26.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

QM oo isku ballaarineysa Soomaaliya!

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa la kordhinaya xafiisyada Qaramada Midoobay uga furan Soomaaliya,iyadoona la garsiinayo magaaloyin cusub,sida waxaa sheegay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Xilligaan waxaa uu sheegay wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Nichlos Kay,in xafiisyada ay ku leeyihiin dalka ay yihiin kuwo kooban balse xilligaan la ballaarin doonno oo deegaanno cusub la garsiin doonno.

Shaqada ay qabtaan ayaa sidoo kale kooban xafiisyada xilligaan QM ay ku leedahay magaaloyin Baydhabo ay ka mid tahay,sidoo kale xafiis ayaa isna ka furan magaalada Kismaayo oo saldhig uu ah maamulka Jubba.

Nichlos Kay oo ka hadlayey qorshayaal cusub oo lugu ballaarinayo xarumaha ay ku leeyihiin gobollada dalka,waxaa uu sheegay in magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ay ka furan doonaan xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in guddoomiyaha gobalka iyo Shacabka Reer Beladweyne uu usheegay in xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay Beladweyne laga furayo.

Tallaabadan ballaarinta xarumaha Qaramada Midoobay,waxaa uu ku sheegay wakiilku inay tahay mid daliil uu ah sida Qaramada Midoobay ay uga go’an tahay la shaqeynta Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hirgelinta nidaamka Federaaliisamka.

Horey waxaa jiray in xafiisyo ay Qaramada Midoobay ku lahayd,magaalada Kismaayo,Baydhabo iyo saldhigooda ugu weyn oo ku yaalla magaalada caasumada ah ee Muqdisho.

Isha: RBC

DILAL DIB UGA BILLOWDAY KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas ay dib uga billowdeen dilalka qorsheesan.

Waxaana dilkii ugu dambeeyay xaley uu ka dhacay xaafada Guul-Wade, halkaasoo lagu dilay mas’uul ka tirsan maamulka KMG ah Jubba.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa u sheegay Caasimada Online, in 24-kii saac ee la soo dhaafay magaalada ay ka dhaceen dilal qorsheesan oo ay ku jiraan kuwa lagu bartilmaameestay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Axmed Madoobe.

Ma cadda cidda fulineysa dilal ka soo cusboonaaday Kismaayo balse waxaa magaalada tan iyo xaley ka socday howgallo dad badan lagu qabqabtay.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Kismaayo ka billowday daad-gureynta ciidamada Kenya oo laga badalayo magaaladaas iyo ciidamo kale oo ku soo qulqulaya magaalada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Dhakhaatiirta oo si aad uga walwalsan caafimaadka SOOMAALIDA qurbaha

Soomaalida ku nool reer galbeedka ayaa waxaa la arkay in markay qurbaha imaanayanaan ay caafimaad qabaan, sanado kadibna ay la soo daristo caafimaad xumo. Dhakhaatiirta ayaa arinkaas ku fasiray qorax la’aanta wadamada ay u soo hayaameen kadib markii ay arkeen sida uu u liito heerka fitamiin D Soomaalidii laga cabiray. Taas waxaa loo aaneeyaa maqaarkooda oo madow, hab-dhaqanka labiska, dhalmada isu dhow iyo iyaga oo aan ku fiicnayn cunada qaniga ku ah fitamiin D sida kaluunka.

Fitamiin D wuxuu kaalin libaax ka ciyaaraa habsami u shaqeynta jirkeena iyo caafimaadka guud gaar ahaan koriinka, murqaha & lafaha. Dadka uu hooseeyo heerka fitamiinkaas badankood ma laha wax calaamad ah, inkastoo laga yaabo inay isku arkaan daal, juuc-juuc iyo xanuun guud oo saameeya murqaha & lafaha. Dhibkaan waxaa si gaar ah ugu nugul hooyada uurka leh iyo caruurta ka yar 5 sano. Ragana waa asiibaa sida uu ka markhaati kacay Mudane Ahmed Mohamoud oo ku nool Kanada kana cabanaya lafa-xanuun loo aaneeyay fitamiin D oo aad ugu yar. Mar wax laga weydiiyay sababta loogu kari la’yahay inuu banaanka u baxo wuxuu ku jawaabay “banaanka waa qabow, hadaan socdana waxaan ku dhex lugeeyaa daaraha qafilan ee loo yaqaan shopping centre ama malls”.

Mudane Gail oo ah sarkaal degan Ottawa kana tirsan Somali immigrant community ayaa wuxuu yiri “haddii aad aragtid markay dadkan imaanayeen halkan iyo sida caafimaadkoodu isu badalo dhowr sanadood kadib waa adag tahay in wax kale lagu fasiro oo aan ka ahayn faqriga fitamiin D. Dr Cannel oo isaguna wax ku qora website www.vitamindcouncil.org ayaa yiri waa danbi waxa ku dhacaya dadka madow ee degan Ameerika iyo Kanada. Isagu waaba ku talax tagay oo wuxuuba hoos u dhaca heerka fitamiin D la xiriiriyay cudurada ku soo batay Soomaalida markay qurbaha yimaadeen sida autism, waalida, murugada, wadno-xanuunka, sonkorowga, dhiig-karka iyo stroke.

