Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, ayaa sheegay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay u muuqdaan inay isku raacsan yihiin in dalka uu ugu dambeyn u gudbi doono nooc ka mid ah doorasho toos ah, balse muranka ugu weyn uu yahay sida, waqtiga iyo cidda hoggaamineysa hannaankaas.
Davis ayaa hadalkaas ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Dawan Africa, xilli khilaaf xooggan uu ka taagan yahay hannaanka doorashada, wax ka beddelka dastuurka, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan doorasho qof iyo cod ah.
“Waxaan u maleynayaa in labada dhinac ay isku raacsan yihiin in nooc ka mid ah doorasho toos ah ay lama huraan tahay,” ayuu yiri Davis.
“Sidaas darteed, muranku wuxuu ku saabsan yahay sida loo hirgelinayo, waqtiga lagu hirgelinayo, iyo cidda hoggaamineysa hirgelinta doorashooyinka tooska ah,” ayuu raaciyay.
Dowladda federaalka ayaa sheegta in doorasho toos ah ay lagama maarmaan u tahay in Soomaaliya ay ka gudubto hannaankii doorashada dadban ee ku dhisnaa awood-qeybsiga beelaha, kaas oo siyaasadda dalka hagayay muddo dheer.
Mucaaradka ayaa dhankooda sheegay in hannaanka doorashada tooska ah uu u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo ballaaran, waxayna ku eedeeyeen maamulka madaxweyne Xasan Sheekh inuu si gooni ah u riixayo qorshe uu ku doonayo inuu muddo kororsi ku sameysto.
Waxay sidoo kale ku doodayaan in doorasho qof iyo cod ah aysan weli ka suurtagal ahayn Soomaaliya, halka dowladdu ay sheegtay in doorashooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo Koonfur Galbeed ay muujiyeen in cod-bixin toos ah la qaban karo.
Davis ayaa sheegay in waxa muhiimka ah aysan ahayn oo kaliya in doorasho la qabto, balse ay tahay in la helo hannaan doorasho oo waqtiyeysan, macquul ah, kuna dhammaada xil wareejin nabadeed.
“Waxa sidoo kale muhiimka ah waa in la helo hannaan doorasho oo waqti ku habboon oo la taaban karo, kaas oo ay ku xigto xil wareejin nabadeed,” ayuu yiri.
Soomaaliya ayaa bishii December ku qabatay Muqdisho doorasho deegaan oo muran dhalisay, taas oo aheyd doorashadii ugu horreysay ee qof iyo cod ah oo caasimadda ka dhacda tan iyo 1969.
Doorashadaas ayaa ka dhacday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyadoo in ka badan 900,000 oo cod-bixiye la diiwaangeliyay, balse xisbiyada mucaaradka ayaa ku tilmaamay mid aan loo dhameyn oo hal dhinac u janjeertay.
Sidoo kale, 10-kii May, doorasho toos ah ayaa ka dhacday deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo ay codeeyeen ku dhowaad 400,000 oo qof, oo doortay golayaasha deegaanka iyo xildhibaanada.
Dowladda federaalka ayaa ku sheegtay tallaabo loo qaaday dhanka soo celinta cod-bixinta tooska ah, halka mucaaradka ay sheegeen in hannaanka noocaas ah uu sii kordhin karo kalsooni darrada siyaasadeed haddii aan lagu saleyn heshiis qaran oo ballaaran.
Davis ayaa sheegay in Mareykanka uu labada dhinac ku boorriyay inay wada-hadal iyo tanaasul muujiyaan, maadaama aan dhinacna laga filan karin inuu helo wax kasta oo uu doonayo.
“Ma jirto cid laga filayo inay wada-hadalka kasoo baxdo iyadoo heshay wax kasta oo ay rabtay,” ayuu yiri. “Tanaasulku wuxuu u baahan yahay wada-xiriir.”
Wuxuu sheegay in khilaafaadka la xiriira “arrimaha hantida, jadwalka doorashooyinka, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada” iyo arrimo kale lagu xallin karo wada-hadal daacad ah, halkii loo adeegsan lahaa hanjabaad ama rabshad.
“Wada-hadal niyad wanaagsan ku dhisan, iyadoo aan loo leexan hanjabaad ama rabshad, waa sida ugu wanaagsan ee lagu xallin karo khilaafaadkan, laguna caawin karo dalka inuu hore u socdo,” ayuu yiri.
Davis ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida looga baahan yahay inay shacabka tusaan inay diyaar u yihiin inay dalka ka saaraan khilaafka siyaasadeed.
“Beesha caalamku waxay rajeyneysaa inay aragto horumar laga gaaro wada-hadallada toddobaadkan dhex-maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka siyaasadeed,” ayuu yiri.
“Waa lama huraan in Soomaalidu arkaan hoggaamiyeyaashooda oo sameynaya wax kasta oo ay awoodaan si dalka hore loogu dhaqaajiyo.”
“Su’aashu waxay tahay in hoggaamiyeyaashu Soomaalida siin doonaan fursad ay ku dagaallamaan mustaqbal wanaagsan, mise dagaal kale,” ayuu raaciyay. “Dalkan wuxuu soo maray dagaallo aad u adag. Nabadda, fursadda iyo barwaaqadu waa inay guuleystaan.”





















