27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Axmed Madoobe oo caawa Muqdisho ku sugan iyo xaflad weyn oo ka socota

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta soo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Jubba.

Wafdiga Axmed Madoobe oo ka soo ambabaxay magaalada Kismaayo ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dadweyne kale.

Wafdiga ayaa loo galbiyay xarunta Villa Somalia, halkaasoo ay kula kulmeen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Wafdiga Axmed Madoobe waxaa ka mid ah madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubba Cabdiqaadir Luga-
Dheere, wasiirka arrimaha Bulshada Macalin Maxamed iyo masuuliyiin kale.

Waxaana safarkooda uu la xiriira ka qaybgalka aas qaran oo berri loo sameenaayo ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooda dalka Maraykanka.

Dhinaca kale, waxaa caawa ka socota magaalada Muqdisho xaflad lagu soo dhaweenaayo wafuuda caalamiga ee ka qaybgaleysa aaska marxuum Cabdirisaaq.

Waxaana ay xafladda ka socota xarunta Villa Somalia, halkaasoo ay ku sugan yihiin madaxda dalka iyo madax kale oo ka socoda maamulada dalka iyo diplomaasiyiin.

Maalinta Berri ayaa lagu wadaa in lagu aaso ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya duleedka Muqdisho, gaar ahaan goobta uu ku aasan yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan, sidda ay Caasimada Online u sheegeen guddiga qaban qaabada aaska marxuumka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

 

SAWIRRO: Cabdi Weli Gaas oo ciidamo gaar ah la tagay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo degtay diyaar ay la socdeen wafdi ka socday maamulka Puntland.

Wafdiga Puntland ka yimid waxaa hoggaaminaayay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana sidoo kale la socday ciidamo gaar ah oo uu kala yimid Puntland.

Wfadiga Puntland ka yimid waxaa ka mid ah madaxweynihii horre Puntland,Gen Maxamuud Xirsi Cadde Muuse, wasiiro ka tirsan maamulka Puntland iyo Salaadiin.

Wafdiga waxaa garoonka ku soo dhaweeyay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan wasiiradiisa.

Markii ay soo dageen wafdiga waxaa loo galibiyay xarunta madaxtooyada Villa Somalia oo ay hadda ku sugan yihiin.

Afhayeenka ra’iisal wasaaraha Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa sheegay in wafdigan ay hordhac u yihiin wafuud caalami ah oo ka qaybgaleysa aas qaran oo loo sameenaayo ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooda magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Mudane Ridwaan ayaa sheegay in maanta oo dhan la soo dhaweynaayo wafuud caalami ah oo ka imaaneysa meelo kala duwan oo ah dalka iyo dibediisa.

Wafdigaas waxaa ka mid wafdi ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaana hoggaaminaya Axmed Madoobe hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Jubba.

Waxaa kaloo magaalada Muqdisho ku sugan ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi sidda u u sheegay afhayeenka xukuumada.

gaas ciidan 1gaas ciidan 2gaas ciidan 3gaas ciidan 4gaas ciidan 5gaas xamar 1gaas xamar 2gaas xamar 3gaas xamar 4gaas xamar 5gaas xamar 6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Video: Ammaanka Muqdisho ee xilliga habenkii oo filim laga sameeyey

0

Amaanka Magaalada Muqdisho oo marba marxalad nuuc cusub leh galaya ayaa waxaa laga sameeyay Film Cusub oo ka hadlaya Xaalada amaan iyo tan nololeed ee Shacabka Reer Muqdisho.

Film-kaan cusub waxuu ka hadlayaa Xaalada Nololeed ee Shacabka Muqdisho ku nool gaar ahaan sida ay u nool yihiin Haweenka iyo sida ay Ciidamada amaanka ugu soo gurmadaan marka ay wax dhacaan ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Waxaa xabsi la dhigay Madaxweynahii Maamulka goboleedka la baxay….!

Beledweyne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu xiray nin sheegtay in uu yahay madaxweynaha maamulka Hiiraan State.

Ninkan oo lagu magacaabo Ismaacil Atoore ayaa lagala baxay hotel ku yaalla magaalada kaddibna waxaa isga iyo seddax xubnood oo kale loo taxaabay xarunta xabsiga dhexe ee magaalada Beledweyne.

Wariye ku sugan Beledweyne ayaa u sheegay Caasimada Online, in ninkan loo heesto eedeemo uu u jeediyay dowladda Soomaaliya, kaddib markii shaley uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne.

