political crisis threatens to undermine international efforts to stabilize Somalia, which continues to grapple with security threats from the al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab.

The country relies heavily on international donors, who have urged Somali leaders to finalize the constitution and conduct one-person, one-vote elections to strengthen democratic institutions.

With Farmaajo’s public intervention, Somalia now faces the prospect of further political fragmentation unless efforts toward genuine reconciliation and power-sharing are urgently revitalized.

Sidee looga ciiday maanta Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya, maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, ayada oo inta badan salaadda ciidda lagu tukaday goobaha fagaarayaasha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho kula oogay Salaadda Ciidda Carafo kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiin iyo howlwadeennnada hay’adaha Dowladda.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta caalamka, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa oo ah astaan midnimo, isjacayl iyo farxadeed.

Mudane Xasan ayaa dul istaagay kaalinta lama ilaawaanka ah ee Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Halyeeyada xaq u dirirka ahi ay ku leeyihiin in si nabad loogu Ciido Caasimadda dalka iyo guud ahaan dhulka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay garab istaagaan Ciidamada, taageeridda iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah iyo ka shaqeynta danta guud

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, Sarreeyaasha, Saraakiisha, Ciidamada iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka umadda Soomaaliyeed.

Si kastaba, munaasabadda Ciidul Adxaa ayaa si weyn looga dabaaldegay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemayay saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay isku yimaadaan dadka.

Dagaal culus oo maalintii saddexaad ka socda Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaanka Ceel Hareeri.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda beesha Xawaadle iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo isku aruursanayay duleedka deegaankaas. Dagaalka ayaa qarxay kadib markii ciidanka Macawiisleyda Xawaadle ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu arkay agagaarka deegaanka Ceel Hareeri.

Weerarkan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay Macawiisleyda inay meesha ka saaraan hanjabaadda iyo joogitaanka Al-Shabaab ee deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhawaqa rasaasta iyo qaraxyada laga maqlayo meelo fog-fog oo u dhow goobta dagaalku ka socdo.

Inkasta oo wali aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, hadana wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in uu jiro khasaare naf iyo maalba leh.

Xaaladda deegaanka ayaa wali aad u kacsan maadaama xabadu ay wali socoto, taasoo adkeyneysa in si buuxda loo ogaado xogaha dhabta ah ee dagaalka. Dhibbanayaal ayaa la filayaa inay jiraan maadaama dagaalku uu yahay mid culus oo baaxad leh.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxa, taas oo guud ahaan dalka laga ciidayo si farxad leh. Si kastaba, dadka deegaanka Ceel Hareeri ma aysan helin fursad ay ku ciidaan si nabad ah, waxayna maalintooda ciida ku waabariisteen rasaas iyo weeraro ay ku doonayaan inay iskaga xoreeyaan argagixisada.

Gobolka Hiiraan ayaa noqday gobolka kaliya ee wali si toos ah dagaal uga socda oo lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Dagaalka gobolkaas ka socda waxaa hoggaan u ah oo si firfircoon uga qayb qaadanaya Macawiisleyda beesha Xawaadle oo door weyn ka qaadatay abaabulka iyo hirgelinta weerarada lagula dagaalamayo kooxda.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in ciidanka dowladda iyo beelaha kale ee dariska la ah Xawaadle aysan si muuqata uga qeyb qaadan dagaalada dhawaanahan ka dhacayay gobolka Hiiraan. Taasi oo culayska dagaalka dusha ka saartay beesha Xawaadle oo keligood la tacaalaya halista Shabaabka.

Arrintan ayaa abuuraysa su’aalo badan oo ku saabsan kaalinta dowladda iyo beelaha kale ee gobolka, iyada oo loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii looga wada hortagi lahaa khatarta kooxda Al-Shabaab ee ka jirta gobolka iyo guud ahaan dalka.

Soomaaliya oo ka jawaabtay xayiraadda socdaal ee Trump

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay sida ay u aragto amarka cusub ee ka soo baxay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee muwaadiniinteeda looga mamnucuay gelitaanka Mareykanka.

