Wasiirka ammaanka qaranka ee DF oo xalay ku dhawaaqay qorshe cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dib u habeyn xooggan lagu sameyn doono dhammaan laamaha ammaanka kaddib markii labadii habeen ee la soo dhaafay degmooyinka magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo iyo madaafiic.

Wasiirka ayaa sheegay in maanta uu la kulmay dhammaan guddoomiyihaasha gobalka Banaadir, saraakiisha ciidamada iyo ururada bulshada raydka.

Wasiir Cabdikariin oo la hadlaayay Radio Muqdisho ayaa siddoo kale tilmaamay in aan la yeeli doonin sababta keentay in shakhsiyaad ka tirsan in ay magaalada khalkhaliyaan.

Wuxuu kaloo sheegay in cid kasta lala xisaabtami doono.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa xalay aad loo adkeyay, waxaana isgoys kasta la dhigay ciidamo fara badan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in madaxda degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada looga baahan yahay in ay ka keenaan jawaab cad ah.

“Waan ka xumahay khal khalka iyo cabsida la geliyay shacabka labadii habeen ee la soo dhaafay, kooxaha caddowgu waxay ka faa’iideysanayaan dal daloolada amniga ee jira, waana in gacan bir ah looga hortagaa, oo ay cabsadaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com