Soomaalida iyo dhakhaatiirta qurbaha ayaa is nacay kadib markay ku noq-noqdaan iyagoo ka cabanaya murqo & lafo-xanuun maaro loo waayay taasoo badanaa dhakhaatiirtu aysan u tababarnay sida loola tacaalo dhibkaas u gaar ka ah muhaajiriintan wadankooda ku cusub. Dhakhaatiirta magaalada Bristol ayay yaab & amakaag riday dhibka kala haysta murqo/lafo-xanuunka iyo Soomaalida degan Bristol. Waxay sameeyeen cilmi-baaris muhiim oo dhakhaatiirta iyo dawladuba wax ka barteen. Dadkii badnaa ee ay dhiiga ka qaadeen waxay ku ogaadeen in 299 qof uu heerka fitamiin D uu hooseeyo. Marka la fiiriyay wadamada ay ka soo jeedaan waxaa si xarago leh hogaanka ugu qabtay Soomaalida oo noqday 74%.

Waxaan shaki ku jirin hooyada qabta faqriga fitamiin D inay iyaduna dhali doonto cunug la il-darin dhibkaas sida fudud looga hortagi karo. Imaatinka soo galootida iyo muhaajiriinta ayaa horseeday inuu soo laba kacleeyo cudur waa hore laga dabargooyay caruurta UK oo la yiraahdo rickettsia (lafo qal-qalooc). Qaylo-dhaan ka soo yeertay Wasaarada Caafimaadka Ingiriiska ayaa looga codsaday dhamaan hooyooyinka uurka leh iyo kuwa naaska nuujiya inay maalin kasta qaataan kaniiniga fitamiin D. Fitamiino lacag la’aan ah ayay dawlada Ingiriisku qaybisaa tan iyo markii la bilaabay mashruuca loogu magic daray healthy start kaasoo loogu qeybiyo hooyooyinka dakhligoodu hooseeyo boonooyin ay ku gataan caano, khudaar iyo fitamiino.

Tan dhakhaatiirta UK mid ka daran waxaa arkay cilmi-baarayaal Swedish oo is bar-bardhigay dhiig ay ka qaadeen hooyooyin uur leh oo 20 ay yihiin Soomaali, 20 ka kalena ay yihiin Swedish, kuwaasoo dhamaantood degan caasimada Stockholm. Waxay aad ula fajaceen markii ay arkeen in dhamaan hooyooyinka Soomaalida uu heerka fitamiin D uu aad u hooseeyo halka hooyooyinkii Swedish ay dhamaantood caadi noqdeen.

Cilmi-baarayaasha qaarkood ayaa xiriiriyay yaraanta fitamiin D iyo cudurka autismaha (caruurta aan hadlin, caqligooduna uusan taam ahayn), waxay ku doodeen inuu ku badan yahay wadamada aan qoraxda badan lahayn. Waxay daliil ka dhigteen in Soomaalida markay wadankooda joogeen in cudurkaas aanba la aqoon markayse yimaadeen wadamada qaboobaha uu saameeyay qoysas badan oo Soomaali ah kuwaas oo ula baxay magacyo ay ka mid yihiin cudurka Swedishka ama kan Minesotta; iwm.

Khuburo Swedish ah ayaa sheegay in autismuhu uu soomaalida uga badan yahay ilaa 4 jibaar marka loo bar-bardhigo qawmiyadaha kale. Marwo Huda Farah oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee Minesotta ayaa tiri “markaan wadankayaga joognay cudurkan waligeen ma maqal, xitaa wax af-Soomaali lagu yiraahdo ma naqaan”. Inkastoo la tuhmo xiriirka ka dhaxeeya labadaas hadana ma jiraan daliil ku filan oo tusinaya in caruurtaas lagu daaweeyo fitamiin D; baaristuna waa socotaa.

Soomaalidu waxay tiraahdaa sida xeero lagu xagtaa ilkana ku nabadgalaan, hadaba sidee anagoo caafimaad qab ah ugu noolaana wadamada qaboobaha ah oo qoraxda saacado xadidan la arko dhowr bilood sanadkiiba. Jawaabta su’aashaas iyo sida aad ku ogaan kartid inuu kugu yar yahay fitamiin D adigoo gurigaaga jooga  Riix halkan.

W/D: Dr Mohamed Abdullahi,

London, UK

Email: [email protected]

WARBIXIN: Ciidamada Amisom oo bur-burin ku haya waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka degmada Kaxda ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay ciidamada AMISOM in ay burburin ku hayaan waddooyinka degmadaasi ee Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka maaliyadda ee maamulka degmada Kaxda, Shaafi Maxamed ayaa sheegay AMISOM inay burburiyeen wadooyin dhawr ah gudaha degmadaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa xilligaan waxaa ka socda howlo lagu dhisayo wadooyinka laami cusubna lagu saarayo, oo ay waddo dowladda Turkiga, balse degmada Kaxda oo magaalada ka yara baxsan ayaa la sheegay inay dhibaato ka jirto.

Shaafi Maxamed waxaa uu xusay wadooyin ku yaala degmadaasi oo ka muuqda burbur, wuxuuna tilmaamay dhibaatadaasi inay ka dambeeyaan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Wuxuu intaa ku daray inay jiraan hey’ado booqday degmada Kaxda, balse wuxuu sheegay in aysan jirin cid wax u qabatay degmada oo hey’adahaasi ka mid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo: AXMED DAACI oo ka shifay sir ku saabsan amni xumida Muqdisho

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Ahmed Cadoow (Ahmed Daaci) ayaa daboolka ka qaaday sababha ugu wacan ammaan darrida Muqdisho iyo meesha uu ka fashilan yahay iyo Cida mas’uuliyada shaqadeeda gudan weysay.

Gudoomiye Ahmed Daaci wax badan oo qarsoonaa ayuu daboolka ka qaaday waxuuna ka hadlayaa arrimo badan oo aan laga warqabin asagoo tilmaamaya halka dhibka uu ka jiro ee nala daawo muuqaalkani.

