26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Donald Trump oo dhowr arrin uga digay Boqorka Sacuudiga (Akhriso)

Riyadh (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud, uga digay inuu qafiifiyo xiisada kala dhexeysa Dowlada Qadar.

Donald Trump, ayaa Boqorka u sheegay inay jiraan macluumaadyo dheeri ah oo muujinaaya in dowlada Qadar ay si toosa u fangareyso Kooxaha Argagixisada.

Donald Trump, waxa uu sidoo kale Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis u cadeeyay inuu sameeyay guddiyo dhanka Sirdoonka ah oo baaraya kiisaska la xiriira tuhunka
Donald Trump, waxa uu Boqorka u bidhaamiyay in kiiska Qadar uu yahay mid baaxad leh isla markaana ay u kaashan doonaan dowlado dhowr ah, si loo soo bandhigo cadeymo lagu qanci karo.

Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan dadaalo lagu kasbanaayo dowladaha kale ee Carabta kuwaa oo uu sheegay inaysan qeyb ka aheyn xiisada cusub ee kala dhexeysa Qadar.
Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, ayaa iminka Guddiyo u xil saaray kordhinta dowladaha

xiriirka u jaraaya dowlada Qadar, taa oo saameyn ba’an ku yeelankarta Qadar oo iminka aan heysan taageero ku filan.

Dhawaan ayay aheyd goortii Madaxweynaha dalka Mareykanka Trump uu shaaciyay inuu kaalin weyn ka qaatay xiisada ka dhex aloosan Sacuudiga iyo Qadar.

Caasimada Online

Xafiiska Riyadh

[email protected]

Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Maxaas iyo khasaaro xoogan oo ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal qaraaran ayaa waxa uu ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaa oo u dhexeeyay maleeshiyaad kawada tirsan deeganka.

Dagaalka ayaa waxaa leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, waxa uuna xoogiisa ka dhacay degaanka Beenyaaleey oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii mid kamid ah maleeshiyaadka dagaalamay ay weerar ku qaaden goob fariisin u aheyd maleeshiyo beeleedka kale ee kasoo horjeeday.

Dagaalka ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa 11 ruux oo kala taabacsanaa labada dhinac, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 17 ruux, oo la dhigay Isbitaalada Degmada Maxaas.

Sidoo kale, Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul la degaameyn rabay, waxaana iminka degan xaalada.

Gudoomiye ku-xigeenka degmada ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro, badan isla markaana ay goobta dagaalka dhigeen ciidamo kala dhex gala labada dhinac.

Geesta kale, waxaa uu tilmaamay in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu xasilinaayo Xaaladda hadda ka jirta duleedka degmada Maxaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

5 waxyaabood oo Qatar ka saacidi kara inay ka guuleysato xulufada Sacuudiga

Doha (Caasimadda Online) – Dowladda Qatar ayaa heyso awoodo, lacago iyo badalo kala duwan oo ay isaga celin karto dowlaha go’doominta saaray.

  • Lacag Badan iyo Maalgelin Shisheeye

Dowladda Qatar ayaa leh awood maalgelin oo gaareyso ilaa 370 Billion oo Dollar, waxaana jiro santuuqa maalgelinta dowladda Qatar  oo adduunka kaalinta sagaalaad kaga jiro, midaasna waxay ka saacdi kartaa inuusan hoos u dhicin dhaqaalaheeda, waxayna Qatar santuuqaan sameysatay sanadkii 2005, waxayna ugu talagashay in lagu maamulo naftada iyo gaaska daabiciga ah iyadoo uga gol laheyd inay isaga yareyso halista ah in dowladda ay ku tiirsanaato soo saarta Naftada, waxayna lacago badan ku maalgashatay suuqyo caalami ah oo ay kamid yihiin kuwa ku yaal Mareykanka, Yurub iyo dowlado Aasiyo ku yaal.

  • Gaaska

Dowladda Qatar waa  dowladda sedexaad ee ugu soo saarka badan Gaaska dabiiciga ah, waxayna heysataa 14% oo kamid ah gaaska keydka daabiciga ah ee Caalamka sida lagu sheegay warbixinadii ugu dambeeyey, midaasna way ka saacidi kartaa inay dowladaha Khaliijka ka maaranto isla markaasna ay Gaaska u iib geyso dowlado kale.

Sidoo kalana waa dowladii ugu horeysay ee soo saarto isla markaasna dhoofiso gaaska loo yaqaan Helium, waxayna sanad kasta soo saartaa laba Billion oo cubic feet ah, Waana dowladda ugu horeyso caalamka ee dareeraha Condensate soo saarto 800 Kun oo Birmiil maalin kasta.

3) Kala duwidda ganacsigeeda Dibadda

Dowladda Qatar ayaa awood u leh inay kala duwdo ganacsigeeda dibadda sidoo kalana ay soo jiidato suuqyo kala duwan oo caalamka ku yeela, sida ay horeyba u sameysay markii ganacsiyo la wadaagtay dowladaha Turkiga, Iraan, dowlado ku yaal Aasiya iyo kuwa Carbeed si ay isaga difaacdo xayiraada la saaray.

Shirkadaha dowladaha Iiraan iyo Turkiga ayaa daaboolay baahiyada Qatar ee alaabaha muddo aan ka badneyn 12 saac, waxayna Qatar heysataa dakado iyo hawo ay ku qaabisho alaabaha maalgeshiga ah oo ay dowladahaas keenayaan  Qatar.

4) Caadifad Shacbiyadeed

Dowladda Qatar ayaa shacbiyad badan ku leh shacabka Carabta, markii ay si aan gambasho laheyn u garab istaagtay qadiyadda Falastiin, waxayna shacbiyadaas inteeda badan ku heshay TV-ga Aljazeera oo si ay adduunka u wada jeedaan u garab istaagay shacabka Falastiin iyo Ururka Xamaas, arrintaan waxay ka saacidi kartaa inay uga hortagto xayiraada ay dowladaha Carabta Saareen maadaama shacabka Carabta intooda badan ay taageersan yihiin Dowladda Qatar.