Ninkan ayaa la sheegay in uu shaley ka soo amababaxay magaalada Muqdisho, wuxuuna ka mid yahay siyaasiiyinta ka soo jeeda gobalka Hiiraan.

Ma jirto wax war ah oo ay saxaafadda siiyeen maamulka magaalada iyo kan hey’addaha amamanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxkamad ku taalla KENYA oo la soo taagay askar u gacan galiyay Ethiopia 2 sarkaal oo ONLF ka tirsan (Warbixin)

Nairobi (Caasimada Online) Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa la soo taagay labo askari oo Kenyan kuwaasoo lagu eedeeyay in ay afduubteen saraakiil ka tirsan Jabhada ONLF ee ka dagaallanta dalka Ethiopia.

Waa markii labaad oo labadan sarkaal la soo taago maxkamad, waxaana la sheegay in ay ka afduubteen hotel ku yaalla Nairobi labo saraal oo ka tirsan xubnaha sar sare ee ONLF kuwasoo u joogay in ay ka qayb galaan wadallada Ethiopia iyo ONLF.

Waxaa loo heestaa dacwad ah in Cali Axmed Xuseen iyo Sulub Cabdi Axmed ay ka afduubeen Nairobi iyagoo baabuur ku qaaday oo geeyay magaalada Mooyaale oo u dhow soohdinta Ethiopai, kaddibna waxa ay u gacan galiyeen sirdoonka Ethiopia.

Waa ay beeniyeen eedeeha loo soo jeediyay, waxaana la sheegay in lagu sii daayay damaanad lacageed oo gaaraya midkiiba 24kun oo dollar.

Waxaa maxkamad saaridooda lagu ballansan yahay in dib loo billaabo 31-ka bisha March ee sannadkan.

SI kastaba, xeel dheerayaal ayaa aaminsan in afduubka loo geestay saraakiishan ay hakad galin doonaan wajiga seddaxaad ee wadahadallada u dhexeya dowladda Ethiopia iyo Jabhada ONLF, kaasoo lagu waday in bishii Janaayo uu ka dhaco magaalada Nairobi.

Dhawaan, ayaa sarkaal u hadlay dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia wuxuu sheegay in labadan qof ay si nabad ah ku soo gaareen Ethiopia kaddib markii ay ka tanaasuleen mowqifkoodii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Daawo Video Maxaa ka cusub mar kale Horumarka Magaalada Muqdisho?

Horumarka ka soconaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa aad ugu sii baahaya Degmooyinka Gobolka Banaadir uu ka kooban yahay waxaana aad u soo dhaweynaya Shacabka reer Muqdisho oo wax lagu farxo ku tilmaamaya howsha Maamulka Gobolka Banaadir uu ka wado Magaalada Muqdisho.

Muqaal ahaan & Bilic ahaan Muqdisho aad ayeey isku badashay waxaadna ka dareemi kartaa sida Shacabka uga hadlayaan Xaalada Amaan iyo mid Horumareed ee ka jirta Magaalada ee nala daawo muuqaalkani waa qeyb ka mid ah Horumarka Cusub ee dalka.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Howgallo dadka khalkhal galiyay oo saakay ka socda magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa saakay qaybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ka socda howgallo ay sameenayaan ciidamada dowladda.

Meelaha howgalada ka socdaan waxaa ka mid ah Jidka Warshadaha, waxaana halkaas lagu arkayaa ciidamo fara badan, kuwaasoo gurri u galaya xaafadaha ku teedsan waddadaas.

Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan in la baarayo dadka la socda baabuurta adeegsada waddadaas, kuwasoo la weydiinaayo halka ay ka yimaadeen iyo halka ay ku socdaan.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu qabqabtay dad fara badan oo u badan dhallinyaro kuwaasoo qaar kood la qabtay iyagoo masaajid ku socday.

Dadka ku nool goobaha ay howgallada ka socdaan ayaa ka cabsi qaba in uu sameen ku yeesho, maadama gurri gurri ciidamada ay u galayaan.

Ma cadda howgalka saakay ka socda magaalada Muqdisho wuxuu salka ku hayo, balse waxaa la aamisan yahay in ay ka dambeeyaan qaraxyo iyo weerarro habeenadii la soo dhaafay gilgilay caasimada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay in laga soo abuulay waddada Warshadaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Xaaska sarkaal ONLF ka tirsan oo laga afduubtay Kenya oo xog badan bixisay

Nairobi (Caasimada Online) BBC-da ayaa wareysatay xaaska mid ka mid ah labo sarkaal oo ka tirsan ONLF oo dhawaan laga afduuntay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qadro Cabdi Qamaam oo ah xaaska Sulub Cabdi Axmed ayaa sheegtay ninkeeda inlaga afduubtay magaalada Nairobi lana geeyay dalka Ethiopia.

