C/llaahi Shirwac: Xoriyad siyaasadeed kama jirto Somalia xilligan”, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo madax u ah mid ka mid ah ururada bulshada ee ka dhisan Muqdisho, ayaa sheegay in Soomaaliya xilligan aysan ka jirin xoriyad siyaasadeed, wuxuuna arrintaas ku sababeeyay in qof kasta uu cabsanaayo maadama haddii uu ka hadlo arrimaha siyaasadda la dilaayo.

Shirwac ayaa sidoo kale tilmaamay Soomaalida in xilligan aysan u bisleen xoriyad siyaasadeed,isagoona intaas ku daray in ay ku jiraan dagaal iyo qax.

“Dadka ku dhaqan Koonfurta dhibaatooyin fara badan ayaa heesta, markii ay nastaan ayey gaari karaan xoriyad siyaasadeesan” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in dalka xillugan aanu lahayn dastuur rasmi ah iyo nidaamka axsaabta badan, taasoo aan la heylin waxa ay muujineysaa ayuu yiri in doorasho One Vote iyo Man aysan ka dhici doonin sannadka 2016-ka.
“Dadka ku nool Koonfurta iyo Bartamaha waxa ay ku dhex nool yihiin Dagaal iyo Nolal”marka ma filaayo xilligan in la joogo xoriyada siyaasadeed” ayuu yiri Cabdulaahi Shirwac.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com