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 12 dal oo muwaadiniinteeda laga mamnuucay inay galaan Mareykanka, kadib amar madaxweyne oo cusub oo uu saxiixay Donald Trump, kaasi oo Soomaaliya ku tilmaamay “meel badbaado u ah argagixisada,” isaga oo muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan maamulka dalka iyo halista dhanka amniga qaranka ee uu Mareykanka wajahayo.

Amarkan cusub ayaa si buuxda u joojinaya gelitaanka muwaadiniinta ka soo jeeda Afghanistan, Myanmar, Chad, DR Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen. Sidoo kale, wuxuu si xaddidan u saameynayaa dadka ka imanaya Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan iyo Venezuela.

Amarka Trump wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay awood xaddidan ku leedahay xakameynta dhulkeeda, ayna weli halis argagixiso ka jirto gudaha dalka. Wuxuu tilmaamay in arrimahan ay si weyn u wiiqayaan kartida dowladda ee ilaalinta ammaanka iyo la shaqeynta hay’adaha caalamiga ah.

“Soomaaliya ma laha hay’ad dhexe oo karti leh ama lala shaqeyn karo oo bixisa baasaboorrada iyo dukumentiyada madaniga ah, sidoo kalena ma laha nidaamyo hufan oo lagu baaro lana xaqiijiyo dadka,” ayuu yiri Trump.

Wuxuu intaas ku daray: “Soomaaliya si weyn ayay uga duwan tahay dalalka kale marka loo eego heerka ay dowladdu uga liidato xakameynta dhulkeeda, taasoo si aad ah u xaddideysa waxqabadka iyo awoodda hay’adaha qaranka.”

Trump sidoo kale wuxuu si adag u dhaleeceeyay diidmada dowladda Federaalka ee Muqdisho ee ku aaddan aqbalaadda muwaadiniinta laga masaafuriyo Mareykanka, taasoo uu ku tilmaamay mid kamid ah sababaha ugu waaweyn ee keentay xayiraadda socdaalka.

Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka, Dahir Xasan Cabdi, oo jawaab kooban siiyey wargeyska Washington Post ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay la shaqeyso Mareykanka si loo xalliyo walaacyada jira.

“Soomaaliya weli waa saaxiib muhiim u ah dagaalka lagula jiro argagixisada, waxayna qaaday tallaabooyin muuqda oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladeed, laguna horumarinayo amniga qaranka,” ayuu yiri danjirahu.

Dhanka kale, Guddiga Midowga Afrika — oo xubno ka yihiin qaar kamid ah dalalka ay saameyneyso xayiraaddan — ayaa bayaan rasmi ah ku sheegay in ay “si xushmad leh ugu baaqayaan” Mareykanka inuu xakameeyo xuduudihiisa “si dheelitiran, ku saleysan xog dhab ah, islamarkaana ka tarjumaysa iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Mareykanka iyo qaaradda Afrika.”

Sawirro: Muungaab, Asad Diyaano iyo xubno u tegay Mahad Salaad, kalana hadlay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa caawa hoygiisa ugu tegay kulan xasaasi ahna lasoo yeeshay Taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad.

Taliyaha Ciidanka Booliska, Jeneraal Asad Cabdullahi Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Xuseen Mungaab, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha qeybaha Booliska iyo NISA ee Gobolka Banaadir, iyo Taliyaha Ciidanka Boolis Militaaro ayaa caawa hooygiisa ugu tegay Agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad.

Saraakiisha iyo masuuliyiinta ayaa isku hambalyeyn kadib shir ku saabsan amniga ku galay guriga Mahad Salaad, waxayna diiradda saareen sida loo sugayo amniga caasimadda maalmaha barakaysan ee Ciidda.

Saraakiisha ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay sugidda nabadgelyada maalmahaan farxadda badan, iyagoo adkeeyay baahida loo qabo in la laba jibaaro dadaallada amniga, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu ciidaan xasillooni iyo nabadgelyo.

Ugu dambeyn, saraakiisha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee u taagan sidii farxad iyo nabad ugu ciidi lahaayeen.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa xalay xilka la wareegay, halka Agaasime Mahad Salaad uusan weli la wareegin xilka.