Axmed Daaci ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda caafimaad darro ee ka jirta degmadiisa, sida ay warbixintan ku billaabaneyso

HALKAAN KA DAAWO:

 

Cabd Weli Gaas oo ku laabtay Garowe

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa galabta ka dhoofay magaalada Muqdisho, wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kuwaasoo ka qaybgalay aaska ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo maanta lagu aasay Caasimada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaarihii horre ee Soomaaliya ayaa shaley soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana socdaalkiisa ku wehlinaayay wasiiro ka tirsan maamulkiisa, guddoomiye ku xigeenka labad ee baarlamaanka Puntland, madaxweynihii horre ee Puntland Maxamuud Xirsi Gen Cadde Muuse iyo salaadiin ka socotay Puntland.

somm47

Madaxwayne Cabdiweli ayaa sheegay inay soo dhammaysteen ka qaybgalkii aaskii Qaran ee loo sameeyay raisul wasaarihii horre ee Soomaaliya si wacana loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Waxaa kaloo madaxweynaha Puntland uu Muqdisho la yimid ciidamo gaar ah oo u tababbaran kuwaasoo si weyn looga hadlay meelo badan marka la eegay qaabka ay u tababbarran yihiin iyo sida uu ugu kalsoonaa.

Dad badan oo odorosa arrimaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Madaxweyne Gaas in ay cashar muhiim ah u noqotay madaxda dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ay waardiyeeyaan oo ay aamineen ciidamo Afrikan ah kana doorbiday ciidamada Soomaalida.

Waxaa sidoo kale dadka qaar  ay sheegayaan in Gaas ay ilaalin jireen ciidanka Amisom, intuu ahaa ra’iisul wasaaraha Somalia, uusanna wax dhaamin madaxda iminka.

Si kastaba, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu magaalada Muqdisho u tagin arrimo siyaasadeed balse uu u tagay in uu ka qaybgalo aaska marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ahaa shakhsi Soomaalida uu ku weyn yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

KASHIFAAD: Shirkada Favori oo diiday in salaada Janaasada meydka C/risaaq lagula tukado garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqidsho ayaa caawa baahisay war ay ku sheegtay mid lagu kalsoon yahay, kaasoo ah in shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Favori, in ay diidday in gudaha garoonka diyaaradaha lagula tukado meydka allaha ha u naxariistee ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaahi Xuseen, oo maanta lagu aasay Muqdisho.

Idaacadda warkan sii deysay ayaa sheegtay in labo maalin ka hor ay ogaatay in shaqaalaha shirkaddan oo laga lee yahay Turkiga ay wadeen olole ku saabsan siddii loo joojin lahaa in salaada janaasada marxuum Cabdirisaaq lagula tukado garoonka gudihiisa, oo waxa ay rabtay in meelo kale loo qaado meydka.

Ma cadda ilaa hadda wax yaabaha sababay in Shirkada Favori LLCC ay go’aan ku gaarto in salaada janaasada aan lagula tukan marxuumkan garoonka diyaaradaha Muqdisho, balse waxaa xaqiiqo in meydka marxuumka salaada janaasada lagula tukaday Masjidka weyn ee Isbaheesiga.

Si kastaba, marxuum Cabdirisaaq ayaa taarikh weyn ku lahaa umada Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa ra’iisal wasaarihii labaad ee Soomaaliya soo mara taarikhda tan iyo markii aan xornimada qaadanay sannadkii 1960-kii.

Sidoo kale, waxaa garoonka lagula tukaday meydka madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde” oo geeriyooda bishii June sannadkii 2007-da.

Waxaa kaloo garoonka diyaaradaha Muqidsho salaada janaasada lagula tukaday madaxweynihii horre ee Soomaaliya, oo ku geeriyooday dalka Yemen, balse meydkiisa loos oo qaaday Soomaaliya, waxaana ka hor inta lagu aasin Gaalkacyo salaada janaasada lagula tukaday garoonka Muqdisho bishii March ee sannadkii 2012-ka.

Sidoo kale waxaa salaada janaasada garoonak diyaaradaha lagula tukaday Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo ahaa guddoomiyihii horre ee baarlamaanka dowladii daaqiliga oo ku geeriyooday sannadkii 2012-ka dalka Kenya.

Waxaa kalooo garoonka diyaaradaha Muqidsho lagula tukaday meydka Xasan Maxamed Nuur Shaati-guduud oo ku geeriyooday Dalka Jermalka.

Waxaa kaloo siddaas oo kale garoonka diyaaradaha lagula tukaday meydka Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse oo ku geeriyooday dalka Finland.

Waxaa la isweedin karaa maxaa sababay in shirkadda Favori LLCC ay diiddo in meydka marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen in salaada janaasada lagula tukado garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaase sheegis mudan in meydka marxuumka ay keentay Muqdisho diyaad laga lee yahay dalka Turkiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected] 

 

Muxuu Xasan Sheekh oo ku tilmaamay AUN R/W Cabdirisaaq Xaaji Xuseen?

Muqdisho (Caasimada Online) War-qoraal ah oo  ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaah uu ku tilmaamay ra’iisal wasaarihii hore Marxuum Cabdirisak Xaaji Xuseen oo maanta lagu aasay Muqdisho Libaaxii Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa hoggaaminayey mas’uuliyiin kuwaas oo meydkii ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Mas’uuliyiintaas oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Hoggaamiyaha Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), Wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin hore.