5) Saldhigga Turkiga ee Qatar

Dowladda Turkiga ayaa saldhig Militari ku leh dalka Qatar, arrintaan waxay ka saacidi kartaa inaan dalka Qatar lagu soo fududaan, waxayna dhawaan Baarlamaanka Turkiga isku raaceyn in Ciidamo dheeri ah la geeyo saldhigaas, Turkigana waxay ku qasban tahay inay Qatar maalgelin ku sameyso maadaama iydaba loo ogolaaday inay halkaas saldhig ka sameysato, waxayna Turkiga bilowday inay alaabo kala duwan u dhoofiso Qatar si ay uga maaranto dowladaha Carabta ee go’doominta ku haayo.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Ra’iisul wasaaraha Yahuuda oo shaaca ka qaaday arrin fadeexad ku ah xulufada Sacuudiga

Tel-Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu ayaa isaga oo ka hadlaya xiisadda ka dhex oogan dalalka Carabta sheegay arrin ceeb iyo fadeexad ku ah dalalka xulufada ah ee uu horkacayo Sacuudiga.

Netanyahu oo taageersan go’doominta lagu hayo dalka Qatar, ayaa sheegay in dalalka Carabta ah ee Qatar kasoo horjeeda ay iminka Israel u arkaan walaalo iyo saaxiibo aad ugu dhow oo hal dan ay ka dhaxeyso.

“Dalalka Carabta hadda Israel uma arkaan cadow, ee waxa ay u arkaan saaxiib muhiim ah” ayuu yiri Benjamin Netanyahu.

Benjamin Netanyahu ayaa Qatar uga soo horjeeda inay marti-geliso oo ay dalkeeda ku nool yihiin hogaamiyayaasha kooxda Xamas ee u dagaalanta xoreynta Falastiin, kuwaasi oo haddii ay dalkooda ku laabtaan ka baqaya in lagu dilo duqeymaha Yahuuda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta loo go’doominayo Qatar ay tahay cadaadis ka imanaya Mareykanka oo asna cadaadis si hoose ay u saaraan Yahuuda, maadaama Qatar ay marti-geliso laba urur oo islaami ah oo kala Ikhwaanul Muslimiin iyo Xamas.

In maanta Sacuudiga, Imaaraadka iyo xulufadooda ay walaal u arkaan Yahuuda ayaa ceeb weyn ku ah, waana sababta inta badan dadka muslimiinta ah ay u taageersan yihiin Qatar, marka ay noqoto xiisadda ka dhex oogan dalalka gacanka.

Qatar waxay taageero ka haysataaa dalalka Turkey iyo Iran oo si weyn u garab istaagay markii dalalka kale ee carbeed ay go’doomiyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

Turkiga iyo Iran oo 12 saac gudahood ku muujiyey inay Qatar ka maaranto xulafada khaliijka

Doha (Caasimada Online) – Dowladaha Iiran iyo Turkiga ayaa tallaabo farxad gelisay shacabka iyo dowladda Qatar qaaday kadib markii ay muujiyeen inay ka maarmi karto dowladaha Carabta ee dagaalka ku haayo.

Shirkadaha Dowladaha Iiraan iyo Turkiga ayaa ganacsi xoog leh ka bilaabay gudaha Qatar, waxayna usoo dhoofiyeen alaabo aad u badan taasoo niyad jab weyn ku ah xulafada ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ee xayiraada saaray Qatar.

Shirkadaha dowladaha Iiraan iyo Turkiga ayaa daaboolay baahiyada Qatar ee alaabaha muddo aan ka badneyn 12 saac, waxayna Qatar heysataa dakado iyo hawo ay ku qaabisho alaabaha maalgeshiga ah oo ay dowladahaas keenayaan  Qatar.

Dowladda Qatar ayaa si weyn usoo dhaweysay taageerada ay Turkiga iyo Iiraan u muujiyeen, waxayna tilmaamtay inaysan hadda jirin wax baahi ah oo ay Qatar u qabto inay alaab kasoo qaadato dowladaha Xayiraado Saaray.

Dowladda Turkiga ayaa saldhig Militari ku leh dalka Qatar, arrintaan waxay ka saacidi kartaa inaan dalka Qatar lagu soo fududaan, waxayna dhawaan Baarlamaanka Turkiga isku raaceyn in Ciidamo dheeri ah la geeyo saldhigaas, Turkigana waxay ku qasban tahay inay Qatar maalgelin ku sameyso maadaama iydaba loo ogolaaday inay halkaas saldhig ka sameysato, waxayna Turkiga bilowday inay alaabo kala duwan u dhoofiso Qatar si ay uga maaranto dowladaha Carabta ee go’doominta ku haayo.

Dowladda Turkiga ayaa si cad u sheegtay inaysan taagersaneyn dagaalka lagu hayo Qatar, waxayna wacad ku martay in wax kasta lagu dhameyn doono wadahadal intii la is dagaali lahaa isla markaasna waxay ka dhawaajisay inuusan xalka ku jirin xayiraad la saaro Qatar.

Sidoo kala Dowladda Iiraan ayaa Qatar garab taagan maadaama uu dagaal ka dhaxeeyo iyada Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxayna Iiraan ku dadaaleysaa sidii ay Qatar uga guuleysan laheyd dalkaas isla markaasna waxaa hadda u bilowday ganacsi aad u badan oo aan waligood dhexmarin.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

Ixtiraam diineed iyo ifafaalo gobeed midna malaha reer Aala Sacuud

Kadib Markii dawlado uu hogaaminayo Sucuudigu xidhiidhka u jareen xukuumada dooxa, iyagoo u cuskaday inay taageerto Kooxaha Alqaacida, Xamaas iyo urur waynaha ikhwaanul muslimiin.

Kana xidheen Xuduudaha ay lawadaagaan dawladaasi Bad iyo bariba, una qabteen muddo kooban inay kaga baxaan Dalkooda muwaadiniinta iyo dibomaasiyiinta u dhashay dalkaasi Qatar.

