CABDI WELI Gaas oo Muqdisho tagaya dhowaan iyo qorshaha socdaalkiisa

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay tagaan magaalada Muqdisho, si ay uga qayb gallaan aaska halkaas loogu samaynayo allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Xasan ayaa todobaadkan bilowgiisii ku geeriyooday isbitaal ku yaala magalada Minneapolis halkaasoo mudo ku xanuun sanaa, wuxuna Ra’iisul wasare Somalia kasoo noqday intii u dhaxaysay 1964 -ilaa 1967-dii.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen,ayaa ku dhashay deegaanka la yiraahdo Ceelwacayseed gobolka Nugaal, wuxuuna Baarlamanka Somalia kasoo galay degmada Eyl sanadku markuu ahaa 1959-kii.

Ka qayb galka aaska Marxum Cabdirisaaq waxaa ku wehelinaya Madaxwaynaha Puntland wasiiro iyo Isimo iyadoo wararku sheegayaan in maanta maydka Marxuumka laga soo qaadi doono wadanka Maraykanka.

Xiriirka Puntland iyo DFS ayaa go’an mana jirto ilaa iyo hada isa-soo dhowansho muuqda walow Madaxwayne Gaas uu sheegay wax kasta oo la isku hayo in lagu dhamayn doono sida sharciga uu qabo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com