Daawo: Xasan Sheekh oo farriin culus u diray Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyey khudbadiisa Ciidda Carrafo ayaa hambalyo iyo duco u diray dadka iyo dalka, isagoo khubadaan uga hadlay dhowr arrimood oo ay kamid yihiin siyaasadda, dowlad dhiska, doorashooyinka, dagaalka argagixisada iyo cafis uu mar kale u fidiyey dhalinyarada ka tirsan Khawaarijta, hadii ay isku soo dhiibaan dowladda.

Walaalayaal khawaarijtu waxay caqabad ku yihiin, dib u dhiska dalka iyo helitaanka adeegyada dadka Soomaaliyeed ay baahida u qabaan, waxay abuureen baahiyo badan oo Soomaaliya ay ka maarmi kartay, waxayna khatar weyn ku yihiin jiritaankeena,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa aad u naqdiyey ficillada argagixisada oo baneysatay dhiigga umadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah, wuxuuna farriin u diray dhallinyarada ka barbar dagaalanta kooxdaas.

“Maalintaan farxadda leh dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa u furan inay ka soo laabtaan Khawaarijnimada oo ay cafis weydiistaan dadkooda iyo dowladooda,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin u diray waalidiinta dhashay dhallinyarada ka tirsan argagixisada ayaa ka codsaday inay u caqli celiyaan wiilashooda la qalday, “u sheega inay weli heystaan fursad ay dib ugu soo noqon karaan dadkooda iyo deegaanadooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in maanta oo kale uu xabiibkeena Muxamed NNKH oo taagan banka Carafo uu muslimiinta ka xaaraantinimeeyey inay daadiyaan dhiigooda, balse kooxaha Khawaarijta ah ay taas ka dhega adeygeen.

Sidoo kale Maxaxweynaha ayaa sheegay in Khawaarijtu ay ku faanayaan inay dili doonaan qof kasta oo ka hor yimaada dulmiga ay wadaan, isagoo dadka Soomaaliyeed ku dhiirigeliyey inay dagaalamaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya oo soo martay caqabado aad u badan ay ku sii socoto wadadii dowladnimada “dowladda Soomaaliyeed oo kaashaneysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka waxay gaartay guulo taariikhi ah,” ayuu Madaxweynuhu yiri.

Madaxweynaha ayaa hambalyo, duco iyo amaan u diray ciidamada qaranka iyo kuwa macawiisleyda ah ee Khawaarijta la dagaalamaya, isagoo yiri “Geesiyaal waxaad sabab u tihiin in shacabkiinu ay nabad ku ciidaan.”

Hoos ka daawo 

Farmaajo oo mowqif ka soo saaray gogosha uu fidiyey madaxweyne Xasan Sheekh

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhaliilay hanaanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh u maaraynayo wada xaajoodyada siyaasadeed ee dalka, isagoo ku eedeyey inuu iska indhatirayo waaqaca jira ee dalka.

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Madaxweynuhu waxa uu u jihaystay dhabbe dalka gelinaysa qalalaase hor leh, waxaana taas marag u ah hannaanka marti-qaadka Madaxweynaha oo ah mid aan ka jawaabayn arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka taagan.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo

Hannaanka loo maareeyey Gogosha Wadatashiga ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay 1-dii bishan Juun, cidda lagu martiqaaday iyo ajandaha guud ee la tilmaamay, intuba waxa ay muujinayaan in madaxweynuhu uu wali ka leexanayo inuu si dhab ah u wajaho xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo culeyska ay leeyihiin arrimaha masiiriga ah ee khilaafaadku ka taagan yihiin.

Sida aan marar badan ku talinnay arrimaha heshiiska siyaasadeed u baahan ee taabanaya masiirka shacabka Soomaaliyeed iyo nidaamka dowladnimada dalka waa mas’uuliyad wadareed ay tahay in talo-wadaag ay ka yeeshaan dhammaan heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo wax wada-lahaanshaha dadka Soomaaliyeed, waxaase muuqata inuusan Madaxweynuhu wali garowsan arrintaas, uuna ku socdo siyasaasadda ku dhisan cidna loo joojin maayo.