Waxay Dawlada Qatar bilowday inay Baahideeda Nololeed Awdo, Furtana ilo dhaqaale iyo kuwo diblomyaasideed oo cusub.

Waxay bilowday inay Turkey iyo Iiraan quutul daruuriga kasoo iibsato saamigii ay ka iibsan jirtay Sucuudiga iyo Imaaraatka. Marinadii Hawada ee Diyaarada Qatar Airwaysna ay u wareejiso Somaaliya Iyo Iiraan.

Hadaba Shaqaadada Gacanka carbeed, 22kii dawladood ee ku midaysnaa Jaamacadda Carabtu & Wadamadii Islaamka waxay u kala qaybisay sidan:

  • Dawladdo taageeray Go’aanka Go’doominta
  • Dowlado Dhexdhexaad ka noqday wada hadalna ku baaqay
  • Dawlado la saftay Qatar

June 7deedii, Dowalada Soomaaliya Wasaaradeeda arimaha dibadu waxay go aan rasmiya kasoo saartay Khilaafka dawladaha carbeed. go aankaasi oo ku qotomay dhex dhexaadnimo iyo in xal diblomaasiyadeed lagu dhameeyo Carqalada taagan.

Khilaafka Carabtu Muxuu Daaran Yahay?.

Sucuudiga oo aaminsan inuu yahay Quwada kaliya ee ay haboontahay in wax laga waydiiyo Bariga dhexe, isuna haystay walaal ka wayn carabta kale oo ay tahay inay ku daba tukadaan ayaa ku colaadinaya dawlada Qatar dhowr arimood oo kala ah:

  • Doorka dhex dhexaadineed ee Ay ka qaadatay Dib u heshiisiinta ree falastiin
  • Doorka Warbaahineed ee Muuq baahiyaha Aljazeera ka qaadatay Kacdoonkii wadamada Carabta. kaasoo boqortooyada sucuudigu wadnaha farta ku hayso inuu saameeyo
  • Magan galyada ay siisay Hogaamiyeyaasha Xamaas iyo kuwa ikhwaan muslimiinka ee kasoo firxaday maamulka Siisi
  • Doorkii ay ku lahayd sii dayntii Ergadii qaramada midoobay ee kooxda alnusra front ku qafaalatay Dalka Siiriya
  • Diidmada qayaxan ee Dawlada Qatar kala hor timid dhigeeda sucuudiga inay xidhiidhka u jarto Iiraan.

Soomaaliya Oo La Kulmaysa Cadaadis Iyo Caga Juglayn

Dawladaha Sucuudiga iyo imaaraatka oo is gaashaan buuraysanaya ayaa bilaabay inay Soomaaliya ku weeraraan go aankeeda dhexdhexaadnimo. weerar kaliya ma ehee waa weerar iyo guluf colaadeed oo aduun iyo aakhiraba saamayn doona.

Carabtu waxay inaga doonayaan xidhiidh ku qotoma is adoonsi iyo aniga idaba soco ama si kale hadaan u dhigo anaa ku quudiyee qaraarkayga raac.

June 12keedii ayay ahayd markii Lataliyaha gaarka ah ee Boqorka Sucuudiga soo gaadhay muqdisho isagoo sita boorsooyin lacag ah iskuna dayaya inuu iibsado Soomaaliya iyo go aadkeeda madaxa banaan, nasiib wanaag se quus iyo qayb la aan iyo kula noqday halkii uu kasoo kicitimay.

Soomaliyana, Markii ugu horaysayna waxay muujisay inaan shilimaad lagu iibsan karin. Go aan siyaasadeed oo madax banaana ay leedahay. tahayna in lagu ixtiraaamo.

Sucuudiga & Imaaraatka hadaan khilaafno Maxaan ku waayi doonaa?

Lahjad aad moodo is adoonsi ayuu ku dhawaaqayaa sucuudigu sida:

Anaa ku quudiyee Qaadac Qatar, hadaadse qaadici waydo Mashaariic iyo maal galin iga heli maysid, Balan qaad iyo baaha toona kusiin maayo, Masaajid iyo malcaamad toona kuu dhisi maayo, Ceel iyo calaf toona kugu caawin maayo, agoon iyo miskiin toona wax kuu siin maayo.

Anaa Qiblo Kuu ah ee Qaadac Qatar, culimo wada buuni ah, waawayn oo ree sucuudiya ayaa habeen iyo maalin, dhacdo iyo baxdo, goor walba iyo goob kasta la taagan Fatwo xaraamayn iyo danbi ku oogid Diin siyaasadayn dawlada Qatar.

Mucaaradka Ayaan kugu hubayn hadaad qaadici waydo Qatar, Munaafaqad siyaasadeed iyo ciyaartay aadka u taqaanay ee Maalgalinta, hubaynta iyo buun buuninta kooxaha xag jirka ah ayay si hoose u qorshaysatay waana siyaasad ku qotonta wiiqida dawlada curdanka ah ee dhabihii hormarka dhowaanahan cagta saartay.

Ganacsiga iyo Quutul Daruurigaan kaa jari hadaad qaadici waydo Qatar, Imaaraatka ayaa ku goodinaya labada lugoodna dhulka ku garaacaya inuu cunqabatayn Ganacsi saari doono oo aanay jiri doonin wax ganacsi ah oo dhex mari doona ganacsata soomaalida iyo Xukuumada Dubai. Halka Sucuudigu xoolaha nool oo malaayiin soomaali ihi ku tiirsantahay uu ku goodinayo inuu joojin doono iibsashadooda.

Xajkaan Kuu Diidi Doonaa Hadaadan Qaadicin Qatar, Ixtiraam diineed iyo ifafaalo gobeed midna malaha ree aaala sucuud iyo xulfadoodu oo waatii Ismaaciil Baakistaani oo Quraan akhriye Soomaaliyeed ahaa Lasoo musaafuriyay. wayna dhici doontaa in Xajka laysu diido waa hadii Khilaafku gaadho mudadaas Soomliyaana ku adkaysato go aankeed.