Waxa ay sheegtay in ogaatay odaygeeda in la afduubtay markii ay weysay muddo badan badan oo ay sugayeen iyada iyo carruurtiisa.

“Ninkeyga isagoo jooga Twonka ayaa la afduubtay, waxaana afduubatay dowladda Ethiopia, aad ayaan uga naxsanahay, waxaa lala afduubtay Cali Axmed Xuseen, labadooda waxa ay ahaayeen mas’uuliyiin dalkooda difaacaya” ayeey tiri.

Marwo Qadro ayaa ninkeeda ku sifeesay qof illaah ku xiran oo wadaad ah isla markaana daacad ahaa.

“Anniga iyo lix carruur oo aan u hayo oo ugu yar yahay seddax bilood ilmo jirro aad ayaan uga naxsanahay xaalada uu ku sugan yahay ninkeyga” ayey tiri.

Si kastaba, La-taliyaha Dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Cabdinuur Cabdullaahi Faarax “Cabdinuur Yare”, ayaa warbaahinta u sheegay in labadaasi sarkaal ay “Nabad-qaateen” sida uu hadalka u dhigay, haatanna iyaga oo bad-qaba ay ku sugan yihiin Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia.

Wuxuu sheegay in raggaas ay qaateen nabadda oo ay hadda diyaar u yihiin in ay ku biiraan dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DF & ganacsatada Bakaaro oo kulmay, xilli qaati laga taagan yahay ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah kulan la qaadatay qaar ka mid ganacstada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka cabanayay dhac iyo tacadiyo kale oo ay u geestaan ciidamo ka tirsan dowladda.

Kulanka waxaa ka qaybgalay wasiirka amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo saraakiil kale, waxaana si weyn looga doodday siddii wax looga qaban lahaa cabashada ka soo yeereysa ganacsatada.

Wasiirka amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo goobta ka hadlay ayaa ballan qaaday in wax laga qaban doono cabashooyinka uga yimid ganacstada, isagoona intaas ku daray in tallaabo laga qaadi doono kooha caadeestay in dhacaan ganacsatada ku sugan Bakaaraha.

Wasiirka ayaa dhinaca kale ka codsaday ganacatada in ay la shaqeeyaan dowladda si ammaanka looga shaqeyo.

Waa kulankii ugu horreyay ee dowladda Soomaaliya la qaadato ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kaddib markii si kulan uu shaley uga hadlay dhibaatooyinka lagu hayo ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in suuqa Bakaaraha uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo Soomaalida.

Dhawaan xarun ganacsi oo ku taalla Suuqa Bakaaraha ayaa laga dhacay 50kun oo dollar mana jirto cid loo soo qabtay arrintaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Uhuru oo wadnaha farta ku haya, xilli go’aan laga gaari doono

Hague (Caasimada Online) – Magaalada The Hague ee dalka Netherlands waxaa maanta ka socday shir gaar ah oo go’aan looga gaari doono dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo wadnaha farta ku haya una dheg taagaya, waxa soo bixi doona.

Qareennada u doodaya waxay doonayaan in go’aanka maanta la gaarayo uu noqdo in gebi ahaanba la laalo dacwaddan , maadaama aan la hayn caddeymo ku filan oo lagu maxkamadeeyo.

Dacwad oogeyaasha ayaa dhankooda doonaya in dacwadda dib loo dhigo inta laga sameynayo baaritaano hor leh.

Daud Aweis oo ka tirsan idaacadda VOA ayaa khadka telefonka kula xiriiray Xildhibaan Abdullahi Dirie oo ka tirsan baarlamanka Kenya, Waxaana uu ugu horeyn weydiiyey waxa uu ka filayo inay ka soo baxaan shirka maanta dhacaya.

Faah-faahin: Dagaallo culus oo dib uga qarxay gobolka Shabeellaha Hoose

Janaale (Caasimada Online) Inta la ogyahay shan qof oo u badan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay in ka badan 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen, dagaallo maanta barqadii dib uga qarxay degmada Janaale ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo u dhexeeyo ciidamado ka wadatirsan dowladda ayaa si weyn ugu faafay degmada oo dhan sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha ee ku sugan Janaale.