Madaxweynaha ayaa yiri “Maanta waxaan EEBBE u baryeynaa mid ka mid ah geesiyaasheena. Cabdirisak Xaaji Xuseen waxuu ahaa nin aad noogu weyn oo waddani ah. Waxuuna tusaale u yahay Soomaalida oo dhan una baahan in lagu daydo si aan dalka dib ugu dhisno. Haddii ay jirto cashar aan ka baran karno waxaa noqoneysa sida uu ugu dadaali jirey midnimada ummadda Soomaaliyeed. Waxaan shaki iiga jirin haddii aan gacmaha is wada qabsano inaan wax badan oo guulo ah aan gaari karno. Waana inaan midownaa oo aan ka gudubnaa sanooyin badan oo khilaaf ah.”

Madaxweynaha oo ka hadlayey guulihii Cabdirisaak Xaaji Xuseen ayaa sheegay:

“Cabdirisaak waxuu ahaa shaqsi u istaagay cirib tirka musuqmaasuqa, maamul wanaag iyo inuu u adeego shacabka Soomaaliyeed, tanoo noo wada aheyd mid aan tusaale ka dhigan karno oo aan ku dayankarno dadaalkii uu sameeyey. Waana inaan ku wada xasuusanaaoo uu tusaale noo wada noqdaa. Bacdamaa uu geeriyooday, laakin taariikhdiisii fiicneyd wey nala joogtaa oo ma hilmaameyno.“

Masaajidka Isbaheysiga baa salaadii Janaasida lagu dukaday, oo ka dib meydka lagu aasay Ceel Cirfiid oo lagu ag aasay Madaxweynihii hore ee Soomaalia Adan Cabdulle Cismaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

Sawirro: Meydka AUN C/risaaq Xaaji oo lagu aasay deegaanka Ceel-Cirfiid

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Jimco ka qayb galay aas qaran oo magaalada Muqdisho loogu sameeyay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooday Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Meydka marxuumka ayaa lagu aasay deeganka Ceel-Cirfiid ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ku aasan yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan Aadan.

Aaska qaran ee loo sameeyay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, madaxweynaha maamulka Puntland, hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba, wasiiro, xildhibaanno, ra’iisal wasaarayaashii horre ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo dadweyne fara badan oo ka kala yimid daafaha adduunka oo dhan.

Marxuumka ayaa inta la aasin waxaa salaada Janaasada lagula tukaday masaajidka isbaheesiga ee magaalada Muqdisho dabadeedna waxaa loo qaaday Ceel-Carfiid.

Marka laa aasay marxuuumka ayaa waxaa goobta ka hadlay gabadha uu dhalay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Ubax Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

aa

aas

22

Waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan thay sidda loo qaban qaabiyay iyo sidda la isaga xil saaray aaska Aabaheed, iyadoo u mahadceliyay madaxda dowladda iyo dhammaan dadka ka soo qaybgalay.

Intaa kaddib waxaa isna hadlay Cabdi Ismaacil Samatar oo la socday meydka marxuumka kana yimid Maraykanka, wuxuu ugu horreyn u mahadcliyay ciidamada dowladda oo ku sugnaa waddooyinka oo uu yiri waxaa ku dhacayay boorka iyagoo aan heesan biyo ay cabaan”.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlay goobta aaska ayaa alle uga baryay marxuumka in uu janada ka waraabiyo qoyska iyo dhammaan umada Soomaaliyeed ee uu ka baxay samir ka siiyo.

Dhinaca kale, inta uu aaska socday waxaa la xiray dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana is taagay isku socodka dadka iyo gaadidka.

Arrintan ayaa loo sameeyay aas qaran oo loo sameeyay r’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo saakay laga soo dajiyay Magaalada Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqidsho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana aaska ka qaybgalaya madaxda dowladda Soomaaliya, madaxweynaha Puntland, hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba iyo dadweyne aad u fara badan.

Haddii aan nahay bahda Caasimada Online, waxaan alle uga baryeenaa marxuumka in uu qabriga u waasiciyo oo su’aasha malaga uusan gafin Aamiin Aamiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

C/W Gaas: “Puntland waxaa ka go’an in ay ka shaqeyso midnimada Somalia”

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland oo maalintii labaad ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland ay u taagan tahay siddii dib loogu soo celin lahaa minimada Soomaaliya.

“Annigoo ku hadlaya dowladda iyo shacabka ku nool Puntland, waxaa naga go’an in aan ka shaqeeno midnimada Soomaaliya iyo waddankeena inuu ka baxo sidda uu maanta yahay, siddaas ayaana Soomaalida kale ugu baaqeynaa” ayuu yiri.

Isagoo xaley ka qaybgalay kulan ka dhacay madaxtooyada Villa Somalia, oo loogu duceenayay allaha ha u naxariisto ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, oo dhawaan ku geeriyooday dalka Maraykanka ayaa sheegay in Puntland ay ka shaqeyn doonto siddii Soomaaliya marka kale loo mideen lahaa isla markaana looga shaqeyn lahaa dhibka heesta Soomaaliya siddii looga bixi lahaa.

Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdiweli Gaas, ayaa tilmaamay in arrin muqadas ay tahay Soomaaliweyn in la mideeyo oo hal qaran la noqdo sidda uu yiri.

Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu shaley ka soo dagayay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa la socday ciidamo si gaar ah u tababaran kuwaasoo ka soo raacay magaalada Garoowe oo ay ka soo amababaxeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Ciidanka ilaalada waddooyinka Muqdisho oo dhoola-tus sameeyey

0

Wadooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo Sanado badan kadib lagu arkayo arrimo waa hore ugu dambeeyay Magaalada taa oo farxad gelisay Shacabka Muqdisho, kuwaasi oo ay ka mid yihiin ciidanka ilaalada waddooyinka

Magaalada Muqdisho wadooyinkeeda waxaa lagu arkayaa ciidamadan oo sameeyey dhoola-tus cajiib ah, oo dad badan soo xusuusiay sanadihii dalku nabadda ahaa.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dab xaley baabi’yay Isbitalkii guud ee..

Gaalkacyo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaray deeganka Ceel Guula ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas uu ka kacay dab xoogan oo baabi’iyay Isbtaalkii guud ee deeganka.

Maamulka deeganka Ceel-Guula ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu baabi’yay dhammaan qalabkii yaallay Isbitaalka.

Dadka deeganka ayaa isku howlay in damiyaan dabka balse wuu ka tan weynaa waxaana ay karri waayeen in ay damiyaanka oo baabi’iyay Isbitaalka oo dhan.

Maamulka degmada Ceel Guula oo goobta gaaray ayaa ku howlan bal in ay qiimeeyaan wax yeelada uu geestay dabka iyo sidda dib loogu dhisi karo Isbitaalka Guud ee degmada.

Dad badan oo ku nool Ceel Guula iyo deegannada kale ee ku dhowdhow ayaa isbitaalka ku tiirsanaa waxaana hadda soo wajaheysa dhibaato isbitaal la’aan ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

AXMED MADOOBE oo baaq gaar ah u diray Madaxweynaha iyo R/wasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku sugan Muqdisho ayaa ugu baaqay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya in ay ku daydaan dhaqankii uu lahaa ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxda dowladda looga baahan yahay in iska ilaawaan isqabqabsiga ka dhex dhesha inta ay xilka hayaan, wuxuuna yiri waa in aad noqotaan siddii madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, Aadan Cadde iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ay u wadashaqeen jireen.

“Waa in madaxda Soomaalida iyo qof kasta uu ku dayo siddii ay ku shaqeen jireen Aadan Cadde iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen kaas ayaa tusaale fiican ah” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa shegeay in khilaafka madaxda uu abuuraayo kaliye cadow tooyo in la kala fogaado.

Wuxuu kaloo Axmed Madoobe sheegay in maamul u sameynta dalka looga baahan yahay in si waafaqsan sharciga loo sameeyo sidda uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Sawirro: Kulan Runta la isugu sheegay oo xalay ka dhacay VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xaley ka dhacday xaflad loogu duceenayay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdirsaaq Xaaji Xuseen oo lagu wado in maanta oo Jimco ah lagu aaso magaalada Muqdisho.

Xafladda oo ka dhacday xarunta Villa Somalia ayaa waxaa ka qaybalay madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare ku xigeen, Madaxweynaha Puntland, Hoggaamiyaha Jubba, Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed,Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, Madaxweynihii hore ee Puntland, wasiirro, wafdi ka socday Puntland iyo Jubba iyo Madax dhaqameed Soomaaliyeed ayaa loogu duceeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay siddii looga shaqeyn lahaa midnimada Soomaaliya, isagoonta tusaale u soo qaatay aaska qaran ee marxuum Cabdirisaaq in uu mideeyay madax badan.

“Ra’iisul Wasaarihii hore waxuu ahaa shaqsi u istaagay midnimada Soomaaliyeed oo weli daneynayey inuu dalka wax walba la qabto. Waxaan is dhaafsanay qoraallo uu tallooyinkiisa ku soo jeedinayey. Waxaana ka codsaday inuu dib-u-heshiisiinta dalka horseed ka noqdo, iyadana waa uu iga aqbalay ee ALLAHA u naxariisto” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu Cabdirsaaq kula kulmay dalka Maraykanka sannadkii horre isagoona u sheegay in uu ka qayb qaato shirarka nabadeenta ee Soomaalida loo qabanaayo “Wuu iga aqbalay ayuu yiri ”

Ra’iisal wasaaraha ayaa isna ka codsaday madaxda ka socota Puntland iyo Kismaayo in ay labo maalmood oo kale ay sii joogaan magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan shirweyne looga hadlaayo midnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna sheegay in Puntland ay u taagan tahay siddii loo soo celin lahaa midnimada Soomaaliya.

Wuxuu ballan qaaday in ay geed dheer iyo mid gaaban ay u fuuli doonaan siddii Soomaalida la isugu keeni lahaa oo looga shaqeyn lahaa minimada Soomaaliya.

Hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba ayaa isna ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in aysan isku mashquulin arrimaha gobalada isagoona intaas ku daray in qof kasta looga baahan yahay in lagu aaso goobta uu ku dhashay” Mahan in ufurow lala aado” ayuu yiri.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa madaxda iyo shacabka ugu baaqay in ay ku daydaan marxuum Cabdirisaaq.

112

82

911

921

92

73

90

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

KASHIFAAD: Dhibaato hor leh iyo kala boobka dhulka (Maxaa socda?)

Inta la hubo Waddanka Soomaaliya waxa uu leeyahay 8. 200. 000 Hektar oo ku habboon beerista dalagga kala duwan, intaas waxaa u dheer xeeb badeed dhirirkeeda kor u dhaafay 3000 KM oo ay ka buuxaan kalluun nooc waliba leh.

Dhul baaxad weyn oo isla siman, labo Webi iyo dhowr togag waaweyn, macdan nooc waliba leh iyo cimilad u saamaxday in Seddaxdii Bilood-ba lagu goosan karo dalagga nooca Masagada iyo Galeyda, nicmooley nooc waliba leh, intaas oo kheyraad ah uu Allaah ugu barwaaqeeyay ayaa intii ay dadaal iyo tacab muujin lahaayeen waxaa Soomaalida looga maara waayay is Dil, is Dagaal iyo hadal badnaan oo jiimo ugu fadhinin.