Madaxweynuhu waxa uu u jihaystay dhabbe dalka gelinaysa qalalaase hor leh, waxaana taas marag u ah hannaanka marti-qaadka Madaxweynaha oo ah mid aan ka jawaabayn arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka taagan ee ay ugu waawayn yihiin wax-ka-beddelka dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, isaga oo hadda qorshaynaya wax-ka-beddel horleh oo sharci darro ah oo uu ku sameeyo 11-kii cutub ee ka badqabay dastuurkii heshiiska lagu ahaa.

Marti-qaadka Gogosha Wadatashiga waxaa sidoo kale garab socda fulinta hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn taas oo ku salaysan sharciyada iyo guddiyada doorashada ee uu Madaxweynuhu samaystay, waxaana xusid mudan sida muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu qasbayo is-diiwaangelin qasab ah looguna xad gudbayo xaquuqda aasaasiga ah ee muwaaadinka.

Haddaba, waxaan markale ku baaqaynaa si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed, loogana baaqsado dhaawac soo gaara midnimada dalka, in Madaxweynuhu uu si dhab ah u wajaho xaaladda  taagan, kuna soo laabto Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee lagu doortay, gogosha wadatashiga iyo go’aannada masiiriga ahna ay noqdaan kuwo loo dhan yahay oo ay ka qaybqaataan dhammaan labada heer ee Dowladda.

DF oo beesha caalamka u dirtay warbixin culeyska looga yareynayo Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beesha caalamka la wadaagtay warbixin u muuqata mid cadaadiska caalamiga ah looga yareynayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warbixintan oo sidoo kale lala wadaagay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo markii hore ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ku baahisay luuqadda Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu guda-galay wada-hadallo la xiriira arrimaha dalka oo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha kala duwan ee heer Qaran.

“Ujeedada hindisahan waa in si dhab ah loo dhageysto cabashooyinka iyo aragtiyada hoggaamiyeyaashaasi, si looga wada shaqeeyo arrimaha masiiriga ah ee mudnaanta u leh dalka, oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab, dhammeystirka dib-u-eegista dastuurka, iyo diyaarinta doorashooyinka deegaanka iyo kuwa heer qaran,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda oo la fahamsan yahay in Madaxweynaha looga yareynayo cadaadiska caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah casuumaad ugu fidiyey madax ay ka mid yihiin: madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore, ku-xigeennadooda, guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada hore ee baarlamaanka, iyo madaxda dowlad-goboleedyadii hore. Waxaa la filayaa in kulankan uu qabsoomo 15-ka Juun 2025.

Talooyinka kasoo baxa kulankaas ayaa toddobaad kadib sida uu qorshuhu yahay la horgeyn doonaa Golaha Wadatashiga Qaranka, si loogu gorfeeyo, waxaana la filayaa in Golaha uu ka gaaro go’aamo rasmi ah.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Iyadoo la tixraacayo baaqii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, jeediyey iyo farriintiisii Ciidul-Fidriga ee taariikhdu ahayd 30-ka Maarso 2025, kaasoo ku baaqay in la bilaabo wadatashi qaran oo ballaaran, Madaxweynaha ayaa gudagalay wadahadallo la xiriira arrimaha dalka oo uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha kala duwan ee heer Qaran.

Ujeedada hindisahan waa in si dhab ah loo dhageysto cabashooyinka iyo aragtiyada hoggaamiyeyaashaasi, si looga wada shaqeeyo arrimaha masiiriga ah ee mudnaanta u leh dalka, oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab, dhammeystirka dib-u-eegista dastuurka, iyo diyaarinta doorashooyinka deegaanka iyo kuwa heer qaran.

Madaxweynaha oo muujinaya sida ay uga go’an yahay dhageysiga qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa wadahadallo miro-dhal ah la yeeshay madaxda Ururada Siyaasadda ee la diiwaangeliyey, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, iyo siyaasiyiin xilal muhiim ah kasoo qabtay dalka.

Kulamadan waxay bixiyeen xog iyo aragtiyo qiimo leh oo ka tarjumaya baahida iyo himilada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Iyadoo uu wadatashigu sii socdo, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah casuumaad ugu fidiyey madax ay ka mid yihiin: madaxweynayaal hore, ra’iisul wasaareyaal hore, ku-xigeennadooda, guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada hore ee baarlamaanka, iyo madaxda dowlad-goboleedyadii hore. Waxaa la filayaa in kulankan sare uu qabsoomo 15-ka Juun 2025, si waayo-aragnimadooda iyo taladooda looga faa’iidaysto.