Dadka dhaawacmay ayaa loo soo kala qaaday magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.

Dagaalka maanta qardii dib uga qarxay Janaale ayaa daba socdo dagaallo waayahan ka soday gobalka kaasoo la xiriira dhul la isku heesto.

Dagaalka ayaa sababay in ay istaagaan isku socodka dadka iyo gaadidka, waxaa kaloo xiran suuqa ugu weyn degmada Janaale oo ay madaafiic ku soo dhaceen.

Mac adda khasaaraha ilaa hadda ka dhashayd agaalka dib maanta uga qarxay degmada Janaale ee gobalka Shabeellaha Hoose mana jirto cid ku howlan damintiisa.

 Faah-faahin goordhow kala soco Caasimada Online

Hargeysa iyo Garowe oo muujiyey inay ka maskax badan yihiin MUQDISHO iyo DF Somalia (Maxay u sameeyeen QM?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalooyinka Hargaysa iyo Garoowe ayaa hay’adaha UN-ka laga siiyey dhulal aad u balaaran oo ay dhistaan, iyadoo la sheegayo in labadaas magaalo laamaha UN-ka ay ka dhisteen dhul aad u balaaran, halkaasoo oo shacabka kunool magaalooyinkaas ay shaqo aad u balaaran ka heleen.

Maamulada Somaliland iyo Puntland oo u daneynaya shacabka soomaaliyeed oo deegaanadaas kunool ayaa go’aankaas muhiimka ah qaatay kaasoo ay ka faaiideen Maamulada iyo shacabka ku dhaqan goboladaas.

Magaalada Muqdisho oo iyadu ah Caasimada Dalka ayaan masuuliyiinta ku sugan Laga soo Bilaabo madaxweynaha, raisul wasaarayaasha soo maray, Wasiiradii arimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Banaadirba garan waayeen in dhamaan laamaha UN-ka siiyaan dhul ay dhistaan si joogitaanka shaqaalaha UN-ka uu joogto u noqdo.

Xafiisayada aan badneyn ee UN-ka iyo Hay’adaha Caalamiga ah ka joogaan magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo ku jira guryo Kiro ah oo ay uun ka faaiideystaan shaqsiyaad fara kutiris ah, Halka haddii dhul balaaran hayad kasta lasiin lahaa ay maal gashan lahaayeen caasimada Muqdisho dad badana shaqo ka heli lahaa, Deegaanka Hay’adaha UN-ka iyo Kuwa kale ee Caalamiga degi karaan magaalada Muqdisho oo hay’adahooda amniga u qaabilsan u ogolaanayaan ayaa ah inta u dhaxaysa KM 4 iyo Garoonka Caalamiga ah ee Aden Abdulle.

Madaxweynaha Dalka , raisul wasaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha , Gudoomiyaha Gobolka ayaa dhamaan ku baraarugsaneen muhiimada in UN-ka iyo Hay’adaha kale ee Caalamiga ah siiyaan dhul ay dhistaan si Joogitaankooda Magaalada Muqdisho u bato, Dad badan oo Soomaaliyeedna shaqo uga helaan.

Magaalooyinka Garoowe iyo Hargaysa oo ku amaanan iney dhul siiyeen hay’adaha UN-ka iyo kuwa kale oo Caalamiga ah ayaa lagu dhaliilayaa kaliya inay Soomaalida Koofurta ku sameeyaan cunsuriyad una diidaan inay ka shaqeeyaan Hay’adaha ka hawl gala Maamulada Puntland iyo Somaliland, Halka Magaalada Muqdisho ay tahay magaalo aan dadka lagu cunsuriyeyn oo ah Caasimada Dalka, shaqaalaha ka shaqeeyana ka kooban yihiin dhamaan qabaailada Soomaalida.

Isku soo wada duube Muqdisho iyo koofurta Soomaaliya ayaa ku dulman qaabka Hay’adaha UN-ka iyo kuwa kale ee Caalamiga ah sida midawga yurub ( EU-da) ula dhaqmaan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyaga oo Dalka Soomaaliya u qeybiyey 3 dawladood oo siman oo ay u kala yaqaanaan Somali Federal republic (SFR) Somaliland (NWZ) iyo Puntland (NEZ) ulana Macaamila 3 dawladood oo kala duwan inkastoo Baarlamaanka federaalka oo ka kooban 275-ta xubnood iyo Xukuumada Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho yihiin mid Soomaalidu u dhan tahay.

