Axmed Madoobe oo caawa Muqdisho ku sugan iyo xaflad weyn oo ka socota

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta soo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Jubba.

Wafdiga Axmed Madoobe oo ka soo ambabaxay magaalada Kismaayo ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dadweyne kale.

Wafdiga ayaa loo galbiyay xarunta Villa Somalia, halkaasoo ay kula kulmeen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Wafdiga Axmed Madoobe waxaa ka mid ah madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubba Cabdiqaadir Luga-
Dheere, wasiirka arrimaha Bulshada Macalin Maxamed iyo masuuliyiin kale.

Waxaana safarkooda uu la xiriira ka qaybgalka aas qaran oo berri loo sameenaayo ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooda dalka Maraykanka.

Dhinaca kale, waxaa caawa ka socota magaalada Muqdisho xaflad lagu soo dhaweenaayo wafuuda caalamiga ee ka qaybgaleysa aaska marxuum Cabdirisaaq.

Waxaana ay xafladda ka socota xarunta Villa Somalia, halkaasoo ay ku sugan yihiin madaxda dalka iyo madax kale oo ka socoda maamulada dalka iyo diplomaasiyiin.

Maalinta Berri ayaa lagu wadaa in lagu aaso ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya duleedka Muqdisho, gaar ahaan goobta uu ku aasan yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan, sidda ay Caasimada Online u sheegeen guddiga qaban qaabada aaska marxuumka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com