Cabd Weli Gaas oo ku laabtay Garowe

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa galabta ka dhoofay magaalada Muqdisho, wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kuwaasoo ka qaybgalay aaska ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo maanta lagu aasay Caasimada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaarihii horre ee Soomaaliya ayaa shaley soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana socdaalkiisa ku wehlinaayay wasiiro ka tirsan maamulkiisa, guddoomiye ku xigeenka labad ee baarlamaanka Puntland, madaxweynihii horre ee Puntland Maxamuud Xirsi Gen Cadde Muuse iyo salaadiin ka socotay Puntland.

somm47

Madaxwayne Cabdiweli ayaa sheegay inay soo dhammaysteen ka qaybgalkii aaskii Qaran ee loo sameeyay raisul wasaarihii horre ee Soomaaliya si wacana loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Waxaa kaloo madaxweynaha Puntland uu Muqdisho la yimid ciidamo gaar ah oo u tababbaran kuwaasoo si weyn looga hadlay meelo badan marka la eegay qaabka ay u tababbarran yihiin iyo sida uu ugu kalsoonaa.

Dad badan oo odorosa arrimaha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Madaxweyne Gaas in ay cashar muhiim ah u noqotay madaxda dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ay waardiyeeyaan oo ay aamineen ciidamo Afrikan ah kana doorbiday ciidamada Soomaalida.

Waxaa sidoo kale dadka qaar  ay sheegayaan in Gaas ay ilaalin jireen ciidanka Amisom, intuu ahaa ra’iisul wasaaraha Somalia, uusanna wax dhaamin madaxda iminka.

Si kastaba, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu magaalada Muqdisho u tagin arrimo siyaasadeed balse uu u tagay in uu ka qaybgalo aaska marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ahaa shakhsi Soomaalida uu ku weyn yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com