Maxkamad ku taalla KENYA oo la soo taagay askar u gacan galiyay Ethiopia 2 sarkaal oo ONLF ka tirsan (Warbixin)

Nairobi (Caasimada Online) Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa la soo taagay labo askari oo Kenyan kuwaasoo lagu eedeeyay in ay afduubteen saraakiil ka tirsan Jabhada ONLF ee ka dagaallanta dalka Ethiopia.

Waa markii labaad oo labadan sarkaal la soo taago maxkamad, waxaana la sheegay in ay ka afduubteen hotel ku yaalla Nairobi labo saraal oo ka tirsan xubnaha sar sare ee ONLF kuwasoo u joogay in ay ka qayb galaan wadallada Ethiopia iyo ONLF.

Waxaa loo heestaa dacwad ah in Cali Axmed Xuseen iyo Sulub Cabdi Axmed ay ka afduubeen Nairobi iyagoo baabuur ku qaaday oo geeyay magaalada Mooyaale oo u dhow soohdinta Ethiopai, kaddibna waxa ay u gacan galiyeen sirdoonka Ethiopia.

Waa ay beeniyeen eedeeha loo soo jeediyay, waxaana la sheegay in lagu sii daayay damaanad lacageed oo gaaraya midkiiba 24kun oo dollar.

Waxaa maxkamad saaridooda lagu ballansan yahay in dib loo billaabo 31-ka bisha March ee sannadkan.

SI kastaba, xeel dheerayaal ayaa aaminsan in afduubka loo geestay saraakiishan ay hakad galin doonaan wajiga seddaxaad ee wadahadallada u dhexeya dowladda Ethiopia iyo Jabhada ONLF, kaasoo lagu waday in bishii Janaayo uu ka dhaco magaalada Nairobi.

Dhawaan, ayaa sarkaal u hadlay dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia wuxuu sheegay in labadan qof ay si nabad ah ku soo gaareen Ethiopia kaddib markii ay ka tanaasuleen mowqifkoodii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com