Dab ka kacay Suuq ku yaal Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Dab xooggan ayaa caawa qabsaday mid ka mid ah Bakhaarada ku yaalla Suuqa Weyn ee magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la sheegay in uu muddo socday balse waxaa markii dambe damisay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, taasoo geestay goobta baabuur nooca dab damiska ah.

Ma jirto wax khasaaro ah oo uu geestay dabka caawa ka kacay Suuqa weyn ee bakaaraha sidda ay lee yihiin dad halkaas ku sugan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab uu ka kaco Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya balse dabkan waa midkii ugu yaraa ee suuqa ka kaco inta la ogyahay taarikhda, waayo dababkii horre khasaaro hantiyeed ayey geesan jireen.

Inta badan ma ahan wax cusub in dab uu ka kaco Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, dhowr jeer oo horrey ayuu siddan u gubtay, waxaana sabab u ah waxaa isku la isku ag gadaa baasiinka, dabka iyo wax yaabaha kale ee khatarta ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com