Sheekh caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii waxa ay Magaalada Muqdisho ku dileen Sheekh caan ka ahaa magaalada.

Wadaadka la dilay oo lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdixamiid Sheekh Cabdibaasid Baari, ayaa lagu dilay xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online, in wadaadka ay dileen kooxo ku hubeysan bastoolado kuwaasoo ku sugaayay meel ku dhow masjid uu ku tukunaayay.

Kooxda dilka geesatay ayaa durba goobta ka baxsatay sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Wadaadka la dilay ayaa ka mid ahaa culimada caanka ah degmada Wadajir kunool, waxaana dilkiisa ka naxay shacabka ku nool degmada Wadajir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com