KASHIFAAD: Shirkada Favori oo diiday in salaada Janaasada meydka C/risaaq lagula tukado garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqidsho ayaa caawa baahisay war ay ku sheegtay mid lagu kalsoon yahay, kaasoo ah in shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Favori, in ay diidday in gudaha garoonka diyaaradaha lagula tukado meydka allaha ha u naxariistee ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaahi Xuseen, oo maanta lagu aasay Muqdisho.

Idaacadda warkan sii deysay ayaa sheegtay in labo maalin ka hor ay ogaatay in shaqaalaha shirkaddan oo laga lee yahay Turkiga ay wadeen olole ku saabsan siddii loo joojin lahaa in salaada janaasada marxuum Cabdirisaaq lagula tukado garoonka gudihiisa, oo waxa ay rabtay in meelo kale loo qaado meydka.

Ma cadda ilaa hadda wax yaabaha sababay in Shirkada Favori LLCC ay go’aan ku gaarto in salaada janaasada aan lagula tukan marxuumkan garoonka diyaaradaha Muqdisho, balse waxaa xaqiiqo in meydka marxuumka salaada janaasada lagula tukaday Masjidka weyn ee Isbaheesiga.

Si kastaba, marxuum Cabdirisaaq ayaa taarikh weyn ku lahaa umada Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa ra’iisal wasaarihii labaad ee Soomaaliya soo mara taarikhda tan iyo markii aan xornimada qaadanay sannadkii 1960-kii.

Sidoo kale, waxaa garoonka lagula tukaday meydka madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde” oo geeriyooda bishii June sannadkii 2007-da.

Waxaa kaloo garoonka diyaaradaha Muqidsho salaada janaasada lagula tukaday madaxweynihii horre ee Soomaaliya, oo ku geeriyooday dalka Yemen, balse meydkiisa loos oo qaaday Soomaaliya, waxaana ka hor inta lagu aasin Gaalkacyo salaada janaasada lagula tukaday garoonka Muqdisho bishii March ee sannadkii 2012-ka.

Sidoo kale waxaa salaada janaasada garoonak diyaaradaha lagula tukaday Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo ahaa guddoomiyihii horre ee baarlamaanka dowladii daaqiliga oo ku geeriyooday sannadkii 2012-ka dalka Kenya.

Waxaa kalooo garoonka diyaaradaha Muqidsho lagula tukaday meydka Xasan Maxamed Nuur Shaati-guduud oo ku geeriyooday Dalka Jermalka.

Waxaa kaloo siddaas oo kale garoonka diyaaradaha lagula tukaday meydka Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse oo ku geeriyooday dalka Finland.

Waxaa la isweedin karaa maxaa sababay in shirkadda Favori LLCC ay diiddo in meydka marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen in salaada janaasada lagula tukado garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaase sheegis mudan in meydka marxuumka ay keentay Muqdisho diyaad laga lee yahay dalka Turkiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com