Gudoomiye Gobolka Banaadir Mr Tarsan oo ah nin inta uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka wax wanaagsan ka qabtay Gobolka Banaadir ayaa laga doonayaa inuu xaqiijiyo in dhamaan Hay’adaha UN-ka iyo EU-da uu siiyo dhul ay dhistaan si joogitaankooda uu nolosha iyo amniga qeyb uga qaato.

Sidoo kalana Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh ayaa laga doonayaa inuu Wadamada Caalamka uu ama ka gado ama siiyo dhul ay safaarado ka dhistaan, uuna xaqiijiyo Safiirada uu warqadaha aqoonsiga ka gudoomayo inay noqdaan kuwa jooga Caasimada Dalka Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa la arkaa mar walba isaga oo Safiir ka socda Dal caalamka kamid ah ka gudoomaya waraaqda aqoonsiga, safiiradaas oo ay diyaaradi garoonka Muqdisho u taalo oo marka warqada aqoonsiga laga gudoomo u noqdaan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Video: Shacabka Muqdisho iyo damaashaadkooda Xeebta Liido

0

Kumanaan qof oo isugu jira Dhaliyaro, Haween Iyo Odoyaal ayaa u soo damaashaad tago ayagoo soo booqda Xeebta Liido & Maqaayada Casriga ah ee laga furay Xeebta Liido ee Degmada Abdiaziz ee Magaalada Muqdiso.

Shacabka reer Muqdisho oo si weyn u soo dhaweeyay howlaha & adeegyada ay is wada jir ah u fulinayaan Ciidmaada Dowlada & Maamulka Degmada Abdiaiziz oo aan horay loo arag nuuciisa tan & burburkii dalka oo ay la yaabeyn Shacabka u soo damaashaad tago Xeebta Liido ee nala daawo Muqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

C/Weli Gaas oo saacadaha soo socda ku soo wajahan Muqdisho + Qorshaha

Garaawe (Caasimada Online) Wariyaha Caasimada Online ee Garoowe ayaa soo sheegaya in goordhow uu ka duuli doonaan magaaladaas wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kuwaasoo ku wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdiga ka tagaya Garoowe ayaa ka qaybgali doona aas qaran oo loo sameenaayo ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo goordhow ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Minnapulis ee dalka Maraykanka.

Dhinaca kale, wariye kale oo ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Muqdisho ayaa isna soo sheegaya in garoonka Aadan Cadde uu ka socdo qaban qaabada soo dhaweynta mas’uuliyiinta ka qaybgaleysa aaska marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Maanta galinka dambe ayaa lagu wadaa in meydka allaha ha u naxariisto Cabdirisaaq Xaaji Xuseen in laga soo dajiyo magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo wararka ay heleyso Caasimada Online ay sheegayaan in aaska qaranka ee loo sameenaayo ra’iisla wasaarihii horre in ay ka qaybgali doonaan wafdi ka imaanaya maamulka KMG ee ka dhisan magaalada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan guddi heer qaran u xil saartay aaska ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya.

Caasimada online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

C/Weli oo war cad kasoo saaray arrimo cusub oo kusoo badanaya Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dhibaatooyin lagu hayo ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha.

Ra’iisal wasaaraha ayaa amar ku bixiyay in hey’addaha ammaanka ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka loo geesto ganacsatada ku dhaqan Suuqa Bakaaraha kuwaasoo waayahan ka cabanayay kooxo hubeysan oo dhaca hantidooda.

Wuxuu tilmaamay ra’iisal wasaaraha in Suuqa Bakaaraha uu ahmiyad ballaaran ugu fadhiyo Soomaaliya “Ma yeeleyno in la dhaco” ayuu yiri.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ballan qaaday in wax laga qaban doono cabashada ganacstada suuqa bakaaraha iyo guud ahaa suuqyada kale ee ku yaalla dalka.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa yimid kaddib markii toddobaadkii horre kooxo hubeysan ay dharaar cad weerar ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Sava Group oo ku taalla Bakaaraha dabadeedna ay dhaceen lacag ka badan 50kun oo dollar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Darafka koonka inta la ogyahay iyo mucjisada & awoodaha Allah SWT

Sida uusoo sawiray markabka fiddaa’iyaatka NASA iyo teleskobkooda, kaalay ka qeyb qaado safarkan dheer oo bal soo arag koonkan cajaa’ibka badan.

Safarkan KOONKA CIRIFTIISA, waa inta illaa immika la ogyahay, Rubbamaa ay dhici kartaa intaas inuu ka siiweyn yahay in lamid ah inta immika la og yahay.