Maxaa Inala Gudboon Dawlad Iyo Shacab ba?

Intaynu cad quudheed oo aniga idaba soco ku salaysan cuni lahayn, intaynu dulmi iyo dabadhilifnimo ku jiri lahayn, Intaynu go’aankeena iyo dadnimadeena cid kale u daba fadhiisan lahayn, ha i daayo sucuudi imaaraatna ha raaco, ana aan xor ahaado. deeqna tii alle weeye.

Carabi, Taariikhdii soo jireenka ahayd urur diimeed mooyee wax tar kale oo muuqda inooma soo waaridin.

Dawlad iyo Ciidan inalamay dhisin, Geesh Quwad leh oo ina garab istaaga inoomay soo dirin, Gogol heshiis inoomay fidin, Marti galin kamaynu helin oo Dadkeena walhadka colaada iyo abaaruhu ugeeyaan ee Badda dhumucda wayn sii jiidha way soo bahdilaan oo dib usoo celiyaan.

Ugu danbayn, Dhex dhexaad ayaa inoo balana iyo inaynaan Cidna xumayn waayo waa meerto dunidu oo galinba waa meele.

W/Q:- Axmed Abdalla Sheikh

Beyle oo caddeeyay kaalinta Somalia ay ka gali doonto dhaqaalaha Africa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda xukuumadda Federaalka ah ee Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Somalia ay kasii gudbeyso xadka faqriga iyo dhaqaale xumida.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in dowlada Somalia ay culeyska ugu badan saartay sida ay uga faa’iideysan laheyd kheyraadka ku jira dalka, waxa uuna tilmaamay in muddo kooban ay uga dhaqaale badin doonaan dalalka dhaca qaarada Africa.

Beyle waxa uu tilmaamay in Somalia ay dhaqaale ahaan la sinaan doonto dowladaha Africa wax ka yar 3 sano, waxa uuna cadeeyay in dhaqaalaha lagu tashanaayo uu ka imaan doono dhanka shacabka.

”Waxaan Umadda Soomaaliyeed ugu bishaareynayaa inay ku tashtaan bixinta lacagaha canshuurta si aan dhaqaale ahaan ula simano dowladaha kale ee Africa”

”Waxaan xooga saareynaa in dhaqaalo ahaan aan uga dheereyno afrikanka kale muddo dhan Seddex sano oo nagu soo fool leh”

”Waxaan ku rajo weynahay in dhaqaale ahaan ay naga hormaraan ilaa shan dowladood oo afrikan ah, kaalinta lixaadna ay gali doonto Somalia”

Waxa kalo u wasiirka sheegay si isbadal loo gaaro inay muhiim tahay wax ka badal lugu sameeyo lacagta dalka oo qiimaaheedu hoos u dhacay,taas waxaa dheer in gudaha dalka hadda si weyn loo adeegsado lacagta doollaarka Mareykanka.

“Dalkeena isbadal lacageed ayuu u baahanyahay,sidii ay taas u dhici lahayd ayaana hadda ka shaqeyneynaa.” ayuu ku darray hadalkiisa wasiirka maaliyadda.

Haddalka Beyle ayaa imaanaya xili uu dhawaan sheegay in korar dhaqaale laga dareemaayo Bankiga dalka, tan iyo markii uu la wareegay xilka Wasaarada maaliyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowlada Eritrea oo shaacisay cidda ay la jirto Qadar iyo xulufada Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Eritrea ayaa shaaca ka qaaday inay taageersan tahay go’aanka ay dowlada Sacuudiga xiriirka ugu jartay dowlada Qadar.

Xukuumada Eritrea ayaa sheegtay inay ku biirtay xulafada Sacuudiga, isla markaana si rasmi ah xiriirka diplumaasiyadeed ugu jartay Qadar.

Xukuumada Eritrea waxa ay sheegtay in go’aanka xiriirka loogu jaray Qadar uu yahay mid sax ah, isla markaana dowladaha kale laga doonaayo inay ku biiran dadaalka xiriirka loogu jaraayo Qadar.

Nuqul kamid ah qoraalka kasoo baxay Xukuumada Eritrea ayaa lagu yiri “Go’aanka ay quruumaha khaliijka dhexdooda gaareen ayaa ah mid saxan oo loo marayo wadada saxda ah ee lagu xaqiijinyo nabadda iyo xasilloonida, Eritrea waxa ay qaaday talaabo arrinta ku habboon”

Eritrea ayaa sheegtay in dowlada Qadar ay si gaara u taageerto Kooxaha Argagixisada ee sida ba’an kaga soo horjeeda Xukuumada Eritrea.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa maalin ka dib markii saraakiisha Qadar ay booqasho ku tageen Asmara iyo Addis Ababa iyagoo taageero u raadinaya xiisadda ka socda wadamada khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Maxay ka wada hadleen R/W Kheyre iyo madaxweynaha Sudan Al-Bashiir

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir, waxana ay ka wada hadleen cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhexeeya labada bulsho ee walaalaha ah iyo sidii ay Sudan iyo Soomaaliya u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer oo ay colaad ku jirtay kadib, ay haatan hayso dhabbada dib-u.soo kabashada iyo wax wada qeybsiga dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waxana uu intaasi raaciyey in Sudan ay kamid ahayd dalalkii garab taagnaa mudadaa dheer dalkeena isla markaana ay Soomaaliya diyaar u tahay in iskaashiga labada dal ay xoojinayaan.

“Soomaaliya iyo Sudan waa laba dal oo walaalo ah, wax badana ay ka dhexeeyaan, xiriirkooduna uu yahay mid qotada dheer oo mar walba wanaagsan. Suudaan waxay naga taageertay hadana ay diyaar u tahay, dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, tababarka ciidammada booliska iyo amniga. Ayuu yiri R.W Xasan Kheyre.

