Waxaa xabsi la dhigay Madaxweynahii Maamulka goboleedka la baxay….!

Beledweyne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu xiray nin sheegtay in uu yahay madaxweynaha maamulka Hiiraan State.

Ninkan oo lagu magacaabo Ismaacil Atoore ayaa lagala baxay hotel ku yaalla magaalada kaddibna waxaa isga iyo seddax xubnood oo kale loo taxaabay xarunta xabsiga dhexe ee magaalada Beledweyne.

Wariye ku sugan Beledweyne ayaa u sheegay Caasimada Online, in ninkan loo heesto eedeemo uu u jeediyay dowladda Soomaaliya, kaddib markii shaley uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne.

Ninkan ayaa la sheegay in uu shaley ka soo amababaxay magaalada Muqdisho, wuxuuna ka mid yahay siyaasiiyinta ka soo jeeda gobalka Hiiraan.

Ma jirto wax war ah oo ay saxaafadda siiyeen maamulka magaalada iyo kan hey’addaha amamanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com