Safarkani wuxuu ka billaaban doonaa meeraheenna dhulka, oo ah meeraha ay nolasha dushiisa ka jirta.

Secen-ka xawaaraha iftiinka waa 300 000 km (3 boqol oo kun km).

Daqiiqadii xawaaraha iftiinka waa 18 million km.

Halkii sano ee xawaaraha iftiinka waa 9,46 trillion km.

Qorraxdeenna oo malaayiin mar ka weyn inta uu la egyahay dhulkeenna, ma isweydiisay inta uu inagu soo gaaro iftiinkeeda? Waa 8 daqiiqo oo qura.

Xawaaraha iftiinka waa waxa ugu xawaaraha dheereeya koonka dushiisa. Ma jira wax ka dheereeya xawaaraha.

Meerayaasha sagaalka ah ee loo yaqaan BAHDAY MIDEYSAYQORRAXDA (Majmuucatish- Shams), ee kala ah

Mercury oo xagga qorraxda xiga,
Venus oo kan labaad ee qorraxda xiga
Earth (dhulkeenna) oo kan saddexaad ee qorraxda xiga ah
Mars oo inagu xiga
Jupiter oo kasii dambeeya
Saturn oo kasii dambeeya (kan ugu qurxoon)
Uranus oo kasii dambeeya
Neptune oo kasii shisheeya
Ploto oo ugu dambeeya, inkastoo hadda laga saaray BAHDAY CADCEEDDU Kulmiso.

Meerayaashan sagaalka ah waxaa ugu weyn meeraha Jupiter, wuxuu ka weyn yahay dhulkeenna boqollaal mar labo jibbaaran bal e kumanaan mar.

Meeraha inoogu dhaw ee Mars, markabka fiddaa’iyaatka oo aynu ognahay xawaaraheedu inuu kasarreeya xawaaraha diyaaradaha miigga ah, wuxuu usocon lahaa 9 bilood. Waa meeraha immika loo filanaya inay dushiisa nolali kajiri karto. Jupiter oo kasii shisheeya Mars, waxay markabadda fiddaa’iyaatka ku qaadan lahayd 14 sano, Saturn, waa kasii fogyahay dhowr jibbaar, Uranus sidoo kale, Neptune sidoo kale, Ploto fogaanshaha uu cadceedda ka fogyahay darteen heerkulka qabowgiisa waa minus kumanaaan oo ka hooseysa eber (0).

Intaan 9ka meere, xagga weyniga dhulkeenna wuxuu noqon doonaa kan shanaad ee xagga yaraanta. Taa macnaheedu waxaa weeye waxaa kaweyn 4 meere, oo kala ah Jupiter, Saturn, Uranus iyo Neptune. Waxaa kayar Ploto, Mercury, Mars iyo Venus.

Marka Jupiter loo fiiriya meerayaasha kale oo dhan, wuxuu ka weyn yahay dhammaantood xattaa haddii la isku wada daro. Cadceedduna Jupiter waxay ka weyn tahay kumanaan mar oo labajibbaaran.

Cadceedda oo Malaayiin km inoo jirta dhulkeenna, oo shucaaca iftiinkeeda uu nagu soo gaaro heerkul marmarka qaar gaaraya 50’C, weynigeeda mayara. Markabadda fiddaa’iyaadka haddii cadceedda dusheeda ay cirif illaa cirif kale u kala goo is oran lahayd, waxay ku qaadan lahayd kumanaan kun oo sano. Subxanallaah.

Videogan yar wuxuu inaga wadi doonaa dhulkeennaa, wuxuuna ina geyn doonaa ama uu ina soo tusi doonaa koonka Ilaahay, wuxuu ina dhaafsiin doonaa Ploto oo ah meeraha ugu dambeeya meerayaasha BAHDAY CADCEEDDU KULMISAY, kaasoo haddii markabadda fiddaa’iyaadka ay xaggiisa u duusha ay ku qaadan lahayd safar aanan ka yareen 30 sano.

Marka intaasoo koon iyo khalqi Ilaahay aan ka baxno waxaanu geli doonnaa abuur kale, waxaan soo arki doonnaa xiddigo waaweeyn oo dhalaalaya, xiddiga uguyarna uu balaayiin mar ka weyn yahay cadceeddeenna, waxaan sidoo kale soo arki doonnaa malaayiin meerayaal ah, oo kuwooda ugu yar ay balaayiin mar kaweyn yahiin cadceeddeenna.