Kadib kulamadan, Madaxweynaha ayaa isugu yeeri doona Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ), oo ka kooban madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, kaas oo qabsoomo doona 22-ka Juun 2025. Kulankaas ayaa lagu gorfeyn doonaa talooyinka kasoo baxa wadatashiyada, waxaana la filayaa in GWQ uu ka gaaro go’aamo rasmi ah.

Natiijooyinkaas ayaa markaa kadib la horgeyn doonaa Baarlamaanka Federaalka si loo qaado tallaabo sharciyeed haddii loo baahdo wax-ka-beddel sharci ama dastuur.

Geeddi-socodkan loo dhanyahay wuxuu ka tarjumayaa laba arrimood oo muhiim ah: in la dhiirrigeliyo wadatashi qaran iyo in la adkeeyo sharafta iyo madax-bannaanida hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Kulanka madaxda hore wuxuu noqonayaa madal muhiim u ah talo-wadaag, halka Golaha Wadatashiga Qaran iyo Baarlamaanka Federaalka oo ah hay’adda keliya ee sharci-dejinta ay xaqiijin doonaan in go’aamada lagu saleeyo hab-raaca dimuqraadiyadeed iyo sharciga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa ka go’an in uu horumariyo hannaan Soomaaliyeed oo taladiisu tahay mid Soomaali leedahay, kaas oo ku saleysan xikmad Qaran wadajir iyo ilaalinta waajibaadka dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.

Horjooge Daqare iyo Diini oo lagu riday xukun lama filaan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare” ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku Tashkiilin jiray inay ku biiraan kooxdaasi iyo Marin habaabin caruurta Soomaaliyeed tan iyo 2009.

Horjoogahiisa Xuseen Fiidoow ayaa u Magacaabay Marin habaabinta Jufada Hoose ee uu ka dhashay Eedeysane Horjooge Daqare, waxaana Ka mid noqoshada Khawaarijta uu ku tashiiliyey Ex Dhamme Shariif Maxamed Barqadle (Shariif Jeego) iyo Ex Dable Xoogga Maxamed Cabdulle Nuur Abkoow Biyamaaloow.

Shariif Cagaweyne oo Qeybta Dhagaraha ka tirsan ayaa isna ahaa Horjoogihii uu Daqare ku wareejiyay Jeego iyo Biyamaloow oo markii danbe geystay Qaraxyadii Muqdisho Mall 2019, Baar Cagaweyne oo ku yaalla agagaarka Hotel Wehliye 2019 iyo weerarkii Dabley Khawaarij ah loogu dusiyay airport ka Aden Cade 2022.

Horjooge Daqare Dadkii Kale ee uu ku biiriyay Khawaarijta, Jufadiisana ahaa kadib Tashkiilintiisa waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku xiggeenkii hore ee Arrimaha Bulshadda Degmadda Hodon Shariif Nuur Cali Awliyo oo lagu helay la shaqeynta Khawaarijta, uuna u ahaa Basaas iyo Dhagarqabe Maxamed Cali Kaahiye oo wali la shaqeysta Khawaarijta, kana tirsan Duur ku jirta ku dhuumaaleysta Gobolka Mudug.

Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale (Wadne) oo Sargaal Xiggeen ka ahaa Xoogga Dalka, ayaa isna lagu eedeeyay in uu ku biiray Khawaarijta, kadib Tashkiilinta Abtigiis Hooyadii la ina Adeera, waana Horjooge Daqare.

Waxaa looga faa’iideysan jiray soo gelinta Caasimada Gawaarida Qaraxyada Lagu Diyaariyo iyo dhaafsiinta control-lada Ciidamada Amniga, iyaggoo xittaa raran, Madaama u heystay Aqoonsiga Ciidamada.

Hay’adaha Amniga oo si hoose ula socday dhaqdhaqaaqa Dhagarqabe Daqare ayaa gacanta ku soo dhigay. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday sagaal iyo tobankii Bishii May ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud Daqare Xabsi Daa’in, halka Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale(Wadne) isna lagu xukumay Afar Sano oo xabsi Argagaxiso ah.

