Nabaddoon Xaad oo si kulul dowladda ugu canaantay ficiladii ka dhacay…!

Muqdisho (Caasimada Online) Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah guddoomiyaha golaha dhaqanka Muqdisho ayaa caawa talooyin muhiim ah siiyay dowladda Soomaaliya, haddii ay rabaan in ay wax ka qabtaan ammaanka caasimada Muqdisho.

Wuxuu sheegay ammaanka magaalada Muqdisho in uu ku dhow yahay in uu faraha ka baxo sida uu hadalka u dhigay, madaxda dowladdana ay diiddan tahay in la tashato shacabka ku nool magaalada.

Wuxuu sheegay wixii ka dhacay Muqdisho labadii habeen ee la soo dhaafay in ay muujinayaan heerka ammaanka magaalada.

Nabadood Xaad ayaa qiray in wax wadashqeyn ah uu ka dhexeynin madaxda dowladda, sarakiisha ciidamada iyo shacabka.

Wuxuu ugu baaqay golaha wasiirada xukuumada Cabdiweli haddii ay rabaan in ay wax qabtaan haka soo baxaan madaxtooyada iyo meelaha ku dhowdhow, “Waa in aad degtiin Jidka Wadnaha, Warshadaha iyo Sodonka” ayuu yiri.

Ugu dambeyn nabadoonka ayaa sheegay in ay wax badan oo faa’ido u ah dowladda Xasan Sheekh ay hayaan balse meel ay ku hagaajiyaan aysan heynin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com