Madaxweynaha Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir ayaa dhankiisa balan qaadey inuu sii xoojin doono cilaaqaadka labada dawladood, isagoo casuumaad u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal.

Sawirro: Dabaq ah 27 biyaano oo ku basbeelay London iyo 150 gaari oo damintiisa ka qeybqadanaya

London (Caasimada Online) – Waxaa magaalada London ee dalka Britain ku bas beelay dhismo aad u dheer kaa oo la sheegay in gabi ahaantiisa uu ololaayo.

Dhismahani oo la sheegay inuu yahay 27 dabaq ayaan la ogeyn sababta ilaa iyo hadda ka danbeysay inuu gubto, waxaana iminka damintiisa dadaal ugu jira gaadiidka dab damista ee ka howlgala magaalada London.

Daminta debka kacay ayaa waxaa ka qeyb qaadanaaya Gaadiidka dab damiska oo cadadkooda lagu sheegay ilaa 150 gaari oo aan weli ku guuleysan daminta debka.

Dhismaha uu dabka ka kacay oo caan ka ah magaalada London ayaa waxa lagu magacaabaa Grenfell Tower oo ku yaalla Lancaster West Estate.

Sidoo kale, Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay dad badan inay ka soo badbaadiyeen dhismaha gubanaya, iyadoo uu socdo dadaalo ku aadan sidii loo baqtiin lahaa dabka.

Britain oo la ogaaday in go’doominta Qatar ay kala kulmi doonto hal arrin

London (Caasimada Online) – Business Insider oo ah website ku caan baxay arirmaha dhaqaalaha ayaa daaha ka qaaday raadka xun ee uu Dowladda UK u keeni dono dhibaatada Khaliijka iyo go’doominta la saaray Qatar.

Wuxuu websitekaan faafiyey inay go’doominta Qatar ay kusoo aaday waqtigii ugu xumaa dowladda UK, Maadama ay dhawaan ka baxday Yurub , sidoo kalana ay ka dhaceen doorashooyin uusan xisbi helin aqbliyad uu kusoo dhisi karo xukuumad.

Ra’iuslwasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May ayaa ka dhawaajisay inay dhibaato weyn oo xagga dhaqaalaha kasoo wajaheyso cuna qabateynta la saaray Qatar, maadaama labada dowladood ay dhawaan kala saxiixdeen heshiis ganacsi oo waaweyn isla markaasna ay Ingiriiska suuqyo iyo ganacsi ka sameyatay dalkaas.

May oo ka hadleysay kulankii ay dhawaan heshiiska ku kala saxiixdeen labada dowladood ayaa tilmaamtay in heshiiskaan ganacsi uu taaban doono dhinacyada: Waxbarashada, Caafimaadka, Culuumta, Baaritaanada, fikradaha, Dalxiiska, Aqoonta, gadiidka, Korontada, Lacagta iyo maalgelinta ganacsiyo yar yar.

Heshiiskaas la kala saxiixday waxaa kamid aheyd ballan qaad ay Qatar sameysay oo ahaa inay 5 Bilyan oo lacagta ingiriiska oo Dollar ahaan noqoneyso 6.36 Bilyan ku maalgashan doonto dalka Ingiriiska, taas badalkeedana dowladda Ingiriiska ayaa iyadana ballan qaaday inay 35 Bilyan oo lacagta ingiriiska ah ay ku maalgashan doonto Qatar.

Dowladda Ingiriiska ayaana hadda tilmaameyso in cuna qabateynta la saaray Qatar ay dhibaato ku noqon doonto heshiisyadaas, isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in xal deg deg laga gaaro arrintaas.

Dowladda Qatar ayaa lagu tiriyaa inay tahay suuqa sedexaad ee ugu weyn kaasoo wax loo dhoofiyo Bariga dhexe iyo woqooyiga Africa sida ay sheegeyso tiro koobkii ugu dambeeyey ee kasoo baxay dowladda Ingiriiska.

Waxaa sare u kacay alaabaha ay Ingiriiska u dhoofiso dalka Qatar sanadki 2016 kaasoo noqday 2.13 Bilyan oo lacagta ingiriiska ah halka sanadkii 2013 uu ahaa 1.31 Bilyan, waxaana la filayaa inuu mar kale hoos u dhici doono haddii aan cuna qabateynta laga qaadin Qatar.

Cuna qabateynta la saaray Qatar ayaa dhibaato ku noqoneyso in halkaas alaab loo dhoofiyo, sidoo kalana waxay dhibaato ku tahay maalgelin ay Qatar ka sameyn laheyd dalka Ingiriiska si ay dhaqaale uga sameyso, waxayna maalgelintaas u badan tahay hantida maguurtada ah.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Cabsi Mareykan miyaa mise wax kale ayaa jiro: Sacuudiga oo qaab kale u dhigtay cuna qabateynta Qatar

Washington (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku adkeysatay inaysan Qatar ku jirin cuna qabateyn balse ay xiriirka u jareyn dowladaha ay iyada hormuudka u tahay ee ku yaal Khaliijka iyadoo ay jirto walaac weyn oo ay adduunka dhan ka muujiyeen arrintaan.

Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray dowladda Qatar asbuuci lasoo dhaafay, iyagoo ku eedeeyey inay la safan tahay Iiraan iyo kooxaha argagixisada inkastoo ay iyadana arrintaas inkirtay.

Sacuudiga ayaa sidoo kala xirtay xuduuda dhulka ay la laheyd dowladda Qatar, sidoo kalana waxaa laga mamnuucay diyaaradaha Qatar inay isticmaalaan hawada dalalka Sacuudiga, Bahreyn iyo Imaaraadka, waxayna arrintaas keentay dhibaato xagga safarka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Adel al-Jubeir kaasoo Magaalada Washington wadahadal kula leh xogyahay Mareykanka Rex Tillerson ayaa tilmaamay inaysan Qatar gelin cuna qabaten balse ay kaliya xiriirka u jareyn, taasoo u muuqato marmarsiiyo ay Sacuudiga u yeeleyso go’aanka ay Qatar ka gaartay.