Inta badan maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku ridi jirtay ragga la midka ah xubnahan argagixisada ee maanta la xukumay, taas oo dad badan lama filaan ku noqotay.

FIQI oo walaac xooggan ka muujiyay amniga Muqdisho kadib arrin soo korortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo xalay ka qayb-galay munaasabad uu xilka kula wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si adag uga hadlay amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Fiqi ayaa marka hore walaac ka muujiyay qabsashada Al-Shabaab ee deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna tilmaamay inay halis ku tahay amniga caasimada.

“Suurtagal ma’ahan Xawaadley in la yiraahdo ciidan ajnabi ah ayaa ka baxay waa galeen Al-Shabaab, mana lagu joogi karo gobolka Banaadir” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in amniga Muqdisho uu ku xiran yahay labada Shabelle, ayna tahay in si deg-deg ah looga howlgalo, si loo sugu amniga caasimada.

“Magaaladan amnigeeda waxa uu ku xiran yahay labada Shabelle iyaga ayaa laga ilaalin karaa oo amniga Muqdisho lagama ilaalin karo Heliwaa, Kaaraan, Kaxda iyo Dayniile, oo ma aha xuduuda laga ilaalin gobolka Banaadir” ayuu mar kale yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay haatan bilaabeyso howlgallo deg-deg ah oo laga fulinayo xuduudaha uu gobolka Banaadir la leeyahay labada Shabelle, si looga ciribtiro argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale baaq culus u diray guddoomiyaha cusub ee gobolka, wuxuuna ka dalbaday inuu ku gacan siiyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

“Howlgallada howshaasi la xiriira way bilaabanayaan mudane guddoomiye waqti fiican ayaa kusoo aaday, waxaan rajeyneynaa inaad ciidanka garab u noqotid ” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin kahor Al-Shabaab ay qabsadeen deegaanka Xawaadley, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Burundi ee muddada dheer ku sugnaa halkaasi, waxayna sababta ku sheegeen fatahaado ku dhuftay gudaha deegaankaaasi.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale la wareegtay diyaarad milatari oo ay lahaayeen ciidamada howlgalka AUSSOM oo Isniintii lasoo dhaafay ku dhacday duleedka deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo baahiyay sawirrada diyaaraddiisa oo burburtay.

Trump oo xayiraad socdaal ku soo rogay Soomaaliya iyo 18 dalal oo kale + Liiska

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fiidkii Arbacada saxiixay amar madaxweyne oo dib u soo nooleynaya siyaasaddii xayiraadda socdaalka ee muddado xileedkiisa hore, taasoo mamnuuceysa muwaadiniinta illaa 12 dal inay soo galaan Mareykanka.

Waddamada xayiraadda cusub la saaray waxa ay kala yihiin: Afghanistan, Burma, Chad, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen.

Xayiraaddan oo dhaqan galeysa saqda dhexe ee Isniinta (12:01 a.m.), waxaa la socda xaddidaadyo dheeraad ah oo lagu soo rogay muwaadiniinta ka imanaya Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan iyo Venezuela.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Aqalka Cad, waddamada si buuxda looga mamnuucay inay galaan Mareykanka ayaa lagu tilmaamay kuwo “ku fashilmay nidaamyada baaritaanka iyo xaqiijinta amniga, isla markaana loo arkay inay halis sare ku yihiin ammaanka Mareykanka.”

“Waa in aan qaadaa tallaabo lagu difaacayo amniga qaranka iyo danaha shacabka Mareykanka,” ayuu Trump ku sheegay bayaankiisa rasmiga ah.

Trump oo aad u weeraray Soomaaliya

Trump ayaa si adag u dhaliilay awoodda amni iyo maamul ee gudaha Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay dowlad aan si buuxda u shaqeyn, awood la’aan ay u leedahay xakamaynta dhulkeeda, iyo nuglaanta ay u leedahay khataraha argagixisada.

“Soomaaliya ma laha maamul dhexe oo karti leh ama lala shaqeyn karo oo bixisa baasaboorrada ama dukumentiyada madaniga ah, sidoo kalena ma laha nidaam sugan oo lagu baaro laguna hubiyo dadka,” ayuu yiri Trump.