Wixii ka dambeeyay Dagaalkii lagu qaaday Ciraaq iyo Afgaanistaan Dowladaha galbeedka waxaa soo wajahay dhibaato dhaqaale oo ay fahmi waayeen sidii looga bixi lahaa, markii muddo ay la daala dhacayeen ayeey waxaay dareemeen haddii arrinta ay sidaan dhaami weydo in Qatar loogu jiro sidii loo quudin lahaa dadkooda malaayiinta kor u dhaafay oo weligood dareemin wax la yiraahdo abaar iyo baahi midna.

Sidaas ayaa waxaa la isugu yeeray qubaro ku xeel dheer saadaasha ka hor tagidda musiibooyinka, keddib markii muddo ay isku daaleen ayaa quburada waxay ay guddoonsadeen in sahan loo tago waddamada ku habboon dhul beerista si loo helo dhul baaxad weyn oo laga soo saaro mirihii lagu quudin lahaa Dadyowga Waddamada hantida badan sida Mareykanka, Shinaha, Ingiriiska, Hindia, Jarmalka, Faransiiska iyo kuwa kale oo badan.

Isla markiiba si Deg-Deg ku jirto ayaa waxaa la guddoon saday in Waddamada qaar sida Sudaan, Tanzania, Etiopia, Suudaanta Cusub, Gana, Mali, Muzambiko, Senegal, Liberiya, Kenya, Uganda laga ijaarto dhul ku habboon beerista dalagga oo nolosha bani Aadamka looga maarmin.

Ilaa haatan arrinta waxay ku ektahay dhul iyo beer la ijaartay balse waqti aad u dhaw waxa loo gudbi doonaa in xoog la adeegsado sidii Dadka masaakiinta looga fara moroojin lahaa Beeraha yar-yar oo gacan falatada ah.

Dowladaha waaweyn iyo Hay’adaha Dowliga waxay mar hore billaabeen in ay la wareegaan dhul baaxaddiisa ka weyn tahay 200 Malyan Hektar, qaar la gatay iyo mid ijaar 99 sano si ay ku soo saaraan Cunto qiimo jaban oo looga baahan yahay waddamadooda.

Inta la hubo Dhul Boobka waxa uu soo billawday muddo dheer balse baaxaddiisa waxaa aad loo dareemay Tobankaan Sano dambe.

Soomaaliya Dowladahii hore ka jiray inta la og yahay waxaay saaxibti nimo ama ijaar ku wareejiyeen beerta LIBSOMA, bertii Falastiin, beerta Ciraaq, tan Imaaraadka, hadda se xaajada waa ha u fadhinin.

Hunguri weyninka iyo sed buursiga dowladaha waaweyn waxa uu salka ku hayaa in waddamada itaalka daran siiba kuwa Afrika lagu soo rogo Gummeysi cusub, wallow sida runta tahay ay Afrika laga soo billaabo Heshiiskii Berlin 1884 ayan marna ka xoroobin gummeysi mid toos ah ama mid maldahan.

Waddan waliba oo Afrika ah waxaa ka shaqeeyo Dad iyo Shirkado nooc waliba leh oo u xil saarnaa in ay la wareegaan wax soo saarka warshadaha iyo beeraha sida bunka, caleen shaahig, sonkorta, kakawga ayagoo ku doodayo in warshadeeyn geynayaan keddib na dib ugu soo celiyaan Afrika ayadoo qiimaha dambe u affar jibbaar ka sareeyo kii hore ay kula warteegeen.

Dhibaatada Gummeysiga cusub waxa uu si gaar ah u taabanayaa beraleyda yar-yar oo korkooda lagu kala gadanayo dhulkii ay abid ku noolayeen ayadoo loo rarayo meel hor leh oo cid sahan u tagtay ayan jirin, arrintaas waxay haatan ka taagan tahay waddanka Ugaanda oo dadka dan leyda ah qeyla dhaantooda dibadda u soo baxday.

Soomaaliya waxay gacanta ugu jirta ururo badan oo uur kiraalayaal ah una adeego hayado krishtaan ah sida Blackwater, saraceen iyo kuwa la mid ah ururadaas waxay u xilsaaran yihiin abaabulka, diyaarinta iyo taaba gelinta qaabka iyo waddada ku habboon hir gelinta nooca Gummeysiga cusub.

waddanka Soomaaliya waxa uu hore u soo maray Gummeysi kala geddisan balse midka haatan lala damacsan yahay aad ayuu uga mug weyn yahay kii loo yaqaanay TEENKA iyo kii KELI ASAAYLE waxaase lala yaaban yahay ayadoo ay muuqato dhibaatada baaxaddaas leh in haddana Dadka Soomaaliyeed iyo Madaxdoodaba ay u muuqato sidii mid waliba midka kale uga taqalusi lahaa.