“ Dowladda Sacuudiga kaliya jimicsi ayey sameysay, diyaarna uma ahan inay ku xad gudubto madax banaanida Qatar” ayuu yiri Jubeir

“ Ma  jirto cuna qabateyn la saaray Qatar, xor ayey u tahay inay aado meeshey rabto, Dakadaheeda way furan yihiin, garoomada diyaaraha way u furan yihiin” ayuu mar kale yiri Jubeir oo uu garabkiisa taagnaa Tillerson.

“ Kaliya hawada Sacuudiga ayaan ka mamnuucnay inay isticmaalaan diyaaraha Qatar Aiways, diyaaradaha kale adduunka ee u socdo Qatar way isticmaali karaan Hawadeena” ayuu sii raaciyey.

“ Dakadaha Qatar way furan yihiin, ma jirto cuna qabateyn saaran iyaga, Qatar alaabaheeda way u dhoofsan kartaa dibadda xilli kasta oo ay doonayaan, kaliya biyaheena ma isticmaali karaan” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Ayotullahi Khumeni oo ka shifay sir xasaasi ah oo ku saabsan Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha ugu sareeya dalka Iran Ayotullahi Khumeni ayaa shaaca ka qaaday inay adkaan doonto in Iran ay xiriir la sameyso dowlada Mareykanka oo uu sheegay inay Hooyo u tahay Argagixisada Caalamka.

Ayotullahi Khumeni, ayaa tilmaamay in dowlada Mareykanka ay laheyd aasaaska Kooxda Daacish oo uu sheegay in laga lahaa ujeedo fog.

Waxa uu Ayotullahi Khumeni sheegay in dowlada Mareykanka ay dhaqaale xoogan ku bixiso Daacish, iyadoo laga duulaayo burburinta dalalka Islaamka ee iminka la kala dhex dhigay calaaqo xumi liidata.

Ayotullahi Khumeni, waxa uu tilmaamay in Mareykanka uu ka danbeeyay weerarkii maalmo un ka hor ka dhacay Xarunta baarlamaanka Iran ee lagu laayay ugu yaraan 17 qof.

Waxa uu sheegay in weerarkaasi loo adeegsaday Kooxda Daacish oo garab ka heleysa dowlada Mareykanka maalmo un kadib markii ay dowlada Sacuudiga eedeymo usoo jeedisay dowladaha Qadar iyo Iran.

Ayotullahi Khumeni, ayaa hadalkani ka sheegay kulan uu ka qeybgalay oo u dhexeeyay saraakiisha sare ee militariga Iran, waxa uuna wadaadka cadeeyay in aasaaska Daacish ay ka danbeeyen Maraykanka iyo xulafada uu ku leeyahay Bariga dhexe gaar ahaan Sacuudiga.

Waxa uu sidoo kale, sheegay inay jiraan cadeymo muujinaaya xiriirka ay Daacish la leeyihiin Mareykanka iyo Sacuudiga.

Sidoo kale, Dowlada Sacuudiga ayaa horey isaga fogeysay inay ku lug leedahay weerarkii ugu horeeyey ee kooxda Daacish ku qaaday magaalada Tehran ee caasimada Iran.

Si kastaba ha ahaatee, hadalada Khumeni ayaa kusoo beegmay xili Sacuudiga iyo xulafadiisa Khaliijka ay cadaadis saareen dalka Qatar oo ay ku sheegeen inuu yahay dal taageera kooxaha xagjirka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Dhul gariir khasaaro xoogan geystay oo ku dhuftay Giriiga iyo Turkiga

Nairobi (Caasimada Online) – Dhul gariir khasaaro ba’an geystay ayaa waxa uu ku dhuftay Magaalooyinka Lesbos iyo Izmir ee ku kala yaalla dalalka Griiga iyo Turkiga.

Cabirka dhul gariirka ayaa waxaa lagu sheegay 6.3. kaa oo dhacay xili dadka ku kala nool magaalooyinkaasi ay ku guda jireen nasiinka.

Dhul gariirka ayaa burburiyay daaro farabadan oo aad u dheer, waxaana la sheegay in khasaaraha dhimasho uu kor u dhaafayo 80, halka dhaawacana uu gaarsiisan yahay 120, sida ay baahiyeen warbaahinada caalamka.

Dhul gariirka kadib Dadka ayaa dibedda uga soo wada yaacay guryaha iyo xafiisyada magaalooyinkaasi, waxaana goobaha burburay ku jira goobo ganacsi oo aad u mashquul badnaa xiliga uu dhacaayay dhul gariirka.

Dadka uu saameeyay dhul gariirka ayaa gabi ahaan la dhigay xarumaha caafimaad ee ku kala yaala magaalooyinka uu ka dhacay dhul gariirka ee ka bad qaba burburka dhacay.

Dowladaha Griiga iyo Turkiga ayaa dhul gariirka kadib ku dhaqaaqay baaritaano waxa ayna magaalooyinkaasi galeen jawi barakac ah, maadaama dadka intiisa badan ay ku guryo waayen dhul gariirka.

8 qodob oo laga soo saaray shirkii canshuuraha dalka ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa maanta soo xiray shir looga arinsanayey sidii loo midayn lahaa canshuuraha furdooyinka ee dalka, waxaana shirka ka soo qayb galay Wasiirada Maaliyadda Maamulada Gobolada, Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan arrimaha Maaliyadda, Gudiga dib u habaynta Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo khubaro ka socotay Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka ayaa daba socday kulmo dhowr ah oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Nairobi, ayaa diirada lagu saaray sidii wadanku u lahaan lahaa canshuur midaysan si culayska looga dulqaado dadka shacabka ah oo ay saamayntu ku yeelato canshuurahan is bar bar yaacaya oo maamulkasta uu qaado khidmad isaga u go’an.

