AUN Meydka C/risaaq Xaaji Xuseen oo lagu aasayo Ceel-Carfiid

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa saakay laga soo dajiyay meydka Allaha ha u naxariisto Marxuum Cabdrisaaq Xaaji Xuseen oo ahaa ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Meydka marxuumka ayaa markii laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay madaxda dowladda Soomaaliya, madax ka socotay maamulada dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyaha baarlamaanka, ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha maamulka Puntland ayaa hadallo jeediyay markii meydka laga soo dajiyay diyaaradii sidday, waxaana la sheegayaa in lagu tukuday Salaada janaasada, sidda uu noo sheegay wariyaha Caasimada Online ee magaalada Muqdisho.

Allaha ha u naxariisto meydka ra’iisal wasaarihii labaad ee Soomaaliya ayaa lagu aasi doonaa goordhow Qabuuro ku yaalla deeganka Ceel-Carfiid ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, halkaasoo uu ku aasan yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).

Marxuumka ayaa ra’iisal wasaare ka soo noqday Soomaaliya intii u dhexeysay 1964 ilaa 1967, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa halgamayaashii xornimada Soomaaliya.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa meydka kasoo dejiyey diyaaraddii lagu keenay oo ka timid dalka Turkiga, waxayna siiyeen salaan sharaf.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com