W/Q: Avv. Xussein Diiriye Afrax, London 

Maaxi: Muqdisho waa la wada degaa balse maamulka ayaa la kala leeyahay

Magalada Muqdisho (Gobolka Banaadir) waa caasimaddii soomaaliya (Somaliweyn) waa la wada leeyahay BALSE maamulkeeda waa la kala yeelanayaa. Siyaasiyiinta u dhashay Magalada Muqdisho waxeey mudan yihiin in la dhowro Xaquuqdooda.
Sida runta ah waa ay iska caddahay in dadkeena Soomaaliyeed lagala dagaallamayo wixii cusub ee horukac iyo aayatiin wanaagsan u horseedaya, balse taasi badelkeeda lau hanuuninaayo wixii aafo iyo dhibaato u kenayo.Waxyaalaha uur-ku-taallada iyo tiiraanyada xanuunka badan igu abuuray in aan QALINKEEYGA QAATO waxaay tahay anigoo arkaya khatarta cadawgeena nala damacsan yahay,taas oo ah Asbaabihii loo dhisay Dawladda soomaaliyeed  in ay ka leexatay, islamarkaana la rabaa in la maran habaabiyo ujeeddooyinkii loo soo dhisay,  oo ilaa hadda waxay Dawladii iyo madaxdoodii ku dhuumaaleeysanaayaan QABIIL, GOBOLEYSI iyo wax la yiraah xeer hoosaadka la magac baxay 4.5, ayado gobollo lagu bahdilaayo Gobollada qaarkood iyo qabiillada qaarkood.
Sida aad la socotaan Soomaaliya waa dal iyo dad la kala fur furay xaga caqiidada, xaga dhalashada, xaga Soomaalinimada, xaga qabiilka, xaga gobollada iyo xagga deegaanka. Hadii la rabo in leysku soo celiyo Soomaaliyadii hore waa in xag hoose laga soo bilaabaa bottom to upp. Dadka degaan kastaa iyo xaquuqda Siyaasi kastaana la dhowraa.
Waxaan isku raacsanahay Siyaasiyiin badan in Magaalada Muqdisho Caasimaddii Dalka Soomaaliya in ay tahay (hooyadii Soomaaliyeed) balse waxaa ila haboon in la tixgeliyo dadka deegaanka u dhashay iyo siyaasiyiintooda oo maamul u gaar ah  yeeshaan sida Gobollada dalka ka dhismay oo kale. Sidoo kale waxaan isku raacsanahay inaan Caasimadu wada leenahay.
Hadaba walaalayaal waxaa yimid siyaasiyiin ujeedkoodu yihiin Sadbursi iyo siyaasad ku dhisan midiyahana aan qarsano waxna aan qalano.
Keyga anigaa iska leh, kaagana kula lihi
Xuquuqda Siyaasiga waa muhiim in la dhowraa markii aan sidaas leeyahayna waxaan ula jeedaa Haddii la yiraahdo (Gobolka Banaadir) Muqdisho dadkaa iska wada leh, ee qofkii sideyda oo kale siyaasiga ah aan magaaladaan degaan ay u tahay kuna dhashay una dhashay oo aan meel kale weligiis tegin oo la yiraahdo ummada soomaaliyeed ee 11 milyan ah (SOMALIWEYN) ayey ka wada dhaxeeysaa ama la yiraahdo Qarankaa iska leh.soo taasi ma noqoneeyso in dad dhan xuquuqdooda lagu tunto.
Tusaaale kooban, in siyaasigii Puntland udhashayna kuna dhashay la yiraahdo waxaa jagada madaxtinimada puntland u tartami karo cidii u dhalatay  PUNTLAND taasi waxaa marag muujin kaaga filan sidiigudigii doorashooyinka puntland u soo saareen sharuudaha laga rabo masharaixiinta u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka puntland tani waxay muujineeysaa sida Gobolada qaarkood siyaasiyiintoooda aay u doonayaan siyaasad labo daam ku daaq. taasi oo hadii aay suurtowdo horsedaaysa cadaalad daro iyo inaan weligeed soomaali heshiin.
 Inuu yahay muwaadin u dhashay Puntland. Riix Link-ga hoose.
          Haddaba su’aasha  meesha taagan waxay tahay siyasigii muqdisho udhashay kuna dhashay intuu ka soo galayaa tartanka madaxtinimada maamulka Mqdisho gobolka banadir marba haddii la yiri ”Muqdisho, mala kala laha oo Somaliweyn ayey ka dhaxeeyaa?”Taasi waa cadaalad daro,  Diintuna ma ogala Gardaro aan geed loogu soo gaban. Muqdishona maamulkeeda waa in lagu saleeyaa nidmaaka u dhashay marba hadii PUNTLAND IYO GOBOLADA KALE QAATEEN UDHASHAY mana suurto geli karto waqti xaadirkaan in soomaaliweyn u tartanto magalada Muqdsho. waxaana leeyahay Siyaasiyiinta udhashay Magalada Muqdisho ha la dhowro Xaquuqdooda.
Ninna gurigiisa looguma taliyo, mana looga roono. Magalada Muqdisho (Gobolka Banadir) waa caasimadii soomaaliya (Soomaaliweyn) BALSE maamaulkeeda waa la kala yeelanayaa.
Waxaa jirta 3 xaquuqood oo uu leeyahay qofka mawaadinka ah ee degaanka u dhashay kuna dhashay.
  • Xuquuqda Bulshada waa qadamaad caam ah sida adeega guud, iskuullada caafimaadka in loo wada siman yahay. qadamadkaas waa wax dadka oo dhan ka wada dhaxeeyo ee ah adeegga Guud
  • Xuquuqda Degaanka. waa la wada degen yahay dhismaha xoolaha qof walbo waxa uu tabcado ayuu leeyahay.
  • Xuquuqda Siyaasiga waa in la dhowraa lalana simaa xuquuqaha siyaasiyiinta kale ee gobolada
Waxaanse rabaa in aan weydiiyo dadka wax dhaliila  in ay ii sheegaan iyagoo caqliga aqoonta isticmaalaaya  sida ay ku suurtageli karto ama ay caqli gal ku noqon karto in ninba gobolkiisa iska soo sharraxo, xamarna la yiraahdo dadka oo dhan ayay u dhaxeysaa?.
Dardaaran
Anigoo ka faa iideeysanaayo fursaddaan waxaan leeyahay Madaxweynaha soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud cadaalad samee haddaadan u caadald-falin dadka reer Muqdisho weligood waa ku xasuusnaanayaan, taariikhdana meel mugdi ah ayaad ka geli doontaa, fursada qaaliga aad haaysto ka faa ii deeyso mudane Madaxweyne.
Digniin
Ugu dambeyntiina, Madaxada dalka iyo siyaasiyiinta soomaaliyeed waxaan uga digayaa khatarta ay leedahay Gobollaysiga gumeystuhuna doonaayey in ay tan dhacdo waana ay iska caddeed.
Dadka degaanka u dhashay Muqdisho iyo siyaasiyiintooda aqbali mayaan nidaam kor looga keenay haddii ay taas dhacdana waxaa imaaneeysa Cadaalad darro, sadbursi iyo dagaal sokeeye oo hor leh.
Allaa wax og!
Yaasiin Maaxi Macalin
http://yassin-mahi.blogspot.se/