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Bayle oo gabagabadii shirka la hadlay saxaafada ayaa sheegay in qodobo muhiim u ah mustaqbalka dalka aad looga dooday waxaana ka mid ahaa:

  • In la sii amba qaadno sidii loo midayn lahaa cashuuraha iyo sidii dakhliyada wax looga qaban lahaa
  • In dalka wixii soo galaya iyo wixii ka baxaya meel looga so wada jeesto
  • In shuruucda khuseeya arrimaha maaliyadda ee la diyaarinayao meeshay doonaan haka socdaane in laysla ogaado marka la diyaarinayo
  • In la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda ee XFS iyo Wasaaradaha Maamulada gobolada, shirar badan la yeesho, iyo in lasamaysto Email wada jir loogu xiriiro.
  • In dalkaan wixii ka dhaxcaya oo ku saabsan arrimaha maaliyadda laga wadahadlo,
  • Inaan sii ogaano waxyaalaha cusub oo aan doonayno inaan aduunka kula dhaqmayno iyo inaan isla fahano wixii aduunka aan ka aqbalayno.
  • In la mideeyo daraasadaha la samaynayo ee ka dhacaya meelaha kala duwan, si looga fogaado in la sameeyo waxyaalo iska soo horjeeda.
  • In shirkaan kan ku xiga lagu qabto Garoowe mudo 45 casho kadib ah

Dhanka kale Wasiiradda Maaliyadda ee maamul goboleedyada ayaa dhankooda ku amaanay dowladda dhexe dadaalka dheeriga ah ee ay ugu jirto sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa horumar baaxaad leh loona yeelan lahaa wada shaqayn ka wanagaasan tii hore.

Ugu danbayntii Wasiirka maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa u sheegay Wasiirada kale ee shirkaan ka qeybgalayey in ay saaran tahay masuuliyad shaqo oo aad u weyn loona baahan yahay in dalka uu gaaro isku filnaanshiyo dhaqaale.

Sawiro: Shirka dib u heshiisiinta qaran oo Muqdisho laga furay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare ku -xigeenka XFS ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa si rasmi ah maanta u daah furey shirka Wadatashiga Dib-u-heshiisinta Qaran, Xog-ururinta Khilaafaadka iyo Xaalkooda kaasoo lagu qabtey Muqdisho. Waxaana ka soo qayb galey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u hushiisiinta Soomaaliya,Qaar kamid ah madaxda dalka,Xubno ka socdey Maamul Gaboleedyada,Odayaasha dhaqanka,Abwaano iyo qeybaha kala ee bulshada.

Waxaa ka soo qayb galey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u hushiisiinta Soomaaliya,Qaar kamid ah madaxda dalka,Xubno ka socdey Maamul Gaboleedyada,Odayaasha dhaqanka,Abwaano iyo qeybaha kala ee bulshada.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in shirkan uu horudhac u yahey dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo sameenayo shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna tilmaamey sida loogu baahan yahey in shirkan wadatashi ey ka soo baxaan qodobo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, waxuuna balan qaadey iney dhaqan galinayaan go’aanada ka laga gaaro shirka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khader) ayaa u mahed celiyey madaxda Wasaarada Arimaha Gudaha,maadaama wakhtii loo baahnaa ay qabteen Shirka Wadatashiga Dib-u-heshiisiinta Dalka. Waxuuna cadeeyey in wadatashigan uu qeyb ka yahey dib u soo celinta dalka maadaama uu yahey mid Qaran.

“Waxaa loo baahan yahey in la sameeyo dib-u-heshiisin Siyaasadeed iyo mid Diimeed si loo helo kalsooni shacab taasina waxaa looga baahan yahey in looga doodo sidii loo heli lahaa kulan kan inta uu socdo”ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xogeenka Soomaaliya ayaa u soo jeediyey ka qeyb galaaysha shirka iney Dib-u-heshiisiinta Dalka gaarsiiyaan deegaanada ay matalayaan si loo abuuro shacab u diyaarasan in la helo Nabad iyo Nolol,waxuuna tilmaamey in la sameeyo madal wadatashi iney qayb ka aheyd balan qaadyadii uu sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya xiligii doorashada.

Dowladii ugu horeysay ee khasaare kala kulanta go’doominta Qatar oo la ogaaday, mana ahan Qatar

Amman (Caasimada Online) – Dhaqalaha dalka Urdun ayaa la kulmay Khasaaro gaarayo ilaa laba Malyan oo Dollar tan iyo markii la xiray xuduudda dhulka ah ee Sacuudiga, markii la diiday inay ka gudbaan waxyaabaha loo wado Qatar asbuuci lasoo dhaafay kadib khilaaf weyn oo ka dhex curtay dowladaha Khaliijka.

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa 5-ta Bishaan ku dhawaaqay inay xiriirka u jareyn dowladda Qatar isla markaasna ay kusoo rogeen xayiraad dhaqaale,  dhanka kalana dowladda Urdun ayaa sheegtay inay hoos u dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed ee  kala dhaxeeyo Qatar.

Illo wareedyo xog ogaal u ah dhaqaalaha Urdun ayaa tilmaamay inay hoos u dhacday Khudaartii iyo alaabtii ay Urdun usoo dhoofin jirtay dalka Qatar tan iyo markii xayiraada la saaray iyadoo hadda u badashay inay alaabta soo marsiiso hawada halka markii hore ay dhulka soo marin jirtay.

Dowladda Urdun ayaa hadda maalin kasta Qatar usoo dhoofiso Khadaar gaareyso ilaa 90 Tan, iyadoo xayiraada ka hor maalin kasta soo dhoofin jirtay 600 Tan, taasoo muujineyso inay hoos u dhacday wax ka badan 500 oo Tan.

Dowladda Sacuudiga ayaa diiday in xuduudeeda la mariyo 85 Baabuur oo xamuul ah oo Khudaar kasoo qaadi jiray Urdun, sidoo kalana waxay joojisay 10 Baabuur xamuul ah oo lagu soo qaadi jiray xoolo nool oo le geyn jiray Qatar.