Haddaynu rumeysneen in waxa ugu weyn koonka ay tahay cadceedda, waxan arki doonnaa balaayiin mujarraad xiddigo iyo meerayaal ah oo wada dalaalaya, kuwaasoo cadceedda iska dhaafee xataa BAHDAY CADCEEDDA KULMISA masaafada ay ku fadhiyaan uu halkii xiddig ama meere ka weyn yahay.

Waxaynu gaari doonnaa cirifka dambe ee koonka, inta ilaa immika la ogsoon yahay, waana meel ku siman fogaanta dhulkeenna ay u jirta 13. 7 Billions years oo xawaaraga iftiinka ah.

Xusuuso halkii sano oo xawaare iftiin ah waa 9,46 trillion km. Bal ka warran 13,7 billions years iftiin ah? Masaafadaasi xisaabteeda sidee lagu qori karaa? Ma ahan millions, waa Billions waa 13,7 billions years.

Markaas baa waxaad dib ugusoo laaban doontaa dhulka, oo aad arki doontaa halka aad koonkan weyniga badan ka joogto.

Waxaadna soo xusuusan doontaa xaddiiskii nebiga suubban (NNKH), ee ahaa ”Haddii adduunyadu ay Allaah agtiisa ka leedahay qiimo la eg garab kaneeco, gaal kabbasho biyo ah kamuu siiyeen”.

Intani, waa samada koowaad iyo hoosteeda, bal ka warran lixda sama ee kale, iyo carshiga weyn ee Raxmaanka? Kuwaasi wuxuu nebigeenna suubban ka yiri habeenkii dheelmitaanka ”Ma jira samada meel afar farood ladhiga, illaa Malak baa ku rukuucsan ama ku sujuudsan, saa waxaan dul joogsanaynay Malak rukuucsan ama sujuudsan.

Halkee baynu innaga ka joognaa koonka Ilaahay? Kii arka qormadan, ee daawada videogan yar, war hooy cibaadadaada Rabbi waxbo ugama baahno, ee adiga uun bay ku anfacaysaa. U noqo Rabbigaa oo u toobad keen.

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]

Maxaa xaley ka dhacay MUQDISHO?warar dheeraad ah.

Muqdish (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xaley ka dhacay howgallo lagu adkeenaayo ammaanka, kuwaasoo looga gun lee yahay siddii loo yareen lahaa khalkhalka magaalada ku soo kordhay.

Wasiirka amniga oo ay wehliyaan saraakiisha ciidamada dowladda ayaa xaley kormeeray qaybo ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir si ay ugu kuur galaan xalada ammaanka.

Goobaha ay tageen mas’uuliyiintan waxaa ka mmid ah Ex-control Balcad,Ex-control Afgooye, Jidka warshadaha,Dayniile, Howlwadaag, iyo goobo kale.

Markii uu soo dhammaaday kormeerkooda ayaa waxaa saxaafada la hadlay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Cabdixakiin Daahir Siciid wuxuu sheegay in kormeerkooda uu la xiriiray siddii ay u soo qiimeyn lahaayeen xaalada ammaanka magaalada Muqdisho oo labadii habeen ee la soo dhaacay laga maqlay qaraxyo iyo madaafiic.

Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga fogaado wax kasta oo khalkhal galin kara ammaanka.

Kormeerka mas’uuliyiinta dowladda ay xaley ku sameeyeen ayaa daba socoday kulan shaley ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu ka qayb galay ra’iisal wasaaraha kaasoo looga hadlay wax yaabaha sababta u ah in magaalada oo ay gacanta ku heyso dowladda laga maqlo madaafiic xooggan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaad kala socotaa qorshaha uu R/W Turkiga u tagayo Muqdisho dhowaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Raisul Wasaaraha Dalka Turkey, Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa in uu dhowaan Booqasho Rasmi ah ku yimaado Magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya. Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa shalay galab ilaa xalay kulan kula lahaa wafti hordhac ah dhismaha Safaarada Turkey ee magaalada Muqdisho, waftigaa oo u gogol xaaraya booqashada raisul wasaaraha qiimaha badan Recep Tayyip Erdogan.

Raisul wasaaraha Turkeyga ayaa la filayaa inuu booqdo mashaariicda iyo dib udhiska dalkiisu ka wado magaalada Muqdisho, waxaa la sheegayaa in Raisul wasaaraha Turkeyga uu xariga ka jari doono Isbitaalka Digfeer oo qaab casri ah u dhiseen dalka Turkey-ga.