Sheekh caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii waxa ay Magaalada Muqdisho ku dileen Sheekh caan ka ahaa magaalada.

Wadaadka la dilay oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdixamiid Sheekh Cabdibaasid Baari, ayaa lagu dilay xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online, in wadaadka ay dileen kooxo ku hubeysan bastoolado kuwaasoo ku sugaayay meel ku dhow masjid uu ku tukunaayay.

Kooxda dilka geesatay ayaa durba goobta ka baxsatay sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Wadaadka la dilay ayaa ka mid ahaa culimada caanka ah degmada Wadajir kunool, waxaana dilkiisa ka naxay shacabka ku nool degmada Wadajir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

AUN Meydka C/risaaq Xaaji Xuseen oo lagu aasayo Ceel-Carfiid

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa saakay laga soo dajiyay meydka Allaha ha u naxariisto Marxuum Cabdrisaaq Xaaji Xuseen oo ahaa ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Meydka marxuumka ayaa markii laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay madaxda dowladda Soomaaliya, madax ka socotay maamulada dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyaha baarlamaanka, ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha maamulka Puntland ayaa hadallo jeediyay markii meydka laga soo dajiyay diyaaradii sidday, waxaana la sheegayaa in lagu tukuday Salaada janaasada, sidda uu noo sheegay wariyaha Caasimada Online ee magaalada Muqdisho.

Allaha ha u naxariisto meydka ra’iisal wasaarihii labaad ee Soomaaliya ayaa lagu aasi doonaa goordhow Qabuuro ku yaalla deeganka Ceel-Carfiid ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ku aasan yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).

Marxuumka ayaa ra’iisal wasaare ka soo noqday Soomaaliya intii u dhexeysay 1964 ilaa 1967, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa halgamayaashii xornimada Soomaaliya.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa meydka kasoo dejiyey diyaaraddii lagu keenay oo ka timid dalka Turkiga, waxayna siiyeen salaan sharaf.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dab ka kacay Suuq ku yaal Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Dab xooggan ayaa caawa qabsaday mid ka mid ah Bakhaarada ku yaalla Suuqa Weyn ee magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la sheegay in uu muddo socday balse waxaa markii dambe damisay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, taasoo geestay goobta baabuur nooca dab damiska ah.

Ma jirto wax khasaaro ah oo uu geestay dabka caawa ka kacay Suuqa weyn ee bakaaraha sidda ay lee yihiin dad halkaas ku sugan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab uu ka kaco Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya balse dabkan waa midkii ugu yaraa ee suuqa ka kaco inta la ogyahay taarikhda, waayo dababkii horre khasaaro hantiyeed ayey geesan jireen.

Inta badan ma ahan wax cusub in dab uu ka kaco Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, dhowr jeer oo horrey ayuu siddan u gubtay, waxaana sabab u ah waxaa isku la isku ag gadaa baasiinka, dabka iyo wax yaabaha kale ee khatarta ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

Axmed Madoobe oo caawa Muqdisho ku sugan iyo xaflad weyn oo ka socota

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta soo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Jubba.

Wafdiga Axmed Madoobe oo ka soo ambabaxay magaalada Kismaayo ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dadweyne kale.

Wafdiga ayaa loo galbiyay xarunta Villa Somalia, halkaasoo ay kula kulmeen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Wafdiga Axmed Madoobe waxaa ka mid ah madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubba Cabdiqaadir Luga-
Dheere, wasiirka arrimaha Bulshada Macalin Maxamed iyo masuuliyiin kale.

Waxaana safarkooda uu la xiriira ka qaybgalka aas qaran oo berri loo sameenaayo ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooda dalka Maraykanka.

Dhinaca kale, waxaa caawa ka socota magaalada Muqdisho xaflad lagu soo dhaweenaayo wafuuda caalamiga ee ka qaybgaleysa aaska marxuum Cabdirisaaq.

Waxaana ay xafladda ka socota xarunta Villa Somalia, halkaasoo ay ku sugan yihiin madaxda dalka iyo madax kale oo ka socoda maamulada dalka iyo diplomaasiyiin.

Maalinta Berri ayaa lagu wadaa in lagu aaso ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya duleedka Muqdisho, gaar ahaan goobta uu ku aasan yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan, sidda ay Caasimada Online u sheegeen guddiga qaban qaabada aaska marxuumka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]