Urdun ayaa hadda wado dadaalo iyo heshiisyo ay ku dooneyso in lagu joojiyo xayiraada ay  Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn kusoo rogeyn Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Urdun
[email protected]

 

Erdogan oo si cajiib ah uga hadlay go’doominta Qatar sheegayna hal arrin oo Qatar….

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in go’doominta ay dowladaha Khaliijka ku hayaan dalka Qatar ay tahay mid ka baxsan bini’aadanimada isla markaasna khilaafsan diinta Islaamka, wuxuuna wax aan la aqbali karin ku tilmaamay habka loo adeegsaday go’doominta lagu sameeyey dalkaas islaamka ah.

Erdogan oo la hadlayey baarlamaanka xisbiga talada hayo ayaa sheegay in eedeymaha loosoo jeediyey dalka Qatar aysan wax faa’ido ah ugu jirin Gobolka isla markaasna ay qalad tahay in go’doomin lagu sameeyo.

Wuxuu sheegay inaysan Qadar wax maalgelin iyo taageero ah siinin kooxaha argagixisada, isagoo ku tilmaamay inay Turkiga kala qeyb gashay dagaalka lagula jiro Kooxda Daacish, wuxuuna sheegay inay Qatar tahay dowladda ugu badan ay dhibaatada kasoo gaartay dagaalka lagula jiro ISIS.

Wuxuu madaxweynaha Turkiga Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan oo ah dowladda ugu awoodda badan Khaliijka ka codsaday inay khilaafkaan xaliso, isagoo tilmaamay in Ankara ay ku dadaali doonto in si diblomaasiyadeed loo xaliyo dhibaatadaas, waxaana ugu dambeysay xiriir ay Turkiga la sameysay Madaxweynaha France.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
[email protected]

Madaxweynaha Ruushka oo hal arrin oo farxad u ah Qadar taleefoonka ugu sheegay boqorka Sacuudiga

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Ruusha Vladimir Putin ayaa taleefoon kala hadlay Boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdulcasiis, si uu ugala hadlo dhibaatada Khaliijka iyo waxa ay kusoo kordhin karto Bariga Dhexe.

Labada Madaxweyne ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Bariga Dhexe, waxayna si gaar ah uga wada hadleen dhibaatada ka taagan Khaliijka ee ka dhalatay go’doomintii lagu sameeyey.

Madaxweynaha Ruushka ayaa dhigiisa Sacuudiga u sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada ka dhex bilaabatay dowladaha Khaliijka isagoo sheegay in laga yaabo inay saameyn ku yeelato dadaalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada Suuriya sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu boqorka ka codsaday in arrintaan si deg deg ah xal looga gaaro isla markaasna meesha laga saaro khilaafka sii xoogeysanayo ee u dhaxeeyo dowladaha Khaliijka.

Wicitaankaan ayaa qeyb ka ah dadaal uu Madaxweynaha Ruushka ku doonayo inuu arrintaan xal u keeno isagoo sidoo kalana taleefoonka kala hadlay madaxda inta badan dowladaha Carabta, wuxuuna dhammaantood si isku mid ah uga codsaday inay ka shaqeeyaan sidii arrintaan loo dhameyn lahaa si nabadgalyo ah.

Madaxweynaha Ruushka ayaa kaliya arrintaan ka fiiriyey dantiisa iyo dagaalka uu Suuriya kula jiro Kooxda Daacish, wuxuuna aaminsan yahay in dowladaha Carabta ee hadda is khilaafkan ay door weyn ku lahaayeen dagaalka, haddii ay iyaga isku mashquulaana ay saameyn xun ku yeelan doonto sii socoshada dagaalkaas.

Dowladda Ruushka ayaa aaminsan in dhibaatada lagu xaliyo miiska wadahadalka iyadoo si isku mid ah loo fiirinayo danaha dowladaha is Khilaafsan, wuxuuna Madaxweynaha Ruushka sidoo kale arrintaan kala hadlay Boqorka dalka Qatar Shekh Sabaax.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Farmaajo oo hal sabab darteed u diiday inuu xiriirka u jaro dowlada Qadar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ku adkeystay inaanu Iclaamin doonin in dowladiisa ay xiriirka diblumaasi u jartay dowlada Qatar, xilli uu la kulmayo cadaadis xooggan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Boqorka dalka Sacuudiga iyo Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi u sheegay in Somalia aysan awoodi karin in xiligaani ay calaaqaadka u jarto Qatar, kuna biirto xiisadda ka aloolsan gacanka carbeed.

Farmaajo waxa uu ku andacooday in Somalia ay iminka gashay jawi nabadeed, sidaa darteed aanu suuragal aheyn inay dhexda ka galaan xiisada dowladaha Khaliijka, ayna abuurtaan cadowtooyo cusub.

Waxa uu ku adkeystay in Mowqifka Somalia uu yahay inay dhex dhexaad ka tahay xiisada u dhexeysa Sacuudiga iyo Qatar, iyadoo la eegaayo danaha Soomaalida, islamarkaana aysan jirin sabab uu dal aan waxba ka galabsan ula galo dagala siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in dowlada Qatar uu u difaacay hal arrin oo muhiim uu u arko, taasi oo ah:-

1 – Farmaajo waxa uu aaminsan yahay in Soomaaliya ay tahay dal madax banaan, oo aysan ahayn in siyaasadeeda arrimaha dibedda ay u meeriyaan dalal kale, sidaa darteedna ma aqbalayo cadaadiska dalalka carbeed.

Madaxweynaha ayaa rumeysan in haddii uu xiriirka ugu jaro Qatar cadaadiska Sacuudiga iyo Imaaraadka, in taas macnaheedu yahay in Somalia aysan u madax banaaneyn arrimaheeda gudaha.

Dhinaca kale dowladda Qatar ayaa waxay aad isugu dhow yihiin agaasimaha guud ee Xarunta Villa Somalia Fahad Yaasiin, oo horey u ahaa weriye ka tirsan TV-ga Aljazeera, oo Qatar ay leedahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]