SAWIRRO: Cabdi Weli Gaas oo ciidamo gaar ah la tagay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo degtay diyaar ay la socdeen wafdi ka socday maamulka Puntland.

Wafdiga Puntland ka yimid waxaa hoggaaminaayay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana sidoo kale la socday ciidamo gaar ah oo uu kala yimid Puntland.

Wfadiga Puntland ka yimid waxaa ka mid ah madaxweynihii horre Puntland,Gen Maxamuud Xirsi Cadde Muuse, wasiiro ka tirsan maamulka Puntland iyo Salaadiin.

Wafdiga waxaa garoonka ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa.

Markii ay soo dageen wafdiga waxaa loo galibiyay xarunta madaxtooyada Villa Somalia oo ay hadda ku sugan yihiin.

Afhayeenka ra’iisal wasaaraha Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa sheegay in wafdigan ay hordhac u yihiin wafuud caalami ah oo ka qaybgaleysa aas qaran oo loo sameenaayo ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooda magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Mudane Ridwaan ayaa sheegay in maanta oo dhan la soo dhaweynaayo wafuud caalami ah oo ka imaaneysa meelo kala duwan oo ah dalka iyo dibediisa.

Wafdigaas waxaa ka mid wafdi ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaana hoggaaminaya Axmed Madoobe hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Jubba.

Waxaa kaloo magaalada Muqdisho ku sugan ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi sidda u u sheegay afhayeenka xukuumada.

gaas ciidan 1gaas ciidan 2gaas ciidan 3gaas ciidan 4gaas ciidan 5gaas xamar 1gaas xamar 2gaas xamar 3gaas xamar 4gaas xamar 5gaas xamar 6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com