19-ka August 2011 ayaa RW Recep Tayyip Erdogan iyo qoyskiisu booqasho taariikhi ah ku tageen magaalada Muqdisho xiligaa oo abaar Macluul daran wadata ka jirtay dalka Soomaaliya, Raisul wasaaraha Turkeyga oo ay wehliyaan xaaskiisa iyo ilmihiisa ayaa xiligaa booqday xerooyinka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho, isagoo dareenka Caalamka usoo jeediyey in dadka Soomaaliyeed wax loo qabto.

Safiirka Turkeyga u fadhiya Soomaaliya iyo hay’adaha Turkeyga ee ka ka hawl gala muqdsisho ayaa xaqiijinaya imaanshaha Raisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ka hor in la dhamaystiro wadada isku xirta Garoonka iyo Madaxtooyada, sidoo kale waxaa si xawli ah lagu wadaa oo dhamaystir haatan jooga wadada ka baxda KM 4 ee tagta Isbitaalka Digfeer, wadooyinkaas oo la qorsheynayo in Raisul wasaaraha Turkeyga iyo Saxaafada la socoto ay mari doonaan.

Inkastoo shacabka Soomaaliyeed uu u mahad celinayo Dawlada Turkey-ga, Shacabkeeda iyo Raisul Wasaaraheeda qiimaha badan Recep Tayyip Erdogan haddana waxaa ay jeclaan lahaayeen in waftiga Raisul wasaaraha iyo saxaafada la socoto aan socodkooda lagu ekeynin wadooyinka yare e dib loo dhisay ee ay kamidka yihiin wadada Maka Al Mukarama ee tagta Madaxtooyada iyo wadada Tagta Isbitaalka Digfeer, shacabka Muqdisho waxaa ay jeclaan lahaayeen in waftiga Raisul wasaaraha ama ugu yaraan saxaafada la socota la marsiiyo wadooyinka ugu waaweyn magaalada Muqdisho balse haatan burbursan, wadooyinkaas oo kala ah Jidka Wadnaha, Jidka Sodonka iyo Jidka Warshadaha, Jidka wadada Madiina ee taga ilaa Xoosh, Wadada Sanco ilaa Suuqa xoolaha si raisul wasaaraha qiimaha badan iyo shacabkoodu ay gacan uga geystaan dib udhiska wadooyinkaas halbowlaha u ah nolosha Muqdisho.

Dalka Turkeyga ayaa ah wadan usoo gurmaday shacabka Soomaaliyeed xili ay baahi weyn u qabeen, shacabka Soomaaliyeedna wuu ogsoon yahay abaalka dawlada iyo shacabka Turkeyga u galeen shacabka Soomaaliyeed, Dawladda iyo shacabka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay ka faaiideystaan Mashaariicda Dawladda Turkey-gu ka fulinayso guud ahaan Dalka Soomaaliya mashaariicdaas oo isugu jira dib udhiska wadooyinka, xarumaha Caafimaadka iyo xarumaha Waxbarashadaba sidoo kale shacab iyo dawladba waa inaan xasuusnaanaa oo aan u abaal gudnaa cid kasta oo wax na tartay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Wasiirka ammaanka qaranka ee DF oo xalay ku dhawaaqay qorshe cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dib u habeyn xooggan lagu sameyn doono dhammaan laamaha ammaanka kaddib markii labadii habeen ee la soo dhaafay degmooyinka magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo iyo madaafiic.

Wasiirka ayaa sheegay in maanta uu la kulmay dhammaan guddoomiyihaasha gobalka Banaadir, saraakiisha ciidamada iyo ururada bulshada raydka.

Wasiir Cabdikariin oo la hadlaayay Radio Muqdisho ayaa siddoo kale tilmaamay in aan la yeeli doonin sababta keentay in shakhsiyaad ka tirsan in ay magaalada khalkhaliyaan.

Wuxuu kaloo sheegay in cid kasta lala xisaabtami doono.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa xalay aad loo adkeyay, waxaana isgoys kasta la dhigay ciidamo fara badan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in madaxda degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada looga baahan yahay in ay ka keenaan jawaab cad ah.

“Waan ka xumahay khal khalka iyo cabsida la geliyay shacabka labadii habeen ee la soo dhaafay, kooxaha caddowgu waxay ka faa’iideysanayaan dal daloolada amniga ee jira, waana in gacan bir ah looga hortagaa, oo ay cabsadaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]