Wuxuu intaas ku daray: “Soomaaliya waxay si gaar ah uga duwan tahay dalalka kale marka loo eego heerka ay dowladdu uga liidato xakameynta dhulkeeda, taasoo si weyn u wiiqeysa waxtarka awoodaha qaranka.”

Trump wuxuu dalka ku sifeeyay isha joogtada ah ee khataraha argagixisada, isagoo xusay in dagaalyahanno xagjiriin ah ay dhulka Soomaaliya u adeegsadaan “inay qorsheeyaan, fududeeyaan, islamarkaana fuliyaan howlgaladooda.”

Wuxuu sheegay in Soomaaliya weli tahay “goob ay u safraan shaqsiyaad doonaya inay ku biiraan kooxaha argagixisada ah ee halista ku ah amniga qaranka Mareykanka.”

Trump wuxuu sidoo kale si kulul u dhaleeceeyay diidmada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan aqbalaadda muwaadiniinta laga masaafuriyo Mareykanka, taasoo uu ku tilmaamay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee xannibaadda socdaalka.

“Sidaas darteed, soo gelitaanka muwaadiniinta Soomaaliya ee Mareykanka, ha ahaadeen muhaajiriin ama kuwa aan muhaajiriin ahayn, si buuxda ayaa loo joojiyay.”

Liiskan waddamada xayiraadda waxaa lagu saleeyay amar fulineed uu Trump bixiyay 20-kii Janaayo, kaasoo farayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Amniga Gudaha, iyo Agaasimaha Sirdoonka Qaranka in ay soo saaraan warbixin ku saabsan “aragtiyo cadawtinimo” oo ay waddamo qaar u qabaan Mareykanka, iyo haddii muwaadiniinta ka imanaya dalalkaasi ay khatar amni ku yihiin dalka.

Beesgiga dalalka Muslimiinta 

Intii uu socday muddo xileedkiisa koowaad ee madaxweyne, Trump ayaa bishii Janaayo 2017 soo saaray amar mamnuucaya socdaalka muwaadiniinta toddobo dal oo Muslimiin u badan — Iraq, Suuriya, Iran, Suudaan, Libya, Soomaaliya iyo Yemen — inay soo galaan Mareykanka.

Amarkaas wuxuu horseeday jahwareer iyo muran baahsan, iyadoo safarayaal ka kala yimid dalalkaas laga celiyay diyaaradaha ama lagu xannibay garoomada diyaaradaha ee Mareykanka. Dadka uu saameynta ku yeeshay waxay ka mid ahaa arday, macallimiin, ganacsato, dalxiisayaal, iyo dad qoysaskooda booqanayay.

Amarkan, oo si weyn loogu yaqaan “xayiraadda Muslimiinta” ama “xayiraadda socdaalka,” ayaa marar badan lagu cabbiray maxkamadaha, ilaa ugu dambeyn nooc wax laga beddelay ay Maxkamadda Sare ee Mareykanka ansixisay sanadkii 2018.

Xayiraaddii Maxkamaddu ansixisay waxay saameysay noocyo kala duwan oo socdaalayaal iyo muhaajiriin ah oo ka imaanayay Iran, Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Libya, iyo sidoo kale muwaadiniinta Waqooyiga Kuuriya iyo saraakiil ka tirsan dowladda Venezuela iyo qoysaskooda.

Trump iyo taageerayaashiisa ayaa xayiraadda ku difaacay sababo amni qaran awgood, iyagoo ku dooday in ay la xiriirtay ilaalinta dalka, balse aanay ahayn mid si gaar ah loola beegsaday Muslimiinta. Si kastaba ha ahaatee, Trump wuxuu ololihiisii doorashada ku baaqay in la mamnuuco Muslimiinta oo dhan inay soo galaan Mareykanka — hadal si weyn loo dhaliilay.

Madaxweynihii hore Joe Biden, oo xisbiga Dimoqraadiga ka tirsan islamarkaana beddelay Trump, ayaa xayiraadda socdaalka laalay sanadkii 2021, isagoo ku tilmaamay “dhibic madaw oo ku taal damiirka qarankeena.”